SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

    بسم الله الرّحمن الرّحيم    
     

    BAYAANKA CULIMADA SOOMAALIYEED EE MINNESOTA OO TAAGEERAYA DAWLADDA CUSUB EE MIDNIMADA QARAN 

يقول الله سبحانه وتعالى " واعتصموا بحبل الله جميعاً ولاتفرّقوا ، واذكروا نعمة الله عليكم إذ كنتم أعداءً فألّف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخواناً"( سورة آل عمران ، الأية 103)

Allaah, Subxaanu Wa Tacaalaa wuxuu Qur'aank ku yiri, “Qabsada Xadhigga Eeebbe (Islaamka) dhammaantiin hana kala tegina, xussana nicmada Eebbe ee korkiinna ah, markaad col ahaydeen oos isu dumay quluubtiinna ood noqoteen nicmada Eebbe darted walaalo,”

(Qur'aan, Suurat Aali Cimraan: Aayadda 103). 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم" المُؤمن للمُؤمن كالبنيان يشدّ بعضه بعضاً "،( رواه البُخارى ومُسلم) 

Nebi Maxamed (sallallaahu calayhi wa sallam) ayaa xadiis ku yiri, “Mu'minku mu'minka kale wuxuu u yahay sidii dhismo oo kale, oo uu midba midka kale xoojinayo.”

(Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim). 

Culimada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxay si buuxda u taageerayaan isbedelka nabadda iyo midnimada ee lagu dhisay dawladda midnimo qaran ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmad. Waxaan si wada jir ah ugu baaqaynaa arrimahan soo socda: 

  1. In ay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba ka dhabeeyaan ka wada shaqaynta nabadda iyo midnimada.
  2. In ay dawladda iyo xoogagga muqaawamadu khilaafka wada hadal ku dhameeyaan, kana wada shaqeeyaan maslaxadda ummadda.
  3. In ay Ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah ka waantowdo dagaal sokeeye, isna cafiso.
  4. In ay dawladda cusub ka shaqayso cadaalad iyo sinaan si nabad loo helo.
  5. In ay dawladdu hirgeliso ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
  6. In ay Soomaalidu isku tashato, danaheedana garato si looga badbaado farogelin shisheeye.
  7. In ay Culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed xusuustaan inuu xil gaar ah ka saaranyahay badbaadinta iyo aayaha Ummadda Soomaaliyeed.
  8. In ay dawladdu si degdeg ah ugu gurmato shacabka tabaalaysan ee daadsan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
  9. In ay Culimada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota diyaar u yihiin ka qaybqaadashada xallinta khilaafaadka dalka ka jira haddii loo baahdo.

Culimada Bayaanka Soo Saartay: 

  1. Sheekh Cabdiraxmaan Shariif
  2. Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Cumar
  3. Sheekh Axmed Muxumad Buraale
  4. Sheekh Axmed Ibraahim “Taajir”
  5. Sheekh Xasan Cali Maxamuud “Jaamici”
  6. Sheekh Sacad Muuse Rooble
  7. Sheekh Cumar Faqi
  8. Sheekh Cabdiraxmaan Cumar “Haaguf”
  9. Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Ismaaciil “Abu Turaab”
  10. Sheekh Maxamed Mursal
  11. Sheekh Xasan Buuxane
  12. Sheekh Jamaal Maxamed Weli
  13. Sheekh Cabdirasaaq Abshir Faarax “Sancaani”
  14. Sheekh Bashiir Wagad
  15. Sheekh Mustafa Maxamed Ibraahim
  16. Sheekh Xasan Sheekh Maxamed
  17. Sheekh Cabdullaahi Warsame
  18. Sheekh Maxamuud Dhaayow
  19. Dr. Cabdiraxmaan Diiriye Maxamed
  20. Shariif Maxamuud Shariif Cali
  21. Shariif Cabdisalaam Aadam
  22. Sheekh Axmed Dayyib Mursal
  23. Sheekh Maxamed Xanafi Maxamuud
  24. Sheekh Maxamed Rashiid Cabdiraxmaan
  25. Sheekh Sabriye Macallin Muuse
  26. Sheekh Xasan Cabdinuur
  27. Sheekh Cawil Cabdi Aaden
  28. Shariif Sidow Cabdi-Shariif
  29. Sheekh Cabdiraxmaan Cali
  30. Sheekh Shaafi Xusen Aadan
  31. Sheekh Axmad Shiil
  32. Sheekh Maxamed Cali Nuur “Gacamay”
  33. Sheekh Cabdirashiid Maxamed Tuurre “Ijaabo”
  34. Sheekh Garaad Kaahin
  35. Sheekh Cabdiraxmaan Qaadh

Fadlan, wixii faahfaahin ah kala soo xiriir: 

  • 1. Sh. Cabdiraxmaan Shariif                 (612) 558-5389)
  • 2. Sh. Xasan “Jaamici”                         (612) 229-9483
  • 3. Sh. Cabdiraxmaan Cumar “Haaguf”  (952) 201-5832 

La xiriir: Email: xasanjaamici@yahoo.com


ENGLISH VERSION:

بسم الله الرّحمن الرّحيم

In the Name of Allah, the most Beneficent, the Most Merciful 
 

Minnesota Somali Religious Leaders Welcome New Unity Government in Somalia 
 

Allah says in the Qur'an, “And hold fast by the covenant of Allah all together and be not disunited, and remember the favor of Allah on you when you were enemies, then He united your hearts so by His favor you became brothers.” (Qur'an, Chapter 3: Verse 103) 
 

In a hadith, Prophet Muhammad (peace be upon him) said:

“The similitude of the believer in regards to the other believer is like a building; each block strengthens the other (block).” Reported by Al-Bukhari and Muslim.  
 

Somali imams and religious leaders in Minnesota fully support the process of peace, reconciliation, and unity that lead to the election of President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed. Minnesota enjoys the largest number of Somalis in the nation and we add our voice to strengthen the peace process. Cognizant of the significance of this historic moment for stability, we propose the following:

  1. The government and people of Somalia - inside the country and outside - must work together for peace and unity.
  2. The new government and the Resistance forces must resolve the differences through peaceful negotiations, and work together for the benefit of the people.
  3. The Somalis as Muslim people must desist from extending the civil war, and forgive one another.
  4. The new government must work for justice and equality to achieve peace.
  5. The government must apply Islamic Law as the basis of the constitution.
  6. Somalis must rely on themselves in determining the future of the country to avoid foreign interference.
  7. Somali scholars and intellectuals must realize the special responsibility placed upon their shoulders in determining the future of the nation.
  8. The government must act quickly to provide relief the suffering of the displaced people inside and outside the country.
  9. The Somali religious leaders in Minnesota are willing to play a constructive role in mediating the conflicting groups in the country, if needed.
 
 

For more information, please contact: 
 

        1. Abdisalam Adam   (612) 227-3933
        2. Sheekh Sa'ad Muse Roble  (612) 702-1683

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2009


maraakiib shisheeyeMaraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo
"La Dagaalanka Burcad-Badeedda"

iyo Ciidanka Maraykanka oo Badda Cas ka Qabtay 16 Soomaali ah oo Looga Shakiyey Burcad badeed.. Warbixin iyo Faallo. Q.1aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS