SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 

KU: Warbaahinta Madax Banaan Gudaha Iyo Dibada

Ujeedo: Shir Jaraa’id

Maamulka ximan iyo Xeeb oo si kulul u beeniyey in Degaano ka tirsam maamulkooda ay la wareegeen Ahlu-Sunna –Wal-Jameeca

Guddoomiyaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/laahi M. Aadan (Tiiceey) oo xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa beeniyey warar dhawaan warbaahinta qaarkeed sheegeen taas oo ku saabsanayd in labada degmo ee Cadaado iyo Gelinsoor oo hoosyimaada maamulka Ximan iyo Xeeb ay la wareegeen ciidamada Ahlu Suna waljameeca. Wuxuuna guddoomiyuhu arrintaas ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog isla markaasna ciidanka booliska Ximan iyo Xeeb ay ka shaqeynayaan amaanka degmooyinkaas.

Sidoo kale Guddoomiye Tiiceey wuxuu  shaaca ka qaaday in maamulka Ximan iyo Xeeb uu howlihiisii si fiican u wato ka dib markii dib u habayn lagu sameeyey masuuliyiintii maamulkaas Ximan iyo Xeeb ayna furan yihiin dugsiyadii waxbarashada iyo adeegyadii bulshada dhamaantood laga soo bilaabo Hobyo ilaa tuulada Dacdheer dhulkaas oo dhirirkiisu dhan yahay 550 Km, aysana ka jirin wax dhibaato ah.

Dhawaan waxaa noo yimid culumo iyo ciidamo ka tirsan Ahlu Suna wal jameeca oo ka yimid dhanka degmada Dhuusamareeb waxayna noo sheegeen in ay ula jeedada safarkoodu yahay in ay dhex dhexaadiyaan labada beelood ee Cadaado iyo koofurta Gaalkacyo xurguftii ku dhexmartay degmada Gelinsoor Desember 2008.   Hase yeeshee waxaan u sheegnay in ay wadaan dib u heshiisiinta labada beelood labada maamul ee Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ayna ku haboon tahay in laga warsugo ka miro dhalinteeda.

Guddoomiye Tiiceey wuxuu sheegay in hada ka hor shir qaatay labo maalmood ay ku yeesheen Gaalkacyo labada maamul ee Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug, sidaas oo kalena guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Faarax Bare mar uu so gaaray deegaanka Ximan wuxuu sheegay in ay dhawaan dhigi doonaa si wada jir ah gogoshii dib u heshiisiinta labada beelood.

Sidoo kale guddoomiyaha maamulka Ximan iyo Xeeb mar uu la hadlayey dadweynaha reer Cadaado wuxuu sheegay in dhawaan la dhigi doono gogoshii dib u heshiisiinta, laguna jiro qaabkii farsamo.

 

Guddoomiyaha Maamulka Ximan Iyo Xeeb

Maxamed C/laahi M. Aadan (Tiiceey)

F.G: shirkan jaraa’id waxaa saxaafada u qeybiyey:

xoghayaha xafiiska maamulka sare ee Ximan iyo Xeeb

Saciid Cabdi Axmed (Saciid Caynte)

Waxaa soo tebiyey: amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS