SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirka Jabuuti Siihayaha Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeynta Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur“shirkan wuxuu ahaa, shir lagu soo gebagabeynayo dhisme Dowlad Midnimo Qaran…”

Shir Al-baabada u xiran oo socdey saacad iyo dhowr daqiiqo oo ay isugu yimaadeen Gudiyada siyaasada TFG, ARS iyo xubno ka socda bulshada Rayidka oo uu shir gudoominayo ku simaha Wakiilka gaarka ee arimaha siyaasada Qaramada midoobey Soomaaliya Amb: Waliid, oo goob joogna ay ka ahaayeen wakiilada Ururada caalamiga iyo xubno ka socdey xuquuqda aadanaha ayaa uga furmey caasimada dalka Jabuuti 15/01/2009 abaaro shantii iyo bar Galabnimo

Shirkaan oo aan si rasmi ah loo shaacin waxyaabaha looga doodayey ayaa xiriiro kala duwan oo aan la sameyney kasoo qayb galayaasha shirka, waxay ii sheegeen in kulanku uu ahaa mid furitaan oo keli ah, islamarkaana warbixino yar yar laga dhegeysanayey Gudi hawl wadeen ah oo ka koobnaa 10 xubnood iyo dib u eegista waxa ka hirgaley qodobadii heshiiska, madaama xiligii lagu wadey shirka inuu furmo uu maalin dib uga dhacay, islamarkaana xubnaha ka qaybgalayaashu ay ahaayeen kuwo yimid isla xili ku dhow furitaanka shirka.

Sii hayaha xilka Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeynta Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo aan wax ka weydiiyey waxyaabihii layskula soo qaadey ayaa waxaa uu ii sheegey “shirkan wuxuu ahaa, shir lagu soo gebagabeynayo dhisme dowlad midnimo Qaran, waxaana lagu talo jiraa in Baarlamaanka DFKMG ay yimaadaan caasimada dalka Jabuuti, shirkuna wuxuu socondoonaa ku dhowaad shan maalmood, waxaana shir gudoominayey kusimaha Axmed Wallad Cabdalla” ayuu yiri xildhibaan Xabeeb

Mar uu ka hadlaayey hadalada ka soo yeeraya siihayaha xilka madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Sheekh Aadan madoobe ayaa wuxuu yiri “TFG iyada dhexdeeda ayaa wada hadleysa, wixii kala aragti duwanaansho ahna, iyada dhexdeeda ayaa dhameysaneysa” ayuu yiri xildhibaanku.

Mar aan weydiiyey xubnaha ka Hadley shirka ayaa wuxuu yiri “shirka waxaa ka Hadley Ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen, waxaa uuna sheegey in ay ciidamada Ethopia ay ka baxeen gudaha magaalada Muqdisho, shacabka soomaaliyeedna uu u ooman yahay taageerada beesha caalamka, sidoo kale shirka waxaa ka Hadley Sheekh Shariif, waxaa uu isna soo dhaweeyey ka bixitaanka ciidamada Ethopia” ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo iigu waramayey isla goobta shirka uu ka dhacey markii uu soo gebageboobey, inkastoo aysan inoo suuragelin inaan la kulmo xubnaha ARS-ta ka socdey waqtiga oo ciriiri ahaa awgeed, in kastoo hadalo is burinaaya ay ka soo baxayaan xiliga shirka uu soo gebageboobayo, dadka qaar waxay sheegayaan in shirku uu soo xirmayo ilaa doorashada madaxweynaha iyo dhismaha xukuumada cusub.

Hase ahaateen furitaanka Shirkaan oo u muuqda mid lagu soo af-jarayo shirkii dhinacyada TFG iyo ARS uga socdey Caasimada dalka Jabuuti ee soo bilowdey horaantii sanadkii tegey ee 2008-da oo ay garwadeen ka tahay Qaramada midoobey qaybteeda arimaha siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, xili uu xilka Madaxweynenimada ka degey Col/ Cabdullaahi Yuusuf oo sheegey ku dhowaad nus Qarni in uu Qaranka Soomaaliya u shaqeynayey, islamarkaana sababo kala duwan u yeeley iscasilaadiisa, taasoo keentey dersino su’aalooyin ah oo taabanaya dhinacyada wadahadalada uu u socdo iyo hawlwadeenada shirka.

Sidoo kale siihayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya oo isna u muuqda mid ku socda wadadii ay ku baxeen labadii mas’uul ee ay jeelka wada ahaayeen ayaa waxaa ka soo yeeraya hadalo xiligoodii dhamaadey, islamarkaana u baahan in wax badan layska weydiiyo awooda DFKMG ay yeelaneyso xiligan iyo fulinta sharci waqtigiisa sii dhamaanayo oo aan loo hayn taageerada beelaha danleeyda caalamka.

Sidoo kale waxaa taagan su’aal ah caasimada dalka Soomaaliya inta badan waxaa gacanta ku haya kooxaha ka soo horjeeda DFKMG iyo xulufadeeda, iyadoo walib ay u sii dheer tahay khilaafka ku dhex jira xoogagan la wareegey goobahan kala duwan iyo soo xulista Baarlamaanka cusub ee lagu kordhinayo iyo ka bixitaanka ciidamada Ethopia Magaalada Muqdisho.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS