SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Prof. Ibraahim Cadow oo Soo Gaarey Caasimada Dalka Jabuuti.

Xog-hayihii hore ee Maxkamadaha Islaamka Prof Ibraahim Cadow ayaa soo gaarey 06/02/2009 Caasimada dalka Jabuuti abaaro 10-kii Habeenimo, Prof-ka ayaa loo gudbiyey Aqalka martida Madaxtooyada Dowlada Jabuuti oo ah halka uu degen yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Prof-ka oo markii hore kusoo degey Hoteel Kempiniski oo ay hore u deganaayeen xubno ka tirsan Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya iyo TFG-da ayaa wuxuu halkaasi kula kulmey xubno badan oo ka tirsan Is-bahaysiga daqiiqado kadib waxaa lagu qaadey Gawaarida Martida Prof.ka Ra'iisul Wasaarihii hore ee TFG Nuur Xasan Xuseen iyo XildhibaanShariif Xasan Sheekh Aadan, ma arag xubno kale oo la socda Prof-ka, balse imaashiyihiisa ayaa si aad ah ay ugu farxeen xubno badan oo ka tirsan Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Ururada Bulshada oo xiligaa joogey Hoteel Kempinski.

Prof. Ibraahim Cadow ayaa waxaa uu ka mid ahaa xubnihii Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ee ay isku fikirka ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys ee ku harey halkii dalka Eriteria.

Lama oga waxa ay kusoo kordhindoonto imaashiyaha Prof Ibraahim Cadow iyo waxa ka dhalankara isbedelada siyaasada Soomaaliya ee ay lugaha la galeyso marxalado dadka siyaasada falaqeeyaa intooda badan ay ka bixinayaan aragtiyo kala duwan, laakiin Is-badelada siyaasada soomaaliya ay lugaha la gashey ayaa waxay u baahan tahay in la helo Barnaamij shaqo Qori ku bedelasho ah, maadaama in badan oo ka mid ah dhalin yarada Soomaaliyeed ay shaqo ka dhigteen qaadashada Qoriga, lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS