Barnaamijka murashax Maxamuud Muuse Xirsi kuna aaddan muddada 2009-2012
Arbaca, 07-Jan 2009
I. HORDHAC
Garowe,Puntland:Sida la wada ogsoon yahay Puntland waxay u saan-qaadaysaa muddo
xil-hayn oo cusub kuna aaddan sanadaha 2009-2012 taasoo lagama maarmaan ka
dhigaysa in la asteeyo tub lagu gaaro ujeeddooyinka ka jawaabaya himilada
shacabka Puntland ee dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo
amniga.
Waxaan halka ku muujinayaa barnaamijka aan fulintiisa ku tala galay
haddii la ii doorto xilka Madaxweynaha D/goboleedka Puntland.
II. ARRIMAHA SIYAASADDA
Muddada xil-haynta ee ku aaddan 2009-2012 siyaasadda Puntland waxay ahaanaysaa
mid ka turjumeysa danaha muddada dhow/dhexe iyo muddada fog ee shacabka Puntland
isla markaana ka jawaabeysa xaaladda guud ee Soomaaliya, iyadoo la fulinayo
arrimaha soo socda:
1. Waxaa diyaarsan oo dhammaystiran qorshe sugan oo ku aaddan xoraynta iyo soo
celinta L/caanood.
Qorshahaan oo xiili aan fogeyn la fulin doono waa mid si ay kalsooni buuxdaa ku
jirto u meelmari doona iyadoo dhowaan haddii ALLA idmo ay L/caanood soo hoyan
doonto.
Waxaan halka ka caddaynayaa in xoraynta L/caanood ay tahay hawsha ugu mudan
uguna horraysa ee aan ka hawlgeli doono, iyadoo ay hubaal tahay in dableyda
maamulka W/galbeed laga saari doono magaalo madaxda gobolka Sool ee Puntland.
2. Adkaynta midnimada Puntland dad iyo dalba.
3. Hirgelinta iyo ku dhaqanka hannaan dimoqraaddi ah oo Puntland lagu daadihiyo
iyadoo la fulinayo arrimaha la xiriira dimoqraadiyeynta maamulka ee soo socda:
- a. tirinta dadka
- b. afti-gelinta dastuurka, iyo
- c. dhismaha axsaabta
- d. wacyi-gelinta dadweynaha lana xiriirta hawlaha dimoqraadiyeynta
- e. astaynta maxkamadda dastuuriga ee Puntland
4. Sugidda xiriir wanaagsan, xadgudub la’aan iyo is-xurmaynta Puntland iyo
qaybaha kale ee Soomaaliyeed guud ahaan iyo kuwa xuduudaha Puntland saaran gaar
ahaan.
5. Sare u qaadista xiriirka ay Puntland la leedahay dalalka adduunka lana
xiriira danaha Puntland iyo sidoo kale guud ahaan soomaaliya.
6. Xiriirinta iyo isku-xirka jaaliyadaha reer Puntland ee dibadda si ay
waajibaadka ka saaran danaha Puntland uga fuliyaan dalalka ay ku nool yihiin ama
ay ku sugan yihiin.
7. Sugidda xurmaynta heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee nidaamiya xuquuqda
aadanaha iyo xorriyadaha.
Wada-shaqaynta qaybaha dowladda
Golaha wakiilada, golaha xukuumadda iyo garsoorku waa isku hadaf ay ka dhexeyso
wada-shaqayn iyagoo ku wada hawlan fulinta danaha shacabka Puntland.
Sidaa darteed muddada xil-haynta ee bilaabanaysa waxaa la sii xoojinayaa
wada-shaqaynta qaybaha dowladda.
Waxaa kaloo sanadka u horreeyey dhexdiisa la bilaabayaa dhismo xarun cusub oo uu
yeelanayo golaha wakiiladu oo laga fulinayo isla goobta uu haatan goluhu ka
dhisan yahay.
Dhismaha cusubi wuxuu noqonayaa mid casri ah oo u qalma makaanadda iyo haybadda
golaha wakiilada DGPL.
Xiriirka federaalka
Hannaanka federaalku waa mabda’a shacabka Puntland oo aan sinnaba gorgortan iyo
ka fiirsasho u lahayn, sidaa darteed waxaa laga hawlgelayaa:
1. Xaddidaadda xiriirka la la yeelanayo dowladda federaalka oo ahaanaya mid ku
salaysan, si buuxdana u waafaqsan danaha iyo mabaadi’da ay ku dhisan tahay
D/goboleedka Puntland.
2. Soo dhoweynta iyo dhiirrigelinta siyaasadeed ee D/goboleedyo iyo maamulo ka
abuurma qaybaha kala duwan ee Soomaaliya.
3. Ka hawlgalka in dastuurka federaalku noqdo mid si buuxda u qanciya shacabka
Puntlnad,si waafi ahna uga jawaabaya danaha Puntland ee muddada fog.
III. ARRIMAHA NABADGELYADA
Si loo sugo loona tayeeyo amniga gudaha iyo difaaca waxaa lagu tallaabsanayaa
qorshe ku saabsan dib u habaynta ciidamada Booliska, Daraawiishta iyo Asluubta:
- Waxaa ciidamada loo qorayaa xubno cusub oo dhalinyaro ah oo dhammaysatay
waxbarashada dugsiyada dhexe iyo sare kuwaas oo akadeemiyada Carmo lagu siinayo
tababar dheer oo xirfadaysan
- Waxaa dib loo habaynayaa qaab-dhismeedka 3da ciidan.
- Waxaa dib loo nidaaminayaa xubnaha ciidamada ee hawlgabka ah oo la
xanaanaynayo lana daryeelayo caafimaadka iyo waxbarashada iyaga iyo qoysaskooda.
- Qoysaska xubnaha ciidamada waxaa loogu tala gelayaa goobo u gaar ah oo ay ka
iibsadaan raashinka iyagoo ku helaya ascaar ay dowladdu kabayso kana hoosaysa
tan caadiga ah
- Waxaa la dejinayaa nidaam lagu habaynayo darajooyinka xubnaha ciidanka
- Waxaa xubnaha iyo qaybaha ciidamada loo dhammaystirayaa labbiska rasmiga ah,
hubka, gaadiidka, isgaarsiinta iyo arrimaha ay ka midka yihiin hoyga, daryeelka
caafimaadka, waxbarashada carruurta iyo kaabayaasha kale.
- Waxaa ciidanka daraawiishta loo habaynayaa hab qaybo (sectors) iyadoo isla
markaana la fulinayo nidaam xeryo ciidan.
- Waxaa tababarro kala geddisan iyo wacyigelin joogto ah loo qorshaynayaa
xubnaha ciidamada.
- Waxaa dib u habayn lagu samaynayaa lana tayeynayaa maxkamadda ciidamada.
- Waxaa sare loo qaadayaa niyadda iyo haybadda xubnaha ciidamada.
- Waxaa la abuurayaa unugyo si gaar ah ugu xil saaran la dagaallanka
mukhaddaraadka, tahriibta iyo sidoo kale burcad-badeedka.
IV. GARSOORKA
Caddaaldda oo la sugo waxay ballan-qaad u tahay xasiloonida, nabad ku wada
noolaanshaha dadweynaha iyo kalsoonida muwaadinka.
Sidaa daraaddeed waxaa caddaaladda loo aqoonsan yahay, runtiina ayba tahay
tiirka udub-dhexaadka u ah jiritaanka ummad iyo bulsho kasta.
Puntland waxaa aragtideeda garsoorka ku aaddan saldhig u ah:
- Inaan lagu xadgudbin xuquuqda qofku u leeyahay nabadgelyada
naftiisa,hantidiisa & hoygiisa oo uu helo garsoor caddaalad ku dhisan.
- Dib u habaynta xeer ilaalinta guud iyadoo loo dhammaystirayo kaabayaasha laga
ma maarmaanka u ah habsami u socodsiinta hawlaha ay u xil saaran tahay.
- Ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo sugidda dhaqan celintooda.
- Abuuridda maxkamadaha guur-guura (mobile courts) si hawlaha garsoorka loo
gaarsiiyo goobaha fog-fog.
- Astaynta jawi abuuri kara kalsooni hufnaanta iyo caddaaladda garsoorka lagu
qabo.
- In tababar joogto ah oo hawlahooda iyo mas’uuliyadahooda la xiriira la siiyo
hawl-wadeennada garsoorka iyo kuwa xabsiyada.
- Dhiirri-gelinta iyo taageeridda ururro madax bannaan oo ka hawlgala arrimaha
la xiriira xuquuqda aadanaha.
- Dhiirri-gelinta kulliyadaha sharciga si loo helo aqoonyahanno ku takhasusa
laamaha kala duwan ee soo gala hawlaha garsoorka.
- Dhismaha xarumaha maxkamadaha degmooyinka harsan.
- Dhiirrigelinta maaddiga iyo macnawiga ah ee garsoorayaasha iyo hawl-wadeennada
kale ee garsoorka iyadoo la sugayo haybaddda garsoorayaasha sarena loo qaadayo
heerkooda maciishadeed iyo sugidda amnigooda shakhsiga ah.
V. ARRIMAHA BULSHADA
Waxbarashada
Waxay fiiro gaar ah iyo tixgelin la siinayaa horumarinta iyo tayeynta
waxbarashada iyadoo la garowsan yahay ahmiyadda ballaaran ee ay mustaqbalka
bulshadeena u leedahay.
Suurtagal ma aha in la toogeysto bal xataa lagu fakaro horumar iyadoo aan la
astayn, tigin adagna aan loo dhigin nidaam waxbarasho oo leh jiritaan waara.
Si loo xaqiijiyo arrintaas waxaa la fulinayaa arrimaha soo socda:
01. Ku barbaarinta ubadka caqiidada Islaamka iyo barashada Qur’aanka Kariimka ah
si loo helo jeyl ku hubaysan tarbiyadda Islaamka iyo dhaqanka suubban.
02. Xoojinta iyo tayeynta waxbarashada asaasiga ah.
03. Midaynta manaahijta heerarka kala duwan ee dugsiyada iyadoo la sugayo inay
dhaqanka Puntland waafaqsan yihiin.
04. Gaarsiinta adeegyada waxbarashada dhammaan degaamada Puntland.
05. Tababaridda macallimiinta, xoojinta barnaamijka waxbarashada dadka waaweyn
iyadoo fiiro gaar ah la siinayo waxbarashada haweenka.
06. Fulinta barnaamijyo la xiriira dugsiyada farsamada.
07. Dhismaha iyo qalabeynta dugsiyo cusub iyo dayactirka kuwa jira
08. Ka hawlgalka deeqo waxbarasho iyo fursado shaqo oo ay helaan ardada ka qalin
jebisa dugsiyada sare.
09. Qoondaynta maaliyad dabooli karta barnaamijyada waxbarashada.
10. Dhiirrigelinta maaddiga iyo macnawiga ah ee macallimiinta si sare loogu
qaado heerka maciishadda iyo baahida macallinka guud ahaan.
11. Dhismaha maktabado si ay ardada dugsiyadu u helaan bii’ad wax-akhriska ku
habboon.
Caafimaadka
Caafimaadku wuxuu ka mid yahay hadduusanba ahayn kan ugu horreeya adeegyada laga
ma maarmaanka u ah nolosha iyo jiritaanka aadanaha, sidaa darteed ayaa loo
siiyaa mudnaanta iyo fiirada gaarka ah.
Suurtagal ma aha loomana fadhiyo in horumar la gaaro haddii aan la helin adeeg
caafimaad oo tayeysan isla markaana wada gaara dhammaan xubnaha bulshada.
Si loo xaqiijiyo horumarin caafimaad waxaa la fulinayaa:
01. Horumarinta siyaasadda iyo shuruucda caafimaadka ee Puntland.
02. Gaarsiinta adeegyada caafimaadka degaamada fog-fog iyo miyiga.
03. Joogteynta tababarrada iyo sare u qaadista aqoonta xirfadeed ee
hawl-wadeennada caafimaadka.
04. Daryeelka caafimaadka hooyooyinka iyo dhallaanka.
05. Xoojinta la dagaallanka iyo xakamaynta HIV/AIDs-ka
06. Dhiirri-gelinta maal-gashiga gaarka ah si loo horumariyo adeegyada
caafimaadka.
07. Dayactirka iyo dhammaystirka qalabeynta isbitaallada jira si ay u noqdaan
kuwa dabooli kara adeegga caafimaad ee ay bulshadu uga baahan tahay.
08. Fulinta barnaamijka faya-dhowrka si looga hortago cudarrada faafa.
09. Miisaaniyadda waxaa kaalin weyn ku yeelanaya barnaamijka caafimaadka.
10. Waxaa dib loo astaynayaa nidaam lagu ilaaliyo laguna sugo tayada daawooyinka
iyo raashinka.
11. Barnaamijka horumarinta caafimaadka waxaa fulintiisa la la kaashanayaa
deeq-bixiyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah.
12. Waxaa laga hawlgelayaa in bahda caafimaadka loo helo tababarro dibadeed si
ay aqoontooda xirfadeed u kororto.
Shaqada iyo shaqaalaha
Waxaa la wada qirsan yahay in shaqadu tahay aaladda xaqiijisa horumarka aadanaha
ee dhan kasta iyadoo dhan kalena uu shaqaaluhu yahay cududda laf-dhabarta u ah
wax-soo-saarka.
Sidaa darteed waxaa la qaadayaa tallaabooyinka soo socda::
01. Dejinta barnaamij looga gol leeyahay in bulshadu yeelato dhaqan
shaqo-jacayl.
02. Abuuridda xarumo lagu barto xirfadaha.
03. Si loo meelmariyo loona horumariyo shuruucda lagu xaqiijinayo xuquuqda
shaqaalaha waxaa la dhiirri gelinayaa dhismaha ururro shaqaale oo madax bannaan.
04. Sugidda in shaqo-bixinta loo maamulo si caddaalad ah.
05. Waxaa dib u habayn lagu samaynayaa shaqaalaha dowladda iyadoo la
meelmarinayo nidaamka darajooyinka shaqaalaha rayadka ah taasoo looga gol
leeyahay tayeynta shaqada iyo sare u qaadista kalsoonida iyo heerka nololeed ee
shaqaalaha.
06. Waxaa sare loo qaadayaa awoodda hay’adeed ee guddiga shaqaalaha rayadka ah
(civil service commission-CSC).
07. Waxaa la dejinayaa, meelmarintiisana laga hawlgelayaa barnaamijka nidaamka
shaqada gacanta (Labour Intensive Method and Technology).
08. Waxaa la horumarinayaa nidaamka hawlgabka shaqaalaha.
Haweenka
Sida laga wada warqabo haweenku kaalin qiima badan ayey kaga jiraan horumarka
dalka, xanaanada. barbaarinta iyo korriimada dhallaanka, wax-soo-saarka,
maaraynta arrimaha qoyska iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa nololeed ee bulshada. Si
ay haweenku u galaan meeqaamka iyo martabada ay xaqa u leeyihiin waxaa la
fulinayaa ujeeddooyinka soo socda:
1. Fulinta barnaamijka waxbarashada haweenka.
2. Ka qaybgelinta haweenka hawlaha siyaasadda, maamulka,ganacsiga iyo qaybaha
kale ee hawlaha horumarinta.
3. Daryeelka caafimaadka hooyooyinka iyo ubadka.
4. Dhismaha ururrada haweenka oo madax bannaan.
5. Dejinta xeerar looga hortegayo tacaddiyada haweenka loo geysto
Dhalinyarada iyo isboortiga
Dhaliyaradu waa jeylka loo diyaarinayo inay mustaqbalka hantaan hoggaaminta
siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarinta bulshada.
Waxaa laga ma maarmaan ah in arrimaha dhalinyarada la siiyo mudnaan iyo tixgelin
gaar ah iyadoo lagu tallaabsanayo arrimaha soo socda:
1. Dejinta nidaam ballan qaadaya waxbarashada iyo tababaridda dhalinyarada si
loo suurtageliyo inay yeeshaan aqoon iyo kasmo ay mustaqbalka bulshada ku hagi
karaan.
2. Dhiirrigelinta iyo taageeridda dhismaha ururro dhalinyaro oo madax bannaan
iyadoo kaalmo maaddi iyo macnawiba ah loo fidinayo.
3. Dejinta qorshe meelmar ah lana xiriira horumarinta isboortiga si loo helo
cudud dhalinyaro oo fayow isla markaana looga hortago dhaqamada silloon ee iinta
ku ah mustaqbalka dhalinyarada.
4. Horumarinta kaabayasha isboortiga iyo dhiirrigelinta dhismo naadiyo isboorti.
5. Ka hawlgalka in isboortiga lagu baahiyo gobollada Puntland.
6. Hirgelinta naadiyo dhalinyaro oo laga dhiso gobollada.
Daryeelka danyarta
Iyadoo la fulinayo dastuurka Puntland iyo xeerarka caalamiga ah ee daryeelka
danyarta waxaa laga hawlgelayaa xanaanada agoomaha, naafada iwm si ay u helaan
nolol iyo daryeel.
Gargaarka beni’aadannimo
Waxaa si xilliyeysan degaamada Puntland sida qaybaha kale ee Soomaaliya soo
foodsaara dhibaatooyin dabiici ah sida abaaraha, roobabka iyo daadad.
Waxaa dhibaatooyinkaas weheliyey bad-giriirkii Tsunmai loogu magac-daray iyo
roobabkii barafka watey oo bulshada gaar ahaan miyiga iyo xeebaha waxyeelo
gaarsiiyey.
Haddaba si waxyeelada dhibaatooyinkaas loo maareeyo waxaa la fulinayaa arrimaha
soo socda:
1. Asataynta nidaamka digniinaha si loogu tabaabushaysto hawlaha gargaarka
degdegga
2. U gurmadka dadka masiibooyinka ku tabaalooba iyo kuwa dhibaatada u nugul.
3. Xiriirinta hay’adaha ka hawlgala gargaarka iyo maaraynta hawlaha iyo
barnaamijyada la xiriira.
VI. BARNAAMIJKA DHAQAALAHA
Xoolaha nool
Xoolaha nooli waa tiirka laf-dhabarta u ah dhaqaalaha Puntland sidaa darteed
waxaa lagu dhaqaaqayaa fulinta arrimaha soo socda:
1. Meelmarinta siyaasadda iyo shuruucda Puntland ee xanaanada xoolaha.
2. Waxaa la horumarinayaa maxjarka dowladda iyadoo laamo laga dhisayo degaamada
kala duwan ee Puntland.
3. Waxaa laga hawlgelayaa tayeynta iyo fidinta habka suuq-geynta xoolaha la
dhoofiyo.
4. Sare u qaadista daaweynta iyo xanaanada xoolaha iyadoo la fulinayo barnaamij
la xiriira tababaridda xirfadleyda iyo hawl-wadeennada ku hawlan.
5. Diyaarinta iyo fulinta siyaasadda Puntland ee ilaalinta deegaanka.
6. Fulinta mashaariicda la xiriirta horumarinta daaqa iyo waraha.
7. Dhiirrigelinta xoola-dhaqatada iyo ganacsatada dhoofinta xoolaha.
Kalluumaysiga
Kalluumaysigu waa tiir ahmiyuad ballaaran u leh horumarka dhaqaale iyo bulsho ee
Puntland sidaa daraaddeed wuxu leeyahay mudnaan iyo fiiro dheeraadd ah.
Si loo tayeeyo loona kordhiyo wax-soo-saarka kalluumaysiga waxaa la qaadayaa
tallaabooyinka soo socda:
1. Fulinta siyaasadda iyo xeerarka la xiriira kalluumaysiga.
2. U fidinta kalluumaysatada kaalmo farsamo iyo mid maaddi ah.
3. Dhiirri-gelinta iyo kasbashada maalgeliyeyaasha waddaniga iyo kuwa ajnebiga
ah.
4. Ka hortagga kalluumaysiga sharci-darrada ah ee sababeeya boobka khayraadka
dalka iyo xaalufinta deegaanka badaha.
5. Ka hawlgalka fulinta barnaamij la xiriira horumarinta xeebaha iyo gaarsiinta
bahda kalluumaysatada adeegyada bulsho ee laga ma maarmaanka ah.
Macdanta iyo shidaalka
Maadaama ay caddaatay in Puntland ay hodan ku tahay shidaalka iyo macdanta,
sahamadii la sameeyeyna ay xaqiiqadaas muujiyeen waxaa hubaal ah in soo-saarista
shidaalka iyo macdantu ay isbeddel weyn oo taariikhi ah ku samaynayso nolosha
bulshada,horumarka iyo sidoo kale meeqaamka Puntland.
Haddaba si loo taabbageliyo himiladaas:
1. Waxaa la sii wadayaa fulinta heshiisyada la xiriira shidaalka oo ay haatanba
hawlahoodu si hab-sami ah u socdaan, natiijooyin fiicanna laga hayo.
2. Waxaa la bilaabayaa qodista ceelasha shidaalka ee Nugal Valley iyo Dharor
Valley ee uu sahankoodi dhammaaday.
3. Waxaa la dhammaystirayaa baarsita shidaalka iyo macdanta ee degaamada la
cayimay ee gobollada.
4. Waxaa la fulinayaa mashaariicda adeegyada iyo kaabayaasha (ceelal,waro, jidad
iwm) iyadoo laga faa’ideysanayo shirkadaha shidaalka iyo macdanta.
5. Hantida shidaalka iyo macdanta laga helo waxaa loo jiheynayaa fulinta
barnaamijyada iyo mashaariicda horumarinta iyadoo si toos ah loogu darayo
miisaaniyadda
Beeraha
Iyadoo la xaqiijiyey in degaamada Puntland ay ku habboon yihiin beerashada waxaa
la fulinayaa barnaamij ballaaran oo beeraha la xiriira:
1. In la fuliyo barnaamij wacyigelin si ay bulshadu u yeelato dhaqan
wax-beerasho.
2. In beeraleyda loo fidiyo kaalmo farsamo iyo mid maal-gelineed.
3. Waxaa la meelmarinayaa barnaamijka ka faa’ideysiga tamarta dabaysha iyo
qorraxda.
4. Waxaa la maaraynayaa biyaha roobabka iyo togogga.
5. Waxaa la tababarayaa beeraley cusub oo lagu jiheynayo hawlaha beeraha.
6. Waxaa ganacsatada lagu dhiirrigelinayaa maalgashiga mashaariicda beeraha.
Faleenka
Faleenku wuxuu ka mid yahay khayraadka ay Puntland caanka ku tahay, magac dheer
iyo sumcad ganacsina ay ku leedahay.
Si loo horumariyo hawlaha faleenka waxaa la qaadayaa tallaabooyinka soo socda:
1. Kordhinta wax-soo-saarka iyadoo la adeegsanayo tabaha casriga ah.
2. Dhiirrigelin maaddi ah iyo mid farsamo oo loo fidiyo xijileyda.
3. Gaarsiinta goobaha wax-soo-saarka faleenka adeegyada ay ka midka yihiin
biyaha, jidadka,caafimaadka, waxbarashada iwm.
4. Ka hawlgalka nidaaminta suuq-geynta wax-soo-saarka xijileyda.
Warshadaha
Si sare loogu qaado warshadeynta waxaa la fulinayaa arrimaha soo socda:
1. Taageeridda warshadaha haatan jira si kor loogu qaado mugga iyo tayada
wax-soo-saarka.
2. Abuuridda jawi maal-geliyeyaasha maxalliga ah iyo shirkadaha ajnebiga ahba ku
dhiirrrigeliya inay abuuraan warshado leh awood wax-soo-saar, suuq-geyn iyo
jiritaan waara.
3. U fidinta warshadaha yaryar kaalmo farsamo iyo mid maaddi ah.
4. Dejinta barnaamij cilmi-baariseed oo ku saabsan alaabta warshadeynta gala.
VII. KAABAYAASHA GAADIIDKA
(transport infrastructures)
Kaabayaasha gaadiidku waxay isugu jiraan jidadka, garoomada dayaaradaha iyo
dekedaha.Kaabayaasha gaadiidku waa furaha horumarka waana tan keentay in si gaar
ah loo tixgeliyo.Waxay ku jirtaa in la xuso in mashaariicda kaabayaashu yihiin
kuwa culus oo fulintoodu maaliyad badan u baahan tahay.
Puntland oo sida la ogsoon yahay ah degaan baaxad weyn oo aad u ballaaran waxaa
laga ma maarmaan ah in loo helo loona dejiyo istaraateejiyad muddo dheer ku
aaddan kuna saabsan daycatiraka, horumarinta iyo maaraynta kaabayaasha
gaadiidka. Sidaa darteed waxaa lagu dhaqaaqayaa:
A. Jidadka
01. Dib u habaynta iyo dhammaystirka nidaamka shabakadda jidadka Puntland
(Puntland Road Network).
02. Dayactirka joogtada ah iyo kan marxaladaysan ee jidadka laamiga ah iyo kuwa
carrada ah.
03. Dhiirrigelinta abuuritaanka shirkado maxalli ah oo hanan kara, awoodna u leh
fulinta mashaariicda dhismaha jidadka.
04. Fulinta jidadka carra kaawada ah ee isku xira degmooyinka iyo guud ahaan
degaamada Puntland.
05. Dhammaystirka jidadkii hore loo bilaabay ee isku xira jidka dheer ee laamiga
ah iyo degaamada ka baxsan ee miyiga iyo xeebaha.
06. Fulinta mashruuca dib u laamiyeynta qaybaha Gaalkacyo-Garowe-L/caanood)
iyadoo ay maalgelinta iska kaashanayaan dowladda Puntland iyo deeq-bixiyaal.
07. Dhammaystirka hannaanka gancsiyeynta isticmaalka jidadka (commercialisation)
si maaraynta jidadka loo gaarsiiyo heerka jiritaanka waara.
08. Dib u habaynta sharciga nabadgelyada waddooyinka (Road Regulation) si loo
yareeyo loona xakameeyo shilalka jidadka loona bedbaadiyo nafta iyo hantida
dadweynaha.
09. Soo dhoweynta shirkado ajnebi ah oo maal-gashi ku sameeya mashaariicda
jidadka Puntland.
B. Garoomada dayaaradaha
Garoomada dayaaraduhu waxay leeyihiin ahmiyad ballaaran sidaa darteedna waxaa si
gaar ah loo danaynayaa fulinta mashaariic lagu xoojinayo awoodda duulimaadka
cirka ee Puntland waxaana muddada soo aaddan lagu dhaqaaqayaa tallaabooyinka soo
socda:
1. Dhammaystirka dhismaha garoonka caasimadda Puntland ee Garowe iyadoo ay iska
kaashanayaan dowladda Puntland, bulshada iyo hay’adda caalamiga ee duulimaadka
rayadka ah (ICAO) loona dhammaystirayo Runway-ga, daarta garoonka (Terminal
building), qalabeynta iyo adeegyada kale ee laga ma maarmaanka u ah maamulka
garoonka iyo hawlaha duulimaadka cirka.
2. Dhammaystirka mashruuca garoonka Boosaaso,iyadoo dhismooyinka daaraha la
ebyey laguna guda jiro dhammaytirka Runway-ga.
3. Dib u habaynta garoonka dayaaradaha ee gaalkacyo iyadoo dib loo dhisi doono
Runway-ga lana dhammaystiri doono adeegyada la xiriira maamulka garoonka iyo
hawlaha duulimaadka cirka.
4. Waxaa dhammaan magaalo-madaxyada gobollada laga fulinayaa garoomo dayaaradeed
oo dabooli kara baahida ku aaddan dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo safarrada dadka.
Waxaa la hayaa ballan-qaadyo sugan oo la xiriira kaalmo farsamo iyo maalgelin
kuna saabsan dhismaha iyo horumarinta garoomada dayaaradaha ee Puntland.
C. Dekedaha
Dekeduhu waxay dowr weyn ku leeyihiin kaalin muhim ahna ay kaga jiraan
horumarinta dhaqaale iyo bulshadeed, sidaa darteed waxaa muddada xil-haynta soo
aaddan lagu tala jiraa in la fuliyo:
1. Ballaarinta dekedda Boosaaso iyadoo loo dhammaystirayo dhammaan adeegyada
deked looga baahan yahay isla markaana loo maarynayo si u dhiganta dekedaha
caalamka.Waxaa la fulinayaa heshiis arrintaan ku saabsan oo dhowaan la meelmarin
doono.
2. Fulinta ballan-qaad maalgelineed oo ku saabsan dhismo 7 dekedood oo yaryar.
3. Casriyeynta hawlaha maaraynta dekedda Boosaaso iyadoo la adeegsanayo teknooloojiyada cusub.
VIII. BIYAHA & TAMARTA
Biyuhu waa tiirka nolosha dadka, xoolaha iyo guud ahaan noolaha.Ahmiyadda ay
biyuhu leeyihiin waxay ku caddahay Qur’aanka Kariimka ah ee munasalka ah.
Waxaa kaloo la ogsoon yahay in tamartu tahay aaladda dhaqaajisa horumarka
dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Sidaa darteed waxaa la fulinayaa arrimaha soo socda:
1. Meelmarinta siyaasadaha biyaha iyo tamarta ee Puntland
2. Qodista ceelal dhaadheer iyo dayactirka kuwa jira iyadoo lagu tala gelayo in
30 sqkm kasta oo degaamada Puntland ah laga helo ugu yaraan 1 ceel.
3. Fulinta barnaamijyada biyaha magaalooyinka harsan
4. Fulinta dhismaha biyo-xireenno si loo manafacaadsado biyaha roobabka iyo
togagga ee sida joogtada ah oo xad-dhaafka ah ugu qulqula badaha amaba u luma.
5. Xoojinta awoodda iyo dayactirka saldhigyada korontada magaalooyinka ee haatan
jira iyo gaarsiinta korontada magaalooyinka ayan weli gaarin
6. Ka faa’ideysiga tamarta dabaysha iyo qorraxda iyadoo lagu fidinayo degaamada
IX. MAGAALEYNTA IYO GURYEYNTA
Si loo horumariyo hannanka nololeed ee dadweynaha waxaa laga hawlgelayaa
arrimaha magaaleynta iyo guryeynta iyadoo la dejinayo qorshe marxaladaysan oo
barnaamijkaan la xiriira.
X. MAALIYADDA IYO GANACSIGA
Maaliyadda dowladdu waa hanti dadweyne oo caam sidaa daraaddeed waxaa:
1. La dejinayaa miisaaniyad ku jiheysan sugidda amniga gudaha iyo difaaca,
horumarinta dhaqaalaha, ballaarinta ganacsiga, adeegyada bulshada,
dhiirri-gelinta wax-soo-saarka iyo maaraynta hawlaha dowladda.
2. Waxaa laga hawlgelayaa abuuridda ilo dhaqaale oo sare u qaada awoodda
maaliyadeed ee dowladda si loo fuliyo barnaamijyada horumarinta ee degsan.
3. Waxaa la dejinayaa nidaam sugan oo lagu ilaaliyo sicir-bararka.
4. Waxaa la xoojinayaa tayada wax-qabad ee hay’adda hanti-dhowrka guud ee
dowladda iyadoo si adag loo la dagaallamayo lunsashada hantida dadweynaha,
musuqmaasuqa iyo maamul-xumida.
5. Waxaaa la xoojinayaa wax-qabadka xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda si loo
ilaaliyo loona sugo xurmaynta iyo ku-dhaqanka miisaaniyadda dowladda.
6. Waxaa dib loo abaabulayaa ganacsatada si dib loogu asteeyo rugta ganacsiga &
warshadaha ee sida buuxda u madaxa bannaan iyadoo la gaarsiinayo jiritaan waara.
7. Waxaa laga hawl gelayaa abuuritaanka Bangi ganacsi oo reer Puntland u sahla
xiriirrada ganacsi ee adduunka.
XI. BARNAAMIJKA MAAMUL-WANAAGGA
(Good governance program)
Waxaa muddada soo aaddan ee xil-haynta la fulinayaa barnaamij leh ahmiyad
ballaaran lana xiriira astaynta maamul-wanaagga Puntland.
Si himiladaan loo xaqiijiyo waxaa la xoojinayaa sarena loo qaadayaa awoodda
wax-qabad ee hay’adda astaynta maamul-wanaagga Puntland iyadoo isla markaana la
sii wadayo fulinta talooyinkii saxitaanka ahaa ee ay khubarada reer Puntland
diyaariyeen.
Waxaa laga hawl gelayaa in maamulku noqdo mid hufan, lagu kalsoon yahay, isla
markaana aqoon iyo waayo-aragnimo lagu hagayo.
Waxaa lagu dhaqaaqayaa dib u habaynta qaab-dhismeedka xukuumadda iyadoo
hoggaaminta loo xulayo shakhsiyaad aqoon leh si dhab ahna u hanan kara.
XII. QORSHAYNTA IYO ISKAASHIGA
Qorshayntu waxay ka mid tahay arrimaha ugu muhimsan hawlaha ay dowladi
wax-qabadkeeda ku salayso, sidaa daraaddeed:
1. Waxaa la dhaqan gelinayaa qorshaha 5ta sano ee Puntland u degsan.
2. Waxaa sare loo qaadayaa aqoonta xirfadeed ee hawl-wadeennada qorshaynta
iyadoo la fulinayo heshiisyadii deeq-bixiyaasha iyo hay’adaha caalamiga lala
galay kuna saabsanaa kaalmada farsmo ee loogu deeqay laamaha kala duwan ee
dowladda.
3. Waxaa la xoojinayaa iskaashiga ay Puntland la leedahay hay’adaha iyo ururrada
caalamiga ah iyadoo la fulinayo heshiisyadii la kala saxiixday laguna dhaqmayo
heshiiskii is-afgarad (MOU) ee hore loo meelmariyey.
XIII. BAAHINTA MAAMULKA
Iyadoo la fulinayo farriimaha dastuurka Puntland lana tixgelinayo ahmiyadda uu
is xukunka dadweynuhu leeyahay waxaa la fulinayaa ujeeddooyinka soo socda:
1. Waxaa la dhammaystirayaa dhismaha golayaasha degaannada ee degmooyinka harsan
iyadoo isla markaana loo fidinayo kaalmo farsamo iyo taageero maaliyadeed.
2. Waxaa la horumarinayaa golayaasha degaannada ee hadda ku hawl jira.
3. Waxaa dib u habayn lagu samaynayaa sharciga iyo xeerka golayaasha degaannada.
4. Waxaa la horumarinayaa sharciga caasimadda Puntland ee Garowe iyadoo loo
qoondaynayo miisaaniyaddana loogu cayimayo kharaj ku filan adeegyada iyo
horumarinta caasimadda.
XIV. DHAQAN-CELINTA IYO MIINO-SAARKA
Degaamo ka tirsan Puntland waxaa ku aasan miinooyin halis ku ah nolosha dadka
iyo duunyadaba, sidaa darteed iyadoo la sahamiyey lana cayimay goobaha miinaysan
waxaa muddada dhow laga hawl gelayaa sidii loo sifayn lahaa.
Waxaa kaloo la fulinayaa oo uu barnaamij u degsan yahay jiheynta
miiliishiyooyinka iyadoo loo tababarayo xirfado kala duwan loona abuurayo
fursado shaqo.
XV. HIDDAHA IYO DHAQANKA
Hiddaha iyo dhaqanku waa tiirka asteeya taariikhda iyo ummadnimada shacab kasta
sidaa darteed waxaa la xoojinayaa ,awooddeeda wax-qabadna la tayeynayaa
akadeemiyada hiddaha iyo dhaqanka iyadoo la fulinayo barnaamijyo hore loo
diyaariyey oo la la kaashanayo hay’adda UNESCO.
GUNAANAD
Waxaan hortiina iyo shacabka Puntland hortiisaba ku ballan qaadayaa inan si
buuxda u fulin doono barnaamijkaan iyo wixii hawlo kale ah oo ay danta Puntland
ku jirto, anigoo oggol si weyna ugu qanacsan in meelmarinta barnaamijkaan la
isku la xisaabtamo oo la isweydiiyo.
Maxamuud Muuse Xirsi
Garowe, January 7, 2009