SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

 Wasiir Ku xigeenka Wasaarada  Warfaafinta: Waxaan qiraynaa kaalinta Saxaafada Puntland ka qaadatay isbedelkii ku yimid Puntland...

Wariyaasha Puntland waa inay samaystaan Dallada Midaysa si Looga Gudbo Caqabadaha"Wasiir Xigeenka Warfaafinta Puntland"

Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Puntland C/Shakuur Mire Aadan ayaa Maanta kulan wareed ku qabtay Xafiiskii Magaalada Bosaaso, Wasiirka ayaa xusay in u Jeedka Kulankaasi uu qabtay uu yahay sidii Saxaafada iyo Maamulka Cusub si Habsami leh ugu wada shaqayn lahaayee, Mr C/Shakuur ayaa si Faah Faahsan uga hadlay in Maamulka Cusub uu saxaafada u qoondeeyay Wada shaqayn iyo Hormar inay gaadhaan,

"Maalin dhawayd Saxaafada ayaa ka Cabatay Maamulka kuwaasi oo qaarkood Warbaahinta ka sheegay in la Turun Tureeyay, Laakiin maha inay saasi yeelaan e, waa inay Wasaarada Warfaafinta la soo xidhiidhaan si Loo Xaliyo Khilaafka Jira, Runtii Saxaafada Puntland iyo Maamulka waxa ka dhaxeeya Wada shaqayn" Ayuu Yiri Wasiir Xigeenku.

Wariyaasha aya Su"aalay Wasiirka wax yaalaha ay Wasaaradoodu u qoondaysay wariyaasha iyo sida ay ula shaqayndoonaa" isaga oo ka Jawaabaya ayuu Yiri"Wasaaradu waxay samayn Tira kooba dhanka Wariyaasha waxaan Qaybin, ID-Kaaryo, si loo Garto inuu Ruuxaasi Wariye Yahay.

C/ Shakuur Mire Aadan ayaa Jirkiisaa uu qabtay Maanta ku sheegay sidoo kale in Saxaafada Looga Baahan yahay inay samaystaan Dallad Midaysa oo taasi oo ka Saacidaysa inay Saxaafadu la Kulanto Cadaadis.

Wasiirka Ku xigeenka Warfaafinta Pl C/Shakuur Mire Aadan ayaa si Qota dheer uga hadlay Muhiimada ay Leedahay inay wariyaashu Helaan Ilo wareed oo Muhiim ah, iyo waliba cawaaqib Xumada ay Yeelan Karto, in war aan la Hubin Ama laga sal Gaadhin la siidaayo.

Shirkan uu qabtay Masuulka ka Tirsan Golaha Yaasha Wasaaradeed ee Puntland ayaa ku soo aadaya xili ay dhawaan Is Maan dheefeen Wariyaasha iyo Maamulka Cusub ee Puntland taasi oo dhawaan la xalin doono sida ay sheegeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafintu.

Warsaaxaafaeedkii wasriir xigeenka hoos ka akhri..

War-Saxaafadeed - Feb 8, 2009

Ugu horaynta Wasaaradda Warfaafinta DGPL waxay ahmiyadda siinaysaa kaalinta saxaafadu ku leedahay Maamul Goboleedka Puntland. Waxaa ka go'an iyadoon Wasaaradu ilowsanayn doorka saxaafada Xorta ee geyigeena inay dhowrto isla markaana ilaaliso Anshaxa iyo qawaaniinta u dhegsan dhinaca Saxaafadda oo ay qeexayaan Dastuurka DGPL iyo sharciga Saxaafaada ee ay Golaha Wakiiladda Puntland Ansixiyeen Sanadkii 1999.

Waxaan qiraynaa kaalinta Saxaafada Puntland ka qaadatay isbedelkii ku yimid Puntland ee sababay in hogaanka Cusub ee Puntland ku guulaysto Doorashadii DGPL. Siyaasadda DGPL marwalba waxaa ku cad dhowritaanka xuquuqda saxaafadda iyo xoriyatulqawlka. Hase ahaate  ma ahan wax loo dulqaadan karo Anshax Xumadda iyo weliba abuuritaanka fadqalooyinka iyadoo la isticmaalayo awooda warbaahinta.

Waan la xisaabtamaynaa cid walba oo si khaldan u isticmaasha warbahinta noocay doonto ha ahaate. Mana jirto dhinaca maamulka wax uu si gaar ah ugu doonayo inuu caburiyo Saxaafadda Xorta. Halku dhiga Maamulka ayaa ah Isbedel dhinac walba ah oo la gaarsiiyo Puntland. Iyadoo loo jihaysanayo dhabaha sidii lagu heli lahaa Maamul wanaag sal u noqda DGPL.

Wasaaradda Warfaafinta DGPL waxaa ka go'an inay la xisaabtanto Cid walba oo ku talaabsata wax lid ku ah Anshaxa Saxaafadda. Waxaana haboon in saxaaadda qaarkeed ka waantowdo si khaldan wax ku doonka.

Wasaarada Warfaafintu waxay doonaysaa inay marwalba  garab istaagto warbaahinta DGPL iyadoo ku boorinaysa inay Warbaahintu samaystaan Dalado Saxaafadeed oo ay ku midoobaan. Waxay warbaahinta ku adkaynaysaa inay Wasaaradu waqtigan bilaabayso aqoonsi u samayn Saxafiyiinta si looga baxo is barbaryaaca badan ee ka muuqada bahda Saxaafadda DGPL oo mararka qaarkood la kala garanwaayo cida Saxafi ah.

Mar kale waxay Wasaarada Warfaafintu adkaynaysaa inaan dib dambe loogu dulqaadan doonin in la baal maro sharciga Saxaafadda DGPL iyadoo la samaynayo Dacaayado been abuur ah oo an loo hayn wax xaqiiqo ah. Maalin dhawayd Saxaafada ayaa ka Cabatay Maamulka kuwaasi oo qaarkood Warbaahinta ka sheegay in la Turun Tureeyay, Laakiin maha inay sadaasi yeelaan ee waa inay Wasaarada Warfaafinta la soo xidhiidhaan si loo xaliyo cabashadooda. Mana ahan inay Saxaafada qaarkeed sameeyaan waxyaabo aan ku haboonayn Anshaxa Saxaafda.

Runtii Saxaafada Puntland iyo Maamulka waxa ka dhaxeeya Wada shaqayn. Waana ku mahadsan yihiin Saxaafda kaalinta wax ku oolka ah ee ay bulshada ugu tebinayaan  waxyabaha ay u baahan tahay. Wariyayaashu waa inay si qoto dheer u  ogaadaan muhiimada ay leedahayayaa inay xaqiijiyaan ilaha ay warka ka qaadanayaan iyo weliba cawaaqib xumida ka iman karta war aan la hubin ama been abuur ah in la sii daayo.

Ugu dambayntii asaarada Warfaafintu waxay  marwalba ku dadaalaysaa sidii sare loogu qaadi lahaa wada shaqaynta Warbaahinta Maamulka DGPL.

Waad Mahadsantihiin.

Cabdisahkuur Mire Adan
Wasiir Ku xigeenka Wasaarada  Warfaafinta
Dowlad Goboleedka Puntland
Soomaaliya


Cabdisahkuur Mire Adan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS