SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

DGPL oo Dacwad Kusoo Oogaysa Amiin Caamir...

Amiin Caamir oo Sawir Gacmeed ku muujiyey "Warshada lacagta ee Faroole" iyo Puntland oo sheegtay in ay arrintaas u xilsaartay garyaqaan dacwad ku ooga Amiin Caamir....

  • "Been abuur u dul qaadan meyno ama dibad halaga sameeyo ama gudaha halaga sameeyee. Waa dacweyneynaa, Garyaqaanno ayaanu qabsaneynaa, kana hari mayno waxyaabaha dacaayadda ah ee lagu burburinayo horumarka dalka iyo nabad galyada..." Madaxweynaha DGPL...
  • "Been abuurka iyo sharaf dhaca dembiga ay leedahay ayaanu kula sixaabtameynaa" Wasiir xigeenka warfaafinta DGPL

    SomaliTalk.com | Jan 15, 2009

Madaxweynaha DGPL, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shir jaraa'id oo uu Boosaaso ku qabtay Feb 14, 2009 waxa uu si kulul uga hadlay sawir gacmeed uu dhawaan sameeyey Amiin Caamir.

Sawir Gacmeedkaas oo, sida hoos ka muuqata, uu Amiin Caamir ku muujiyey wax u eg warshad lacag soo qufeysa oo uu si muuqata ugu dul qoray "Warshada lacagta ee Faroole". Waxaana ku sawiran sawir qof gashan ama xiran dhar madduul leh oo dhahaya, sida qoraalku muujinayo, "Puntland Dhaqaale Xumo ayaa ka jirta ee Lacag la'aani kama jirto"

farooleDr. Faroole oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri "Hawshii naloo xilsaaray (markii aqlabiyad nalaku doortay) iyo ballaan qaadkii aannu samaynay, barnaamijkii dawladda waxaa ka mid ahaa inayan dhici karin marna waxaan dadka maslaxadiisa ahayn  in aan laga shaqayn, waxaan xagga dhaqaalaha wax weyn ka sheegnay, inaannu la diri doono sicir bararka, lacago aan la daabaci doonin, cid soo daabacdana aanaan ogolaan dooni in ay dalka ku daabacaan ama dibadda ay ka keenaan." Waxana uu intaas ku daray "Dacaayado raqiis ah oo dad hadba qof inta dhawr doolar u tuuro jaraa'id wax ku qorqora ama websiteyo wax ku qorqora, ama sawiro ayaa dacaayad (borobagaando)  raqiis ah meelahaas furaya ay ka mid tahay ninkan Amiin Caamir la yiraahdo oo halkaan aad hadda sawirkiisa ku arkeysaan."

Dr. Faroole oo hadalkisii sii watey waxa uu yiri "idinka ama cid kale ha ahaatee waa ogolahay in wixii jira oo aduunka ka jira la baahiyo oo dadka la gaarsiiyo, laakiin been abuur u dul qaadan meyno ama dibad halaga sameeyo ama gudaha halaga sameeyee. Waa dacweyneynaa, Garyaqaanno ayaanu qabsaneynaa, kana hari mayno waxyaabaha dacaayadda ah ee lagu burburinayo horumarka dalka iyo nabad galyada iyo siyaasadda, ama Soomaaliya oo dhan ha ahaato ama dawlad Goboleedka Puntland."

C/raxamaan Faroole waxa uu markaas weriyaasha u sheegay in wasiir ku xigeenka Warfaafinta DGPL ay weriyaashu arrintaas si wanaagsanuga waraystaan.

Waxa kale oo madaxweynaah DGPL uu ka hadlay mowqifkiisa ku aadan doorashadii Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke loo magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG. Taas hoos ayaan ka dhegeysan doontaa.

Balse marka hore aan ku hakano hadalkii Wasiir ku xigeenka warfaafinta, C/shakuur Mire Aaden uu siiyey warbaahinta oo uu kaga hadlay dacwadda ay Puntland la tiigsaneyso Amiin Caamir. Hadalkii Wasiirka oo SomaliTalk.com ay qoraal u rogtey hoos ka akhri.

Ama Halkan ka dhagayso Hadakii wasiir xigeenka ama soo rogo

Waxa aan isugu kiin yeeray sida aad ka maqlayseen warsaxaafadeedka madaxweynaha uu qabtay, in aan ku bayaamino khaladaad iyo been-abuur ay saxaafadda qaarkeed samayso. Waad u jeedaan farshaxanka Amiin Caamir waxa uu qoray taas oo uu ku muujinayo in Puntland ay taal wershed lacageed, weliba uu ku sii caddaynayo wershedda in uu leeyahay madaxweynuhu.



Sawirka Amiin Caamir. Isha sawirka iyo xuquuqdiisa:  http://aminarts.com/feb_10_2009.html

Qoddobo kamid ah sharciga "Sharaf dilida/ ama Sharaf dhac ku samayn qof" iyo ciqaabta ka dhalan karta oo gaareysa ilaa shan sano oo xarig ah haddii ula kac loo sameeyo.
Government of CanadaCanadian Defamation Law
Serving Canadians

Defamatory Libel

Definition
298. (1) A defamatory libel is matter published, without lawful justification or excuse, that is likely to injure the reputation of any person by exposing him to hatred, contempt or ridicule, or that is designed to insult the person of or concerning whom it is published.
R.S., c. C-34, s. 262.

Publishing
299. A person publishes a libel when he
(a) exhibits it in public;
(b) causes it to be read or seen; or
(c) shows or delivers it, or causes it to be shown or delivered, with intent that it should be read or seen by the person whom it defames or by any other person.
R.S., c. C-34, s. 263.

Punishment of libel known to be false
300. Every one who publishes a defamatory libel that he knows is false is guilty of an indictable offence and liable to imprisonment for a term not exceeding five years.
R.S., c. C-34, s. 264.

Punishment for defamatory libel
301. Every one who publishes a defamatory libel is guilty of an indictable offence and liable to imprisonment for a term not exceeding two years.
R.S., c. C-34, s. 265.

More: http://laws.justice.gc.ca

Taasi waxay ka mid tahay been abuurka lid ku ah sharaafta jiritaanka Puntland.

Halkan waxaad ku arkeysaan wargeysa jamhuuriya la yiraahdo in uu isagu kaba sii af-dheeraaday oo uu ku sheegay in golaha wasiirada Puntland ay go'aamiyeen wershed lacag ah oo lagu sameeyo Puntland gudaheeda.

Waxaa yaab ah, bini'aadamku been wuu sheegaa, beena waa la sheegaa oo bini'aamigu been wuu sheegaa, laakiin waxaa la yaab leh been aan sal iyo raad lahayn in la sheego.

Waxaa jira website-yo caadaystay  in ay sameeyaan been abuur lid ku ah is-bedelka dhawaan ka dhacay Puntland.

Dawlad Goboleedka Puntland is-bedel ayaa ka dhacay. Dawladda Puntland waxay ballan qaaday in lala diriro lacagta been abuurka ah taas oo ragaadisay dhaqaalahii Puntland afartii sano ee la soo dhaafay. Waxaa kale oo Puntland qorshaha barnaamijka dawladdeeda ka mid ah in aan la keeni karin, mid dibadda laga keeno, gudaha Puntland aan lagu daabaci karin.

Amiin Caamir waxa uu joogaa waddan sharcigu shaqeeyo dalka Canada. Waxaannu ballaan qaadeynaa, "already" aannu la xiriirnay Garyaqaan. Waa la yaqaanna website kasta meesha laga marti geliyo (host-gareeyo) oo laga daabaco (post-gareeyo), waa la yaqaannaa cidda damiinatay ee iska leh.

Amiin Caamir waxaannu ku dacwaan doonaa sharciga caalamiga ah waayo waddanka uu joogo waa waddan sharciga la ilaaliyo, guud ahaana waanu qabsanay qareenkii u doodayey Puntland. Waxaa laga rabaa xaqiijinta iyo caddaynta qoraalka uu gacantiisa ku sawiray. Ma aha (waxa aan sheegeyno) wax been abuur ah oo isaga ayaa ku saxiixan Amiin Caamir, website kiisana waa laga heli karaa.

Teeda kale waxaannu uga digeynaa dadka suxufiinta Puntland oo magacyadooda ku nashra website yada qaarkood ee sameeya been abuur. Suxufigu ma ahan qof caadi ah, waa qof masuuliyad saaran tahay.

Waxaa la yaab leh qofka qoraya Golaha wasiirada Puntland ayaa shir ku gaarey, xaggee ayuu uga soo dhacay, daaqadee uga yimid. Warka waa la raadiyaa waa la daba galaa, suxufiyuuntu xogo ayey helaan laakiin suxufiyiintu ma gudbiyaan wax been abuur ah. 

Been abuurka iyo sharaf dhaca dembiga ay leedahay ayaanu kula sixaabtameynaa, ciddii gudaha joogta ee daabacda war aan sal lahayn - xor ayaad u tihiin inaad qortaan wixii dhaliil ah, xor ayaad u tihiin in aad wax sheegtaan, xor ayaad u tihiin in aad daba gashaan oo la xisaab tantaan masuuliyiinta Puntland, laakiin qof in uu been inta uu meel fariisto fekero siyaasad aan waxba ka jirin isaga oo dano siyaasadeed leh.

Waxaannu garan karnaa dacaayadda raqiiska ah ee Puntland lagu hayo, isbedelkan cusub wuxuu la jaan qaadayaa ballan qaadkii lagu galay doorashada, oo ah in wax badan laga qabto. Waad garan kartaan asbuucii iyo dheeraadkii uu (Boosaaso) joogey madaxweynuhu waxaa la ballan qaaday dhismaha wadada magaalada dhex bartankeeda marta, dhisid cusbitaal. Waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay ceel la qodayey, taakulaynta wax barashada iyo caafimaadka iyo dekedda intaba.

Waxaannu ku dadaali doonaa in ay dadku nala xisaab tamaan, xisaabtaas oo ah in wixii aannu dhaliil leenahayna naloo sheego, wixii aannu qabanayna nalagu ammaano, taasi  macneheeda ayey tahay.

Waxaan uga digayaa suxufiyiinta Puntland in aanay ku simbiriirixan khaladaadka, maxkamad ayaa la keeni doonaa cid alla ciddii war been abuur ah samaaysa waana kula xisaabtami doonaa. Annaga waxaa noo fiican in aan suxufiyiinta la sixaabtanno si sharci ah. Wasalaamu calaykum waraxmatullaahi Wabarakaatuhu, ayuu ku gabagabeeyey C/Chaskuur Mire Aaden, wasiir xigeenka warfaafinta DGPL.

Mowqifka Dr. Faroole ee ku aadan Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG

Madaxweynaha DGPL waxa uu shirkiisii jaraa'id ee uu ku qabtay Boosaaso kaga hadlay doorashadii Cumar Cabdirashiid loo doortay ra'iisu wasaaraha DFKMG.

Halkan ka dhegeyso hadalkii Dr. Faroole ama Soo Rogo

Barnaamijka Xukumadda Dawlad Goboleedka Puntland 2009-2012

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 15, 2009

Tixraac sawirada: Amiinarts iyo Laasqoray


maraakiib shisheeyeMaraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo
"La Dagaalanka Burcad-Badeedda"

iyo Ciidanka Maraykanka oo Badda Cas ka Qabtay 16 Soomaali ah oo Looga Shakiyey Burcad badeed..
Warbixin iyo Faallo. Q.1aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS