Ogeysiis: Adeeggii dadweynaha ee xafiiska senator Coleman oo la
joojiyey
Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed la ogeysiinayaa in dhamaan adeeggii loo
aadi jirey xafiiska Senator Coleman la joojiyey. Waxaana dadka lagu
wargelinayaa inay la xiriiraan xafiiska Senator Amy ama xafiisyada
Congresskooda. Ilaa 400 oo case ayaa hadda furnaa oo in ka badan 200 oo
ka mid ahi ay Soomaali lahaayeen. Hadda xafiiska si rasmi ah ayuu u
xiran yahay.
Doorashada Xafiiska senate ee gobolka Minnesota ayaa gashay marxalad
adag iyo dib u tirin iyo dacwo. Hadaba inta lagu kala baxayo Minnesota
waxay uun lahaan doontaa hal senator oo ah Senator Amy Klobuchar oo
lagala xiriiri karo:
http://klobuchar.senate.gov/contactamy.cfm
Senator Coleman waxaa uu u mahadcelinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed
waxaa uu ku faraxsan yahay adeeggii uu u qabtay Soomaalida iyo kulamadii
badnaa ee uu la yeeshay Soomaalida nooc walba leh. Waxaa uu la soo
joogay Soomaalida waqtiyo fiican iyo waqtiyo xunba. Haddii uu dacwada ku
guulaysto waxaa uu balan qaadayaa inuu hore ka sii wadi doono adeeggii
looga bartay ee mudada 6da sano ee uu ku caanbaxay. Siyaasiga wanaagsan
waa kii jecel u adeegga dadka uu mathalo isla markaana dhegaysta oo aan
dantiisa ka hor marin dantooda. Aqoonyanno Soomaaliyeed oo degan
Minnesota ayaa aaminsan in:
1) Senator Coleman uu ka doortay Soomaalida dhamaan minoritiyada badan
ee ku nool Minnesota oo uu mudnaan weyn siiyey.
2) Inuu aad isugu dayey inuu codka Soomaalida gaarsiiyo Washington DC
ama caalamkaba xalna loo helo Soomaaliya
3) Inuu noqday Senatoorkii ugu horeeyey ee toos ula xiriira dad
Soomaaliyeed arrimaha Soomaaliya asagoo aanan marin dawlado kale ama
NGOs ama UN sida senators badan sameeyaan. Dadka Soomaalida waxay jecel
yihiin in si toos loola soo xiriiro oo aan loo soo marin NGOs
4) In uu noqday saaxiib Soomaaliyeed. Soomaaliduna baratay ilaa ay si
toos ah ugu yiraahdaan “xisbigaaga jamhuuriga waan neceb nahay laakiin
adiga waan ku jecel nahay”
5) Waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah. Inuu ahaa senatorka
keliya ee labada xisbi ee ka hadlay Human Rights of Somalia ana Oromo
gaar ahaan waxaa la xasuusan doonaa warqaddii uu u direy Mille Zenawi.
Fariin ka socota Maxamuud Nuur Wardheere oo la shaqeeya Sen. Coleman
Waxay ii ahayd sharaf iyo wanaag in aan mudo lix sano ah u adeego reer
Minnesota gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed. Inkastoo aanan ku guulaysay
qofkasta oo nala soo xiriiray inaan waxa uu rabay u samayno, haddana dad
badan ayaan u adeegnay. Ilaah uunbaa qofkasta kaafin kara awooda
bani’aadamka waa kooban tahay. Waqtiga waa uu adkaa waana dheeraa
shaqaduna waa dhib badnayd laakiin qibrad badan ayaan ka helay. Waxaan
ilaahay uga baryayaa umadda Soomaaliyeed inuu siiyo nabad iyo dawlad si
fiican ugu adeegta, waayo umadda oo loo adeegaa ayaa ka fiican umadda oo
la dhibaa. Waa fursad qaali ah in qof la weydiisto inuu umad u adeego.
Asagana waa waajib saran inuu si wanaagsan intii karaankiisa ah ugu
adeego umadda.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com