SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Aqoonyahanada Puntland oo la kulmay Xildhibaanada iyo musharaxiinta

Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Aradayda Puntland (PSA) iyo Aqoonyahanada Puntland ayaa waxuu ka dhacay Hoolka baarlamaanka Puntland waxaana ka soo qayb galay xildhibaano, musharaxiin, Aqoonyahano iyo isimada Puntland.

Ujeedooyinka kulankan oo ahayd in lagudbiyo dareenka Aqoonyahanada iyo bulshada Puntland ee ku wajahan doorashada iyo xaaladay marayso Puntland, laguna wacyi galiyo xildhibaanda in ay doortaan madaxwayne leh karti iyo aqoon uu kaga saaro Puntland marxaladan adag ay marayso, Iyo in ay is arkaan ayna is dhaafsadaan xog xildhibaanda iyo musharaxiinta jagada madaxwaynaha Puntland .

Ugu horayntii waxaa goobta ka hadlay shiikh C/rasaaq Xuseen Ciise waxuuna xildhibaanada ku waaniyay in ay ilaahay ka cabsadaan doortaana hugaamiye ka shaqeeya cadaalada iyo hurmar, waxuuna shiikhu xasuusiyay xildhibaanada ahmiyada iyo culayska Amaanada saaran xildhibaanada iyo in ilaahay kula xisaabtami doono qofkii amaanada say tahay ugudan waaya.

Waxaa ku hadlay magaca aqoonyahanada Puntalnd Maxamed Yuusuf waxuuna soo bandhigay argtida aqoonyahanada ee ku wajahan doorashada iyo tilmaamaha hugaamiyaha loo baahan yahay in la doorto xiligan.

Marwo: caashe geele ayaa kamid ahaa dadkii kulanka ka hadlay waxayna soo jeedisay shaqada iyo masuuliyada saaran xildhibaanada.

Aqoonyahano, culumo iyo waxgarad kala duwan yaa ka hadlay goobta waxayna xildhibaanda kula taliyeen in Puntland ay marayso xaalada adag una baahantahay badbaado laguna bad baadin karo kaliya iyadoo ladoorto hugaamiye karti iyo aqoon leh oo ka saara xaaladan adag , sidoo kale waxaa xildhibaanda looga digay in ay qabiil iyo qof jaclaysi wax ku doortaan taasoo horoseed u noqonaysa burbur iyo dib u dhac soo food saara Puntland,

Waxaa sidoo kale loo jeediyay talo iyo tusaalaba musharaxiinta kana hormariyaan danta guud danahooda gaarka ah una naxaan shacabka dhiban aysan ka mid noqona dhibaha shacabka haysata sidoo kale inay muujiyaan tanaasul dhex dooda ah si loo helo isbadal dhanka fiican ah.

Ugu danbayntii kulanka waxaa ka hadlay qaar kamid ah musharaxiinta jagada madaxwaynaha Puntland waxayna soo ban dhigeen fikirkooda siyaasadeed oo ay ku dhaqayaan Puntland.

Gabagadii kulanka waxuu ku dhamaaday qiiro iyo masuuliyad ka muuqatay xildhaabanada iyo musharaxiinta iyo isfaham dhexmaray aqoonayanada iyo xildhibaanada.

Abdifitah Mohamed Sugulle

cabdisugulle@hotmail.com

xiriiriyaha Kulanka Aqoonyahanada Puntland

Garowe –Puntland –Somalia


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS