SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 CAMBAARAYN DILKII WERIYE XASAN MOYOW XASAN

XOGHAYAHA GUUD EE GUDIGA SUXUFUYIINTA DIBAD JOOGA MR CABDIRAXMAAN DIIRIYE NOR ayaa sheegay in uu cambaareynayo dilka Wariye WARIYE XASAN MOYOW XASAN isagoo sheegay in dilka wariyayaashaas ay ka dambeeyeen dad ka soo horjeeda in si furan oo Dimoqraadi ah ay Dadku u doodaan. daadka aan sida xorta aheyn codkooda aan lamaqlin ..

waxaa uu ku baaqay in tallaabo deg deg ah laga qaado kooxihii ka dambeeyay dilka XASAN MOYOW XASAN, isagoo ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in la joojiyo dilka xirfadlayaasha Saxaafadeed ee ka howlgelaya Dalka Soomaaliya. WARIYE XASAN MOYOW XASAN oo Gobolka Sh/hoose uga soo warami jiray Idaacadda SHABELLE ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu geeriyoodeen kadib markii ay kooxo hubeysan rasaas ku fureen xili uu kuguda jiray shaqadiisa..

cabdiraxmaan diiriye ayaa kutilmaa dilka wariyaasha iney tahay mid uxushnimo ah oo aan lagaraneyniin sabaabta loodilayo waxaase eey tahay ayuu yiri saxaafada soomaliya hilib bisil oo haad hosyaalo wax kastane eey suura gal tahay in lagusameeyo saxaafada xorta ah waline eeysan jirin cid udoodeyso xaquuqda dhimabanaasha ..balse waxaa caadi ka ah dilalka qarsoon ee lala beegsanayo saxafada somaliya dhamaan dalka oo dhan ..

iskusoo wadaduboo suxufiyiinta soomaaliyeed ee qurba joogta ayaa Tacsi udirtay Ehaladii uu ka geeriyooday wariye XASAN MAYOOW XASAN inaalilaah wa inaarajacuun ..?

Mr Abdirahman Nor
nuure1000@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2009

BAARID | SEARCH


WARBIXINTA WAX-QABADKA DGPL EE SANADAHA 2005-2008
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay warbixin ka kooban 118 bog oo ku saabsan waxqabadkeed muddadii afarta sano Halkan ka akhri (pdf)


::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS