SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dibad Baxyo Lagu Diidan Yahay Xukuumada Sharma,arke Oo Ka Soconaya Labo Maalmood Deegaano Ka Tirsan Gobolka Geddo

Beesha sade mareexaan ayaa si weyn uga soo hor jeesatay magacaabista wasiirada xukuumada dowlada midnimada qaran ee uu dhowaan ku dhawaaqay raysal wasaaraha xukuumada cumar c/rashiid cali sharmarke taasoo abuurtay kacdoono iyo mudaharaadyo ka socda deegaanada ay beeshaasi degto .

Mudaharaadyadan ka socda deegaanada gobolka geddo oo galay maalintii labaad ayaa ka dhashay kadib markii ay waxgaradka iyo odayaasha beeshaasi ay sheegeen inay saluugsan yihiin xubinta kaga soo hagaagtay xukuumada wasiirada cusub islamrkaana aan la siin xilal u qalma iyagoo tilmaamay inay xukuumada sharma arke lagu xaqiray waas iday hadalka u dhigeene .

Sidoo kale raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka batroolka iyo tamarta dowlada midnimada qaran mud,goonjeex oo ahaa xubinta keliya ee u taagnayd beesha sadde ayaa sheegay inuu xilkiisa iska casiley kadib markii uu arkay in beeshiisu aysan ku qanacsanayn islamrkaana shaaciyey in beeshu kulan ku yeelan doonto gobolka geddo

Dhinaca kale dibad baxyada ka soconaya labada maalmood deegaanada gobolka geddo ayaa la sheegayaa inay salka ku ahayaan diidmada xukuumada lasoo dhisay dhowaan taasoo ay sheegteen waxgaradka halkaasi ka abaabuley banana baxyada inaysan ku dhisnayn si cadaalad ah islamrkaana ay doonayaan in cadaalada saldhig laga dhigto .

Nabadoon cali geedi oo kamid ah abaabulayaasha dibad baxan ayaa saxaafada u sheegay inay hadii la waayo cadaalad ay xukuumadani noqon doonto midii c/laahi yuusuf oo kale wa siduu hadalka u dhigaye balse ay iyagu doonayaan in dib loogu laabto dhismaha xukuumada iyagoo eeda dusha uga tuuray raysal wasaare shar ma,arke .

Si Kastaba ha ahaatee dhismaha xukuumada cusub ayaa u muuqata mid durba ay kasoo ifbaxayaan saluug ay saluugeen xilalka wasiirnimo ee loo magacaabay beelaha qaarkood oo ay sheeganayaan in la xaqiray waloow ay qaarna ku qanacsan yihiin xilalka loo magacaabay xubnaha beeshooda .



yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2009


Waraaqo Lagu Daadiyey Hoolka Baarlamaanka Dhexdiisa oo Looga Soo Horjeedo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan
iyo Khudbad madaxweynaha Dawladda FKMG u jeediyey baarlamaanka.. Akhri...

cumarBaarlamaanka oo ka doodaya Qorshe Hawleedka Xukuumada cusub, tirada Golaha Wasiirada magacyadooda oo dhameystiran iyo Qorshe Hawleedka xukuumada oo dhameystiran... Akhri...

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS