SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Weerar Xalay Lagu Ekeeyay Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Ku Sugan Deg.Luuq Ee G/Gedo

Weerarkaasi oo xalay (Dec 31, 2008) lala beegsaday fariisimo ay Ciidamada Ethiopia ku leeyihiin degmada Luuqa ee G/ Gedo,waxaana halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray hal qof oo rayid ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ay maqlayeen daryaanka hubka ay iswaydaaranayeen labada dhinac . waxaana kooxaha weerarka soo qaaday ay beegsadeen Buundada, Saldhiga iyo Xero koowaad,iyadoo la isku adeegsaday boobayaal iyo boosuukayaal.

Macada khasaaraha soo gaaray dhinacyada dirirta ay dhex martay balse afhayeen u hadlay xoogaga raaskambooni ayaa dhinacooda sheegay in aysan wax khasaare ah soo gaarin.

Waa Weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha g/gedo tan iyo markii ay dowlada itoopiya soo gashay wadanka Soomaaliya.

Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO
gaarane68@hotmail.com

Xoogaga Kaambooniyinta Oo Sheegtay Weerar Lagu Qaaday Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Ku Sugan Deg.Luuq Ee G/Gedo


Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Xoogaga Kaambooniyiinta Sh Xasan Jibriil oo shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay ayaa wuxuu sheegay in ay Xoogaggooda ka dambeeyeen Weerarro xalay lagu qaaday fariisimo ay ciidamada itoobiya ku leeyihiin Magaalada Luuq ee G/Gedo
Sh Xasan Jibriil waxaa uu sheegay in weerarka xalay ay ku qaadeen Magaalada Luuq ay ka gaareen ujeedadii ay ka lahaayeen , isagoo tilmaamay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dhinacooda.

Afhayeenkaasi u hadlayay Kaambooniyiinta ayaa waxaa uu intaas ku daray in ay ciidamadoodu sii wadayaan weerarka Ciidamada Itoobiya ay ku beegsanayaan.isagoo shacab iyo dadka isticmaala wadada luuq uga digay inay halkaasi isticmaalaan maadaama uu baratanku sii socon doono.

Shiikh Xasan Jibriil waxaa uu sheegay in ay xalay beegsadeen dhawr fariisin oo ay kamid tahay buundada iyo xero koowaad halkaasina ay in muddo ah ku sugnaayeen balse waxa uu tibaaxay inay weli ku sugan yihiin dhulka ku hareeraysan degmadaasi luuq.


Xaalada Deg.Luuq ayaa iminka degan kaddib markii xalay ay kooxdaasi weerarka ku qaaday gobo kamid ah magaaladaasi luuq ee G/Gedo.

Maxamed Gaarane Aadan

Baardheere/GEDO

gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS