SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Wardheere: Been ayaa la iga sheegay oo warbaahinta lagu fidiyey

Haddaba beentaas waxba kama jiraan, sal iyo baarna ma leh.

Bloggers iyo weriyaasha aan xaqiiqda raadin warkooda ka soo qaad ma leh

Laakiin siyaasad awgeed In kiiskaan warkiisa uu soo noqnoqdo waa suurtagal


Mahamoud Wardere
mnwardere@yahoo.com


Maalintii doorashada Maraykanka socotay ee November 4, 2008 markii dadka adduunku ku mashquulsanaayeen Obama iyo McCain. Gobolka Minnesota waxaa kale oo ka socotay doorasho kulul oo loogu loolamayey aqalka senate-a. Murashaxiintuna waxay kala ahaayeen Al Franken iyo Senator Norm Coleman. Soomaalida Minnesota waxaa ay la kala safteen labada murashax sababo macquul ah awgood ( Mar walba haddii ay bulshadu badan tahay waa xeel siyaasadeed in la is qaybiyo)

Waxaase yaable in gabar weriye ah oo la yiraahdo Molly Priesmeyer oo aan aqoon ii lahayn igu eedeysay in aan goobta codeynta dhexdeeda aan aniga u ololeynayey Senator Coleman oo aan dadka ku qalqaalinayey inay u codeeyaan asaga maadaama aan la shaqeeyo hase yeeshee wax sabab ah oo aan u sameeyo arrintaasi aanayba jirin. Molly waxay beentaasi ku faafisay qalabka warbaahinta sida TV iyo jaraaidyada. [Eeg halkan]

Waxay si qarsoodi ah u qaaday sawirkayga anigoo la taagan nin ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Minnesota oo la yiraahdo Maxamed Xassan Gudbaaye oo aanan xaafaddaasba deganayn oo keliya u yimid inuu wax ka qoro ka qaybgalka Soomaalida ee doorashada. Waxay u ekeysiisay in aan aniga asaga ku qalqaalinayay inuu u codeeyo Senator Coleman. Arrintaas oo haddii ay maxkamad gaari lahayd gabada weriyaha ceeb ku noqon lahay iyo weji gabax maadaama aanay cadayn keeni Karin.

Dadka maraykanka way fahmeen in blogger Molly aanay caddayn haynin oo waxeedu yihiin eedeyn keliya. Laakiin qoraaladeedii waxaa uu nasiib darro soo gaarey warbaahinta Soomaaliyeed. Haddii aan ka aamuso waxaan ka baqay in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed Molly warkeeda blog run u qaataan. Taasina waa tan igu kaliftay in aan dadka la socodsiiyo maanta-. Dadka Soomaaliyeed waxay igu yaqaanaan in aan u adeego intii karaankayga ah iyo wanaag mana rabo in Molly bedesho sawirkaas.

Aniga oo naftigayga hadda ka hor musharaxka u ahaa duqa magaalada Minneapolis 2001 si gaar ah ayaan u ogaa sharciga goobaha doorashada oo ah in ilaa 100 mitir aanan la ogolayn in laga ololeeyo saacadaha ay doorashadu socoto. Falkaasina waxaa ka yaal Minnesota qodob adag.

Waa tuma gabartan weriyaha ah ee beenta iga sheegatay ? maxayse ka waday? Maxaase ku kalifay?

Waxaa la yiraahdaa Molly Priesmeyer waxayna u shaqayn jirtay Wargaysa online ah oo la yiraahdo The Minnesota Independent waxaa kale oo ay xiriir badan la leedahay bloggers badan Maalmo ka dib markii ay doorashada dhamaatay Molly iyo colkeedii shaqada waa laga cayriyey. Molly beenta waxaa ay ka waday dagaal siyaaso oo ku wajahan Senator Coleman iyo wax la yiraahdo 15 minute of fame ama Joe the plumber moments ama soo can bax.. Beenta ay iga sheegrtay waxaaa ay ka waday inay isku soo caan bixiso. Weriyeyaasha waaweyn markii ay dhacdo warbixin ka qorayaan waxaa ay geliyaan waqti badan si ay u sameeyaan xaqiijin ama berito aan loo beenayn waxay ay sheegaan. Weliba haddii uu dhaqanka dadka ay waxka qorayaan ku cusub yahay waqti sii dheer ayay geliyaan. Waxayna raaciyaan caddaymo. Molly iyo colkeeda shaqada laga cayriyey marka hadalkooda aad u fiirsato waxay u eg yihiin kuwa aan ogayn cidda ay u shaqaynayeen iyo ujeedada laga lahaa.. Fiiri calaacalkooda: Some are claiming the organization pushed a heavily Democratic agenda and are now dumping the employees after a "Mission Accomplished."

Molly markii shaqada laga cayriyey waxay leedahay. “ waa la i sirey waana la i isticmaalay markii ay doorashada dhamaatayna waa la i cayriyey” Not only do I feel disappointed, I feel cheated.

Qoraalka laga sameeyey Molly iyo colkeeda oo doorashada maalmo ka dib shaqada laga cayriyey oo dhamaystiran hoos ka aqriso. Lama garanayo in dhaliil la dhaliilayo xirfadooda shaqada loo ceyriyey ama siday iyaguba sheegteen dan laga lahaa lagu fushaday ka dibna laga taqalusay. {Eeg Halkan}

Sidoo kale waxaa been la iga sheegay sanad ka hor markii nin kale oo bloger ah iga qoray in aan Minnesota ku soo dhoweeyey nin uu ku sheegay argagixiso weyn oo Minnesota u yimid inuu lacag ka urursado. Ninkaasi waxaa uu ahaa Mudane Zakaria Maxamuud Haaji oo aan wada garanayno inuu yahay nin mas’uul Soomaaliyeed ah.
Fiiri Blogger Patrick Poole of Pajamas media [Eeg halkan]


VIDEO: Bulsho Nadiif ah: Dood: Soomaalida Minnesota

Maantana waxaa socota beenta laga sheegayo Masaajid Abuubakar Al Sidiiq ee Minnesota oo ay qaar mediayaha ah hadalka u dhigeen in dhalinyarada Soomaaliyeed masaajidku ka xado waalidikood dabadeedna u diro dagaal. Imaamka Masaajidka oo ah Sheekh Abdirahman oo ah nin wanaag iyo sharafba lagu yaqaan iyo masaajidka abuubakarba waxba uma dhimi karaan beenaaleyaal aanan hadhow cadayn keeni Karin. Been waa la sheegi karaa laakiin wixii aan caddayn loo hayn ama la raacin ceebaa lagala kulmaa.

Mahamoud Wardere
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS