SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye Oo Ugu Baaqay Raysal-wasaare Sharma,arke Inuu Qanciyo Beesha Sadde

Odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa raysal wasaare sharma,arke ugu baaqay in la qanciyo beesha sadde mareexaan kadib markii ay kasoo horjeesteen golaha wasiirada ee dhowaan lagaga dhawaaqay dalka jabuuti .

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Beesha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo la hadlayey qaar ka tirsan warbaahinta magaalada muqdisho ayaa ugu baaqay raysal-wasaaraha xukuumada dowlada midnimada qaran inay qanciyaan oo soo gole fariisiyaan beesha sadde mareexaan islamrkaana carabka ku adkeeyey inay soomaaliya kasoo daashay is jiid jiid loona baahan yahay in la qanciyo cid kasta oo xaqiraad tirsanaysa waa siduu sheegaye .

Sidoo kale Nabadoonka ayaa waxaa uu Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha ugu baaqay in loo baahan yahay maadaama dowladu tahay mid wada dadaalo lagu doonayo dib u heshiisiinta inay qanciyaan beeshaasi oo sheegatay inaysan ku qanacsanayn hal xubin islamrkaana ay si wada jir ah madaxweyne shariif iyo raysal-wasaare sharma,arke looga baahan yahay in loo muujiyo dadaal .

Si kastaba ha ahaatee hadalka kasoo yeeray odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa kusoo beegmaya xili ay beesha sadde mareexaan si weyn uga soo horjeesatay xukuumada dhowaan lagaga dhawaaqay dalka jabuuti islamrkaana sheegtay inaysan ku qanacsanayn golaha wasiirada lasoo dhisay .



yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS