SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DIINTA ISLAAMKA IYO ANSHAXA GUUD EE BULSHADA

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

7- ASLUUBTA EEGISTA 

 

 

 



: { } { : 36}.
(Maqalka, aragga iyo qalbiga kulligood waa wax Alle agtiisa la is weydiinayo) (Suurat Al-Israa: 36). 
Anshaxa bulshada ay diinta Islaamku inagu baraarujinayso, loona baahan yahay in la barto, ubadkana lagu barbaariyo waxa kale oo kamid ah asluubta eegista si qofku u kala garto waxa u xalaasha ah iyo waxa ka xaaraanta ah, kolka uu qof kale eegayo. 
Asluubta eegista waxaynu u taxaynaa sidatan:

1- EEGISTA MAXRAMKA:

Haweenay kasta oo xagga shareecada Islaamka ninku inu guursadaa ka xaaraan tahay iyo nin kastoo haweenaydu inay guursataa ka xaaraan tahay waxaa lagu magacaabaa Maxram. Sidaas darteed maxram waxa soo gelaya:
Maxram Nasab ku yimid: 
Waxa weeye toddoba haween ahoo uu Qur'aanka kariimka ahi sheegay markuu yiri:
{ } { : 23}.
(Waxaa la idinka xarrimay "inaad guursataan": Hooyooyinkiin, gabdhihiinna aad dhasheen, walaalihiin, eeddooyinkiin, habar-yarihiin, gabdhaha walaalka, gabdhaha walaasha) (An-Nisaa': 23).
Maxram Xididnimo ku yimid: 
Waa afar haweena, kalana ah: 
1- Xaaska Aabbaha: Eebbe wuxuu yiri:
{ } { : 22}.
(Ha guursannina dumarka aabbeyaashiin ay guursadeen) (An-Nisaa': 22).
2- Xaaska Wiilka aad dhashay: Eebbe wuxuu yiri:
{ } { : 23}.
("Sidoo kale waxa la idinka xarrimay" Wiilashiinna dhabarradiinna ka yimid "wiilasha aad dhab ahaan u dhasheen" xaasaskooda) (An-Nisaa': 23).
3- Xaaskaaga Hooyadeed: Eebbe wuxuu yiri:
{ } { : 23}.
("Sidoo kale waxa la idinka xarrimay" Xaasaskiinna hooyooyinkood) (An-Nisaa': 23).
4- Xaaskaagu gabadha ay dhashay: Eebbe wuxuu yiri:
{ } { : 23}.
("Waxa kaloo la idinka xarrimay" Gabdhaha guryihiinna ku noole xaasaskiinna aad la gogol gasheen ay dhaleen, haddaydnaan "hooyooyinkood" la gogol gelin "guursigooda" dembi idinkama saarna) (An-Nisaa': 23).
Maxram Nuugmo ku yimid[1]: 
Eebbe wuxuu yiri:
{ } { : 23}.
("Sidoo kale waxa la idinka xarrimay" Hooyooyinkiin idin nuujiyay iyo gabdhaha aad nuugmada ku walaaloowdeen) (An-Nisaa': 23).
Caaisha (RC) waxa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Nuugmadu waxay xarrintaa wixii dhalyo ku xaaraan ah)[2]. 
Werin kale: (Nuugmada waxa ku xaaraan ah wixii nasab ahaan ku xaaraan ah)[3].

Micnuhu waxa weeye dadka guursigoodu nasab ahaan xaaraan yahay sida: hooyada, gabadha, walaasha, eeddada, habaryarta, gabadha walaalku dhalay iyo gabadha walaashu dhashay, dhiggooda nuugmadu iyana waa xaaraan sida: hooyada nuujisay, gabadha xaaskiisu nuujisay, walaasha nuugmada, iwm.
Ninka maxramka ah sida kitaabka iyo sunnaha kusoo aroortay waxa u bannaan inuu dumarka maxramka u ah ka eego qaybaha inta badan ka bannaanaada jirkooda sida qoorta (luqunta), madaxa, gacmaha, lugaha inta laga weysa qaato, iwm., hase yeeshee uma bannaana inuu ka eego wax intaas dhaafsiisan amaba qaybaha jirka laga asturo sida; xabadka, dhabarka, caloosha, xubinta taranka, imw. 

Eebbe Subxaanahu wuxuu Qur'aankiisa ku yiri: 

{ } { : 31}.
(Yaanayna haweenku quruxdooda u muujin wax aan ka ahayn; raggooda, aabbeyaashood, raggooda aabbeyaashood, wiilashooda, raggoodu wiilasha ay dhaleen, walaalohood, wiilashay walaalohood "rag ahi" dhaleen iyo wiilashay walaalohood "dumar ahi" dhaleen) (An-Nuur: 31). 
Dadka Aayadda lagu sheegay ee jirka qayb ahaan eegi kara waxa laga reebayaa ninka qaba, oo isagu jirkoo dhan wuu eegi karaa, maxaa yeelay labada qof ee isqaba waxa u bannaan inay rabitaan galmo iyo rabitaan la'aanba xubin kasta oo jirka kamid ah iska eegaan.

Qofka maxramka ah ma bannaana in qaybaha aan soo sheegnay wax ka badan uu maxaarimtiisa ka arko, maxaa yeelay ma jirto sabab keeni karta inuu jirkooda hoose eego. Waxa intaas dheer eegmada caynkaas ah oon isaga ragannimadiisa iyo dhawrsanaanta dumarnimo intaba ku habboonayn. Waxa sidaas loo yeelayaa in daaqad kasta oo shaydaan iyo shahwo qofka kasoo geli karaan laga awdo, maxaa yeelay qofkii bohol ku dul wareegaa inuu ku dhaco ayuu qarka u saaran yahay.
Haddaba wiilka maxramka ah, gaar ahaan kolku da'da kuraynimada gaaro, waxa ka xaaraan ah inuu haweenay maxram u ah arko iyadoo dhar gaagaaban oo ilaa jilbaha gaaraya bowdooyinkeeduna bannaan yihiin ama dhar jirkeeda laga dhex arkayo xiran. Sidoo kale gabadha waxa xaaraan ka ah inay ninka maxramka u ah xitaa hadduu inan iyadu ay dhashay, ama walaalkeed ama aabbeheed yahay, ka eegto inta u dhaxaysa xuddunta iyo jilibka, xitaa haddaanay rabitaan iskaga baqayn.
Alle Subxaanahu wuxuu leeyahay:

{ } { : 229}.
(Kuwaas "aynu soo sheegnay" waxa weeye xuduudihii Alle jeexay ee haku xadgudbina, xuduudo uu Alle jeexay qofkii ku xadgudbaana, isagaa dembiile ah) (Al-Baqara: 229).

2- EEGISTA GUURDOONKA:

Shareecada Islaamku guurdoonka waxay u bannaysay inuu gabadha uu guurkeeda doonayo iska eego. Sidoo kale gabadha guurkeeda la doonayo waxa u bannaan inay ninka soo doontay iska eegto, si iyagoo isku qanacsan ay isu guursadaan. Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu Mughiira ibnu Shucba (RC) ku yiri: (Iska eeg, sidaas baa inad isku waartaan u dhow eh)[4]. Macnaha kolkaad iska eegto adiga oo ku qanacsanna aad guursato, sidaas baa u dhow inay jacayl iyo maxabbo waartaa idin dhex marto. 
Abuu-Hurayra (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: Nin baa Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, kuna yiri: Islaan Ansaariyad[5] ah baan guursaday. Markaas buu Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ku yiri: (Ma iska eegtay Ansaartu indhahay wax ku leeyihiin eh)[6]. Wuxuu ulajeeday way indha yaryar yihiin.

Hase yeeshee eegmada laga hadlayaa waxay leedahay asluub iyo anshax ninka guurdoonka ahi inuu tixgeliyo loo baahan yahay:

- Uma bannaana ninka guurdoonka ahi inuu eego wax aan ka ahayn wejiga iyo labada calaacal, waana inuu niyad guur u eegayo.
- Waxa bannaan haddii loo baahdo inuu eegmada ku celceliyo, si tilmaameheedu ay maskaxda ugu dhegaan.
- Way bannaan tahay inay kula hadasho isna uu kula hadlo fadhiga doonashada.
- Ma bannaana inuu gabadha uu guurkeeda doonayo gacan qaado, maadaama ay weli ajnabi ka tahay oon la isku mahrin, iyadoo laga duulayo Xadiithkii Caa'isha (RC) laga weriyay ee ahaa: (Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) gacantiisu weligeed axdiga Islaamka kulama aanay taaban gacan haweenay ka ajnabi ahe wuxuu axdi kula geli jiray hadal ahaan oo qura)[7].

- Ma bannaana inay keligood kulmaan, waase in qof gabadha maxram u ahi goobtaas joogo, maxaa yeelay Islaamku ma oggola in haweenay ajnabi ah keli lala noqdo. Waxa taas daliil u ah Xadiithkan: 
Ibnu-Cabbaas (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri (War hooya, midkiin yaanu haweenay la keli noqon, qof iyada maxram u ahi inuu la joogo mooyee)[8]. 

3- EEGISTA XAASKA:

Mucaawiye ibnu Xayda Al-Qushayri (RC) waxaa laga weriyay Waxaan iri: Rasuul Alloow cawradeenna yaan ku deynaa yaanan ka dedannaa?. Wuxu yiri: (Cawradaada ka dedo waxaan ka ahayn xaaskaaga ama wixii ay midigtaadu hanatay "addoomadaada")[9].
Ninka waxa u bannaan inuu xaaskiisa meel kasta oo jirkeeda kamid ah ka arko, ama rabitaan galmo ha u eego ama rabitaan la'aan eh, maxaa yeelay maadaama taabasho iyo galmo loogu banneeyay, eegmo wayba ka fududdahay. 

4- EEGISTA HAWEENTA AJNABIGA AH:

{ 30 } { : 30-31}.
(Mu'miniinta "ragga" u sheeg araggooda ha laabteen, xubnohooda tarankana ha dhawrteen, sidaas baana u hufnaan badan, Allena waxay samaynayaan waa xog-ogaal. Sidoo kale mu'minaadka "dumarka" u sheeg araggooda ha laabteen, xubnohooda tarankana ha dhawrteen) (An-Nuur: 30-31).
Ninka qaan-gaarka ah uma bannaana inuu haweenay ajnabi ah eego xitaa haddaanu u hawoonayn. Hase yeeshee suaashu waxa weeye: Waa tuma haweenayda ajnabiga ahi?, waase kuma ninka ajnabiga ahi?.

Ninka ajnabiga ah waxa loola jeedaa nin kasta oo haweenayda geeya sida; ina-adeerkeed, ina-eeddadeed, ina-abtigeed, ina-habaryarteed, walaasheed ninka qaba, eeddadeed ninka qaba, iwm. Haweenayda ajnabiga ahi waxa weeye haweenay kastoo ninka guur u qaban karo, sida; ina-adeertiis, ina-eeddadiis, ina-habaryartiis, ina-abtigiis, walaalkiis xaaskiisa, adeerkiis xaaskiisa, abtigiis xaaskiisa, xaaskiisa walaasheed, iwm.

Axaadiithta ka hadlaysa xarrimidda eegmada waxaa kamid ah:

- Cuqba ibnu Caamir (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Iska jira oo dumarka ha u gelina). Nin Ansaari ah baa markaas yiri: Rasuul Alloow hadduu Dumaashi[10] yahay ka warran?. Wuxu yiri: (Dumaashigu waaba geeri)[11].

Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oraahdaas ah: Dumaashigu waaba geeri wuxuu ka waday: Dumaashigu isagaa cid kasta oo kale ka daran, sababtoo ah isaga feejignaan lagama qabo oo si sahal ah buu guriga kusoo gelayaa, maadaama inuu reeraha kamid yahay uu isku xisaabinayo, waxana weeye cadaw hoose oo aanay cidi iska jirayn.
- Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu yiri: (Ibnu-Aadan sino qaybtiisa waa looga qoray shakina ma laha oo wuu helayaa, labada indhood sinadoodu waa eegmada, labada dhegood sinadoodu waa maqalka, carrabka sinadiisu waa hadalka, gacanta sinadeedu waa dhufashada, lugta sinadeedu waa tallaabada, qalbigu wuu jeclaadaa wuuna raboodaa, xubinta taranka ayaana u rumaysa ama ku beenisa)[12].

Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waxa laga weriyay inuu yiri: (Waddada xaqeeda siiya). Waxay dheheen: Xaqeedu waa maxay Rasuul Alloow?. Wuxuu yiri: (Aragga oo la laabto, dhibka oo la dhaafo, salaanta oo la naqo, wanaagga oo la faro iyo xumaha oo la reebo)[13].

Haddaba waxaan shaki ku jirin ulajeeddada Islaamku aragga in la daboosho ka leeyahay ay tahay in la helo bulsho nadiif ahoo aanu daqiiqad kasta hiyigeedu kacayn, mar kastana dareenkooda shahwo cirka isku shareerayn. Waxyaabaha dareenka iyo rabitaanka qofka kiciya waxaa kamid ah; dhaqaaqa is jejebinta ah, lebbiska dhalaalaya, jirka qaawan, eegmada micnaha leh, iwm., dareenku hadduu kacana ma damo ilaa la waraabiyo.

Waxaa dhab ah in dhugashadu ay dareenka kiciso, dhaqaaqu uu kiciyo, dhixdhixlayntu ay kiciso, dhabanna iska taabadku uu kiciyo, codka reenka ah iyo ereyada dananayaana ay huriyaan. Habka ugu habboon ee hurintaas lagu damin karaa waxa weeye guur xalaal ah oo nafta lagu harraad gooyo, rabitaankana lagu jebiyo.

5- EEGISTA NINKA IYO NINKA:

Abuu-Saciid Al-Khudri (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Ninna yaanu eegin cawrada ninka kale naagina cawrada naagta kale)[14].
Ma bannaana in ninku uu ninka kale ka eego wax dhaafsan inta u dhaxaysa xuddunta iyo jilibka (lawga), ama ha noqdo nin ay nasab wadaagaan ama nin ka ajnabi ah, amaba ha noqdo nin muslin ah ama nin gaal ahe. Wixii intaas ka baxsan sida; xabadka, caloosha, dhabarka, iwm., wax dhib ah ma laha haddaanu rabitaan ahaan u eegin.
Mucaawiye ibnu Xayda Al-Qushayri (RC) waxa uu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Cawradaada ka asturo xaaskaaga ama waxay midigtaadu hanatay mooyee)[15]. Sidaas darteed ninna uma bannaana inuu qayb jirkiisa kamid ahoo u dhaxaysa xuddunta ilaa jilibka faydo, xitaa hadduu kubbad ciyaarayo, ama dabaalanayo, amaba tababbaranayo. 

6- EEGISTA NAAGTA IYO NAAGTA:

Abuu-Saciid Al-Khudri (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Ninna yaanu eegin cawrada ninka kale naagina cawrada naagta kale)[16].
Ma bannaana haweenaydu inay haweenayda kale ka eegto inta u dhaxaysa xuddunta iyo jilibka, ama ha ahaato mid ay nasab wadaag yihiin ama mid ka ajnabi ah ama mid muslin ah amaba mid gaalo ahe. Axaadiithtii aynu hore usoo sheegnay ayaana arrintaas asal u ah. Sidaas darteed, haweenayda xaaraan bay ka tahay inay eegto bawdada; gabadheeda, walaasheed, hooyadeed, haweenayda deriskeeda ah amaba saaxiibteed. Sababta amuurtaas loo xarrimay waxa weeye inay haweenaydu ka fogaato wax kasta oo rabitaankeeda kicin kara, kolka ay muuqaal wax kiciya aragto, sababtoo ah waxa laga yaabaa inay arrintaasi gayeysiiso waxa afka Ingiriiska loogu yeero "Lesbian" afka Carabigana lagu yiraa "Sixaaq" oo ah haweenayda oo haweenay kale rabitaankeeda galmo uga bogata. 

7- EEGISTA CARRUURTA:

Ubadku, wiil ha ahaado ama gabare, hadduu afar sano jir iyo kayar yahay cawro ma laha ayay culimada Islaamku isku raaceen. Kolka uu afar jir ka gudbo, cawdariisu waxa weeye xubinta taranka iyo dabada iyo hareerohooda. Kolka uu qaan-gaaro, cawradiisu waxay lamid tahay cawrada dadka waaweyn ee aynu kasoo sheekaynay. Waxa habboon ubadku inta uu yaryahay in lagu abaabiyo lana baro cawrada inuu deto, si marka uu qaan-gaaro is asturkaas u caadaysto. Xaaladaha ay eegistu bannaan tahay:
Waxaynu soo sheegnay in aanay ninka u bannaanayn haweenay ka ajnabi ah cawradeeda inuu eego, xitaa hadday aad u foolxun tahay oo inuu raboodo aan raja laga qabin. Hase yeeshee waxa arrintaas lagu banneeyay xaalado gaar ah oo lama huraan ah, waxaana kamid ah:

1- Dan Guur:
Arrintaas waynu kasoo hadalnay.
2- Dan Waxbarasho:
Haweenayda ajnabiga ah waxa bannaan in waxbarasho darteed loo eego, waxase eegmadaas ku xiran shuruudaha soo socda:
- Cilmiga laga baranayo inay shareecadu u aragto mid ay diin iyo duni wanaaggood ku jiro.
- Inay takhasus u leedahay, sida; dhakhtarnimada, umulisonimada, iwm.
- In aanu eegmada wejigeeda inuu ku fidnoobo isaga baqayn.
- In aanay labadooda oo qura ku ahayn halka wax lagu baranayo ee ardo kale la joogaan.
- In hadday haweenaydu macallimad tahay aanay joogin rag iyagu booskeeda buuxin kara ooy isku takahsus yihiin, hadduu ninku macallin yahayna aanay jirin dumar isla hawshaas qaban kara oo booskiisa geli kara.

3- Dan Daaweyn:
Dhakhtarka waxa u bannaan in uu ka eego haweenayda ka ajnabiga ah meelaha uu ka daweynayo. 
Jaabir (RC) waxa laga weriyay inay Ummu-Salama (RC) Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) idan uga qaadatay inay is-toobto[17] markaas uu Abuu-Dhayiba faray inuu toobo[18]. 

Dhakhtarku kolka uu haweenay ka ajnabi ah daweynayo waxaa ku xiran shuruud:

- Ninka wax daweynayaa waa inuu yahay nin aamin ah, Alle ka baqaya, aqoon fiicanna u leh hawsha uu qabanayo.
- Waa in aanu haweenayda jirkeeda ka feydin wax aan ka ahayn inta ay lama huraan tahay inuu arko si uu u daweeyo.
- Waa in aanay jirin haweenay hawshiisa qaban karta oo dhakhtarkaas ninka ahi cudurka uu daaweynayo iyadu takhasus u leh oo daaweyn karta. Markaas oo kale ma bannaana in haweenayda bukta ninka caynkaas ah loo geeyo.

- Marka uu daaweynayo waa in haweenayda la daweynayo ninkeedu uu la joogo ama qof muxram u ah sida; hooyadeed, walaasheed, imw.
- Waa in aanu dhakhtarku gaal ahayn iyadoo dhakhtar muslin ah oo hawshiisa qaban kara la helayo.
Haddii shuruuddaas la helo, dhakhtarka waxa u bannaan inuu eego ama taabto cawrada haweenayda uu daweynayo, maxaa yeelay diinta waxa uu Alle usoo dejiyay maslaxadda dadka, Allena ma doonayo inuu dadka dhib geliyo ee wuxu la doonayaa fudayd iyo sidii cariiriga looga bixi lahaa, sida uu Aayaddiisa Qur'aanka ah ku yiri:
{ } { : 185}.
(Alle hawl fududayn ayuu idinla doonayaaye cuslayn idinla dooni maayo) (Al-Baqara: 185).

4- Dan Maxkamadeed iyo Markhaati: 

Qaaddiga iyo markhaatiga waxa u bannaan inay haweenayda ka eegaan wejiga iyo labada calaacal, haddii loo baahdo, maxaa yeelay waxa ka dhalanaya xaqii oo dadkii lahaa loo celiyo iyo dulmigii oo la dabar gooyo. Waxa taas loo dejiyay kol hadday haweenayda niqaabka gashan aanay qaaddiga iyo markhaatiguba aqoonsan karin. Waa inay isla markaas wejiga daboolka ka qaaddaa si loo hubiyo inay qofkii la doonayay tahay, xuquuqdii bulshaduna aanay meeshaas ku lumin.

Haddaba asluubta aan kor kusoo sharraxnay, waa inay waalidka iyo barbaariyuhu ubadka ku abaabiyaan iyaga laftooduna ku dayasho wanaagsan ugu noqdaan oo aanay afkana wax uga sheegin iyagiina waxa ay sheegayaan liddigooda samayn. Markaas oo kale ubadku wuxuu u qaadanayaa in waxa waalidkiis ama macallinku sheegayaaba ay been yihiin, kol haddaanu isaguba ku dhaqmayn.

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota United States  

______________________________________________________________________________________________

 

[1] Nuugmadu Mad-habta Shaaficiyada waa shan nuugmo oo mar walba dherjisa.
[2] Bukhaari (2646, 5099), Muslim (1444).
[3] Bukhaari (2645, 5100), Muslim (1447).
[4] Tirmidi (1087), Ibnu-Maaja (1865).
[5] Ansaar: Muslimiintii reer Madiina ee Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa Sallam) iyo dadkii Makka ka soo haajiray Madiina kusoo dhoweeyay.
[6] Muslim (1424/75)
[7] Muslim (1866).
[8] Bukhaari (3006), Muslim (1341/424).
[9] Ibnu-Maaja (1920), Tirmidi (2769).
[10] Dumaashi: Xigtada ninka sida; walaalihiis, Ilma-Adeerradiis, iwm
[11] Bukhaari (5232), Muslim (2172/20).
[12] Bukhaari (6243), Muslim (2657/21). Ereyadii Muslim.
[13] Bukhaari (2465), Muslim (2121).
[14] Muslim (338/74).
[15] Tirmidi (2769), Ibnu-Maaja (1920).
[16] Muslim (338/74).
[17]Is-toobid: Madaxa ama meel jirka kamid ahoo dhiig ku ururay laga toobayo si looga soo dhuuqo. Waa waxa afka Carabiga "xijaamo" lagu yiraahdo. Soomaalidu gaar ahaan reer miyigu way garanayaan is-toobidda.
[18] Muslim (2206).


NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS