SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Hogaanka gudaha ee Midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaalieed oo soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sh.Shariif Sh. Axmed

iyo Shir sadex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Maamulka gobolka banadir culumada ahlu sunah wal jameeca iyo qaar ka mid ah ururka dib u xoraynta garabka Djabauti ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho Axadii... ( Sawirro)


Hogaanka midowga maxaakiimta islaamka Somaliyeed oo soo dhaweeyey doorashada madaxweynenimo ee Sh Shariif Sh Axmed

Bayaanka oo ka kooban 5 qodob oo hagaanka sare ee Midoga Maxkamadaha uu ka soo saaray Magaalada muqdisho ka dib kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqidisho.

Qoraal dheer oo saxaafda loogu talagalay uuna ku saxiixnaa madaxa maamulka gudaha Sh cabduqadir Cali Cumar oo dhinaca ka fadhiyey Afahyeenka howlgalada gudaha markii uu aqrinayey bayaanka isaga oo saxafada u aqriyey afhayeenka howlgalada gudaha ee Maxaakimta islaamka somaliyeed SH Cabdiraxiin Ciise Cadow sida u bayanka ka aqriyey

Bayaankaan ayaa si buuxda logu tageray doorashadii Sh Sharif Sh Axmed loogu dortay in uu noqdo Madaxweynaha somaliya sidoo kala Bayaankaan ayaa lagu xusey in la sameeyo cidamo qaranku uu leeyahay lagana bilaabo Ciidamada Muqaawimada si meesha looga saaro in ay dalka yimaadaan ciidamo shisheeye .

Waxayna ugu baaqeen Madaxweyanah dalka somaliya oo mar ahaan jiray gudoomaiyaha midowga Maxaakiimta islaamka somaliyeed in uu dalka ku xakumo shareecada islaamka waxayna hoosta ka xariiqeen in xalka dalku ku jiro ku dhaqanka shareeada islaamka



Maamulka gudaha ee GMIS shir ay isugu yimadeen oo looga hadlay natiijadii ka soo baxday doorashadii ka dhacday dalka jabuuti taasoo lagu doortay madaxweyne sh. Shariif sheikh axmed dood iyo falanqeyn dheer ka dib waxaa ka soo baxay qodobadaan soo socda:

waxaan soo dhaweyneynaa natiijada ka soo baxday shirkii jabuuti oo loogu doortay sh. Shariif sheikh axmed madaxweynaha soomaaliya. Waxaana hubnaa cadaalad ab soona celisa nidaamka iyo kala danbeynta si waafaqsan shareecada islaamka.
waxaa ku baaqeynaa in madaxweynhu uu fuliyo balan qaadkii ahaa hirgalinta shareecada islaamka, waxaana aaminsanahay in xalka kaliya ee umadda soomaaliyeed u baahantahay uu hahay ku dhaqanka shareecada islaamka.
dhameystirka arimaha dib u hishiisinta kaa soo laga bilaabayo xooga muqaawamada dhexdooda si walaalnimana ku jirto.
waxaan ku baaqeynaa in la sameeyo ciidamo qaran gashay cadowga ummada soomaaliyeed si looga maarmo keenidda ciidamo shisheeye iyo kuwa joogaba, waxaana cod dheer ku leenahay fara galinta shisheeye xal uma keeni karto dalka soomaaliya horeyna waan u soo aragnay.
ugu danbeyn waxaan baaq u soo jeedineynaa dhammaan shacabka soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan sida mujaahidiinta, culimada, odayaasha shaqeeyaan midnimada, ganacstada iney kawada shareecada islaamka, nabadda iyo hirgalinta shareecada islaamka, kana faa’ideystaan fursadda ka dhalatay shirkii jabuuti.

Madaxa maamulka gudaha ee GMIS
Sheikh C/qaadir Cali Cumar

Shir sadex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Maamulka gobolka banadir culumada ahlu sunah wal jameeca iyo qaar ka mid ah ururka dib u xoraynta garabka Djabauti ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho Axadii...

codkii kusimaha duqa magaalada Muqdisho Shaaweey halkaan kadhagayso (mp3)

SAWIRRO: Sawirada Halkan ka daawo....

Shirkaan ayaa lagu taageeray doorasahada loo dortay Sh Shariif Sh Axmed Sh Muuse Cigale xilka madaxweyne nimo iyo oo loo diray hanbalyo iyo taageero cod oo aan wax sharuud ah lagu xirin

Shir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah maamulka gobolka banadir oo u horkaayey ku simaha gudomiyaha gobolka banadir C/fataax Shaawey iyo Madaxda Ururka dib u horeynta garabka casmara iyo dariiqada ahlu sunaha waljameeca ayaa ka dhacay hotel amira ee Magaadala Muqdisho Maanta .

Kulankaan oo ahaa mid qado sharaf logu sameeyey loogana hadlayey arimaha nabadgalyada gobolka iyo sidii loo midaynlahaa dhiancayda talada gobolka wax ku leh ayaa waxaa ka soo qeybgalay culumaa.udiin salaadiin duqeyda dhaqanka ciidamo iyo amrti sharaf kale oo lagu marti qaaday

Shirkii manta oo looga hadlaya arimaha nabad galyada gobolka banadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas.uuliyiinta gobolka banadir sida su simaha gobolka banadir oo googosha dhigay ku xigenka labad ee gobolka baandir .taliyaha ciidanka boliska gobolka banadir , gudoomiyayaasha dagmooyinka yaqashiid iyo wada jir Muxiin Jurus iyo Axmed Daaci iyo ina xoosh

Waxaa isna ka mid ahaa Shnuur cadow warasame oo ku hadlaye magaca Madaxweynaha cusub ee Sh Shariif Sh Axmed Sh Muuse CIgale oo ka socday dhanka isbaheysiga Dib u horeynta garabka Djabauti isaga oo sheegay in maamulka gobolka banadir uu xaq u leeyahay in uu isu dono somalida caasimada ku dhan

Dhanka mas.uuliyiinta dib u xoraynta garabka Djabuuti ayaa waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha xabadjoojinta xuseen siyad qoorgaab , afhayeenka ahlu sunah wal jameeca Sh soomow , Sh Muuse Mracade Xaji Cabdi iimaan oo mar ahaan jiray gudoomiayaha odoyasha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye iyo xubno kale

Kulankaan ayaa ahaa mid uu soo qabaan qaabiyey Kusimaha gudoomiayaha gobolka banadir Ina shaaweey ayaa lagu lafaguray sidii loo midayn lahaa awooda labada dhinac ee wadayaaan ku kala irdhobay kala duwanaansho xaga fikirka ah .

Ina shaawey ayaa sheegay in dhiancayada is agfadhiya shalay wixii ka danbeyey ay ahaayeen laba qolo oo dhufays isigu jirtay sababtaa ayaa gobolka banadir wuxuu iskuugu yeray in laga baxo

Kusimaha duqa magaalada Muqdisho C/fataax Ibraahim Cumar sabriye Shaawey ayaa shegay in ay doonayaan in laga baxo kala xirnaanshiyii isdilkii iyo isqarxintii isaga oo sheegay in wiilasha howshaa ku jira laga dhaadhiciyo dalkaan in la isla leehaya dadkii qaxayna dib loo soo celiyo loogana naxo shacabka gedaha hoostooda jiifa

“waxaan rabnaa qof hadii la dilayo in la isla wada dilo habeenkii madaxweynaha la doortay ayaan iska dhigya hubkii iyo qoryihii waxaana wadanaa maro cad waxaan arabnaa in dhiigdanbe uusa dadan waxaana u bareenay in aan u dhimano wadankeena “

“Odoyaasha dhaqanka culumaaudiinka iyo siyasiyiinta hadi ay dhahaan la idiinma baahno waa banaynaynaa xafiiska waxaan rabnaa in uusan qof danbe dagaal ku dhiman”

Intii hadalka ku jiray Cabdifataax Shaaweey ayaa waxaa uu shegay in wadadii uu marayey dhinaceeda Miino loogu duugay ilaaheyna ka badbadiyey isaga oo shegay in la joogo xiligii hubka la iska dhigi lahaa mar hadii ay dalka ka baxday Ethiopia oo ahayd sababata loo dagaalamayey

Wuxuu sheegay in habeen iyo maalin uu shaqdiisa wadayo jidka oo dhan hadii lagu beero miinada

Ku simuhu wuxuu shegay wixii aan nabad lagu radin aan lagu helayn qori caaradii isaga oo xusey in mudooyinkii dagaalada socdeen aan la heyn koox ama qabiil hubka dhigis lagu sameeyey

Waxaan rabtaan manta wixii laga bilaabo in aysan ka dhicin gobolka banadir laba qeybood ayaa lakala yahay waxaana qeybaha oo dhan ugu baaqeynaa nabad iyo wada noolsaahnsho run ah

Waxaan rabnaa in dalka laga samata bixiyo noloshada adage ee xiliga kala gurka ah soo wajahday

Xafadii manta oo aheyd mid logu talagaya caleemo saarka madaxwene Sh Shariif Sh Axmed ayaa madaxdii ka hadashay waxaa ka mid ahaa xuseen siyad qoorgaab oo ku hadlaya magaca gudiga xabad joojinta iyo magaca Madaxweynaha la dortay ayaa mahadcelin iyo amaan u soo jeediyey dadkii qaban qaabada lahaa


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: