SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Magaaladda Mombasa iyo Xasuusta Somalia.!

“Mombasa galisteedu way sahlantahay balse ka soo bixitaankeeda wuu adagyahay”  oraah ayay shacabka Kenya isticmaalaan

February 8, 2009, ayaan socdaal qaatay 3 maalin ah ku aaday Magaaladda Mombasa ee caasimada labaad ee dalka Kenya. Abaarihii 10-kii Habeeynimo ee.xilliga geeska Africa ayaan ka tagay Magaaladda Nairobi waxaana horay u sii raacay Bus ay shirkadda Crown oo ay Somali leedahay aadna u raaxo badan, iyadoo aan magaaladda Mombasa gaarnay salaada subax. Socdaalkan aan ku tagay Magaaladda Mombasa waa socdaakii iigu horeeyay ee aan magaaladda Mombasa ku tago balse waxaan horay u tagay Magaalooyin aad u waaweyn kana tirsan dalka Kenya oo ay ka mid yihiin, Garrisa, Mandheere (Waqooyi bari Kenya, NFD Somalia), Nakuru, Eldort, Lodwar iyo tuulooyin kaloo fara badan oo dalka Kenya ka wada tirsan dhamaantooda aad u wada wanaagsan.dalkii aan nabad heeysan cid ku dalxiiseeyso ma jirto

Anigoo hortaagan mid ka mid astaamaha Magaalada Mombasa.

Markii aan magaaladda Mombasa tagay waxaa si aad ah ii soo dhaweeyay Wariye Mohamed Abdi Botaan oo ah wariye aan ka soo wada shaqeenay idaacada Frontier FM oo ay xarunteedu tahay magaaladda Nairbo,  sidoo kallane waxa uu Wariye Botaan ka midyahay wariyaasha qoraalo badan ku soo daabacay webka Somalitalk waxaanu nahay saaxiibo isku dheer.

Magaaladda Mombasa waa magaalo sidee ah.?

Magaaladda Mombasa waa Caasimadda labaad ee dalka Kenya, Mombasa waa magaalo xeebeyd dalkiisaka caan ku ah. Mombasa waxaa ku yaal degaka ugu weyn ugana shaqada badan ee Geeska Africa.

Magaaladda Mombasa waa magaalo ay u dalxiis tagaan sanad walba boqolaal kun oo qofood intooda badana ka yimaada dalalka reer galbeedka haba ugu badnaadaan dalalka Yurub. Dalka Kenya waxaa ka soo gala magaaladda Mombasa dhaqaalo aad u fara badan dhaqaalahaas oo ka kalla yimaada dalxiiska iyo alaabaha laga soo dajiyo degeda magaaladda.

Degemada Magaalada Mombasa oo ay ka socdaan hoolo fara badan.

Alaabaha laga soo dajiyo Degeda magaalada Mombasas waxaa loo soo gudbiyaa dalalka ay ka midka yihiin Sudan (Gaar ahaan Magaaladda Juba ), Tanzania,Uganda, Burundi, Rwanda iyo dalal kalle oo Africa ka tirsan.

Magaaladda Mombasa iyo waxyaabaha ay caanka ku tahay.?

Magaalo walba oo caalamka ka tirsan waxa ay magaalooyinka kalle oo caalamka la wadaagtaa waxyaabo badan oo arrimaha bulshadda ka tirsan, Mombasa waxa ay walaaho yihiin (Sister city) Magaaladda Seattle Washington DC ee dalka America.

Mombasa waxayaabo fara badan ayaa lagu xasuusan karaa marka aad tagtid, balse mudadii 3-da maalmood aheyd ee aan joogay Magaaladda Mombasa waxaa ii soo baxday in Mombasa ay caan ku tahay dhowr arrimood oo ay ka midyihiin.

  • Mombasa waa Magaalo dadka Safarka ah ay ku badanyihiin, iyadoo ay u sii dheertahay Dalxiiska oo ay caan ku tahay. Dadka safarka ahna waxaa ku badinaya dalxiiska iyo dadka ay aalabaha ooga soo dagaan degeda.
  • Dadka Magaaladda Mombasa dagan in ka badan 80% waa dad Muslimiin ah, waxayna dadka Muslimiinta ah ee Mombasa dagan caan ku yihiin salaanta Islaamka. Mombasa dadka dagan waxa ay u badanyihiin Carab, Hindi, Somali iyo dadka Baajunta oo Somali ah.
  • Mambasa Masaajida ayaa aad ugu badan, waxaana magaaladda Mombasa ku yaal boqaal Masaajid, iyadoo Masaajida ay aad isugu dhowyihiin. Balse Alle mahadii mar arkeeysid iyadoo Maamulka Masaajida ay isku heestaan dad ama kooxo diimeedyadda. Inta badana Masaajida waxaa maamulkiisa gacata ku haya culumada deeganka, waxaan kaloo aad ula yaabay dhamaan masaajida Magaaladda Mombsa saaladda subax waa laga aqriyaa Ducada Qunuudka oo ay inta badan isku khilaafaan Somalida.
  • Mombasa waxaa aad ugu fara badan Maqaayadaha cunooyinka laga cuno, casarkii wixii ka danbeeya ilaa habeynkii waqti danbe jidadka Mombasa oo dhan waxa ay isku badalaan Maqaayado laga cuno cunooyinka fudud, Mombasa waxaa laga cunaa cunooyinka fudud oo aad u macaan.
  • Shacabka Kenya oo ah shacab aad u fur-furan ayaa haddana dadka reer Mombasa waa dad aad u fur-furan oo meyl walba oo ay kaaga horyimaadaan way ku salaamayaan haddii ay ku garanayaan iyo haddii aysan ku garaneeynin intaba.
  • Mombasa waxaa aad ugu badan odayaasha  ciyaara Jarta oo inta badan odayaasha Somalida ay aadka u xiiseeyaan.
  • Mombasa waxaa aad ugu badan booqashooyinka dadka asxaabta iyo dariska ah oo waxaad galbihii arkeeysaa dad isku hanbalyeenayaa iyagoo iska wareeysanaya meesha ay wax marayaan iyo xaalada guud.
  • Mombasa waa magaalo cimilo ahaan aad u kulul. Marka loo bar-bardhigo magaalada Nairobi balse kuleelka Mombasa waxa uu shabahaa kuleelka magaalada Mogadishu.
  • Baaburta dadwaynaha ee magaalada ka dhaxshaqeeyo intooda badan waa garaawi darawadalada wada intooda badan waa kuwo aad u ixtiraam badan. Waxayna aad ooga ficanyihiin kuwa magaaladda Nairobi, inkastoo intii aan magalaa joogay aan ku socday gaari uu leeyahay saaxiibkeey Mohamed Abulaahi Adam  “Saliim” oo intii aan magaalada Mombasa joogay meelo fara badan oo magaalada ka tirsan igu soo wareejiyay.

    Aniga iyo saaxiibkeey Mohamed Abdulaahi “Saliim” oo xeebta Mombasa joogna.

Xasuusta waayihii Somalia.

Habka nolasha ee Mombasa looga noolyahay waxa uu ku soo xasuusinayaa dalkii Hooyo. Mombsa waxa ay si aad ah ugu dhowdahay dhanka nolashada magaaladda Mogadishu, waxaan ku soo dabaashay xeebta magaaladda Mombasa oo ku soo xasuusineeysa xeebtii magaaladda Mogadishu. Dhismooyinka iyo jawiga waxa ay ooga shabahdaa Somalia inkastoo Mombasa ay ka qurxoontahay magaaladda Mogadishu.

Magaaladda Mombasa way si toos ah kuu soo xasuusineysaa Degmada Xamarwayne ee magaalada Mogadishu, Mombasa xamarawayne waxyaabo badan oo aan la soo goobi Karin ayay kala midtahay.


Aniga oo taagan xeebta Magaladda Mombasa.

Xeebta magaaladda Mombasa waxaa ka jira tumasho heerkii ugu sareeysay gaartay, waxaad ku arkeeysa xeebta Mombasa dadka dalxiisayaasha ah gaar ahaan reer galbeedka.

Gunaanad.

Dalkaada marka uu nabad yahay ayaa lagu dalxiisi karaa, Nasiib daro inkastoo aanleenahay dal aad u qurxoon haddana dalkii Nabad la’aan ayaa intiisa badan ka jirta taas oo aan qofka Somaliga ah u sahleyn in uu dalkiisa ku dhaxmushaaxo.

Wax badan iima sameeynayso in aan dal aan dalkeeyga aheyn ku raaxeesto balse in aad dhulka iyo waxyaabaha aqoonta aad u laheyn in aad barato waa mid lagama maarmaan ah.

Dalkii nabad heesta ayaa lagu dalxiishaa oo nolashiisuna macaantahay ee Allow dalkeena nabadiisa oo aan dib u helno ayaan kaa tuugnay.

Salaamaat.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gantlemna”

sayfudiin@hotmail.com, ibraahim@journalist.com

Nairobi-Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS