Seekh Umal iyo Khudbaddiisi ugu Danbaysay Shirka Jabuuti kaga Hadlay.
Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah ee ku nool wadanka Kenya ayaa khudba
jimcadii ugu danbaysay (Jan 30, 2009) kusoo qaatay arrinta shirka markaa Jabuuti ka
socday isagoo dhaliil kulul ujeedinayey xubnihii halkaasi baarlamaanka
loogu dhaariyey.
Sheekh Umal ayaa khudbadiisani noqotay mid aad u soo shaac baxday
inkastoo aan horey loo maqal ama aysan aad u shaacin wax khudbad ah uu
kaga hadlay in la taageero amaba uu qudhiisu qayb ka noqdo halgankii
labada sano loogu jiray in dalka looga xoreeyo ciidamada xabashida.
Sheekhu wuxuu soo qaatay dhawr qiso oo quraanka kusoo aroortay ee
tii saxaradii Fircoon sida ay iimaanka ugu dhegeen markii ay Muuse NNKH
ahaatee ay raaceen iyo qisadii Kacab ee ka tirsanaa sedexdii la dib
dhigay ee nin madax ahaa oo gaal ah waqtigaa ugu baaqay inuu saaraaco
taasoo uu ka dhiidhiyey.
Sheekhu wuxuu la yaab ku tilmaamay culimo dad sheeganaya ama garar
weliba leh ay ku dhaartaan kitaabka alle inay dastuurka diinta alle
kasoo horjeeda oo ilxaadiga ah ilaalinayaan!!!
Isweydiin iyo Tacliiq
- Sidaba ay u jiraan dad muslimiin ah oo si shakhsi ah diintooda
ugu dhagay looguna ammaanay ayaa dhanka kale waxaa jira hadana in
diintu ogoshahay in qofku iimaankiisa qarsan karo sidiiba ay
aayaddu tilmaamntay markii ay ka hadlaysay arrintii Cammaar bin
Yaasir ee alle tibaaxay inu qofku iimaankiisa qarsanaya ee daahirka
yeela wixii gaaladu ku qasabto ay u bannaan tahay. Waa marka laga
hadlayo kala doorasho qof kaligii tiisa u yeelayo.
- Waxaa halkan ka duwan marka laga hadlayo arrin dan guud ama
bulsho. Sida ay u jirto waxyaalo daruuri ah oo qofka muslimka
baqtiga u xalaaleynaya ayaa iyana waxaa jira waxyaalo daruuri ah oo
bulshadana u jid furaya arrimaha qaarkood. Halkan waxaa imaanaysa
saxaabigii isagoo diintiisa ku dhegan ay gaaladu isaga iyo rag kale
qabsadeen ee markii madaxii gaalada ka codsaday inuu madaxa ka
dhunkado, taa hadduu yeelana uu sii dayn doono uu sidaa yeelay,
laakiin dadka qaar taas u arkeen dullinimo halka falkaasi uu Cumar
bin Khidaab kasoo dhaweeyey oo ahaa ninkii isagu markuu hijroonayay
kaligii yiri si cad ninkii ku dhaca ha isoo daba galo.
Sidoo kale waxaa la mid Nabiga SCW oo diintiisa ku adkaa oo macsuum
ah oo lahaa marna kama tagayo haddii ay dayaxa iyo qorraxda gacmaha
iisoo saaraan, ayaa hadana sulixigii xudaybiya isagoo danta guud
xeerinaya, Allena hagayo qaatay waxyaalo dullimo u eg sida
magacaada tir, iyo halkan sanadkan ka laabo kii soo islaamana noo
soo celi aan diintiisa ka fidnaynee, taasoo rasuulku markaa scw
masaalix kale oo aan in badan u muuqan dhaafsanayn oo ay aqoonsiga
ugu horreyso loo aqoonsan yahay inuu yahay awood jaziiradda ka jirta
oo degaan gaar ah leh ay diinteeda ugu yaraan ku faafin karto,
carabta kale ciddii raacdana aan lagu fara gelinayn laakiin quraysh
aysan ku jirin. Sidoo kale dagaalkii Axzaab ee la isu soo bahaystay
Nabiga isagoo aan diintiisa ka tanaasulayn ayaa hadana wuxuu ogolaa
iin reer Madiina ay baad siiyaan qabiillada cadawga ee gaalada ahaa
qaarkood si culayska saaran Madiina looga fududeeyo, taasoo ay
diideen balse ahaa khayaar sharci ahaan bannaan.
Nabi Yuusuf scw waxaa isna uu ninkii xabsiga kazoo daayey ee gaal
ahaa u noqday wax u eg wasiirka maaliyadda dawladdana ma ahayn
markaasi mid Islaami ah ee waxay uun culimada ka qaateen in wixii
wanaag ah intiiba aad karto xaqiijintiisa laga qayb qaato aysanna
shardi ahayn wax walba wada Islaami ahaadaan ama wada islaam
la’aan.
- Sidoo kale waxaa culimada Islaamka iyo diintuba qabtaa kala
doorashada laba dhib kii yar, marka taa laga hadlayana waa arrin
qadarin masaalix ku salaysan ee aan saxnimo kaliya ku salaysnayn
iyo nas, waana midda saldhig u ah tajaaaribta xarakaadka islaamka ee
dunida muslimka maanta ka jira marka laga soo billaabo galbeedka
dunida muslima ee Marooko iyo Aljeeriya ilaa iyo bariga fog ee
Malaysiya iyo Induuniysaya iyo inta ka dhaxaysa dunida carabta u
badan ay xarakaadkaasi iyo culimadoodaba ay ugu jiraan
baarlamaannada dalalkaas oo inta badan dastuurkoodii islaami ahayn,
ayna u leeyihiin axzaab ay doorashooyinka kaga qayb galaan iyagoo
ajandahooda yahay mid Islaami ah, laguna hanbalyeeyo guulaha ay
kazoo hooyaan iyo inta xubnood ee baarlamaanka ka helaan iyo haddii
ay qodobo ka badalaan dastuurka.
Culimadaasi waxay leeyihiin Ikhwaan, Salafiyo iyo itijaahyo kalaba.
Maanan arag culimo diintooda tuhmaysa raggaasi ama ku eedaynaysa
inay kitaabkii alle xumeeyeen. Sidoo kale wadamo kale oo Sida
Kenya oo kale oo iyana waxaa jira muslimiintu aqallabiyad yihiin
hadana ay baarlamaannada galaan lagumana eedeeyo, balse muwaadinka
Muslimka ah ee ku nool dalalka aan diinta islaamka lagu xukumin ee
dunida muslimka iyo kuwa ay muslimku ku yar yihiin wuxuu u hogaansan
yahay dastuurka dalkaasi sidaasaan culimo badan dalalkaa jinsiyad
iyo baasaboor uga qaataan mana jirto cid fartay inay ka hijroodaan
oo duurka ka galaan ama Iiraan qabtaan ama jinsiyadaha aysan qaadaan
ama shariciga dalalkaa u hogaansamin, ee waxaa la eegayaa hadba
sidii duruuftu yahay iyo intii la karo wanaagga la heli karo lasii
kobciyo.
- Dastuur Ilxaadi ah: Sheekhu wuxu sheegay in dastuurka TFG ee
kitaabka Alle iyo sunnada kasoo horjeedo oo ilxaadi yahay,
culimadana ay ku dhaarteen? Waa dhib kale in kalimadaha macnahooda
laga qaado Dastuurka TFG ma aha Ilxaadi, waana sahwi ama jahli ama
calwin kas ah in sidaa lagu sheego, amaba uusan sheekhu soo aqrinba
dastuurka! Ilxaadi waxaa ah dastuurada ka jira wadamada
shuuciyadda adagi ka jirto ee diiddan jiritaanka Eebbe. Laakiiin
dastuur ka DFKMG ah waxaa ku qoran qodobkiisa tobnaad sidan:
B) Islaamka ayaa ah diinta Soomaaliya T) Shareecada Islaamka ayaa
saldhig u ah dhammaan shuruucda Qaranka.
Hadaba in qodobkaa la taabbo geliyo waa arrin u baahan in
xaqiijinteeda laga shaqeeyo laakiin sax ma ah in culimo diintooda
lagu tuhmo ama dastuurka ilxaad lagu sheego ay sidaadi ugu cadahay
kaalinta diinta Islaamka iyo inay tahay asaaska dhammaan shuruucda
Qaranka.
- Golaha Ammaanka: Sheekhu wuxuu sheegay in ay ragga uu la kulmay
la waynayd qaabilaadda golaha Ammaanka, isagoo arrintaa qiimo la’aan
ku tilmaamaya. Aqoonsi waxaa u weyn kan alle mana jiro wax la mid
ah, laakin dhanka kalena awoodda maadiga ah iyo waaqica jira
aqoonsiga laga helo iyo in dagaalka laga daayo ama lagaa yareeyo
waa wax lagu xisaabtamo. Bal eeg a sida rasuulka Alle u weydiistay
ilaahay in laba Cumar oo gaalo ahaa midkood islaamka kusoo gargaaro.
Sidoo kale Abii Daalib oo gaal ahaa, balse nabiga difaac u ahaa ayaa
markuu dhintay isaga iyo xaaskii Nabiga scw loo bixiyay sanadkii
Murugada, nabiga ay dhibaato badan kazoo wajahday dadkii uu Abii
daaalib ka hortaagnaa marka helista aqoonsi iyo ximaaada kusoo hoos
jirta adigoo xornimadaadii iyo diintaadii aan ka ridoobin waa arrin
qiimaheeda leh.
Reer Banii haashim waxay nabiga scw la galeen cunaqabtayntii la
saaray hadana lama lahayn waxay yihiin cadaw islaam gaal oo dhanna
macnaheeda ma aha inuu cadaw islaam yahay.
Dabcan cidina ma laha umana samaysna Golaha Ammanka inuu danaha
diinta Isaamka dhawro ama diin kalaba, waase masaalixda dawladaha
iyo sida loo kala xoog badan yahay, iyo sidii aad sharta dawladahaas
isaga weecin lahayd arinta in la eego u baahan.
- Dawlad Cilmaani ah: Sheekhu wuxuu gariib ku tilmaamay in la
yiraahdo waan rafaadnay ee aan dawlad Cilmaani ah iska aqbalno.
Dabcan dalka uu joogo mid islaami ah kama jirto hadana ummad badan
baa ku nool iyo culimo oo weliba masaalix ku leh. Sidoo kale
gobollada Soomalida ee Soomaliand iyo Punland culimo ayaa ku nool
afartankii sano ee lasoo dhaafay ka baafinaysay in diinta Islaamka
la iskumaamulo welina ka wada, hadana ma gaalaysiiyaan hubna uma
sitaan sidi ay maamullada jira ula dagaali lahaayeen, mana
ceebeeyaan haddii qaar culimada ka mid ah ay maamulladaa galaan oo
la og yahay inaysan ku galayn tiro badan oo wax kaga badali karaan
nidaamka halkaasi ka jira iska daa inay madaxweyne ka noqdaane.
Sidoo kale dunida muslimka culimo iyo xarkaad ayaa ka jira baafiya
in shareecada islaamka la isku dhaqo, laakiin hadana taasi dhiig
sokeeye uma daadiyaan, dagaalna uma galaan, balse si nabad ah ayey
ku raadiyaan kii baarlmaan gala ama xisbigii sidaa yeelana lama
gaaleysiiyo balse waa loogu hanbalyeeya kuraasta ay baarlamaannada
ka helaan iyo hadii loo ogolaado inay axzaab furtaanba.
Sheekh Ibnu taymiya ayaa horey u sheegay in alle dawlad gaalo ah oo
caadil ah waariyo halka uusan dawlad muslim ah oo daalimad ah uusan
cimri siinin ama macno sidan ku dhaw. Sidoo kale waxaa la ishaaraa
in hal maalin oo dowlad la’aan ahna ay ka daran tahay 60 sano oo
dawlad daalimad ah. Marka arrintu waa kala doorasho sida dhibku u
kala yar yahay ee ma aha ama dawlad Islaami oo sidii aan rabnay aan
helno ama fawdo iyo dagaal ahli ah yaan ka xignaa taas oo ah qatar
mudan in sheekhu milicsado shacabkana uga digo, xasuusinaya sida ay
alle agtiisa uga qiimo weyn yahay dhiigga qofka Muslimka oo la
daadiyo kaasoo kacbada iyo xurumaad badan ka qaayo weyn alle agtiisa,
waxaanan dul taagan nahay iyadoo ay wadaado madaafiic ku garaacayaan
magaalooyin iyadoo ay u baratamayaan gacan ku haynta halkaasi oo
aysan gaalo joogin balse ay yihiin waxa isdilyaahi dad muslim wada
ah .
- Ugu danbayn: waa in laga digtoonaada caqliga ah ama boqolkiiba
boqol aan helo ama waa ii wax la’aan iyo burbur ee dhaqankeena
meelaha qaar uga jira. Arka wixii reer Afgaanistaan ku dhacay raggii
soo wada jihaaday ayaa guushii ay Ruushka kusaaren calfan waayey oo
qorigii ay isu qaateen uu weli manta dabkiisii shidan yahay shareeco
iyo dalna uusan midna u dhaqnayn.
Wadaadada Soomaaliyeed haddii ay inta badan koonfurta Soomaliya
gacanta ku hayaan, dhaqaalihii, waxbarashadii iyo kaabayaashi kale
iyo shacabkana saamayn weyn ku leeyihiin , Madaxweynena loo doortay
mid iyaga ka mid ah, baarlamaanka nus laga siiyey waxay hasytaan
fursad aan duunida muslimka ka jirn ee isku giijinta ha iska
daayeen, ummada dagaal sokeeye halakeeyeyna ha unaxeen, oo
ujeedooyinkoodii inta u hartay wada hadal iyo is afgarad ha ku
dhameysteen, mar haddii ay heli karaan aqlabiyad ama ay u sahlan
tahay inay helaan aqlabiyad ay dastuurka iyo nidaamka dawladda ee
haatan koonfurta ku kooban wax uga bedeli karaan oo sidii Soomaalida
isla garato shareecadana waafaqsan ugu sixi karaan dastuurka,
keenaanna qorshe aan dhiig ku daadan ee Jamhuuriyaddii oo idil la
isku keeni lahaa. Fursaddu mar walba nama soo mari doonto ciddii
dayacdana way ka shalayn doontaa, shacabka iyo taariikhduna waa xusi
doonta cidii sababtay ama dalka dhib hor leh u horseedda.
Qormadi hore:
Maxaa loo Dagaallamayaa, Maxaase la dib dhigan karaa? - Abdulkadir A. Warsame
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009
|