Home » Warar »

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo Tabarucaad gaarsiiyay Barakacayaasha ku jira Xeryaha Duleedka Muqdisho

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden oo Tabarucaad Lacageed gaarsiiyay Barakacayaal Sedex Kaam kaga jira deegaanka Ceel Ceelcirfiid ee Waqooyiga Magaladda Muqdisho.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

December 30: Waxaa maanta la gaarsiiasayay Deeq lacageed oo Gaareysa ilaa $1000.Doolar taas oo ay soo gaarsiiyeen Wiilasha Jaaliyadda Moddolood ee Degan dalkaasi Sweden gaar ahaan magaaladda Yatakoori, taas oo ay ugu deegqeen Barakacayaal Soomaliyeed ee xiligaan ay dhibaato nolol xumi ku hayso Goobaha ay ku barakaceen dadka ee ku yaalla deegaanka Ceel-cerfiid ee waqooyiga magaaladda Muqdisho kuwaasi oo gaaraaya Kumanaan ruux oo u baahan in la gargaaro, si wax loogaga qabto dhibaatadda baaxadda leh ee haatan halkaasi ka jirta, sida Nolosha, Caafimaadka,wax barashadda iyo daaweeynta cuduro yar yar oo halkaasi haatan ku haysta.
 
Lacagtaan oo ay soo direen wiilasha Jaaliyadda Muddolood ee ku nool Magaaladda Yatakoori ee dalkaasi Sweden ayaa waxaa ay u soo wakiisheen Maxamuud Xasana Cumar (Aduunyo) oo ka mid ah Bahdda warbaahinta kana hawlgalla magaaladda Muqdisho, si uu ugu wareejiyo una gaarsiiyo dadkaasi barakacayaasha ah ee ku jira Kaamamka halkaasi ku yaalla.
 
Sadaxdaasi Kaamam ee la gaarsiiyay Deeqdaasi ayaa kala ah: Kaamka Al Jabal, Kaam Xirsi iyo Kaamka Jabaaye oo dadka ku jira kaamamkaasi ayaa waxaa laga soo xulay dadka ugu tabarta daran sida Agoonta, kuwa liita iyo kuwa waayeelka ah ee aan cidina u maqneenin, si ay uga faa’iideystaan Deqdaasi maalmo yar si ay ugu maareyaan nolol xumidda halkaasi ka jirta.
 
Deeqdaan lacageed oo ay fulinteedda gacan weyn ka geesteen Masuuliyiinta gacanta ku haya xiligaan ee Al-Shabaab , ayaa sidoo kale waxaa fududeeyay Horjoogayaal maamula kaamamka ku yaalla deegaankaasi, waxaana ay hawshaasi ku dhamaatay sidii loogu talagalay, Xaga qeeybinta iyo xag nabadgalyo labadauba.
 
Qaar ka mid ah horjoogayaasha oo qeeybinta lacagtaasi ka dib hadlay ayaa marka hore u mahadceliyay Wiilasha Beesha Modolood ee sida aadka ah iskaga xilsaaray in ay walaalahood Soomalaiyeed ugu deeqaan lacagtaaan gaareysay $1000. Doolar waxayna sheegeen Dahaba Axmed Caddoow, Macalin Geedi Coloow Nuur iyo Xubno kale oo wejiyadoodda laga dheehan karay xiligii ay hadlaayeen qiiro aad iyo aad u saameysay ayaa sheegay in ay u mahadcelinaayaan dadkii hawshaan soo qaban qaabiyay iyo intii isku soo dubariday, iyagoo Alle uga baryay in uu badelkeedda siiyo wax ka badan wax ay baxsheenoo ay sadaqeeysteen Miisanka Qiyaamana uu Ilaah u saaro.

deeq
 
Dhibaataooyinka ka jira kaamyadaasi oo ay qabaan Barakacayaasha mudadda dhawrka bilood halkaasi ku sugan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay yar tahay wax ay u taraan Hay’adaha wax gargaara, mana jirto ayey sheegeen wax Hay’ad ah oo soo gaarsiisay gargaarkii loogu tala galay marka laga reebo laba iyo wax ka yar oo ay xuseen in ay dhaafi kari waayeen biyaha oo kaliya mararaka qaarna laba waayo, waxayna baaq deg deg ah u diraayaan Dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa in ay ku daydaan wiilasha Soomaliyeed ee magaaladda Yatakoori ee dalkaasi Sweden oo ay sheegeen in ay tahay markii ugu horeysay oo ay wax ka soo gaareen , iyadoo ay ka codsadeen in aysan tani oo kaliya ku ekaanaynin ee ay mar waliba la soconaayaan xaaladoodda.
 
Barakacayaasha ku sugan deeganadda loo baraakacay ee sida Ceel Cirfiid, Calayaale, Gubadleey, Waxara Cadde iyo Deegaanka Booqolsoon iyo weliba Qabuuraha Barakaat, Galgalato, Ceel-Cadde iyo Cel macaan ayaa ay xiligaan ka jirtaa dhibaato tii ugu weeyneeyd ee la xirira xagga Nolosha mana muuqato qaab haatan ku wajahan in dhibaatadaasi wax loogaga qabto, waxaana weli halkaasi ku sii qul qulaaya dad hor leh oo ka cararaaya dagaaladda weli ka sii soconaaya magaaladda Muqdisho iyo madaafiicdda aan loo meel dayeynin ee ka jirta magaaladda Muqdisho, waxaana Bulshadda Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay laga dalbanaayaa in ay dib u eegaan xadahaasi haatan haysata dadka Soomaliyeed ee barkacayaash ah.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.