SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUSHARAX

Muwaadin soomaaliyed oo ku dhaqan Dalka Ingiriiska oo shaaca ka qaaday inuu isu soo taagayo Jagada Madaxweynaha Soomaaliyeed.


Dr. Nuur Xasan Rooble - Musharax isu soo taagay Madaxweynaha Somalia;


Birmingham uk:-Waxaa si toos ah u shaaciyey inuu u sharaxanyahay jagada madaxwaynaha Somalia Dr; Nur Hassan Rooble oo ah Aqoonyahan ku xeel dheer Maamulka iyo dhaqaalaha, isaga oo maanta shir ku qabtay magaalada Birmingham ee cariga U K. waxaana uu si toosa u sheegay inuu U sharaxan yahay isla markaana uu ku kal soon yahay in uu ku guuleysan doono lana dooran doono.isaga oo kaashanaaya qibrada uu uleeyahay siyaasada dhaqanka soomaaliyeed iyo diinta muslimka.

Dr. Nur wuxuu ku dhashay magaalada muqdisho sanadku markuu ahaa 1955 Waxbarashadiisa dugsiga dhexe/ hoose / sare wuxuu kuqaatay xamar jaamacadiisana wuxuu ku qaatay dalka sacuudi carabiya magaaladiisa riyaad. Waxuuna soo bartay cilmiga dhaqaalaha .

Dr. Nuur waa Siyaasi si weyn looga yaqaan dalka Soomliya waxaana uu shaqooyin heer Maamul ah kasoo qabatay bangiyo Caan ka ah dunida oo ku kala yaala dalalaka Khaliijka iyo Yurub.

Dr, Nur waxaa kaloo uu soo maray ganacsi xoogan uu ka sameyey dalalalka Carabta iyo Bariga Assiya waxuuna xiriiro adag la leeyahay gancasato aqoonyahno iyo rag xilala sare ka haya dunida.

Intii lagu jiray mudadii burburka Dr, Nur waxuu kaalin xoog leh ka soo qabtay nabadeyntii dalka waxuuna jago la taaban karo ka soo qabatay Ururkii USC oo ka ahaa ninka u qabalisan ganacsiga iyo xiriirka Caalamiga ah markii dowladii Cali Mahadi Maxamed lagu soodoortay Djabuuti waxuu ahaa odayaashii Bud dhiga u ahaa talooyinka wax ku oolka ah oo ay ku shaqeyneysay dowladda.

Dr. Nuur waxuu kaloo si weyn uga dhex muqday shirarkii dib u heshiisiinta Soomliyeed oo ka kala dhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba haba ugu danbeeyee shirkii kadhacay magaalada muqdisho oo beelaha soomaaliyeed oo dhan ay kasoo qeybgaleen.

U soo istaagida Dr. Nuur Xilka madaxtinimada Somalia ayaa waxaa soo dhoweyey dad badan oo aqoon u leh waxqabdkiisa kuna dhaqan dalka engiriiska magaalooyinkiisa kala duwan. Waxaana uu shaaca ka qaaday inuu wax weyn ka bedeli doono hanaanka maamul ee hataan ka jira Somalia oo ah waqti aad u adag.

Dr. Nuur oo hataan ku sugan Cariga ingiriska magaalda Birmingham ayaa is sharaxaadiisu ku soo aaday xili ay dowlada somaliya iyo mucaaradku ku heshiiyeen in ay dowlad loo dhan yahay dhistaan waxaana larajeynayaa in ay doorashada madax weyna nimada somalia ay dhacdo 26/01/2009 iyada oo dalka ay ka jirto amaan xumo waxuuna sheegay inuu wax weyn ka qaban doono sida amaanka dhaqalaha waxbarashada iyo soocelinta hanankii dowladanimo ee soomaaliya ku laheyd caalamka. Intiisa kale iyo in uu dib uhishiisiin waarta ka dhalaindoona dhamaan bulsha weynta soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

Sidoo kale musharax nimadaa Dr. Nur ayaa waxaa si weyn looga soo dhaweeyey dalal badan oo imaardka carbtu u horeeyey oo jaahliyadaha ku nool durba ay diyaariyeen qaban qaabo loogu jiro soo dhoweynta Dr. Nur
Sidoo kale magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Balcad, Mareeg Xaradheere, cadale ,ceeldheer,warsheekh iyo magaalooyin kale ayaa hataan waxaa ka socda abaabulo ku aadan imaatinka musharxaan awooda siyaasdeed ku leh. deegaanadaas.

Waxaana dadka siyaasadda saadaaliyaa ku tilmaameen inuu yahay rug cadaa dhaafin kara xaalada qalafsan ee soomaaliya ku jirto Xiligan kala guurka ah.

La xiriir:
nurhassan@hotmail.com
Birmingham U k.


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS