SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD

Baaq Kusaabsan Masaalixda Gobalka Geeska Afrika

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Wasalaatu Wasalaamu Calaa Rasuulillaahi (SCW)

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Baaq Dhamaan Adduunkoo Dhan.

Ku: Beesha Caalamka

Ku: Ummadda Islaamka

Ku: Waddamada Geeska-Afrika

Ku: Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed


Waxaan ogaysiinaynaa dhamaan adduunkoo idil warbixin katimid Ehlullaahi taasoo ah mid ay kusoo gudbinayaan farriin xambaarsan cabsida Eebbaha koonkan uu usugnaaday ee naxariista guud iyo midda gaaraba naxariista iyo rumayta Rasuulka Muxamada (CSW) iyo xurmaynta Awliyada Illaahay. Intaa Kaddib, ummadda kunool geeska-Afrika oo intii mudda ah-ba ay kajireen mashaakilaad dhinacyo badana ah oo saameeyay noolaha ku abuuran gobalka ayaa waxaa la ogaysiinayaa marka 1) Illaahay in loo towbad keeno, marka 2baadna diinta Islaamka dhibka lagu hayo in laga daayo, iyadoo loo isticmaalayo si aan Alle raali ka ahayn oo ka fog masaaliixda ummadda.

Ujeeddo: Marka ugu horraysa waa in si’ buuxda oo deg-dega loo joojiyo dulmiga lagu hayo maganta Illaahay, waana in sidoo kale lajoojiyo burburinta masaajidda Illaahay iyo Ehlu qubuurka taasoo ah masaalixda khalqiga Illaahay.

Marka 2baad, waa in ladhowraa oo aan lagu xad-gudd’bin dadka laga tirada badanyahay iyo kuwa masaakiinta ah ee aan is difaaci karin.

Marka 3xaad waa lajoojiyo duulaamada iyo weerarada ka baxsan xuduudaha Illaahay ee ay qaadayaan magacyada xambaarsan dowladaha, kooxaha, qolooyinka, iyo shakhsiyaadka gaarka ah, kuwaasoo dhalinaya fiddnooyinka iyo colaadaha daba dheeraada ee kajira mandiqaddan.

Digniin: Farriintan culus een ruuxna ugodnayn qofkii quudhsada ee siday tahay ugu dhaqmiwaaya ha uddiyaar-garoobo dagaal Minallaahiya oo dhinac walba ah.

Baaq: Waxaan dadyowga adduunka ugu baaqaynaa nabad kunoolaansho iyo caddaalad iyo cabsida Illaahay. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa in dadka Soomaaliyeed laga daayo faragalinta iyo kuxad-gudubka sharafkooda, diintooda, dhulkooda bad iyo barriba, dhaqankooda, maalkooda iyo naftoodaba.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay Eebbe utowbad keenaan isna cafiyaan isuna tanaasulaan dhexdoodana ay is badd’baadiyaan naf iyo maalba ayna isu turaan, ogaadaana dantoodu inay kujirto diinta Islaamka kudhaqankeeda.

Waxaan kaloo ubaaqaynaa hoggaamiyayaasha bulshada Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan, kuwa culimada, kuwa dhaqanka, kuwa nabaddoonada kuwa siyaasiyiinta iyo kuwa aqoonyahanada ah in ay ka shaqeeyaan maslaxada ummaadda iyo caddaalad kuwada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

Wabillaahi Towfiiq
Wasalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Maxamed Bishaar Ehlullaahi

ehlulaahi@hotmail.com


Jaaliyadda somaliyed ee wadanka Pakistan oo sibuuxda u taagertay Shariif Shiikh Axmed

Hadaan nahay jaaliyadda Somaliyeed ee ka jirta wadanka Pakistan waxaan si aad ah usoo dhowaynaynaa madaxwayna cusub ee umaa somaliyeed halyeyga da’ada yar Shiikh shariif hor socdaha nabada somaliyeed, waxaan hiil iyo hooba lagarab taganahay oo tageraynaa madaxwaynaha cusub ,xilka uuqaadyna ilahay u sahlo waxaan siwayn urajaynaynaa in uu noqondoono mid umadda u horkaca badhaadhe iyo nabad caama oo kubaahda dhamaan wadanka somaliya, waxaan umadda somaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku boorinaynaa in ay yeshaan dulqaad badan oo aan laga hor dhicin waxa ay inoo soowado dawlada cusub ee uu soo dhisi doono shariifku.
yaanu xaalku noqon midi midi kutaag sidii aynu kadhaxalay kuwii ka horeeyey oo aynu wada ogsoonahay meeshay mareen iyo xumatada ay Somali dhaxalsiiyeen.
Guntii iyo gabagabdii waxaan leenahay nin lagu seexdow haseexan.

By Abdirizak Abdirurhan (SURAD)
Community Organizer
Pakistan Islamabad

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: