SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Afhayeen U Hadlay Dariiqada Suufiyada Ee La Baxay Ehlu Sunna Oo Sheegay Inay Al-shabaab Wadaan Daan Daansi Dagaal

Dariiqada Suufiyada Ee La baxay Ehlu Suna ayaa Ururka Al-shabaab Ku Eedaysay Inay Wadaan qorsheyaal ay kaga soo horjeedaan dariiqadooda islamrkaana ku doonayaan sidii ay uga tir tiri lahaayeen dalka soomaaliya waa siduu sheegaye .

Afhayeen u hadlay dariiqada suufiyada ee la baxay ehlu sunna oo shir jaraa,id ku qabtay dhinaca isgaarsiinta ee hawada ayaa tibaaxay inay ururka al-shabaab wadaan shirqoolo ay ku doonayaan inay ku baabiyaan dariiqada islamrkaana dadka shacabka ah ay doonayaan inay marin habaabiyaan waxyaalaha runta ah waa siduu hadalka u dhigaye isagoo xusay in dagaalada ka socda gobolka gal-guduud ay ka wada dagaalamayaan ururka al-shabaab iyo dariiqada suufiyada ee la baxay ehlu sunna taasina ay hore u dhacday in afhayeenka shabaab uu sheegay inay la dagaalamayaan dabadhilifka Ethiopia .

Sidoo kale afhayeenka dariiqada suufiyada ee la magac baxday ehlu sunna Sh, C/laahi sh, C/raxmaan Abuu Yuusuf ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay inay ururka al-shabaab doonayaan inay diinta ka been sheegeen waa siduu u sheegaye islamrkaana ay dadka shacabka ahi ka feejignaadaan shirqoolka ay wadaan al-shabaab .

Abuu yuusuf ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay inay ururka al-shabaab dalka soo geliyeen ciidamada Ethiopia islamrkaana nabad la,aanta ka jirta ay iyagu ka dambeeyaan waa siduu hadlka u dhigaye taasina ayuu yiri ay marag madoonto tahay .

Hadalka afhayeenka suufiyada la baxay ehlu sunna ayaa kusoo beegmaya xili ay gobolada dhexe dagaalo ka jiraan islamrkaana xoogaga al-shabaab ee gacanta ku haya gobolada jubooyinka ay sameeyeen koox la baxday la dagaalanka shirkiga oo ay bur buriyeen qabuuro la siyaaran jirey xili ka xili sanadkiiba taasoo ay culumada qaarkod sheegeen inay diinta islaamku qabin

Ciidamo Ka Tirsanaa Midowga Maxkmadaha Ee Gobolada Bay Iyo Bakool Oo Ku Biirey Ururka Al-shabaab


Ciidamo aad u tiro badan oo la sheegay inay xiliyadii hore ahaayeen xoogaga midowga maxaakiimta islaamiga ah ee gobolada bay iyo bakool ayaa la sheegay inay ku biireen ururka al-shabaab isalamarkaana la wada magac bexeen al-shabaab .

Afhayeenka ururka Al -shabaab Sh, Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ayaa saxaafada uga waramay xaalada gobolada bay bakool isagoo tibaaxay inay gobolada bay bakool ay intooda badan gacanta ugu jiraan ururka al-shabaab islamrkaana ay ciidamada xoogaga maxakm,aduhuna kusoo biireen dhankiisa isagoo intaasi sii raaciyey inay ku midoobeen magaca al-shabaab .

Sidoo kale Abuu Mansuur rooboow oo saxaafad kala hadlayey dhinaca isgaarsiinta ayaa ugu baaqay mujaahidinta muqaawimada dagaalka kula jirta cadowga aysan ku mashquulin kala qaybsan islamrkaana ka feejignaadaan waxyaalaha kala qaybin kara isagoo intaasi sii raaciyey inay meel kasta oo ay joogaan inay is kaashadaan sida sharciga islaamku qabo .

Sh,Rooboow oo ay saxaafadu wax ka weydiisay sida uu arko Iscasilaada madaxweynihii hore ee dowlada KMG ah Cabdullaahi Yuusuf axmed ayuu waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa nin ku ad adag illaalinta Axdiga u degsanaa dowlada KMG ah ee Soomaaliya isla markaana ugu baaqay in uu ka towbad keeno dunuubtii uu ka galay shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Afhayeen Mansuur ayaa carabka ku adkeeyey in hadii ay midoobaan mujaahidiintu ay meel kasta kula dagaalami doonaan cadowga islaamka wa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana ay adkaan doonaan .

Saraakiisha ka tirsanaa midowga maxaakiimta islaamka ee ku biiray ururka al-shabaab ayaa waxaa kamid ahaa Macalin Aada Macalin Cali iyo saraakiil sar sare oo ka wada tirsnaan maxkamadaha islaamka soomaaliyeed oo si weyn loo wada yaqaanay .

Si kastaba ha ahaatee Hadalka Afhayeenka ururka Al shabaab Sh, Muqtaar Cali (Abuu Mansuur) ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada Ethiopia ee ku sugan caasimada muqdisho ay wadaan dhaq dhaqaaq ku aadan ka guurtitaanka gudaha wadanka soomaaliya



yaasiin maxamed Faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS