SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan Todobaad uga socdey Degmada Guri-Ceel Odayaal ka socdey Beesha Cayr oo laga soo saarey Dhowr Qodob


waxaan dhawaan lagu soo gabagabeeyey Degmadda Guri-Ceel ee Gobolka Galguduud Kulan Balaaran oo muddo Todobaad halkaa uga socdey Odayaasha Dhaqanka Beesha Cayr kuwaas oo ka kala yimid Dalka Gudihiisa iyo dibadiisa , waxaana looga hadley arrimo fara badan oo ka jira dalka gaar ahaan Deegaanada ay degto Beesha Cayr sida Degaanada Guriceel iyo Dhuuso Mareeb oo dhawaan ay ka dheceen Dagaalo ee u dhaxeeyey Ururada Diiniga ee Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna Wal Jameeca kaasoo ay ku dhinteen Dad fara badan kuwa kalena ay ku barakaceen , sidoo kale waxaa kulankaas looga hadley, sidii taageero loogu muujin lahaa Dawladda uu madaxda ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed , waxaa kaloo looga hadley sidii Gargaar loola soo gaari lahaa Dadkii ka barakacay Degaanada ay degto Beesha Cayr

Mudadii uu socdey kulankaas ayaa si aad ah loogu lafa gurey Qodobada aan aan kor kaga soo hadalney iyadoo odayaasha ay is tusaaleeyeen in waqtigan loo baahan yahay in dalka lagu soo dabaalo Nabada taas oo ay sheegeen in cid weliba ay dan ugu jirto sidoo kale odyaashii ka hadley kulankaas ayaa sheegay in odoyaasha ay ka go'an tahay in deegaanadooda ay ku soo dabaalaan Nabad isla markaana ay ka hortegi doonaan cid kasta oo Carqalad ku ah nabada iyaga oo sheegay on ay kaashan doonaan Ciiudamada deegaanka iyo kuwa Ahlu -Sunna- Wal -Jameeca

kulankan oo aan Muddo todobaad ah loo kala kicin ayaa guntii iyo Gabagabadii waxay Odayaasha ka soo saareen Dhowr Qodob oo ay ka mid ahayeen:

In Degaanada ay degto Beesha Cayr aan looga baahneyn wax Dagaal ah ciddi isku deyda in ay ka hortimaado Nabadaas ay ka hortigi doonaan iyagoo kaashanaya Ciidamada Ahlu- Sunna -Wal-Jameeca , Ciidamada Deegaanka iyo Dadweynaha.

Waxaa kaloo qodobadaa ka mid ahaa in loogu baaqay Hayadaha Samafalka in ay gargaar la soogaaraan Dadweynaha Deegaanka iyagoo ku sheegey baaqooda in ay sugi doonaan amaanka Shaqaalaha Hayadaha Samafalka gaar ahaan deegaanada ay degto Beesha Cayr waxaana amaanka ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlu- Suna -Wal-Jameeca iyo kuwa deegaanka.

Sidoo kale waxaa baaqooda ka mid ahaa in ay si kalsooni ku jirta ay u taageerayaan Dowlada Cusub oo uu haogaaminayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed taas oo ay sheegeen in ay dalka ka samatabixin karto Dhibaatooyinka jira , waxayna gabagabadii ugu baaqeen shacabka soomaaliyeed in Dhibaatada ka jirta soomaaliya looga bixi karo iyadoo si dhab ah loo qaato Kitaabka iyo Sunada Nabiga Naxariis iyo Nabadgelyo ha ahaatee waxaana kulankan ka qayb galey odayaal Gaaraya Ilaa iyo Soddon iyo Shan Xubnood waxaana ka mid ahaa:

Cilmi Xirsi Carab
Cabdulqaadir Ugaas
Yaasiin Xaashi Ugaas
Cartan Shiikh-Doon
Jaamac Bootaan
Jaamac Cajireey
Cabdulaahi Xiirey
Warsame Sabriye
Xasan Rooble
Xasan Xirsi Axmed
Cabdi Dhangad
Maxed Xirsi Qase


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS