Home » Warar »

Salaam African Banka oo Sanad Guuradiisa Koowaad Xusey iyo Farsamo Cusub oo uu u Soo Bandhigey Macaamiishiisa

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah ee Munaasabada (GUJI)

FG: Codku waa MP3:

Warbixintii: Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

Xaflad lagu xusayo sanad guuradii koowaad ee Salaam African Bank oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka kala socdey Dowlada Jabuuti iyo DFKMG, Ganacsato waaweyn oo isugu jira laba dalal, culumaa’udiin iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtey Guriga Ummadda Caasimada dalka Jabuuti 29/12/2009-ka. Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, islamarkaana lagu soo bandhigayey Filim Dukumiinti ah oo ka tarjumayey Aas aaska mudadii uu jirey Salaam African Banka, waxyaabihii uu qabtey iyo ujeedooyinkiisa guud ayaa waxaa halkaas khudbado kala duwan ka soo jeediiyey Gudoomiyaha Salaam African Bank Dr, Cumar Ismaaciil Cigaal, Agaasimaha guud ee Bankigan Md, Maxamed Ibraahim iyo Madax Maalgelinta Banka Md. Jaamac Xirsi Darwiish. dhamaan mas’uuliyiinta hadashey waxay si faah faahsan iyo si guudba uga hadleen muhiimada Bankigan cusub iyo qaabka uu u shaqeynayo mustaqbalka dhow iyo kan fogba .

Gudoomiyaha Salaam African Bank Dr. Cumar Ismaaciil Cigaal oo ka hadlaya ujeedada xaflada ayaa wuxuu yiri “anigoo ku hadlaya magaceyga, kan maamulka banka iyo shaqaalaha waxaan caawa idiin ku soo dhaweynayaa xafladan qiimaha badan ee ay ku kulmayaan Salaam African Banka iyo dadweynaha uu u adeegayo ee Jamhuuriyadda Jabuuti, sanad ayaa ka soo wareegey Salaam African Bank markii daaha laga furey, Sidaas darted waxaan caawa isugu nimid inaan idiinka warano wixii banka uu soo qabtey sanadkii aynu ka soo gudubney oo idiina sheegno sanadka soo socda wixii aan qaban lahayn, hadii uu ilaahay yiraado, idiinkana dhegeysano wixii talo bixin iyo waano aad inoo soo gudbineysaan, qaadanana wixii dhaliil ah ee jira oo u baahan in la qurxiyo ” ayuu yiri gudoomiye Cumar isagoo khudbadiisa sii wata ayaa intaa ku darey

“banka markii al-baabada loo furey, balano ayaan idiin qaadney banku wuxuu ahaa bank jadiid ah, dadd badan baa shekisanaa inaan noqon doonin, waxaan idiin balan qaadney meel amaan ah oo aad dhigan kartaan xoolihiina oo aad ku aamintaan oo xiliga aad doontaan qaadan kartaan, waxaa farxad inoo ah xoolihiina aad nagu aaminteen intiina meesha fadhida iyo in kale oo naga maqanba xiliga aad doontaan qaadan kartaan, idinkoo ku kalsoon in gacan amaan ah ay idiinku jiraan, waxaa keloo idiin balan qaadney maalgelin xalaall ah oo mabda’eena iyo nidaamka islaamka ku dhisan, waxaana intiina meesha fadhida idiin soo gudbin doonaa muuqaalo dad ka faa’iideystey maalgelintii Banka oo nidaamka Islaamka ku dhisan.

bank6

Waxaan keloo idiin sheegney Banka u horeeya ee Jabuuti dega ee rugtiisuna ay tahay Jabuuti oo qaraarkiisana laga qaadanayo halkan, ayna ka shaqeynayaan oo ay maamulayaan Mas’uuliyiin u dhashey degmadeena iyo inta soo raacda, waxaa keloo idiin balan qaadney inaan idiin soo gudbino adeeg aad casri u ah oo aan hore looga hirgelin dalka Jabuuti oo aad hare nooga aragteen iyo kuwo kale oo cusub oo ay idiin faah faahindoonaan Agaasimaha guud ee Bank iyo khuburada kale ee Banka oo u qaabilsan adeega deg dega ah, intii gaabneyd ee aan hawsha ku soo jirney, waxaan abuurney shaqooyin oo isugu jira kuwo taas ah iyo mid aan toos ahayn” ayuu khudbadiisa ku sheegey Dr. Cumar.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Salaamk African Bank Md, Maxamed Yuusuf Ibraahim oo isna sharaxaad ka bixinaya adeegyada casriga ah ee uu adeegsado Bank iyo kuwa cusub ee ay ku soo kordhiyeen ayaa wuxuu yiri “Bankigani waxaa la furey 27/12/2008, walaallayaal waad dareemi kartaan mudada yare e kooban Bnkiga uu jirey, waxaana is-weydiineynaa waxa uu qabtey Banku, aniga oo soo koobaya, runtii waxaa ugu qaalisan shaqaalaha hirgeliyey wax alla iyo waxa bankigani uu qabtey ee uu ku faanayo, in badan oo ka mid ah waxay ahaayeen kuwo aan khibrad lahayn, inta khibrada leh ayaa inta kale u gudbisey oo waxay soo qaateen tababaro, waxayna shaqeynayeen habeen iyo maalin, taasina waxay keentey in macaamiishiisa ay maalin kasta soo korodho” ayuu yiri Agaasime Maxamed Ibraahim

bank3

Waxaa kale oo uu goobta ka sheegey wax qabadkii Banka iyo tiknalojiyada cusub ee uu ku soo kordhiyey Bank isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri “waxa uu qabtey waxaa ka mid ah, in uu sameeyey maalgelin Islaami ah oo ku maalgeliyey bulshada dabaqaadkeeda kala duwan, waxayna isugu jirtaa Madarado, Muraabaxo iyo Mushaariko iyo qaybaha kale ee Bank Islaami uu leeyahay dhamaan waan maalgeliney, Banku wuxuu xiriir la sameeyey Bunuug waaweyn iyo Hay’aad dhaqaale oo aduunka ah, taasina waxay u suuragelisey in uu furo L, C-yo fara badan, kuwaasoo qaarkood gaarayey malaayiin doolar,bankigani wuxuu hirgeiyey tiknoolaji cusub oo aynu orankarno bankigii ugu horeeyey ee hirgeliya sida E-Bankig, Mobil-bankig iyo nooc Kaar ah oo cusub oo uu bixinayo Bankiga oo aad uga adeegan karto meel kasta oo aad tagto sida suuqyada IWM, adeegani waa mid aan caawa fureyno, waxaynu nahay Bankigii ugu horeeyey ee fuliya Tilifoon Bank ama ICR, waxaa kale oo aan dooneynaa inaan soo kordhino tiknoolaji cusub iyo laamo aan ka furan doono dalka Jabuuti qaybihiisa kale” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Maxamed Yuusuf Ibraahin.

Madax Maalgelinta Salaam African Bank Md, Jaamac Xirsi Darwiish oo gunaanadkii halkaas ka Hadley ayaa wuxuu yiri “waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa maxaanu uu qabney sanadkii la soodhaafey Bankiga Salaam maalgelintii uu dadka u sameeyey iyo waxa uu doonayo mustaq-balka sanadka soo socda, sanadkii aynu ka soo gudubney waxaanu gaarey guulo waaweyn, waxaan ku guuleysaney nidaamkii bankiga uu ku shaqeyn lahaa isagoo cusub, bilihii hore ee sanadka ayaa waxaan bilowney maalgelin dhinacyo kala duwan sida in Bankigu uu maalgeshi ku sameysto shirkado, sidoo kale banku isagoo adeegsanaya nidaamka islaamiga ah ee Mudaarabada iyo Muraabaxada in Bankigu uu ku maalgeliyo dadd badan oo halkan fadhiya, sida dhinaca Gaadiidka waaweyn iyo kuwa yar yarba, sidoo kale waxaan maalgeliney Riigaga ceelasha lagu qodo, dhinacyada Electronic-kada, dharka iyo dhinaca raashiinka.

bank2

Sidoo kale Bankigu wuxuu maalgeliyey mashaariic dhismo iyo dadka u baahan Real State-ka oo aan gacan ka siiney, sidoo kale waxaan wax ka qabaney dhinaca Kaluumeysiga sida Doomanka iyo Warshado intaba oo aan dadd u maalgeliney qaar ka mid ahna ay halkan fadhiyaan, waxaa kale oo ka mid ah waxa aanu qabaney dadka dan yarta ah oo aan maalgelin u sameyney, inagoo aan wax faa’iidu ka dooneyn, gaar ahaan xiligii Ramadaanka ahayd, noocyada maalgelinta mudada sanadka ah aan ku guuleysaney waa seddax nooc sida nooca Madaarabada, Muraabaxada iyo Mushaarikada , maalgelintii aynu sameyney 45% waxay ahayd Mushaarikooyin, 13% waxay ahayd Mudaarabo ,42% waxay ahayd Muraabaxo” ayuu ku sheegey khudbadiisa Jaamac Xirsi Darwiish.

bank1

Md, Darwiish Waxaa kale oo uu khudbadiisa ku sharxey sida dadka doonaya in maalgelin uu ugu sameeyo Bankiga ayaa isagoo arintaasi ka hadlaya wuxuu yiri “waxaan halkan idiinku sharxayaa sida Bankigu u shaqeeyo, marka aad maalgelin ka soo doonato, qaabka uu kuugu fulinaayo, Bankigu wuxuu leeahay Culimo Islaami ah oo ka eegta mash-ruuca in uu waafajisan yahay shareecada Islaamka iyo in kale, sidoo kale wuxuu leeyahay Sharciyaqaano waa fajiya sharciyada maamul ee dalka u yaal iyo ugu dambeyn marka uu ka soo gudbo labadaas Bankigu wuxuu leeyahay nidaam u degsan oo lagu maamul maalgelin kasta oo waqti qaadata ansixinta ujeedooyinkiisa, waxaa kale oo jira shuruudo marka qofku uu doonayo maalgelin ah, shuruudahaas waxay kala yihiin ugu horeyn qofku waa inuu mash-ruuciisa qeexikaro, qofku in uu keensan karo %30 maaliyadii laga rabey, waxaa kale oo jira Fayl Bankigu uu leeyahay oo la buuxinaayo, sidoo kale damaanad in uu ku soo talo galo, in uu ogol yahay mudada uu Bankigu u dejiyey”.

bank5

Kaarka cusub ee bangiga

Jaamac Darwiish waxaa uu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey “Bankigu wuxuu hirgelin doonaa sanadka soo socda dhismo weyn oo uu leeyahay oo ay xaruntiisa noqon doonta, badinta tirada maalgelinta noocyadii hore kuwo ka badan, waxaan ku talo jirnaa shirkado inaan sameyno, kuwo hore u jirey inaan maalgelin ku sameyno iyo abuurista kuwo cusub, waxaan keloo ku talo jirnaa sanadka cusub inaan sameyno Xisaab maaliyeed oo ah qofku in uu Bankiga dhigto lacag oo bankiga uu ugu shaqeeyo”.

bank4

Xafladan oo ahayd mid ku dhacdey si degan, islamarkaana ahayd mid dadka ka soo qayb galey ay dareenkooda kicinesey ayaa waxaa ka dhex muuqdey is-bedelo waaweyn oo ku wajahan dalka Soomaaliya, taasoo aan la saadaalin Karin mustaqbalka dhow iyo kan fog halka ay saldhigan doonaan, Laakiin marka si guud loo eego farsamada cusub ee uu soo bandhigey Salaam African Bankigan oo ay qayb ka yihiin xubnaha iska leh ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxay u muuqdaan kuwo ku socda wado aan sumad lahayd, maadaama dalka Soomaaliya mudo 20- sano ahna uu ku jirey dagaalo aan dhamaad laheyn oo ay fiicneyd in la helo dowlad garab istaagta Ganacsatada Soomaaliyeed oo xiliagan u dhaqma, sidii dadd dowlad leh, balse aysan u muuqanba qiimaha dowlad ay leedahay meel kasta oo ay joogaan.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah ee Munaasabada (GUJI)

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.