SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

HAMBALYO KA SOCOTA XUBNAHA UDUB EE USA
Taageerid Go'aankii Doorasho ee Gudoomiyaha & Gudoomiye ku xigeenka ee Xisbiga Udub

Aniga oo ku hadlaya magacayga shaqsi ahaaneed, kan dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Xaakimka ee Udub, laantiisa USA iyo magaca walaalahayga nabada jecel ee reer Somaliland ee degen dalkan USA waxa aan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Ahmed Yuusuf Yaasiiin.

Waxa aanu ku hambaynaynaa dhamaan xubnaha ka qayb-galay shirweynihii golaha dhexe ee Xisbiga Udub ee shalay kusoo gebo-geboobay huteelka Maansoor ee caasumadda Somaliland sida sharafta leh ee ay ugu doorteen jagooyinka Gudoomiyaha Xisbiga Udub iyo Gudoomiye ku xigeenka, labada muwaadin ee sharafta iyo maamuuska ku dhex leh bulsha weynta S/land iyo gaar ahaan xisbiga cadaaliga ah ee UDUB.

Anaga (Udub-USA) oo ay shirkaasu nooga qayb galeen xubnaha ugu muhiimsan ee Udub-USA, ayaanu ku qanacsanahay, taageeraynaana go'aanka goobtaasu kasoo baxay.
Waxa aanu hubnaa in shirkanu/doorashadanu u dhacday si cadaalad ah. Waananu ku hambalyaynaynaa dhamaan dadkii soo qaban qaabiyay iyo kuwii taageerada ka geystayba.

Waxa hubaal ah in uu maanta inoo furmay waa cusub, waxa keli ah ee inala gudboonna ay tahay isu diyaar garaynta ku guulaysashada doorashada Madaxweyne-nimada ee soo socota.

Allaa Mahad leh
 


Yusuf Budle

Gudoomiyaha xisbiga Udub ee USA
udubparty@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS