SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYAAN

Bayaan Iyo Talo Soojeedin ka Soo baxday Culimada Ku Dhaqan Puntland... (Feb 5, 2009)

In ku dhaw 20 sano ummadda soomaliyeed ma helin dawlad dhexe oo shaqaysa waxayna ku jireen dagaalo kala ujeedooyin ah oo ay ku nafwaayeen, ku naaf oobeen, ku barakaceen, kuna dhalanguureen ummad badan oo soomaali ahi sidoo kale waxaa ku burburay hanti fara badan, waxaana lagu xalaal shaday khayraadkii dalku lahaa bad iyo bariba, arintaasna waxaa sabab u ahaa khilaaf ka ummadda oo lumiyay midnamadii iyo ilaalintii danta guud

Hadaba si loo dabo qabto hanbada hartay waxaan ku baaqaynaa qodobadan hoos ku qoran.

1. Maamulka cusub ee soomaaliya loo doortay waxaan ugu naseexaynaa in uu ilaahay ka cabsado. ummadana u horseedo dariiqii ay ku gaarilahaayeen nabad waarta iyo kudhaqanka shareecada islaamka taas oo ah xalka kaliya ee lagu gaadhi karo raali ahaanshe rabi iyo nolol haboon.

2. Waxaan maamulka cusub ugu baaqaynaa in uusan dalka keenin ciidamo shisheeye kuwa hada joogana ka shaqeeyo sidii looga saari lahaa.

3. Sidoo kalena uu ka shaqeeyo sidii gacanta loogu soo celinlahaa khayraadka la xalaashaday ee baaqiga ku ah baddaha soomaaliyeed kaas oo kooxo isu adegayaa ay boobayaan.

4. Si loo helo midnimo waarta iyo isku duubni waxaan ku baaqaynaa in khilaafyada jira lagu xaliyo wadahadal lagana faa,iideysto fursdaha jira.

5. Waxaan uga baaqaynaa dhamaan Maamulka cusub iyo Xoogaga islaamiyiintaba in ay ka digtoonaadaan shirqoolka islaamdiidka & cadawga soomaaliyeed ku fashilinayo rabitaanka ummada soomaaliyeed ee shareeca doonka ah.

6. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo dhiiga ummadda soomaaliyeed ee daadanaya, waxaanan ku talinaynaa wixii wada hadal lagu heli karo inaan dhiig lagu raadin.

7. Waxaan kaloo ku baaqaynaa inaan la siin cadowga soomaaliyeed fursad uu dalka ku sii jooga kuna sii gumaado shacabka soomaali yeed, isla markaana laga fogaado mar-marsiiyo lagu keeno ciidamo shisheeye taasina waxay ku imaan kartaa in la helo midnimo soomaaliyeed

8. In la sameeyo guddi heer qaran ah oo madax banaan oo aan xil iyo xoolo doon midna ahayn kana kooban culimaa u diinka, iyo waxgaradka soomaaliyeed oo baadi gooba sidii looga samata bixi lahaa marxaladdaan adag ee dalku marayo.

Ugu danbayntii:-

culumaa,udiinka,Aqoonyahanka,madaxdhaqameedyada,Ganacsatada dhalinyarada iyo dhamaan waxgaradka ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay iska kaalmeystaan dhismaha dawlad ku dhaqanta shareecada islaamka ummadana usoo celisa rajadii ummadnimo ee dad lahaayeen.

Waxaa soo saaray bayaankaan qaar kamid ah culimaa'udiinka ku nool Puntland.

1. Sh.C/qaadir Nuur Faarax
2. Sh.Daahir aw Cabdi
3. Sh.Jaamac C/salaam Warsame
4. Dr.Axmed Xaaji C/raxman
5. Dr C/qaadir Maxamed C/laahi
6. Sh.Maxamed Macalin
7. Sh.Axmed Daahir Xasan
8. Sh.C/rashiid Sh.Saalax
9. iyo culimo kale

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS