SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON

 Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen Xubanaha Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya oo ku Sugan Magaalada London Ee Dalka Ingiriska

  • Natiijada ka soo baxday Shirkii Jabuuti Inaysan Ahayn mid na quseeysa....

Shir aan caadi ahayn oo ay maanta iskugu yimaadeen Xubnaha iyo Mas'uuliyiinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed Ee ku sugan Dalka Ingiriiska oo ay uga wada hadleen marxalada cusub ee dalku galay, wada hadal dheer ka dib waxay soo saareen warsaxaafadeedkaan kaas oo uu saxaafada u aqriyay ku xigeenka Xoghayaha Warfaafinta Isbahaysiga Maxamed Xaashi Cabdi. asagoo u qornaa sidatan.


maxamed xaashi

Mahad Eebaa leh nabedgelyo iyo naxariis nabigeenii suubanaa caleehi salaam korkiisa ha ahaato.

1-Natiijada ka soo baxday Shirkii Jabuuti Inaysan Ahayn mid na quseeysa waayo waxaan u aragnaa inaysan ka turjumayn midnimada iyo maslaxada ummada soomaaliyeed.

2-Waxaan kaloo u cadaynaynaa shacabka Soomaaliyeed iyo inta wanaaga la jecel waxaan u sheegaynaa inaan ka tanaasulayn marnaba ugu yeeritaanka ku dhaqanka shareecada Islaamka oo ahaa waxii dalka iyo dadka loogu soo duulay.

3-Waxaan kaloo u cadaynaynaa ummada Soomaaliyeed in inta ay Ethiopia faraha kula jirto dhamaan arimaha siyaasadeed ee Soomaaliya uusan dhamaan dagaalkii lagula jiray Ethiopia sida kaliya oo nabad kuwada noolaasho ku imaan karto ay tahay in Ethiopia faraha kala baxdo dhamaan arimaha siyaasadeed ee Soomaaliya taasna ay tahay sida nabad waarta uga dhici karto dhamaan gobolka geeska afrika.

4-in Ethiopia ay ogalaato magdhow inay ka bixiso dhibkay u gaysatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed naf iyo maalba

5-In dowladaha Africa iyo Igadba Ay ka waantoobaan faragelinta arimaha Soomaaliya.

6-waxaan cadaynaynaa inay tahay in ciidamada Ugaandheeska iyo kuwa Burundi oo xasuuqa u gaystay ummada Soomaaliyeed inay uga baxaan dalka soomaaliya bilaa sharuud u cadaynaynaana inaan loo baahnayn in wadanka la keeno ciidamo kale kuwaas oon xal u ahayn wadanka.

7-Waxaan uga baaqaynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan shirqoolada ay u maleegayaan cadowgooda ayna isku tashtaan arimahoodana wadahadal ku dhamaystaan.


mahadsanidiin

Xaafiiska Warfaafinta Isbaysiga Dib U Xoreynta.
02/02/2009


Wararkii: Feb 2

Bayaan ay Beesha Cusmaan Maxamuud Kasoo Saareen Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar  + Sawirro  - Feb 2

Hogaanka gudaha ee Midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaalieed oo soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sh.Shariif Sh. Axmed - Feb 2

Qalin Jabintii Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika, Qaybta Gaalkacayo - Feb 2

Daladda SOYDEN oo Saddex Bilood tababar Saxaafadeed u furtey Dhalinyaro - Feb 2

Beesha Axmed Harti ayaa Hanbalyo iyo Bogaadin u dirtay Madaxwaynaha Cusub ee Sheekh Shariif. - Feb 2

Kulan Qado Sharaf ah oo ka dhacay Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Jakarta, Indonesia (pdf) - Feb 2

ONLF oo u Hambalyaysay Madaxweynaha Cusub ee la Doortay (English) - Feb 2

Baaq: Jaaliayadda Puntland ee magaalada malmö ee dalka swedan - Feb 2

War-saxaafadeed: Dahabshiil Bank oo Jibouti laga furayey  - Feb 2

MAQAAL: WADAAD, WARANLE IYO WADANI - Bukhaari

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: