SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Afhayeen u hadlay xafiiska warfaafinta ee Isbahaysiga A.R.S ayaa maanta canbaareeyay

Afhayeen u hadlay xafiiska warfaafinta ee Isbahaysiga A.R.S ayaamaanta canbaareeyay falalkii xasuuqa ahaa ee ay ciidamada iskumagcaabay AMISOM ka gaysteen maalinimadii shalay ahayd caasimadamagaalada muqdisho .

Afhayeenka u hadlay xafiiiska warfaafinta ee isbahaysiga, wuxuusheegay in ciidamadaasi ay dileen dad shacab ah oo gaaraya ku dhowaad50 ruux oo u badan haween, waxayna dhaawaceen dad garaya ilaa 100ruux, waxana uu afhayeenku in taasi ku daray in arintani ay tahay falwaxashnimo ah oo ka baxsan diinteenna muqadaska ah ee islaamka iyomida qawaaniinta caalamiga ah .

Afhayeenku wuxuu u sheegayaa hayadaha u dooda xuquuqa aadanaha inay il gaar ahi ku eegaan falalka waxashnimada ah ee ay ciidamadashisheeye ee ku sugan gudaha dalka soomaaliay ka gaysanayaan soomaaliya , una gaysnayaan dadka maatida ah ee aanhubaysneeyn wuxuuna afhayeenku ka codsaday hay adahaasi in ay diiwaangeliyaan falalkaas foosha xun ee xasuuqa leh kuna kacayaan ciidamadaku sugan soomaaliya ee la sheego in ay ujoogaan nabad ilaalin taasinay tahay buu yiri mid xaqiiqda ka fog isla markaana ay si toos ahiay ula socdsaan hayadahaasi waxa ka dhacaya soomaaliya si loo horkeenocadaalada kuwa ka danbeeyay falkaas

Afhayeenka u hadlay xafiiska warfaafinta wuxuu tacsi u diraydhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeryoodeen dadkii shacabka ahaaee ay xasuuqeen ciidamada yugaandha wuxuuna intii ku geeryootayfalkaas uu alle uga baryay in jannadii fardowsa ahayd uu alle kawaraabiyo intii ku dhaawacantayna uu alle bogsiiyo .

Hadalkan Afhayeenka u hadlay xafiiska warfaafinta ee isbahaysigadib u xoraynta soomaaliya ayaa yimid ka gadaal markii ay ciidamadayugaandha ee ku sugan magaalada muqdisho ay maalinnimadii shalay ahayday xasuuq aan loo aabe yeelin ka geysteen wadada maka almukarama eemagaalada muqdisho kaasi oo ay ku geeryoodeen dad badan oo rayida ahhalka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

WABILLAAHI TOWFIIQ

XAFIISKA WARFAAFINTA EE ISBAHAYSIGA (3/2/2009)

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: