SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD

Warqad furan oo ku socoto Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya kana timid Jaaliyadda Reer Hiiraan


Cilmi Khalif Guled
E-mail: elmiyare22@yahoo.ca

Asalaamu caleykum waraxmatu laahi wabarakaatu.

Anigoo ah Cilmi Khalif kuna hadlayo codka inta badan Jaaliyada reer Hiiraan ee qurba joogta waxaan marka hore u rajeynayaa madaxweynaha cusub ee Somaliya Shiikh Shariif Shiikh Ahmed in masuuliyada ay shacabku u doorteen ilaah u fududeeyo Aamin.

Mudane madaxweyne hadaanu nahay jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha waxaanu ku talinlaheyn inaad wasiirka 1-aad ka dhigto Maslax Maxamed Siyaad Barre oo runtii ahaa shaqsigii aad kaga guuleysatay tartanka. Hadii wasiirka 1-aad uu noqon karo shaqsi reer Hiiraan ah aad ayaan ugu farxi laheyn laakin 4.5 maadama wax lagu qeyb sanayo waxaanu ku talin laheyn inaad shaqsigaas ka dhigto wasiirka 1aad.

Aduunyadu inta badan shaqsiga laga guuleysto looguma daro guul daro kale ee bal si taxatir leh ugu fiirso inaad cid kale siiso wasiirka 1aad.Waxaa kale ood ogtahay in Mogdisho maalin kasta odoyaal iyo kooxo cusub ka abuurmaan taas oo dalka intiisa kale lagu aqoon, hadaba shaleyto waxaanu mareynay odoyaasha Hawiye maantana Hiraab berito maxaa xigi doona lama oga. Odoyaashu siyaasada waa iney faraha kala baxaan oo ay Ala ka cabsiga badiyaan.

Gobolka Hiiraan:

Mudane madaxweyne waxaan adiga iyo xukuuumadaada kaaga tigeynaa inaad maamulada gobolada aad faraha la gashaan jaanis hala siiyo shacabka gobolada Somaliya ku dhaqan sida mida Hiiraan oo dowladahii kaa horeeyey ay dibada ka soo magacaabayeen anagu ma dooneyno maamul dusha nalooga soo magacaabo ee waxaan dooneynaa rabitaanka shacabka Hiiraan oo cida gobolkaas hogaamineysa waa in ay doorasho ku timaado oo ay marto intii aad martay.

Golaha Baarlamaanka:

Hadaba waxaa la joogaa xiligii dalka la badbaadin lahaa si shacabka Somaliyeed cadaalad u helaan waa in aad taageero siisaan Maslax Maxamed Siyaad oo ah muwaadin Somaliyeed. Waxa aan sidaas u leenahay ayaa ah in aan loo fiirin waxa uu aabahiisa ahaa ee loo fiiriyo inuu yahay muwaadin Somaliyeed taas oo aanu ku qiimeyneyno hadaanu nahay Jaaliyada reer Hiiraan ee qurbaha qoraalkaane waa mid ley soo wakiishay in aan saxaafada u gudbiyo.

Mahadsanidiin.

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: