SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kooxda Vlaardingen oo ku guulaysatey koobka Amsterdam Futzal Tournament 2008

Sawiro ciyaaraha Halkan ka daawo...

Amsterdam 05.01.2009. Waxaa magaalada Amsterdam lagu qabtey sidii cadaadu ahayd markii 4aad Amsterdam Futzal Tournament 2008 27 iyo 28 december, sannadkan koobka waxaa lagu magacaabay Farah Weheliya Cadoow “Sendiko Cup” oo allaha u naxariistee ahaa Nin sport Soomaaliyeed qeyb ka soo qaatay, dhawaana ku geeriyooday dalka Masar.

Sannadkan tartanka oo aad u balaarnaa ayaa waxaa ka soo qayb galey 12 kooxood oo kala ahaa:

Hirda Amsterdam, Somvoa Amsterdam, Vlaardingen, Rotterdam, Alphen a/d rijn, Nedsom Denhaag, Amersfoort , Nijmegen, Tilburg, Maastricht , Zaandam iyo Sobsi Belguim

Tartanka inta uusan bilaaban dhalinyarada waxay ka qayb qaateen barnaamij dood ah (Debate) oo ay soo diyaariyeen ururka Hirda, barnaamijkaas oo looga hadlayay waxyaabo badan oo ku saabsan waxbarashada iyo Horumarinta Somaliya oo ay soo diyaariyeen Faduma Farah iyo Suaad Abdi

Tartanka oo aad u xiisa badnaa ayaa kooxahii ka qaybgalay waxaa loo qaybiyay labo qaybood oo is wada arkay.

Qaybta kowaad A:

Hirda, Alphen a/d rijn, Sobsi, Nedsom, Somvao, Tilburg

Qaybta labaad B:

Rotterdam, Maastricht, Zaandam, Amersfoort, Nijmegen, Vlaardingen

Wareegii labaad (Semi-final) ee tartanka waxaa iskugu soo haray kooxaha kala ah

Vlaardingen 1 V Tilburg 1

Sobsi Belgie 2 V Maastricht 2

Kooxaha isugu soo baxay semi finalka waxay soo badhigeen ciyaaro aad u qurxoon isla markaana farsamadoodu sareyso. 4 kooxood ee iskugu soo harey Semifinalka ,waxayna isla dhaafi waayeen dhamaantood barbar dhac ugu dambayntiina waxay ku kala hareen rigoorayaal , halkaas waxaa Finalkii iskugu soo baxay kooxaha kala ah

Vlaardingen V Sobsi Belguim waxay guushii ku raacday kooxda Vlaardingen oo dhalisay 3 Goal halka kooxda Sobsi ay dhaliyeen 1 goal oo qura.

Tartanka waxaa kasoo qayb galay dadwayne aad u badan oo ka kala yimid dalka Holland gobaladiisa iyo wadamada dariska la ah. Dadwaynaha waxay u badnaayeen dhalinyaro iyo dadka ciuyaaraha xiiseeya.

Gabagabadii tartanka waxaa ka hadashay Fadumo Farah oo ka warbixisay ujeedada loo qabto tartankaan isla markaana cadaysay inay qaban doonaan sanad walbo Amsterdam Futzal Tournament ayna u furan tahay cid kasta oo danaynaysa inay ka soo qayb gasho, kadibna waxaa halkaasi ka hadlay ciyaartooydii ka soo qayb gashay tartanka qaar ka mid ah oo ka mahadceliyay qabashada koobkan sanad walbo iyo sida ay ugu faraxsan yihiin , iyagoo amaan gaar ah u soo jeediyay ururka Hirda.

Koobabka tartanka waxaa gudoonsiiyay dhalinyarada dadka martida sharafka u ahaa HIRDA iyo mas’uuliyiin ka socotay urrurada HIRDA iyo SOMVAO. Koobabka waxaa loo kala helay sidatan:

Mudane Cigaal oo ah gudoomiyaha ururka Hirda ayaa gudoonsiiyay abaalmarin Garsoorihii ugu wanaagsanaa, mudane C/rashiid oo ah garsoore Somali ah isla markaana noqday garsoorihii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo qabta ciyaaraha Amsterdam Futzalka, isagoo haysta shahaado garsoorenimo dalka Biljamka.

Magan Dahir Yusuf oo ah xidiga kubada miiska dalka Holand ayaa isna gudoonsiiyay Ciise laacibka sanadka Amsterdam Futzal tournament 2008

Mudane Kalkaal oo booqasho ku joogaydalka Holland isla markaana ah macalin koox ka dhisan dalka Norway ayaa kaalinta 3aad gudoonsiyay kooxda Maastricht.

Mudane Ali Ware gudoomiyaha SOMVAO ayaa kaalinta 2aad gudoonsiiyay kooxda Sobsi Biljamka

Mudane Mohamed Deeqow Jekson oo ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda Horseed isla markaana ka tirsan bahda Sports Sweden ayaa koobkii kaalinta kowaad Amsterdam Futzal Tournement 2008 gudoonsiiyay kooxda Vlaardingen. Kooxda Vlaardingen waxay muujiyeen ciyaar wanaag iyo team spirit taas oo keentay inay noqdaan horyaalka A’dam tournament 2008.

Kooxda Tilburg oo dhawaan koobka futzalka ee Sweden soo qaaday ahaydna kooxda haysatey koobka a’dam tournament 2007 aad bay u ciyaar wanaagsanayeen balse regoore ayaa looga badiyay. Kooxaha Maastricht, SOBSI iyo kooxda HIRDA ayagana wqaxay muujiyeen ciyaar wanaag iyo edaab. Guud ahaan kooxihii ka soo qaybgalay tartanka waxay ahayeen kooxo aad iyo aad u ciyaar wanaagsan oo qanciyay dhamaan dadwaynihii daawashada u yimid.

Tartankii sanadkaan Amsterdam futzal tournament 2008 waxaa loogu duceeyay looguna tacsiyeey dhamaan eheladii asxaabtii iyo qoyskii uu ka tagay allaha u naxariistee Macalin Omar Maxamed “Ayeelo” oo ka tirsanaa jaaliyada Soomaalida Holland isla markaana ahaa saaxiib urrurka HIRDA. Waxaa kaloo isna loo duceeyay Farah Weheliye Cadoow Sendiko allaha u naxariistee

Maamulka Hirda ayaa si gaar ah uga mahadcelinaayo dhamaan dhalinyaradii ka soo qayb gashay tartanka iyo dadkii gacanta ka gaystey inuu si wanaagsan ugu qabsoomo tartanka Amsterdam Futzal tournament 2008.

Tartanka Amsterdam Zaalvoetbal Tournament waxaa lagu qabtaa sanad walbo aaqirkiisa bisha December magaalada Amsterdam, waxaana tartanka martigaliya isla markaana dhalinyarada u sameeyo barnaamijyo aqoon is waydaarsi ah ururka Himilo Development Organisation ‘’ Hirda’’.

W/D: Yusuf Yusuf

Sports Editor sspamedia

mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2009


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS