SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka Ganacsiga iyo Sayniska Dowlada Jabuuti Md, Rifqi Cabdiqaadir Baamakh’ram oo Furey Aqoon Is-weydaarsi Looga Hadlayo Fur furista Ganacsiga iyo Dhimista Canshuuraha

Aqoon is weydaarsi looga hadlayo fur furista ganacsiga iyo dhimista canshuuraha dowladaha soo koraya iyo kuwa saboolka ah oo ay ka faa’iideysanayaan 45 xubnood oo ka kala socdey wakiilada shirkadaha ganacsiga, Ururada ganacsiga , Bankigyada iyo hawl wadeenada Wasaaradda Gancsiga iyo sayniska dalka Jabuuti oo uu soo qaban qaabiyey Urur Ganacsi oo ay ku mideysan yihiin 153 dowladood ayaa lagu qabtey Hoteel Shariton ee caasimada dalka Jabuuti.

Aqoon is-weydaarsiga oo socondoona 5 maalmood ayaa furitaankiisa waxaa ka Hadley Wasiirka Ganacsiga iyo Sayniska Dowlada Jabuuti Md, Rifqi Cabdiqaadir Baamakh’ram waxaa uuna halkaasi ka jeediyey khudbad ka hadleysey muhiimada siminaarka iyo sida ugu haboon ee looga faa’iideysan karo.

Cabdirisaaq Axmed Idirs oo ka mid ah hawl wadeenada Wasaaradda Ganacsiga oo aan wax ka weydiiyey ayaa wuxuu ii sheegey “ siminaarka waxaa ka faa’iideysanayo 45 xubnood oo ka kala socda Shirkadaha Ganacsiga, Ururada, Bankiyada iyo hawlwadeena wasaaradda Ganacsiga iyo sayniska dowlada Jabuuti”

Wuxuu keloo ii sheegey Cabdirisaaq Axmed “siminaarkan waxaa soo qaban qaabiyey Urur Ganacsi oo ay ku mideysan yihiin 153 dowladood oo isugu jira dowladaha saboolka ah iyo kuwa soo koraya, siminaarkuna waxaa uu socon doono mudo shan maalmood ah, ujeedadada siminaarku waxa ay tahay fur furista Ganacsiga, dhimista canshuuraha iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladaha soo koraya iyo kuwa saboolka ah, gunaanadka siminaarka ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo ka tarjumaya sida ugu fudud ee aan ugu faa’iideysan karno mash-ruuca fududeynta Ganacsiga ee uu wado Ururkan (WTO)” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Cabdirisaaq Axmed Idiris

siminaarkan noociisa ayaa waxaa hore loogu soo qabtey 38 wadan oo ku jira Ururkan (WTO),
wuxuu qayb ka yahay tilaabooyinka dhinaca wax wada qabsiga dowladaha horumarey iyo kuwa kale ee caalamka oo ay ku dooneyso dowlada Jabuuti, in wax ay ka bedesho kaabayaasheeda dhaqaalaha, iyadoo ay u daneyneyso shacabkeeda, inkastoo dowlada Soomaaliya aan la ogeyn sida ay uga faa’iideysaneyso mash-ruucaan iyo ka mid ahaanshihiisa, kadib markii mudo 19-sano ay halakeeyeen dagaalada aan dhamaan ee aan la garan ujeedadooda ee wali sii socda.

Maxamed Macallin Csimaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: