SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hey'ada cogwo oo markii 20aad dad cuduro hayaan dhaqtaro dibada ah u qadaymaanta

Ahmed Adan Abdi oo 24 Hour guduhood gurmad caafimaad lagu geeyey Kenya iyo hay.adda cogwo oo ugu baaqeysa dadka xaaladoodu liidato ee dalka gudhiisa wax looga qaban waayey in ay la soo xiriiraan .

Kadib markii Madaxda hay.adda COGWO Kula xariirtey Abdi Muuse Maaxaay Qadka telephoonka ayaa waxaa loo sheegay in uu jiro Canug yar oo madaxa biyo kaga jira oo u baahan xaalad caafimaad oo deg ah.

Waxaa arintaan iska kaashadey COGWO iyo Abdi Muuse Maaxaay oo ah u shaqsi caawiyo dadwaynaha Somaliyeed ee dhibaataysan waxayna u sameeyeen gurmad caafimaad .

Sahro Maxamed Axmed “Dhamaan umada somalilyeed waxaan ugu baaqeynaa in ay fiiryaan dhibaatada heysata caruurta iyo haweenka”sahro ayaa ku dartay intaa arintaa hoos haloo fiiriyo nabadana ha lagu dadaalo xili ay sagootineysay hooyo soomaliyeed oo wiilkeeda dalka gudihiisa wax looga qaban waayey loona dulinayey isbitaalka kajaba eek u yaal dalka Kenya.


Gudoomiyaha hay.adda cogwo Sahro Maxamed Axmed “canugaan yar waa kii 20aad ee aan ku guleysano una qaadno kajaba hospital iyo kuwo kale oo dalka dibadiisa ah ka dib markii dhaqaatiiru wax ka qaban waayeen “

Cuduradaan ayaa waxay ka dhashaan baaruuda iyo rasasta urta ka timaada oo iyaga laga sameeyo waxyaabo kiimiko ah si ay naflayda u dhibaateyaan

Dalka somaliya ayaa wheel u noqday ridida xabadaha iyo madaafiicda waxaana sahlan in aad aragto qof la dilay, la dhaawacay ama madfac uu ku dhacay dabadeedna cad cad u kala go.ay waxaana soo badanaya cudurada ka dhasha baruudka faraha badan iyo qaraxyada inta ay ku dhacaan waxaa u sii dheere cudurada laga qaado sida ay xaqiijiyeen in badan oo ka mid ah dhaqatiirta fara ku tiriska ah ee joogo dalka gudihiisa

Maama sahra ayaa u mahad celisay Maaxaay iyo kooxdiisa samafaasha ah reer maraykan kuwaas oo suurta galiyey in uu meel mar noqdo gargaarkaan deg deg ah ee loogu gurmanayey wiilkaan la ildaran xanuunka dalka gudihiisa wx looga qaban waayey

Sidoo kale sahra ayaa ilaah uga bariday in uu wiilkaan oo caafimad qaba uu dalka dib ugu soo laabto .waxayna shegtay in dhamaan dadkii ay qaadeen lagu guuleysta daaweytooda marka laga reebo Xasan Cali Isaaq oo dhawaan loo qaaday dalka Kenya cudurka haayana la cadeeyey in aan waxba laga qaban Karin .

Hooyo Iisha Xasan Cabdala iyo wiilkeedii madaxa ka weynaaday oo gargaar bini aadanimo ka helay hey.adda cogwo .Cabdi Muuse Maaxaay .qaar ka mid ah jaaliyada daha menabulis , texas, Canada iyo websiyada qaar oo bulshada u soo bandhigay dhibatada heysa in badan oo ka mid ah caruurta somaliyeed oo ka dhashay qoysas aan heli Karin dhaqaale iyo fursad ay ilmahooda ugu radiyaan dhaqaatiir cafimad oo qibra u leh cudurada sidaan oo kale ah

Waalidiinta wiilkaan yare e 8 bilood jira ayaa saxaafada ugu sheegay gudaha garonka diyaradaha ee adan cade international airport oo ay ka dhofayeen hoyadaan iyo wiilkeeda iyaga oo gargar caafimad viso iyo tikit ka helay qaar ka mid ah jaaliyada somaliyeed eek u nool dalalka maraykanka iyo Canada.

Hooyo iisha ayaa u mahadcelisay intii ka qeyb qaadatay suurta galinta safarkooda aanay fileyn waxayna sheegtay in ay dhaqtar Nairobi ah u socoto loona soo dhameeyey isbitaalkii wiilkeeda la geyn lahaa iyo sidoo kale qarashkii ku bixi lahaa

Iisha “Wiilkeygu hada wuxuu jiraa 8 bilood cadurkaanune wuxuu ku dhacay isaga oo bala bilood jira aniga waxaan ogaaday wiilkeygu in uu madaxa ka weynaanayo sadax bilood ka hor meel ksatana waa geeyey hase yeeshee waa lagu guul daraystay in la daweeyo cudurka haaya wiilkeyga .waxaana u bandhignay bulshada somaliyeed oo noogu soo gurmaday sidii aan u badbadin laheyn wiilkeyga waana u mahadcelinayaa sdhamaan dadkii ka qeyb qaatay .


Wiilka iisha ayaa Mudo lix bilood ah xanuunsanaa iyaga oo waayey cid u daaweyso iyo qarash ay ku geeyaan isbitaalo dibada ah waxayna ahaayeen qoys somaliyeed oo danyar ah kuwaas oo aan awoodin in ay daweeyaan ilmahooda .

Maxamed Adan Mursal oo ah aabaha dhalay wiilkaan ayaa sheegay in ay u awoodi waayeen in ay daaweystaan wiilkooda wuxuuna intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wato in uusan weligiis ku fikirin hey.adda cogwo iyo Cabdi muuse maaxaay waxaana arintaan suurta galiyey qaar ka mid ah website_yada somalida oo aduunka ku faafiyey sawirkiisa oo laga naxayo waxaana intaa ka dib suurta gal noqotay buu yiri in ay gar gaar u fidiyaan muwaadiniin Somali ah oo uu hormuud ka yahay Cabdi Muuse Maaxaay wuxuuna codsaday aabahaan in hooyada wiilka dhashay ku filneyn xanaanayta wiilka xanuunsan uuna jeclaan lahaa in uu raaco isaga oo cidii gacanka siin karta ka codsaday in ay tikit u soo diraan


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS