SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SOOMAALIDA REER STOCKHOLM OO SOO DHOWEEYEY GO’AANKII KU DHAQANKA SHAREECADDA.
Stockholm, 27-04-2009.

By Abukar Albadri, Saxafi Madaxbanaan.

Kulan aad u ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dad ah oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya laguna ayidayey go’aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka shareecada Islaamka ayaa ka dhacay Xaafadda Tensta ee Magaaladda Stockholm ee dalka Sweden.

Shirkan oo ay soo abaabuleen ururka Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee Sweden (UHSS) ayaa waxaa lagu ayiday go’aankii 18-ka bishan ay baarlamaanka Soomaaliya ugu codeeyeen in dalka lagu dhaqo shareecadda Islaamka.

Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha UHSS Injineer C/qaadir Sheekh Yuusuf, wuxuuna sheegay inay soo dhoweynayaa codkoodana ku ayidayaan Go’aanka baarlamaanka.

“Waa maalin taariikhi ah, waana guul ummadda u soo hooyatay, waxaan leenahay hala wada ayido waxa wanaagsan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

“Waxaan anaga mar walba raaceynaa dhanka wanaagsan, waxaana u aragnaa wanaag go’aankan” ayuu sii raaciyey.

Shirkan oo ka dhacay Tiyaatarka Xarunta Tenistaträff waxaa qadka taleefoonka kaga qeyb qaatay laba wasiir oo ka tirsan dowladda KMG-ka ah, kuwaas oo kala ahaa wasiirka arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Sheekh C/Raxmaan Maxamuud Faarax-Janaqow.

Wasiirka Garsoor, Md. Janaqow wuxuu yiri “Sida aad ugu faraxsan tihiin go’aanka baarlamaanka ayaan farxaddaasi idiin la wadaagnaa, waana idin mahadcelinaynaa” wuxuuna sii raaciyey, “Waajibka ina saran wuxuu yahay in wasaaradda garsoorka ay soo dhisto danaamkii garsoorka ee lagu dhaqmi lahaa iyo garsoorayaashii hawsha fulin lahaa waana wadnaa hawshaas”

Wasiir Arrimaha Gudaha ee dowlada Sheekh C/Qaadir Cali Cumar ayaa wuxuu kulanka talefoonka kaga sheegay inaysan mucaaradka dowladda isku raacsaneyn xaaladaha dagaal abuurka ah ee ugu dambeeyey.

“Sida ii muuqata dadka nolol ayey u baahan yihiin, waayo waa dad cadowgu dhib badan la tiigsaday, waa dad la barakiciyey, la xasuuqay, maanta waxay u baahan yihiin Nabad iyo diintoo lagu dhaqo” Ayuu yiri, “Mar haddii diintii ay diyaar noo tahay inaan ku dhaqanno waxa dhimani waa in la wada hadlo oo la saxo wixii mugdi ah ee jira, kaddibna ummada nolosheedii dib loo hagaajiyo” Ayuu sii raaciyey.

Dhamaan dadku aad ayey ugu riyaaqeen hadalka wasiirka oo ahaa mid u muuqday inay jirto rajo ah in wada hadal lagu dhameeyo khilaafaadka dowladda iyo mucaaradka.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay Dr. Aamina Siciid Cali oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka, waxay kulanka ka jeedisay hadalo qiiro leh iyo gabay dadka qalbigooda taabtay oo ay ku sheegtay inuu yahay farriin ka timid wiil yar oo agoon ah oo ku dayacan wadada Afgooye iyo goobaha loo qaxay, misana la hadlaaya masuuliyiinta dowladda iyo qurbo joogta.

Dr. Aamino oo ah hal abuure dhanka Suugaanta kaalin weyn ku leh, waxay gabaygeeda ahaa farriinta wiilka ka timid ku duurxushay sidan.

  1. Da’yar dalkeenaas degaayaa dareen ka yimid,
  2. Wuxuuna hadalkiisii ku darbeynayaa doodo culus,
  3. Dacwaduna way diirineysaa qalbigaan dednayn,
  4. Dabaq ayaad seexataa iyo daaro aad u wacan,
  5. Sariir daahan baad dekeysaa habeenka dumay,
  6. Ruumi baad daadsataa deydka iyo docda,
  7. Dalxiis baad doon u raacdaa ruux ubaxu deday.
  8. Docdaa waxaa kuu dangiiga dux iyo subag,
  9. Dhuuniga durdur baad ku daaqdaa dareen la’aan.
  10. Anna dalbaab baan la joogaa duleedka Xamar,
  11. Webiga daantiisa baa oonku igu dilaa,
  12. Dhaxantu waxay doorinaysaa jirkii aan dednayn,
  13. Diqsiga daamankeeyga fuulaa dibnaha dhunkada,
  14. Sankeyga dulkiisuu deguu daaro uga dhismeen,
  15. Tirxiga haragayga dooxaa jirkii damqaday,
  16. Indhaha dambar baa I fuuloo daaf baan qabaa,
  17. Luguhu dalab bey I yeesheen ma duubi karo,
  18. Uurka dudun baad I moodaa sidaan da’ wado,
  19. Ilaaheey daa’im weeyee ma ii darraan,
  20. Daqiiqad ayuu dallaciyaa ninkuu dalbado,
  21. Iimaanku waa dahabe marna eebe ima dayicin,
  22. Aduu igu daawanaayaa inaad dad tahay,
  23. Hadduu qalbigaagu dibirooboon damac lahayn,
  24. Ilaaheey daa’im weeyee ma ii darraan,

Adiguu igu kaa daawanaayaa inaad dad tahay….. aan dad noqonoo dadkeena badbaadino.

Waxaa sidoo kale halkaasi hadallo qiiro leh ka jeediyey Xildhibaan C/qaadir Cukaasha, Abwaan Cali Dhuux iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ah qurbo jooge Soomaaliyeed oo safar kaga soo laabtay Muqdisho kana sheekeeyey xaaladda amaan darro ee dalka ka jirta.

“Markii uu qof wadaad ah ku ag maro waax naxaysaa, waadna ashahaadaneysaa, waxaad dheheysaa ilaahoow iga badbaadi, wadaadadii in loo cararo aheyd iyagii ayaa laga baqayaa” ayuu yiri Cali yare.

Ugu dambeyntii waxaa shirkaasi baaq loogu jeediyey dhamaan kooxaha ka jira Soomaaliya inay tabashadooda ku dhameeyaan wada hadal, xalka qoriga caaradiisa lagu raadinayana loo bedelo mid lagu raadiyo si nabad ah.

Baarmaanka Soomaaliya ayaa wuxuu Ansaxiyey 18-kii April, 2009 in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka taas oo ku timid Soojeedin ay golaha wasiirada u gudbiyeen baarlamaanka.

-Dhamaan-

Abukar Albadri <aalbadri10@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: