SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ku dhawaad 60-haween ah oo Sabtidii isku soo bax yar ugu baaqay xoogaga Muqaawada in uu dhex-dooda dagaal uu san ka dhicin, iyadoo horey iska hor imaadyo kulul uu dhexdooda uu ku qabsaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Haweenkaan oo maanta isugu soo baxay Afafka hore ee xarunta wasaaradii gaashandhiga halkaas oo ay kula hadlayeen ciidamada Midowga Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka codsadeen dhamaan xoogaga muqaawamadda in ay ka feejignaadaan wax alaale wixi isku dhac dhexdooda ah sababi kara , waxana ay ciidamadaasi ka dhaa-dhacsiiyeen in aanan marba ka yeelin oo ay qaadan waxi isku dirayo ee dagaalka ciidamo walaalahooda ah.

Xaliimo Sacdiyo oo ka mid ah haweenkaasi ayaa ugu baaqay in dhamaan xoogaga muqawamada ay isku aragtiyo ka noqdaan arimaha jira isla markaana ay si deg deg ah ku joojiyaan isku dhacyada maalmahaan ka soo cusboonaaday caasimada magaalada Muqdisho.

Mid kale oo iyadana ka mid ah haweenkaasi oo dar daaran siisay ciidamadda midowga maxaakiimta Islaamka Soomaaliiyeed ee fariisinka ku leh xeradii hore ee gaashandhiga ayaa u sheegtay in ay iyaguna u socdaan garabyada kala gadasan ee hubeysan ilaa ay isku mowqif kanaqanayaan dhamaan xoogagaasi.

C/risaaq Maxamed Qeyroow oo ah horjeege ciidan ayaa isagana sheegay in uu san dooneyn in dhiig walaal kale oo muslim ah uu daadsho isla markaana uu si weyn uga soo horjeedo ama diidsan yahay wax yaabaha isku dhaca xoogaga muqawamada keenay.

Si kastaba arintu ha noqotee waxa maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey magaalda Muqdisho dilal iyo weeraro lagu qaadayey ciidamadda midowga maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiintooda waxaana colaadu ay dhaxeysa labadan kooxood oo ka wada tirsan xoogagga Muqaawada lagu sheegay inay tahay kala fikrad duwanaansho oo qaarkood ay taageersan yihiin dawladda Soomaaliya halka kuwo kalena ay ka soo horjeedaan


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: