SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUCUUDIGA

Sucuudiga: Xaflad loo sameeyey wasiirka Awqaafta ee Jabuuti

Wasiirka diinta iyo Awqaafta ee Jamhuriyadda Jabuuti Xaamud Abdi Suldaan oo ahaa masuulkii dawlada jabuuti u xilsaartay ka midha-dhalinta shirkii dib-uheshiisiinta soomaaliyeed ee ka soocdey wadnaka Jabuuti ayaa waxaa xaflad soo dhoweyn iyo mahadnaq isugu jirta u sameeyey Jaaliyadda somaliyeed ee sacuudiga, qunsuliyadda Guud ee somalida ee Jeddah, iyo ganacsatada somalida ee jeddah iyo xubno (somali ah) ee ka tirsan Bangiga Horumarinta Islaamaka (IDB).

Xafladaas oo ka dhacday Hoteelka Red Sea Palace ee ku yaal Magaalda Jeddah ayaa waxay dadkii halkaas isugu yimid ay uga mahad celiyeen jamhuuriyadda Jabuuti ee Madaxdeedaba, gaar ahaan madaweyne Ismaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Xaamud Abdi Sultaan xoogga ay saareen dib soo celinta qarannimadii somalia.

Xubnihii halkaas ka hadlay waxay ku guubaabiyeen dawladda jabuuti inay sii waddo dadaalka ay ku taageerayso nabada soomaaliya iyadoo sidoo kale laga codsaday dawladda jabuuti inay u magacowdo Somaliya ergay gaara ah, si uu usii baritaaro hawsha nabdaynta marka dawladda Somaliyeed ee dhawaan la magacaabay u guurto dalka gudihiisa.

Ugu dambayn waxaa wasiirka la guddoonsiyey hadyada qaali ah taasoo ahayd kitaab ama masxaf qurux badan oo uu godoonsiiyey oday ka mid ah ganacsatada Somalida ee Jeddah ku nool Al-Xaaji Maxamuud Jamac Ibrahim.


Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2009


Waraaqo Lagu Daadiyey Hoolka Baarlamaanka Dhexdiisa oo Looga Soo Horjeedo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan
iyo Khudbad madaxweynaha Dawladda FKMG u jeediyey baarlamaanka.. Akhri... Feb 22

cumarBaarlamaanka oo ka doodaya Qorshe Hawleedka Xukuumada cusub, tirada Golaha Wasiirada magacyadooda oo dhameystiran iyo Qorshe Hawleedka xukuumada oo dhameystiran... Akhri...

xasan iyo shariifWaraysi: Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
waxaana u maleynayaa in Wasiirada lagu dhawaaqi doono Jimcaha/Sebti
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa" Akhri.. - Feb 18

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS