SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUSHARAX

Xassan Abshir oo Isu Sharaxay Madaxweynaha DFKMG

Xassan Abshir Faarax ayaa Jan 17, 2009 isu Sharaxay Madaxweynaha Dawladda Federaalka KumeelGaarka ee Soomaaliya, waxana uu shir jaraa'id oo uu arrintaas musharaxnimada kaga hadlayo ku qabtay Nairobi.

Qoraalkii shirka Jaraa'id ee Xasan Abshir iyo qorshihiisa siyaasadeed hoos ka akhri...

Bismillahi Al Rahmani Al Rahim

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka, asalaamu calaykum wa raxmatullahi wa barakaatuhu. Salaan ka dib, markii aan dhegaystay talo jeedinta in badan oo ka mid ah waxgaradka ummadda Somaliyeed, waxaan goostay anigoo ah Xassan Abshir Faarax in aan isu soo taago tartanka jagada Maxawaynanimada Dawladda Federalka Kumeelgaarka ah ee Somaliyeed.

Maanta oo taariikhdu tahay 17/01/2009, Sabtida, goobtuna tahay magaalada Nairobi, waxaan caddeynayaa in aan u taagnahay musharraxnimada Madaxweynaha Dawladda Federalka Ku Meelgaarka ah ee Somaliya. Waan hubaa in ay xildhibaanada Somaliyeed igu taageri doonaan hawshatan, haddii Allaha awoodda lahi idmo.

Mudanayaal iyo Marwooyin, haddii aan ku guulaysto, insha allah, jagada Madaxweynanimada ee Somaliya, aniga iyo Raisul Wassaraha aan mgacaabi doono iyo xukuumadda uu soo dhiso doono, tallaaabooyinka wax ku ool ka ah oo aan qaadi doono waxaa ka mid ah kuwa hoos qoran.

• Waxaan ku soo dabaali doonaa gayiga Somaliya nabadgelyo buuxda iyadoo aan ku dhaqmi doono shareecada islaamka.

• Waxaan dhisi doona ciidamo (military, police iyo kuwa asluubta) oo tiro iyo tayaba leh, loona dhameeystiro qalabkooda iyo xuquuqdooda ciidan.

• Waxaan gaarsiin doona dib u heshiisiin buuxda beelaha, kooxaha iyo ummaddda Somaliyeed oo dagaalka ahliga ahi kala dilay muddo ku dhow (20) labaatan sandadood.
• Umaadda Somaliyeed waxaa lagu dhaqi doona ganacsiga xorta ah, marnaba lama ogalaan doono midka xirxiran (monopoly).

• Markii ay xukuumaddu ururiso dhakhliga, waxa ay ku fullin doontaa adeegyada bulshadu u baahan tahay ee muhimka ah, sida, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, isgaarsiinta, waddooyinka iyo nabadgalyada.

• Waxaa la abuuri doonaa lana dardargelin doonaa kalsoonida shacabka ku qabo dawladda iyadoo sare loo qaadi doono wacyi gelintooda.

• Waxaa la dhamaystiri doonaa, lana hirgelin doonaa Dastuurka Dawladda Federalka Kumeelgaarka ah, isagoo waafaqsan shareecada islamka, si qof kastaba hal cod u yeesho (one man one vote), markii doorashad xorta ah la gaaro.

• Waxaa la hergelin doonaa garsoor iyo caddaalad xaq ku dhisan, goballada iyo dawlad gobaleedyada dhexdooda.

• Waxaa la kobcin doona ilaha dhaqaalaha, ururinta canshuuraha iyo ka ilaalinta dakhliga dawladda in la lunsado ama dad kooban sidii ay doonaan ugu takrifashaan.

• Dawladdaha dariska la ah Somaliya, waxaan kula dhaqami doonaa xiriir daris wanaag, is xurmayn iyo wax wada qabsi.

• Ugu danbeyntii, Dawladda Federalka waxaan u soo jeedinayaa in aysan ku degdegin dhisid xukuumad iyada u gaar ah. Sidoo kalana, mucaaradku meel kasta oo ay joogaan waxaan u soo jeedinayaa in ay ka soo qaybgalaan dhismaha dawlada loo dhan yahay. Maxaa yeelay, ummadda Somaliyeed waa ka daashay dagaal sokeeye, waxayna u baahan tahay nabad waarta, xasilooni iyo dawlad caadil ah.

Wabillahi Tawfiiq

Xildhibaan Mudane Xasan Abshir Faarax
La xiriir: webmaster@hassanabshir.net

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS