Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis
nabi Muxumad korkiisa ha ahaato.
Soo xasuusta riwaayaddii: Galbeed waa la xoreeyey; Waarsaase gaagixisay!
La yaab ma leh in gaalo ku carqaladeyso laakiin ka warrama haddii dad diin
sheeganaya kala dhantaalaan midnimada Muqaawamada?
Geeso lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa! Waxaa la sheegay in Tigreegu ku
dhaheen ciidamada Amisom naga hor baxa si aan Amisom cagta loo marin marka
Tigreegu waddanka ka dhammaado laakiin niman ka socda Maxkamadaha iyo
odayaal baa Amisom ku yiri jooga dhib ma lahee. Tigreegu ilaa hadda wuu
yaaban yahay. Zenawi waa ogaa in Amisom loo soo tabobaray inay Muqaawamada
la dagaalaan. Wuu ogaa hadduu ciidankiisa la baxo in shacabku dhegta
dhiigga u darayo Amisom laakiin ilaa hadda waxaa dhacay lamo filaan. Waxaa
Maxkamadaha la weydiinayaa geeraarkii Laangarre Allahaxa u naxariistee:
- Maxaa labo gaal oo abtirsiinyo noo
gudboon (Museveni iyo Meles)
- Midna ay gar u siinayaan midna ay u
guhaadin?
Xaggeyga labada gaal, Amisom baa
daran! Tigreega deris baan nahay oo dagaal iyo heshiisba waa na dhex mari
karaa laakiin niman calooshood-u-shaqeystayaal oo ah oo loo soo diray iney
la dagaalaan diinta Islaamka yaa hoosta gashan kara?
Mar hore baan culumada Musaalixada sheeganeysa sheegay inay galeen khalad
weyn – markii ay go’aan dhankooda ah ku dhaheen 120 beri guduhood ha
ku baxeen Amisom! Waxaan culumada weydiiyey yey yihiin/ka socdaan markaad
go’aan kelligiin ah gaareysaan? Ileyn Amisom culumadii oo fadhida oo aan
weli go’aan gaarin bey dhaheen ma baxeynno. Sheekh Shariif laftiisu
intaaas oo jeer buu si dadban u yiri ineysan Amisom baxayn. Yaa marka
heshiisku qabanayaa? Keliya waxaa laga adagyahay Muqaawamada. Muqaawamadu
maba tixgelin heshiiskaas maaddaama Amisom tiri nama khusayo. Heshiiskaas
wuxuu caawiyey dad sheegta Bulshada Rayidka ah iyo dagaaloogayaal ku
dhexjiray Muqaawamada oo rabay iney helaan xeelad ay ugu biiraan kooxda
Shariifka! Maxay ka dheefayaan Musaalaxado in dhabarkooda laga dhigto
jaranjaro ay dagaaloogayaal ku gaaraan dan khaasa?
Maalintan aan maqaalka qorayo oo ah 28/04/09 waxaa maalintii ka
horreysay saxaafaddu sheegtay in Shariif yiri ciidamada Amisom ma baxayaan!
Kal hore waa taan Musaalixada ku iri: markii waqtigaas la gaaro: ninkiinba
meel miyuu ka baxayaa mise waxaad la halgameysaan Muqaawamada si loo
fuliyo go’aankiinna? Hadda Shariif iyo Amisom diide iney baxaan. Waa
maxay mowqifka ay Musaalixo qaadaneyso? Ma bakayloow nin iyo bur baa? Nin
kastaa ma wuxuu ku noqon magaaladuu ka yimid?
Dad dan leh ama aan fahmin dhagarta shisheeyaha baa dhaha: “naxnu macal
Culumaa’”! Bal aan idin xasuusiyo marka culumada heshiiskey cid la
galaan la jabiyo. Yaa garanaya qof nabigii khalqiga ugu kheyr badnaa (SCW)
ka cilmi badan? Mar baa Qureysh iyo Bakar oo xulufo ah ay laayeen rag ka
mid ahaa Khuzaaco oo nabiga (SCW) xulufo la ahayd iyadoo lagu jiro
heshiiskii Xudeybiya. Khuzaaco waxay galeen Xaramka bal si looga
haro laakiin markii Bakar qaarkeed hogaamiyahoodii ku dhaheen Xaramkey
naga galeene aan ka harno ayaa hogaamiyihii ugu jawaabay: Xaramka
dhexdiisaba wax waad ku xaddaane, laaya nimanka oo aarsada.
Camri Binu Saalim Al-Khuzaaci ayaa Madiina u degdegay ilaa uu dul yimid
nabigii (SCW) oo ku dhexjira saxaabadiisa wuxuuna Camri halkaas ka
bilaabay gabay isagoo leh:
- Yaa Rabbi, waxaan u
dhawaaqayaa Muxamed (SCW) oo xulufo qadiim ah ahaayeen aabbayaashii
iyo aabbayaashayo.
- Waxaad ahaydeen wiil (Cabdi-Munaaf);
annaguna waalid (hooyada Cabdi Munaaf oo Khuzaaco ahayd), dabadeedna
waan muslimnay marnaba heshiis kaagamaannaan bixin.
- Gargaar, Ilaahay hakugu
hanuunsho gargaare waligaaye, u yeer addoomaha Ilaahay ha soo
gurmadeene.
Markuu meeris intaan ka badan
mariyey baa nabigu (SCW) ku yiri: waa laguu gargaaray Camriyoow.
Marka shaki ma leh in culumo dhaxleen nabigee (SCW) mar haddii Amisom iyo
sheekh Shariif dhaheen gaalo ma baxayso, Musaalixadu ma iclaamin doonaan
inay taageeraan Muqaawamada? Sidoo kalana ma ku tirtirsiin doonaan in
shacabku garab galo Muqaawamada? Ogoow, nabi (SCW) ma sugin inuu dhamaado
waqtigii loo qabtay Xudeybiya marba haddii la jabiyey. Marka sheekhii
dhaha waan ognahay in Shariifka iyo Amisom jabisay heshiiskee aan sugno
120 beri waa khaldan yihiin mana aha daliil sal ku leh Islaamka. Marka
khiyaanadii Bakar iyo Qureysh waxay keentay inuu dhaho Fatxi weyn oo la
furtay Makkah. Xarameynka iyo Baytul Maqdis kaddib haddeynnu Soomaali
nahay waa Muqdisho magaalomadaxdeennu. Marka ma laga yaabaa in
ballan-ka-baxa Amisom iyo Shariifku keeno in shacabka Soomaaliyeed oo
culumo iyo Muqaawamo horsocdaan ay Amisom iyo Ashahaado-la-dirir Xamar ka
saaraan?
Markii Tigreegu baxay oo culumo badan Xamar ku yaacday waa tii maalin
garoonka Kubbadda Cagta lagu qabtay bannaanbax. Markii Amisom aragtay
shacabka intaas le’eg oo isu soo baxay waxaa ku dhacay khalkhal weyn.
Isla maalintaas afhayeenka Amisom wuxuu saxaafadda Xamar ku yiri: haddii
dadka Soomaaliyeed naga dalbadaan inaan baxno waan baxaynaa! Laakiin waxaa
loo sheegay Amisom in bannaanbaxa looga gol lahaa in Muqaawamada looga soo
horjeesto oo aysan xabbad ku ridin Amisom! Maalintaas kaddib lagama maqal
Amisom waxaan ahayn ineysan baxayn! Waxay ogaatay in odayaal badan, niman
culumo ama Maxkamado sheegto iyo kuwa sheegta bulshada rayadka ahi la
jiraan. Laakiin waxaa shirqoolkaas ku dhacay Musaalixo. Musaalixada waxaa
ku jira niman lagu yiqiin iney Muqaawamada u neceb yihiin mabda’a ahaan.
Waa niman neceb Salafka oo jecel in wax la isku qaso. Marka Musaalixadu ha
saxeen khaladkooda.
Marka guushii waxaa gaagixiyey Maxkamadaha. Ammaanka madaxda la soo
dhoodhoobay waxaa ilaaliya Amisom, Saciid-dheere iyo Cabdi Qeybdiid!
Maalin kasta waxaa shacabka dhaca koobbi-Amxaaro. Xaggee ku dhacaan? Inta
u dhaxeysa madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee Xamar. Ducadii
fiicneyd si khalad ah ayaan u dhahnaa: waxaan wanaag iyo kheyr ka
raadinnay Amisom, Cabdi Qeybdiid iyo Saciid-dheere. Waxaan dhibsannay
Muqaawamadii meelaha ay xukuman kheyr laga arkay. Goormaa Baydhabo,
Kismaayo iyo Marka dhib ugu dambeysay?Haddii Amisom Xamar laga saaro Insha
ALLAAH waxay noqoneysaa nabad sida magaalooyinkaas oo kale sidii 2006-dii.
Amisom iyo Ashahaado-la-dirir la’aan waa nabad iyo horumar. Marka
Maxkamaduhu waa iyaga hoosta gashaday Amisom sidii C/hi hoosta u gashaday
Tigreeye maxaa faraqa oo u dhaxeeya labada gaal? Marka, Baydhabo iyo
Kismaayo waa la xoreeyey oo Maxkamado iyo Amisom midna ma gaagixin. Marka
dhibka Xamar heysta waa Amisom. Shariifku wuu ogyahay haddii Amisom baxdo
inuusan hal habeyn joogi karin. Maalinta ay Amisom baxdo hal qolaa
qabsaneysa Xamar haddii Ilaah idmo. Micno ma leh qabiilkuu noqdo
hogaamiyaha kooxdaas marba haddii sida Kismaayo, Baydhabo iyo Marka nabada
noqoneyso.
F.G. Ma la rabaa in Amisom Xamar ka baxdo? Dhowr toddobaad, maalin
kasta oo Jimce ah dadkii Musaalaxada sheeganayey, Muqaawamada, kuwii lahaa
Bulshada Rayidkey metelaan iyo shacabkuba inta Salaadda Jimcaha ka soo
baxaan ha isugu tageen Tarabuunka ama Istaadiyo Muqdisho. Waxaan hubaa in
Takbiirta shacabku ka xoog badan tahay taangiyada Amisom. Marka Amisom
aragto shacabka oo dalbanaya iney ka baxaan ma filayo iney bilo joogeyso.
Arrintaasi waxay keeneysaa in Muqaawamadu is diyaariyaan oo aysan weerarin
Amisom inta shacabku bannaanbaxayaan. Haddii Amisom ka dhego adaygto
dalabka shacabka ma filayo iney ka dhego adaygi karaane waxay keeneysaa in
Muqaawamada oo shacabka hor kacaysaa ay dagaal la galaan Amisom. Ma filayo
iney maalmo badan qaadaneyso. Marka Shariifka iyo Amisom diide in Amisom
la saaro. Muqaawamado waxay xaq u leedahay iney meel kasta ku weeraraan
Amisom. Marka shacabku hakala doorto in maalin kasta Amisom leyso markii
Muqaawamadu Amisom la dagaasho haddii kale si nabad ah shacabku bannaanbax
ha u sameeyo Jimcayaasha si Amisom u aragto in shacabku muslim yahay oo ay
wiilashooda la jiraan.