SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dagaalku lacag buu dhalaa!

Kuwii dalka sumeeyey!?

W.Q.: M.D. Jaamac  (Bareer)
dirieco51@yahoo.com

  • FG: Asalkii qoraalkani waxa uu ku soo baxay wargayska KASMO oo London xaruntiisu tahay, Tirsigii 162aad, oo soo baxay 11kii Agoosto 2005tii.

Dhowr jeer oo hore ayaan halkaan uga hadalnay sunta khatarta ah  (radioactive dump) oo burcadda abaabulan (*) iyo shaqsiyaad kale oo iskaashaday  ay geeyeen Soomaaliya iyo dalal kale oo iyaguna ka tirsan waddamada saboolka ah. Ilihii aan wararkaa ka soo xiganey waxay u badnaayeen wargeysyada ka soo baxa dalka Talyaaniga oo ah xarunta keydinta, ganacsiga iyo dhoofinta sunta khatarta ah ee ka soo harta  warshadaha nuclear-ka, isbitaalda iyo warshadaha daawooyinka sameeya ee waddamada reer galbeedka. Majaaladda ‘L’Espresso’oo toddobaadkiiba mar ka soo baxda dalkaas ayaa laga soo bilaabo bishii Jun 2004tii, waxay ka qortay arrintaa maqaalo badan.

Waxaan iminka halkaan si kooban uga hadli doonaa waxyaabihii ugu dambeeyey oo majaaladdaasu ka qortay arrinta sunta, gaar ahaan qaybta ku saabsan Soomaaliya iyo qab-qablayaasha ku lug leh suntaa ka ganacsigeeda oo lacag aad u fara badan ka helay (Dagaalku lacag buu dhalaa).

*   *   *

L’Espresso maqaalkeeda oo soo baxay 9/06/’05 waxaa saldhig u ah qoraal soo gaarey garsoorayaasha Talyaaniga ee baaraya arrinta suntaa oo uu u soo qoray maxbuus xabiska ku xiran oo magaciisa la qariyey kuna  xukuman xarig gaarya ilaa soddomeeyo sano, dembiyo kala duwan oo uu galay awgood (ka ganacsiga doroogada iwm.) kaas oo ka tirsanaan jirey  burcada abaabulan, horayna marar badan - siyaabo kala duwan -  uga qayb qaatay ka ganacsiga suntaa oo ay ku lug leeyihiin: siyaasiyiin, hay’adaha sir doonka, warshadaleey, ganacsato, dalaaliin, kooxaha burcada abaabulan iyo qaar ka mid ah qab-qableyaasha soomaaliya.

*   *   * 

Qaybta Soomaaliya ku saabsan:

Maxbuuskaasu wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in markii ugu horeysey oo isagu uu wax ka ogaado xogta suntaa ay ahayd 1986dii dhamaadkeeda, wallow  -  buu yiri  -  arrintu aniga ka hor socotey. Ninka lagu mgacaabo Sebastiano Romeo oo markaa madax u ahaa (boss) qoyska burcada ah ( ‘ndrangheta) ee reer San Luca ayaa wuxuu ii diray magaalada Roma si aan ula kulmo qareenka la yiraahdo Giorgio De Stefano oo ay ilmo adeer yihiin madaxa qoyska kale ee burcada iyaguna ah reer Regina, Paolo De Stefano, kaas oo xiriir weyn la leh siyaasiinta. Wuxuu i soo faray in aan qareenka soo weyddiiyo haddii ay suurto gal tahay in la geli karo  waddamada dibedda  si  sunta loogu khaarijiyo. Qareenku wuxuu ii sheegay in meesha ugu habboonu tahay Soomaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in lagala  xiriiro madaxda xibsiga hantiwadaaga ee talyaaniga (Partito Socialista Italiano (PSI)). Markaas ka dib ayaa qareenku wuxuu ila xiriiriyey Pietro Bearzi oo markaa ahaa xoghayaha guud ee rugta gancsiga oo Soomaaliya ku lahayd dalka talyaaniga. Waxaan isku aragnay Hotel ku yaala waddada Cristoforo Colombo gadaasheeda.

Waxaan si cad ugu sheegay in aan Soomaaliya u aragno meesha ugu habboon oo sunta (rifiuti tossici e radioattivi) lagu  khaarajin karo, sidaas darteedna waxaan weyddiiyey haddii uu awoodo in uu gacan nagu siiyo. Si guudna waxaan ugu sheegay in lacag fiican lagu abaalmarin doono. Diyaar in uu yahay buu i tusay , wuxuuna i weyddiiyey ilaa heerka aan hawshaas ka gaarney; ana waxaan ugu jawaabey in aan haysano siyaasiyiinta loo baahan yahay. Waxaan ku heshiiney in aan mar kale is aragno oo dhankayaga aan la ninmaadno qorshe tifaftiran. Intaas oo dhan warbixinteedii waxaan siiyey Sebestiano Romeo, wuxuuna iigu jawaabey: “Wax kasta waa hagaagsan yihiin ee yaanaan deg degin”.

Sidaas darteed, arrintaa ma aanaan dhex gelin ilaa Oktoobar 1986 laga gaarey, markaa oo aan ku noolaa gobolka Reggio Emilia oo aan u xil saarnaa maamulka ‘daroogada’ qoyska San Luca ee gobolkaa iyo kan Lombardia. Ganacsigaas, waxaan kala macaamil jirey qoyska kale ee la yiraahdo Musitano di Plati oo Domenico madax u ahaa. Wuxuu ii sheegay in  loo baahanyahay gaadiid lagu qaado iyo meel lagu khaarajiyo 600 oo barmiil oo ay ku jirto sunta khatarta ah. Waxaan marka horeba weyddiiyey inta aan ka macaasheyno iyo cidda ka dambeysa hawshaa. Wuxuu iigu jawaabay in uu la soo xiriiray Dr. Tommaso Candelieri ee hay’adda ENEA ee ku taal Rotondella oo waagaas keydin jirey sunta laga keeno waddamada: Swiss-ka, France, Germany iyo USA, kaas oo markaa baahi degdeg ah u qabaey in laga khaarajiyo baraamiishaas oo ku keyd sanaa laba bakhaar oo hay’addaasu leedahay. Lacagta xaggeeda, waxaa iga soo gaari lahayd Lit. 660milyan. Waxaan iska aragnay arrintaa  Giuseppe Romeo oo ay walaalo yihiin Sebastiano, kaas oo aan ku kulanay barxadda Loreto, Milano oo aan O.K ka helay.

Waxaa la igu daray si uu hawshaa gacan iiga siiyo Giuseppe Arcadi oo uu abti u yahay Musitano, kaas oo gacan igu siiyey sidii aan ku heli lahaa gawaaridii  suntaa  qaadi lahayd  iyo wadayaashii kaxayn lahaa. Waxaan isla qiyaasnay in loo baahanyahay 40 gaari oo baraamiishaas ka soo qaada halka ay yaalaan, geeyana dekedda Livorno loogana sii rogo markab soomaaliya u amba bixi lahaa. Qorshahaas, waxaa hakiyey markii  la diley Musitano oo uu gacanta ‘ndrangheta’  ku baxay.  Kaalintii Musitano waxaa soo galay Candelieri oo aan hawshii dib u wada bilownay, genaayo 1987.

Livorno  /  Muqdisho

Markabkii aan hawshaas u isticmaalnaay waxaa magacuiisu ahaa Lynx oo ay la hayd shirkadda  Fyord Tanker Shipping, Malta, waxaana dilaal u ahaa shirkadda Fin-Chart oo Roma xarunteedu ahayd, taas oo ku xirneyd shirkadda swiss-ka  Achair & Partners oo labaduba ku sii xirnaa shirkadda Zuana Achire oo rugteedu ahayd Singapore oo uu maamule ka ahaa muwaaddin Indonesian ah oo la yiraahdo Gurda Ceso. Markabkaa Lynx oo soomaaliya u shiraacanayey, waxaan saarnay 500 oo barmiil, 100kii soo harayna waxaan ku aasnay degmada Pisticci, Basilicata (italia). Hawshaas oo aan si toos ah uga qayb galay waxaa la fuliyey intii u dhexeysey 10 - 11 janaayo 1987. Documents-kii suntaas markabka loogu rarayey, waxaa soo diyaariyey, iyagoo been abuur ah, ganacsade reer Milano ah oo uu i baray Vito Roberto  Palazzolo (waa la baadi goobayaa iminka), waraaquhuna waxay siteen magaca shirkadda International Consulting Office of Djibouti. Markabkii wuxuu ka shiraacday dekedda Livorno isagoo u socda Djibouti, balse waxaa loo weeciyey Muqdisho.

Waxaa halkaa ka hawl galay Xoghayaha Rugta Ganacsiga Somalia/Italia, kaas oo diyaariyey gawaaridii iyo xamaaliyiintii markabka ka rogi lahayd suntaas. Suntaas, waxaa lagu aasay dulka uu maro webiga shabeele. Maxabuuskaasu wuxuu sheegay in lacagtii oo US $ laga siiyey bankiga swiss-ka / italia oo ku yaala Lugano, wuxuuna ku wareejiyey qoyska San Luca lacag gaareysa Lit. 500milyan.

Hawshii si wanaagsan bey noogu dhamaatay, cid walibana maqsuud ayey noqotay. Dhowr sano ka dib ayaan misna hawshii dib u bilownay, waayo aniga ayaa arrin kale u xirnaa. Markaan dambe qudheyda ayaa toos ula xiriiray Candelieri. November 1992 ayaa anoo ka wakiil ah qoyska San Luca waxaan weyddiiyey hawl kale oo la fulinayo haddii ay jirto. Jawaabtiisiina waxay noqotay: “arrinkaan marna shaqo lagama waayo”. Wuxuu ula jeedey 1000 barmiil  oo ay ku jiraan sunta isbitaalada ka soo harta iyo wax yaabo kale oo iyaguna sun ah (ossido di uranio, cesio, stronzio) oo 20 konteyner  (25x6m) ku kala jira oo ay llahayd shirkadda Merzario Marittima oo xukumadda soomaaliya wakiil uga ahayd hawlaha maraakiibta soo gelaya dekedda Muqdisho. Si hawshaasu u fusho, waxaan la xiriiray Mirko Martini oo aan bartay 1992dii dhamaadkeeda, kaas oo magaciisa uu i siiyey Giuseppe Romeo oo ay walaalo yihiin Sebestiano. Mirko oo ahaa mukhalas weyn, wuxuu deggenaa magaalada Piacenza iyo Muqdisho, isagoo shirko la ahaa Inj. Muunye oo ah maamulaha shirkadda Shifco ee maamusha maraakiib dowladda talyaanigu ay deeq u siisay dowladdii Soomaaliya. Waxaan ka wada casheynay Hotel Hilton, Milano. Waxaan u sheegay in ay jirto sun khatar ah oo aan doonayo in aan Soomaaliya u dhoofiyo, isagana aan gacan uga baahanahay in uu iga siiyo.. Wuxuu af buuxa igu yiri: waxaan ahay saxiib aad ugu dhow madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, Cali Mahdi iyo nin ciidamada sirddoonka talyaaniga ka tirsan, isla mar ahaantana CIA-da ku xiran.  Wuxuu intaas ku daray in wax kasta Soomaaliya la geyno karo oo dhib aysan ka jirin. Wuxuu kaloo ii sheegay in uu hadda gacanta ku hayo dalab  ku saabsan hub la rabo in la gaarsiiyo Muqdisho oo Cali Mahdi u socda, wuxuuna iga codsaday in aan u soo raadiyo  hubkaa si hal mara labada xamuul (sunta iyo hubka) loogu wada raro laba markab. Maraakiibtaa oo ah kuwa kaluumeysiga waxay kala siteen magacyadaan: ‘Maxamuud Xarbi iyo ‘Cusmaan Raage’ oo shirkadda shifco ay leedahay. Labadoodaba. hubkii lagu raray wuxuu noqoday: 75 saxaaradood oo ay ku jiraan qoryaha ‘kalashnikov’; 30 saxaaradood  oo ay ku jiraan qoryaha ‘boobeyaal (Uzi)’ iyo 25 saxaaradood oo rasaas ku jirto. Suntiina waxaa lagu raray markabka ‘Cusmaan Raage’. Maraakiibtaas, wey ka shiraacdeen Italia, waxayna gaareen Muqdisho Febraayo 1993. Halkaa waxaa ku sugayey oo diyaar ku ahaa Giancarlo Marocchino oo saxiib caysho-milix la ah Mirko Martini, Soomaaliyana  markaa awood badana ku lahaa, kaas oo isticmaalaye gawaari diyaar ku ahayd garaash ku yaala Km.4. Hubkii waxaa la geyey xarunta guud ee Cali Mahdi, suntiina dhowr goobood baa loo kala raray oo kala ah sida soo socota: ¼ (afar meelood meel = 250) waxaa lagu aasay Km.150 ee  waddada u dhaxaysa Barbara iyo Sillil ee dhanka xeebta Boosaaso. ¼ (250) kale waxaa lagu aasay webiga Juba  meesha uu ku dhamaado ee dhanka xadka Soomaaliya /Kenya; ¼ (250) kale waxaa lagu aasasy waddada yar ee isku xirta ‘Dhurbo’ iyo ‘Ceel Gaal’oo ka tirsan Boosaaso; ¼ (250) kale ee ugu dambeeyeyna waxaa lagu aasay waddada isku xirta Bosaaso / Garowe hoosteeda, Km. 37,700.

Mar kale ayaa hawshii si wanaagsan oo aan dhib lahayn u fushey. Lacagtiina waxaa loo kala qaybsaday sida soo socota: Cabdullahi Yuusuf, wuxuu qaatay Lit. hal milyaardi iyo 200 oo milyan oo Candelieri siiyey, uuna ka qaatay  Credit Suisse Bank, Lugano oo aniga qudheydu aan bankiga u raacay.

Aniguna waxaan Candelieri ka qaatay Lit.8milyaardi iyo 800 oo milyan oo caddaan ah (cash) oo la iga siiyey Hellenic Bank of Sarajevo (bosnia) oo sidaan loo kala qaatay: Lit.350malyan, waxaa qaatay Mirko Martini; 300malyan waxaan ku bixiyey kharasho kala duwan; 200malyan waxay ku baxday kharshkii maraakiibta (Inj. Muunje ayaa qaatay); 400milyana waxaan gaatay Marocchino oo aan u sii marsiiyey Marino Ganzerla

Garsoorayaasha arrinta sunta baaraya waxay maxbuuskaas

ka soo saareen xabiskii uu ku xirnaa si uu u tuso

dhowr meelood oo uu sheegay in uu ku xabaalay suntaa.

Waa dhulka ku yaal ‘ basilicata’ oo uu sheegay in uu

1987dii sun ku xabaalay.__

______________________________________

(*) burcadda abaabulan ee ka jirta waddanka

talyaaniga, waxaa ugu xoog badan saddexdaan:

1.La Mafia (sicilia); 2. La Camorra (napoli) iyo

3. ‘ndrangheta (calabria).

W.Q.: M.D. Jaamac  (Bareer)
dirieco51@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Dagaalku lacag buu dhalaa!  Q.2aad

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: