Xaflad lagu tageerayo Madaxwayne cusub Soomaaliya sheekh sharif
sheekh axmed eedhacday Magalada Nairobi Kenya..
Sawirada Halkan ka daawo....
Xafladaan oo ay soo agaasimeeyn gudiga ganacsatda somaliyeed ee
magalada Nairobi laguna soo dhaweynayey magacabista Madaxweynha cuusb ee
somaaliya mudane Sh. Shariif Sh Axmed ayaa waxay ka dhacday magalada
Nairobi ee dalka Kenya
Xafladaan oo aay kaso qeeyb galeen Ganacsato somaaliyeed iyo Qaar kamid
ah baarlamaanka dalka kenya iyo Culadama,udiin ayaa waxaa lagu
tageerayaay madaxweynaha somaaliya mudane sheekh sharif sheekh axmed iyo
dowladisa .
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha labaad ee balamaanka
kenya mudane Farax Macalin oo u mahad celiyey dhamaan ka soo qeyb
galayashaa xafladani intaasi kadib ayaa waxuu Gudomiyaha umahadcelilaay
oo kale dowlada cusub ee soomaaliya waxuna sheegay iney maanta umada
soomaaliyeed ubaahan hantahay dowlad caadil ah iyo dalnabad ah asago
dhinaca kale ugu baaqay dhamaan koxaha ka soo horjeedo dowlada cusub oo
unaan garaneynin wax lagu mucaardo iyo wax lagu Qilaafo auadoo anaan
garin wax qabadakeedii waa siduu hadalka udhigaye mudane Farax Macalin
Sidoo kale waxa halkaasi qudbad aad u qiima badan kasoo jeediyay
xildhibaaanad biloow keerow oo kamid ahaa Xildhibaanada dowlda kenya
waxuna sheegay iney hil iyo hoba la garab taagan tahay dowlada kenya
dowlada somaaliya eeyna jecelyahiin dhamaan Xildhibaanada soomaalida ee
kujira dowlda kenya ineey soomaalida midowdo .
Waxaa kamid ahaa daadki kahadlay Gudoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee
wadankan kenya Xaaji Xasna Guleed oo ku hadlay magaca Ganacsatada
Soomaliyeed ee wadanka kenya ayaa shaagey in ay taageerayaan cid walba
oo ka talineyso maslaxada umada Soomaalya iyo nidaam kusoo daabaali
karta waqtigaan ayna tageersan yihiin soona dhaweynayaan dowlada cusub
ee Sheekh Shariif Sheekh Ahmed .
Ugu danbeyntii waxahalkaasii qudbad xasaasi ah soo jeediyey siyaasiga
caanka ah General Galaal oo dowlada cusub ugu baaqay iney kafagaato
waxii dowaladahii hore ee somaaliya aay ku shaqeyn wayeen aydoo
generalka uu san sii sifeynin arintaas waxuuna sigaar ah kula dardarmay
madaxweynaha cusub ee soomaaliya mudane sheekh shariif sheekh Axmed
asgoo kadhawa jiyaay inoow isuso jiiido Qeybaha siyaasada soomaaliya iyo
inoow sodhiso dhmaan ciidamo isku dhaf ah o isugu jiro maxakamadaha
islaamka iyo kuwiiDowladi hore ee Maxamed Siyaad Bare iyo inoowsan
dalban wax ciidamo shisheeye ah
Cabdiraxmaan Diiriye Nuur
Nuure1000@hotmail.com
Nairobi Kenya