SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Magaalada Liecester oo lagu qaban doono tartan kubada cagta ah

Maamulka bahda Sporiga ee magaalada Leicester waxay umadda soomaaliyeed ee ku dhaqan qaarada Yurub khaasatan wadanka Ingiriiska ogaysiinayaan in tartan cayaarta kubada cagta ah lagu qaban doono magaalada Leicester maalinimada Axada taariikhduna tahay 22 Febaraayo 2009 hadii Eebe idmo.

Tartanka waxa uu dhaxmari doonaa dhalinta da,doodu u dhaxayso 14,15,16 (UNDER 16), waxaana tartanka ka soo qayb gali doona kooxo barbaariya da'yar Soomaaliyeed oo ka dhisan magaalooyinka kala ah:
1:BERMINGHAM
2:CARDIFF
3:MANCHISTER
4:LEICESTER

Waxaa kale oo jiri doona isla maalintaas in lagu qaban doono magalada Leicester qorituurka koobka Supercupka oo kadhicidoona magaalada Leicester bisha Apriil 13-04-09 hadii Eebe idmo, koobkaas oo ay ku baritami doonaan kooxaha haysta koobabka loo qabto Soomaalida xiliga Summerka ama xagaaga.

Waxaaa dadwaynaha ku nool cariga Ingriiska la ogaysiinayaa ineey u soo daawasho tagaan labadaas tartan oo kala dhici doona bilaha Febaraayo iyo April sanadkaan isla markaana lagu qaban doono Magaalada Leicester.

Wixii macluumaad ah oo ku saabsan qabashada tartamadaan waxaa kala xiriiri kartaan Gudoomiyaha gudiga Sportiga ee magaalada Leicester, Mudane: Omar Hassan (omar-dheere)
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
London / Nijmegen
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS