SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Magaalada London oo shir lagu taageerayo Dowladda lagu qabtay kana
soo qeybgaleen....

Kadib markii uu soo gabagaboobay heshiiskii magaalada Jabuuti ee ay
mucaaradka iyo dowladda ay ku dhisteen dowlad mideysan waxaa soo
ifbaxayay taageerada balaaran ee loosoo gudbinayo dowladii
heshiiskaas kadib kasoo baxday. Waxaa dhawaan magaalada London lagu
qabtay shirweyn oo ay soo qaban qaabsheen qurbajoogta Soomaalida oo
lagu ayidayo madaxweynaha iyo Ra'iisulwasaaraha. Shirkan oo ay ka
soo qeybgaleen siyaasiyiin iyo saraakiil caanka ah Soomaaliya oo uu
horkacayo Ra'iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Md.Nuur Xasan
Xuseen(Nuur Cade).

Shirkan oo lagu soo bandhigay qudbado iyo heeso ayaa waxaa dadkii
kasoo qeybgalay lagu qiyaasay inka badan sadexboqol (300) oo qofood
in kabadan. Md. Nuur Cade ayaa u mahad celiyay dadkii halkaas isugu
yimid iyadoo sidoo kale uu halkaasi uu ka hadlay Md.Cumar Salaad oo
ka sheekeeyay muhiimada ay leedahay dowladnimada iyo in maanta loo
baahan yahay in la taageero si dhibta looga baxo, waxaa iyana sidoo
kale halkaas ka hadashay Dahabo Xassan oo ka mid aheyd qaban
qaabiye yaashii xafladaas taageerada ah, dhinaca kale Gen.DR Cusman
Xaaji Cumar oo loo yaqaan Cusman Falko ayaa isna hambalyo u diray
Madaxweynaha iyo Ra'iisulwasaaraha cusub waxaana uu kuladardaarmay
madaxdda cusub isagoo leh"waagaan yaraa aabahey wixii oran jiray
muuminka laabtaada ayaa la'tusaa munaafaqana muruqaaga" hadalkaas
ayaa waxaa ay dadkii halaas isugu yimid ay aad ugu riyaaqeen, sidoo
kale Gen.Falko wuxuu Soomaalida ku yiri waxaan marwalba ilownaa
ninkii wax naga ba'shay balse maanta waxaa lajoogaa xiligii
la xusuusan lahaa kuwaas.

Qore: Maxamud Cusman-London
said@london.com

beesha ciise mudulood {udeejeen} oo maanta ku shiray magaalada london.baaq taageerana u diray dawlada midnimo qaran.

waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-02-2009 axadna ah,shir iskugu yimid magaalda london,islington,angel beesha ciise mudulood {udeejeen}ee ku nol magaalada london,waxayna kaga wada hadleen marxaladihii kala duwanaa ee dalka uu soo maray,waxaana la isla soo qaaday sida ugu fudud ee dalka iyo dadka lagu samata bixin karo ayada oo laga faaiidaysanaayo waayo aragnimadii la soo maray waxaana la isla gartay in ay marag madoonto tahay in fursad qaali ah oo ay ummada- soomaaliyeed soo martay maanta kadib markii masiirka umada soomaaliyeed loo doortay in uu madaxweyne u noqdo,shaqsi u qalma in uu qaado masuu liyadas,waxaana ay beeshu isla goobtaas u direen taageero aan loo kala harin masuuliyadaas culus ee uu qaaday mudane sharaf badane,madaxweyne midnimo qaran sh,shariif sh,axmed,waxa ayna ilaahay uga baryeen in uu u sahlo- masuuliyadaas uu u qaaday umada soomaaliyeed,allahna ka hayo il-nacab iyo mid xasidba,dadkii halkaas iskugu yimid waxaa wejiyadooda hareeyey farxad iyo guul aan la soo koobi karin.waxaana la iskula dardaarmay in guushaan taariiqiga ah ee umada soomaliyeed u soo hoyatay ama u dhalatay in aan la iskaga ciyaarin oo laga faaiideeysto waxii na soo maray casharna ay noo noqoto. Waxaana gebagebadisii loogu duceeyey shirkaas dhamman umada soomaaliyeed in ilaahay bogooda burcad isu mariyo,oo aanan laga quusan raxmada ilaahay.dadkii ka soo qeyb galay waloow ayaad u badnaayeen waxaan ka xusi karnaa.
  • 1-nabadoon axmed salad cusman{axmed sulub}
  • 2-sheekh cabdullahai macalin maxamed.
  • 3-sheekh axmed maxamuud xiiirane.
  • 4-cumar sheekh xuseen.{uun-sadaqo}
  • 5-ugaas dhaqane barrow cali.
  • 6-inj.cabdiraxmaan cumar axmed{kabloow}.
  • 7-caaqil xasan axmed macallin {xasan cadde}.
  • 8-xasan maxamuud maxamed.{xasan suuleey}.
  • 9-cabdirisaaq macalin maxamed{cabdi macalin}
  • 10-cabdiraxmaan maxamed dhaqane.

    By;cabdiraxmaan cumar kabloow.
    Gkablow@hotmail.com

bayaan baaq Beesha Meheriga ee Puntland


Waxaa soo tebiyey: Dahir Warsame <dwarsame@hotmail.com>


Munaasabad Lagu Taageerayo Madaxweynaha Iyo Ra'isal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo K a Dhacday Wadanka Malaysia.

Xaflad ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweyne Shiikh Shariif iyo ra'isal wasaaraha uu magacaabay mudane Cumar C/rashiid Sharma'arke ayaa lagu qabtay mid ka mid ah hoolalka jaamacada Islaamiga ah ee UIA taasoo ku taala caasimada Kuala Lumpur ee wadanka Malaysia.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka ardayda soomaaliyeed ee wadanka Malaysia Somali Students Society In Malaysia(SSSM) ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf badan iyo bulshaweynta Soomaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia, sida aqoonyahanada, indheer garadka, odayaasha, haweenka iyo dhamaan ardayda wax ka barata jaamacadaha wadanka.

Munaasabadan oo lagu falanqeeyay dood cilmiyeed ku aaddanaa xaaladda iyo isbedelka wadanka ka dhacay iyo sida uu maamulkan cusub u hanan karo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo in ka badan 18 sanadood ku dhex jiray fawdo iyo dhibaato aan dhamaanayn ayaa doodo dhaadheer oo xiiso leh ka dib waxaa la is tusay in fursaddani maanta taagan ay tahay tii looga gudbi lahaa hadaan laga hor imaanin oo dadkoo dhan iska iloobaan qabyaaladda iyo qurunka dilooday ummadda Soomaaliyeed, taasoo na dhaxal siisay bay yiraahdeen dadkii ka qeyb qaatay doodahaasi dar xumo, sharaf dhac , darajo la'aan, iyo in meel walba magaca Soomaali laga naco.

Isku soo wada duuboo, mas'uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr Maxamed Cabbaas, Injineer C/casiis, aqoonyahanka Soomaaliyeed Mr Bile iyo gudoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia Maxamed Khadar Ismaaciil. Iyadoo dhanka xiriirinta xafladdaasina uu majaraha u hayay wariyaha caanka ah ee Cismaan Black oo dalka Malaysia wax ka barta.

Wariye C/raxmaan Jaamac Afrax "Helos"
Malaysia_Kuala Lumpur
helos69@hotmail.com


Waxgaradka & Aqoonyahanda Soomaaliyeed ee magaaladda Leicester oo taageero iyo hambalyoba u gudbisyy magacaabidda Wasiirka 1aad ee Soomaaliya 

Waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee magaaladda Leicester ayaa soo dhaweeyay , una hambalyeeyay wasiirka 1aad ee Soomaaliya, Mudane Dr. Cumar Cabdirishiid Cali Sharmaarke. 

Jaaliyaddu waxa ay u arkaan Cumar Cabdirishiid inuu yahay nin ku haboon jagadaas, isla markaana leh karti iyo aqoon uu wax uga qaban karo arimaha murugsan ee Soomaaliya. 

Sidoo kale waxey jaaliyadda ugu baaqayaan maamulka madaxweyne Shariif iyo Wasiirkiisa 1aad ba inay u gutaan howsha iyo xilkaas adaga ay ummadda u qabteen si ay ku jirto Allaah ka cabsi, oo ay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidi ay isugu soo dumi lahaayeen dhammaan qaybaha kala duwan ee isaga soo horjeeda  siyaasadda Soomaaliya.. 

Jaaliyadda Soomaaliyeed waxa ay leeyihiin Allaha dowladdan ka dhigo tii dalka, dadka iyo diintaba u adeegta, oo noqota tii soo afjari laheyd dhibaatooyinka daba dheeraaday ee Soomaalia. 

Dadka  taageerada iyo hambalyadaas diraya waxey kala yihiin: - 

  1. Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude
  2. Caaqil Maxamed Cabdixaliim Cusmaan
  3. Caaqil Cabdullaahi Muuse Guuto
  4. Shiikh Cabdalla Maxamuud
  5. Caaqil Yuusuf Cabdulle Xodey
  6. Suldaan Guure
  7. Ganacsade Jaamac Shiikh Cusmaan
  8. Ganacsade Fuaad Ismaaciil
  9. Ganacsade Cali Timoyare
  10. Warsame Maxamed Siciid Beeldaaje
  11. Eng. Cabdirisaaq Dhamac
  12. Tababare Cabdulqaadir Xirsi Biina
  13. Aqoonyahan Cabdulraxmaan Cali Cumar ( Janaraalka )
  14. Aqoonyahan Cabdikeyf Bashiir
  15. Maxamed Yuusuf Xirsi ( Roomaano )
  16. Cabdullaahi Maxmud Dhunkaal ( Baantow )
  17. Cabdicasiis Hoolif
  18. Dr. Cali Maxmed Ciise
  19. Ganacsade Cabdicasiis Maxmed Ciise
  20. Siciid Cali Xaaji Nuur
  21. Aqoonyahan Xasan Axmed Jaamac ( Xasan Dheere )
  22. Abdirishiid Axmed Buufiye
  23. Aqoonyahan Cali Xirsi Cartan
  24. Maxamed Cali Warsame
  25. Dr. Siciid Yuusuf
  26. Maxamed Yuusuf
  27. Cumar Maxamed Nuur Jinaaf
  28. Daa’uud Cabdullaahi Maxamed
  29. Maxamed Xaaji  Xassan
  30. Eng. Cabdirishiid Cartan
  31. Cabdixakiim Jaamac Jooje

abdi joje <saicentadv@yahoo.com>


Jaaliayaadda Soomaaliyeed ee Seatle oo Taageertay DFKMG


Safarkii Uu Weriye Yaasiin Faytin Uu Kusoo Maray Magaalooyinka Kala Duwan Ee Somaliland ,puntland iyo Bartmaha

Muuqaalka guud ee magaalooyinka soomaalliland gaar ahaan magaalada geeska usoo xigta maamulka Somaliland ee laascaanood ayaa muga iyo miisaanka dadka ee ku dhaqan halkaasi waxay iila muuqdeen kuwo ku nool nabad waloow ay magaalada laascaanood ka muuqdeen raadad colaadeed oo hore looga barakacay kadib la wareegistii Somaliland taasoo ay hareeraha ka fadhiyeen ciidamo xoogan oo ka amar qaata maamulka Somaliland.

Waxaa muuqaalka dadka joogay magaaladaasi iiga muuqday kuwo kala qaybsan islamrkaana ay qaarkood ku qanacsanayaayeen maamulka jamhuuriyada somnaliland oo iminka gacan buuxda ku haya magaalada laascaanood halka ay qaarkood marti u ahaayeen maamulka puntland ee garoowe iyagoo buux dhaafiyey hotelada magaaladaasi garoowe .

Sidoo kale kadib maalmo aan joogay magaalada Laascaanood ayaan waxaan usoo Ruqaansaday dhinaca maamulka garoowe ee magaalada xarunta u ah mamul goboleedka puntland taasoo ay iiga muuqdeen mashquul dhinaca maamuka cusub iyo sidii uu ugu mashquulsanaa sidii uu qof kastaaba uu muraayada isaga dhex arki lahaa golaha wasiirada oo ay xusul duubka ugu jireen inuu madaxweyne faroole uu magacaabo.

Dhinaca kale waxaan si weyn aan ugu hakaday magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan oo halbowle ganacsi u ah gobolada dhexe ee soomaaliya taasoo ay u muuqatay inay si weyn u dhismasey iyadoo kazoo kabsanaysay dagaaladii sokeeye ee mudooyinkii hore soo maray .

Muuqaalka magaalada ayaa waxaa ka socdey dhismaha jidadka dhex mara magaalada taasoo ay maal gelin ku sameeyeen hay,ado maxali ah iyo ganacsato kazoo jeeda gobolkaasi iyagoo saldhig ka dhigtay dhaqanka gobolkaasi oo hurmuud u ahaa Ugaaska beeshaasi Ugaas c/raxmaan Ugaas khaliif

Iskusoo wada duube safarkaygii dhulka ahaa ee aan kusoo maray maamulada somalailnd ,puntland iyo barlmaha ayaa waxuu iigu soo gabagaboobay jawi degan waxaana mahad balaaran iska leh ALLAha subxaana watacaala ee I waafajiyey inaan si nabad ah ku imaado magaalada muqdisho ee caasimada Somalia .

faytin yaasiin <yaasiinfaytin@hotmail.com>


100-kii Gabdhood ee ugu saameynta badnaa sanadkii 2008-da

100-kii Gabdhood ee ugu saameynta badnaa sanadkii 2008-da, Drs,Caasho Cumar (Caasho Kablow) oo kaalinta 7-aad ka gashey, waana guul usoo hoyatey Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waana mid in badan laga faano,islamarkaana ay ku daydaan Gabdhaha Soomaaliyeed ee sookoraya iyo kuwa hada ku jira hawlaha kala duwan ee bulshada wax loogu qabanayo
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS