SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DIINTA ISLAAMKA IYO ANSHAXA GUUD EE BULSHADA

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

6- ASLUUBTA KAFTANKA  

óAbuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay: Waxay dheheen: Rasuul Alloow waad nala kaftamaysaaye?!. Wuxu yiri: (Anigu wax aan xaq ahayn ma sheego)[1].
Qofka muslinka ah waa in hadalkiisu dhab yahay, hase yeeshee aanu mutuxnaan ee kaftan iyo shaacirayn hadalka cusbo u yeelaa ku jiraan. Kolka uu hadal sheegayo, wax sharxayo ama amar bixinayo hadalka waa inuu dhadhan u yeelaa, kaftanna dhex geliyaa, si qofka lala hadlayaa qalbi fayoobi uga qaado uguna qaato.Kaftanku waxa uu leeyahay asluub ee halkii la doono iyo sidii la doono ma aha in la iskaga sii daayo, asluubtiisana waxaa kamid ah: - In aan kaftanka la badin: Kaftanka iyo ciyaarta faraha badani waxay qofka muslinka ah ka saaraan shaqadiisii darteed loo abuuray, taas oo ah Alle caabbud iyo xukunka Alle oo dhulka lagu fuliyo. 

Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuu kaftami jiray, hase yeeshee hadduu xitaa kaftamayo run buu shhegi jiray.
Asxaabta oo iyagu ka qalin jebiyay dugsigii Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam), way kaftami jireen, hase yeeshee kolka dhabta la gaaro iyagaa dad oo dhan ugu ragsanaa. 

Bukhaari wuxuu yiri: (Asxaabta Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) Qare ayay isku tuuryayn jireen, haddiise dhabta la gaaro iyagaa rag dhiidhiya ahaa)[2]. 
Kaftanka badani waxa uu dilaa qalbiga, wuxu keenaa cadaawad, carruurtana dadka waaweyn buu ku dhiirri-geliyaa. Cumar (RC) wuxuu yiri: (Qofkii qosolkiisu bato haybaddiisa ayaa yaraata, qofka kaftamana waa la fududaystaa)[3]. - Kaftanka in aan qofna lagu dhibin laguna xumayn:

Kaftanku waa uu ku bannaan yahay qoyska, qaraabada, walaalaha iyo saaxiibbada dhexdooda, waase in aan cidna lagu xumayn, cidna lagu liidin, cidnana looga xanaajin.
Talooyinka Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ee ku wajahan in aan kaftan cidna lagu xumayn waxaa kamid ah:- Cabdullaahi bin Saa’ib bin Yaziid wuxuu awoowihiis ka weriyay inuu maqlay Rasuulka Alle (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo dhahaya: (Qofkiinna yaanu usha – ama alaabada - walaalkiis dhab iyo dhayal toona ku qaadin, qofkii ul walaalkiis leeyahay qaadaana ha celiyo)[4].

- C/Raxmaan ibnu Abii-Layla waxaa laga weriyay inuu yiri: Asxaabta Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) qaar kamid ah baa nooga sheekeeyay iyagoo Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) la socda nin kamid ahi inuu hurday. Xarig uu watay buu “isagoo hurdaya” nin kale ka qaaday. Markaas “intuu toosay oo xariggii waayay” buu naxay. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) “arrintaas markii loo sheegay” wuxuu yiri: (Muslin uma bannaana inuu muslin kale ka nixiyo)[5]. Haddaba qofka isagoo kaftamaya qof kale; ka nixiya, ku jeesjeesa, xanta, yasa, amaba wax Alle xarrimay ku xadgudbaa wuxuu ku dhacay xaaraan ama ha ogaado ama yaanu ogaan eh.
- Beenta iyo hadalka been abuurka ah in la iska jiro: 

Dad badan oo goobaha la fadhiyo ku kaftamaa sheekooyin iyo warar aan jirin bay been abuuraan say dadka uga qosliyaan. Waxaan shaki ku jirin in been abuurka caynkaas ahi qofka aakhiradiisa wax u dhimayo, Nabiguna (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) waa uu ka digay, wuuna handaday qofka sidaas sameeya. Bahzi bin Xakiim wuxuu awoowihiis ka weriyay inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulka Alle (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo dhahaya: (Halaag wuxuu ku dhacay qofka sheekeeya oo si uu dadka uga qosliyo been sheega, halaag baa kaas ku dhacay, halaag baa kaas ku dhacay)[6]. 

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota United States  _______________________________________________________________________________________________________________

[1] Bukhaari (Al-Adab Al-Mufrad:267).
[2] Bukhaari (Al-Adab Al-Mufrad:268).
[3] Calwaan (Tarbiyatul-Awlaad: 1/344).
[4] Abuu-Daa'uud (5003), Tirmidi (2160), Axmed (18106).
[5] Abuu-Daa'uud (5004).
[6] Abuu-Daa'uud (4990), Tirmidi (2315).

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS