Home » Maqaallo »

Taladaan Lagu Ruugin Waa lagu Rafaadaa | Abdirahman Sheikh Bihi

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

TALADAAN LAGU RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA

Shacabka soomaaliyeed ee dega Ethiopia waa shacab qaba dhib aan lasoo koobi Karin. Iyadoo shacabku uu la kulmo abaaro badan, roob li’ iyo rafaad ka imaanaya musiibooyinka kala geddisan oo aan cidina ugusoo gurmanaynin ayaa haddana waxaa usii dheer dhibaatooyin kale oo uga imaanayaa saddex jiho. Xukuumadda Ethiopia ayaa dhawaan wuxuu caddeeysay in ciidanka milleteriga ah ee fadaraalka ahi ay xad-gudubyo ka gaystaan deegaankaas, xad-gudubyadaas.

Jihada labaadna waa dhinaca ciidamada cusub ee ay sameeyeeen maamulka is-maamulka soomaalida. Sida dhabta ahna in maamulku sameeyo ciidammo soomaaliyeed oo booliis ah kuwaasoo qayb ka qaadanaya ilaalinta nabadda aad ayaa loogu baahnaa, maxaa yeelay milleteri waxaa lagu yaqaannaa inuu mashaakil kasta ku xalliyo dagaal. Wuxuu amar ku qabaa meeshii uu qarjaf ka maqlo inuu hoobiye ku rido illaa iyo inta ay qarjaftaasi ka istaagayso.

Waxaa jira magaalooyin ku yaalla waddammada Yurub oo ay milleterigu ku leeyihiin saldhigyo, magaalooyinkaa waxaa laga dhigaa mudaharaadyo lagu dalbanayo in la dhaafiyo melleteriga, maxaa yeelay melleteri iyo shacab iskuma geli karaan.

Booliiska waxaa lagu yaqaannaa inuu sameeyo dembi baadhis iyo nabad ilaalin dheeraad ah. Waana sababta aan aad ugu taageersanahay in la abuuro booliis soomaaliyeed. Laakiin nasiib darro qaar badan oo ciidamada booliiska cusub ka mid ahi waxay shacabka u isticmaalaan awooddooda waxayna meelaha ay ka hawl galaan uga tagaan raad aan qurux badnayn. Jihada saddexaadna waa jabhadda ONLF.

Waxaa suurowda in hal qoys oo markiisii horeba tiisa u yaabbanaa uu dhibku kasoo gaadho saddexdaa jiho oo aan soo sheegnay. Tusaale ahaan waxaa dhici karta in wiil ka tirsan qoyskaasi uu ku biro jabhadda dabadeedna inta isaga iyo kooxdiisu soo kacaan ay miino ku aasaan meel aan xaafaddoodii ka fogayn. Miinadii markii ay dhib geysato ay milleterigii ku gadoodaan odaygii reerka iyo wiilkiisii kale. Maalmo kadibna gabdhihii oo adhi la jooga ay booliiska cusubi u kexeeyaan jeel Ogaadeen iyo Jig-jiga.

Marka uu qof soo gaadho dhib laba jiho uga imaanaya waxaa lagu tilmaamaa sida hashii  uu laba midigluhu garaacay, laakiin haddii hasha uu saddex midigle garaacay xaalku siduu noqon. Waa waxaan hore loo arag illeene.

Mar aan fogayn ayaan aqriyey maqaallo kusoo kala baxay webi shabeelle iyo Qorraxay online. Maqaalladaas oo kala ayidayey fikradaha kala ah Nabad iyo Dagaal midka ay tahay in loogu taliyo shacabka deggen Ogaadeeniya ama dhulka soomaaliyeed ee Ethiopia.

Haddaba illeen gari laba nin kama wada qoslisee waxaa adag in jiho walba la raalli geliyo. Ninkii Juxaa ahaa ayaa wuxuu dameer lasoo fuulay wiilkiisii markaasaa dadkii ka hor yimid waxay ku yidhaahdeen “kuwani doqonsanaa may dameerka u naxariistaan ” Markuu go’aan ku gaadhay inay labadooduba dameerka ka degaan, ayey kuwo kale waxay ku dheheen “wuxu doqon sanaa may dameerka fuulaan” Juxaa wuxuu go’aan ku gaadhay in isaga iyo wiilku uu midba kol fuulo oo uu isagu ku horreeyo. Kuwo kale ayaa ka hor yimid oo ku yidhi “nacasaysanaa muu wiilka saaro.” Wiilkii markuu fuulay oo Juxaa lugaynayo ayaa kuwo kale oo ka hor yimid waxay ku yidhaahdeen “wuxu caaqsanaa muu aabbihii uga dego. Markaas ayaa Juxaa wuxuu yidhi “Dadka oo la raalli geliyaa waa yool aan la gaadhin” 
 

Qolyaha  ku doodayaa qof kasta oo soo hadal qaada dhinaca nabadda inuu yahay qof quustay iyagoo weliba tusaale usoo qaadanaya Asxaabtii dagaalkii uxud maqashay shaydaanka dhawaaqiisa ee ahaa Nebi Muxammed s.c.w wuu dhintay kuna tilmaamaya inay quusteen, waa arrin aan sax ahayn. Haddii hadaba aan hadalkaa dib ugu laabanno Nebi Muxammed s.c.w. ma wuxuu ahaa mid aan nabad qaadannin. Waxaan markiiba helaynaa inuu Nebi Muxammed s.c.w uu qaadan jiray nabadda oo isla markaana intuu nabad raadiyaa ay ka badnaan jirtay intuu dagaal raadinayo. Islaamkuna sidiisaba waa Nabad. Waxaan usoo qaadanaynaa hal tusaale oo keliya markii uu Rasuulku s.c.w. uu damcay inuu soo cimraysto iyadoo ay la socdaan Asxaab aad u badan inay gaaladii Quraysheed ay ka hor yimaadeen una diideen inuu soo cimraysto. Meeshaana uu Rasuulku s.c.w uu isaga noqday iyadoo weliba shuruudo aad u ad-adag lagu xidhay, heshiiskaana lagu magacaabay SULXUL XUDAYBIYAH. Waxaan xasuusannahay in Asxaabta qaar badan oo ka mid ahi ay heshiiskaas ka xumaadeen, iyagoo leh Rasuulkii Ilaahayow miyeynaan xaq ku taagnayn oo iyana baadil ku soconnin oo Rasuulkuna s.c.w uu leeyahy waa sidaas. Asxaabtaa waxaa hormuud u ahaa Cumar Bin Khadab. Nebi Muxammed s.c.w. Nabad ayuu qaatay.

Nabad waa la qaadan karaa mana aha ceeb. Mana aha quusasho. In quusasho lagu tilmaamo markii nabad la qaato ama lagu tilmaamo inuu hurdo qofkii nabad qaata waa dembi maxaa yeelay Rasuulkeennii s.c.w ayaa nabad qaatay marar aad u badan. Kasoo bilow markii uu Rasuulku s.c.w uu Makkah ku noolaa..Haddii aan ku dayan waynana waa haddii aan iskala waynaanay inaan raacno jidkiisii.

Ka warran haddaan dhahno wuu xanuunsanayaa qofkii dagaal mooyee aan xal kaleba keenin ama danaynin, qofkii dhaha aniga tayda  mooyee tu kale ma jirto oo aan qaadannin fikradaha kale, qofkii muujiya isla weyni, qofkii shaaciya keligii talinnimadiisa haddaan dhahno qofkaa  laftiisa waxaa ku jira  cillad iyo jirro oo waxaa  haya xanuunka buufis (obsession/paranoi), ama waa qof ay dagaal kaga dhegtay.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hadba sidaad u jabto ayaa loo dhutiyaa waxaana lama huraan ah bal inaynu innaguna fiirinno hareeraheenna oon is waydiinno war maxaa maantana inala gudboon oo shacabkan dan u ah. Hana odhan sida rag dagaal u ordayaa dheheen dagaalku weligiiba waa socday waanuna soo af-jaraynaa ee shacabku ha sabro.!

DEG-DEG IYO KAADSIINYO DARRO

Hadday deg-degsiinyo door dhalaan kaadsiiyana kiish lacag ah ayuu dhalaa

Waxay qirayaan xubno sar sare oo ka tirsan ama ka tirsanaan jiray xizbiga ONLF in iyaga iyo xizbigii kale ee Diiniga ahaa ee Al-Itixaad ay shacabka ka lumiyeen fursado badan oo qaali ah. Xisbiga Al-itixaad haddii uusan muujin lahayn u hanqaltaag siyaasadeed oo uusan abaabuli lahayn guluf colaadeed waxaa shaki la’aan ahaan lahayd inay shacabka soomaaliyeed ee Ethiopia ay Diintooda si nabad ah u baran lahaayeen kana faa’iidaysan lahaayeen culimadoodii ku dhex jirtay. Cid kaleba ha degdegtee illeen culimo degdegtay ayaa ciil leh.

Sidoo kale, xizbiga ONLF oo lahaa majooratiga barlamaanka ismaamulka soomaalida Ethiopia ayaa sida ay xubnahaasiba qirayaan waxa uu ku deg-degay 14 march 1995 kii dhaqan gelintii qodobka 39aad ee dastuurka federaalka ah, kaasoo sheegaya in is-maamul waliba uu ka go’i karo ethiopiada kale. Qodobkaasi wuxuu xaq u siinayey in Ogaden ama is-maamulka soomaaliyeed ee Ethiopia uu ka go’i karo Ethiopia.

Marka arrinkan oo kale lagu dhaqaaqayo waxaa lagama maarmaan ah:

  • In si aad ah looga baaran dego waxa uu noqon doono raddul ficliga guud ahaan adduun waynaha iyo gaar ahaan mandiqaddaba (Geeska Afrika ama Afrika).
  • In inta aan lagu dhawaaqin inaad tallaabadaas oo kale qaadi doontid inaad waddamo badan oo adduun waynaha ah aad ka dhaadhicisid fikirkaaga si aad u heshid taageero buuxda.
  • Waxaa lagama maarmaan ah in ugu horraynba uu waddankaaga aad la goosanaysaa uu diyaar buuxda u yahay hanashada dawladnimo. Waa markaan soo kobo.

Go’aankii ahaa in Ethiopia laga go’ ayaa baarlammaanku ku ballamay iyadoo go’aankaasi uu la mid ahaa sida rag waddo toosan hayey oo mid hawd ah oo qodax,  dhir, dhagax iyo bahalo badan yidhi reerka geeddiga ah halkan hallasoo mariyo. Waa amar. “Bal muxuu macneeyoo i taray ministarkaan doortay”

Aftidii waa loo codeeyey 15-kii March 1994, natiijadiina waxay noqotay in baarlammaankii uu cod aqlabiyad ah ugu codeeyo in Ogaden ama is-maamulka soomaalida Ethiopia uu go’aansaday inuu Ethiopia ka go’ayo, arrinkaasina wuxuu dawladdii dhexe ku noqday biyo qabaw oo dusha lagaga shubay, waxayna jawaabtoodii noqotay u codaysaye ma calfan doontaa.

 Beesha oo haysata culimadooda, cuqaashooda, siyaasiyiintooda iyo suldaammadooda oo ku toosiya dhallintooda dariiqa nabadda waxaa shaki la’aan ahaan lahayd inay bulshadu gaadhi lahayd horumar dhinacyo badan ah sida wax barashada, dhaqaalaha iyo siyaasaddaba. Yeyna ahaannin 100%, laakiin xaaladdu sidan si aad ah ayey uga horrayn lahayd.

Marka aan ka hadlayno mandiqaddan iyo waqtiga xaadirka ah in ay ku fiicnaan lahayd in Nabad lagusoo dabbaalo bal aan soo qaadanaynaa tusaale kale.

Iyadoo xizbiga ONLF ay xubno ka mid ahi ay wax ka maamulayaan goballada uu ka kooban yahay Ogaden ama ismaamulka soomaalida sida Wardheer oo kale ayaa haddana raggii hoggaaminayey xizbigaasi waxay goosteen inay dagaal kusoo qaadaan ciidankii milleteriga ee joogay saldhigga gobolka Wardheer. Markii laga war helay abaabulkooda ayaa waxaa ka hor tagay qaar ka mid ah odayaashii magaalada. Raggii soo duulayey oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee ONLF iyo intii la socotay ayaa odayaashu u sheegeen inayna habboonayn inay dagaal ku qaadaan magaalada,  markiise hadalkoodii dheg loo dhigi waayey ayaa nabad-doon ka mid ah odayaashii wuxuu yidhi: “Haddii aad diidaan inaad dagaalka baajisaan waxaa la arki doonaa madaxyo badan oo maanta qoyan iyagoo berri qallallay”.

ONLF taladii nabad-doonka waa ay ii diideen, dagaalkiina waa bilaabmay iyadoo ay natiijadii noqotay in dhiiggu qulqulo magaaladii Wardheer. Waxaa naf waayey qof dagaalka ku jirey iyo mid aan ku jirin, meydkii iyo dhaawaciina wuxuu ka baxay xadka, magaaladiina waxay u ekaatay sida daasad ay carruuri rajmisay. Ciidamadii joogay magaalada Wardheer waxay qaylo dhaan u dirsadeen saldhiggii Qabridaharre oo u jira qiyaastii 100km. Ugu danbayntiina hoggaamiyihii hore ee ONLF Sheekh Ibraahim waxay dadwaynihii meesha deggenaa kula dhuunteen baabuur ka saaray magaalada iyo waddankaba!!!

Waxaad moodaa in dhaqammadani la mid yihiin sida ninkii kabta ka xaday ninkii walaalkii dilay ee iska dhigay inuu soo hooyey libintii ugu waynayd isagoo leh “Rag is gurayee!!!”.

Maxay noqotay bal akhristaw faa’iidada maalintaa usoo hoyatay shacabka ogaadeeniya guud ahaan gaar ahaan reer Wardheer. Waxba. Haweenay ayaa beri waxaa loo sheegay in dagaalkii lagu dilay wiilasheedii oo dhan markaasay tidhi “aan gablamee goobtii yaa u hadhay

Wuxuu yidhi Aadan Galaydh Adduun i khatal !. Goor danbe ayaa rag ka mid ahaa raggii Sheekh Ibraahim la socday waxay ii sheegeen inay maalintaa degdegeen. Markii aan tabar hayeyna talo ma haynin maantoo aan talo hayana tabar ma hayo. Waxayna ii caddeeyeen inay fiicnaan lahayd inay qaataan taladii nabad-doonka.

Dadwayne badan ayaa waxay dhaliilayaan siyaasadda mutuxan ee aan lahayn debecsanaanta (felixible) ee ku salaysan ku dhufoo ka dhaqaaq. Siyaasadda ku salaysan inay koox keliyihi afduubto majaraha ummad dhan oo dhul baaxad weyn isla deggen, siyaasaddaasoo ku sifaysan waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (la politique de la chaise vide) siyaasadda laga fogaanayo kursiga wada hadalka. Marar badan waxaad maqlaysaa qaar leh ONLF diyaar u tahay wada hadal laakiin waa inuu waddan kale na dhex-dhexaadiyaa. Haddaba haddii ay tahay sidaas ay kuwaasi ku doodayaan sow ma ahayn inay siyaasadda khaarajiga ee jabhaddu ay raadiso waddan ay xukuumadda Ethiopia saaxiib yihiin oo ku qanciya inay heshiis wada galaan dan u ah shacabka soomaaliyeed ee mandiqadda deggan.

Qaar kale waxaa ka muuqata cadho badan oo ay u qabaan sida ay weligeedba dadka dega mandiqadda Ogaden ama dhulka soomaaliyeed ee Ethiopia ay ugu la’aayeen xaquuqdooda mana aha wax la inkiri karo.

Waxaan rabaa inaan hoosta ka xarriiqo in mudadii ka danbaysay 1980 uu guud ahaan dunida gaar ahaan mandiqadda geeska Afrika uu ka dhacay isbeddel baaxad wayn sidaa darteedna inay la gudboon tahay dadka mandiqaddaa deggeni inay dib u saxaan siyaasaddooda. Mana suurto gelayso inuu dhacdooyinkan inkiro qof ama urur raba inuu xal u raadiyo shacabka soomaaliyeed ee ku nool dhulkaa aan soo sheegnay.

Isbeddeladaa oo si toos ah iyo si dadbanba u saamaynaya dhulka soomaalida ee Ethiopia waxaan kasoo qaadanaynaa dhawr keliya oo kulligood saamayn ku yeelanaya mandiqadda ama dhulka soomaaliyeed ee Ethiopia.: Qofkaan waxa jooga garanini waxa soo socdana ma garto.

  • Dhammaadkii dagaalkii qaboobaa oo uu astaan u ahaa dumiddii gidaarkii Barliin ee 1989 iyo bur-burkii Ruush wayne.
  • Isu taggii Yurub
  • Bur-burkii Soomaaliya, samaysankii maamul goboleedka Puntland iyo gooni isu taagga Somaliland.
  • Dhiciddii Mingistu iyo xukuumaddii cusbayd ee uu majaraha u qabtay xizbiga EPRDF oo madax ka yahay Meles Zenawi.
  • Iyo innagoo soo koobayna dhacdadii 11 septembre ee 2001

 
 
 Qolyahaa cadhaysan ayaa waxay ku doodayaan haddii Xukuumadda Ethiopia ay nabad rabto oo mandiqadda ay horumarin ka samayn lahayd maxay uga samayn waayeen xilligii Mingistu ee gobolka ayna wax dagaal ahi ka jirin. Haddaba xilligii uu Minsgiste waddanka maamulayey waxaa lagu qaaday Ethiopia dagaalkii ugu waynaa ee 1977, kana dhaca mandiqadda balse muddadii ka danbaysay illaa uu ka dhacayey waxaa jira sababo kale sida:

  • In dawladdii soomaaliyeed ee markaa jirtay oo hiil iyo hooba la garab taagnayd muqaawamadii soomaali galbeed ay ku guul darraysatay dagaalkeedii waynaa ee taariikhiga ahaa ee 1977, taasina ay sababtay inuu hakado wax dagaal ahi.
  • Iyadoo wixii ay ka go’aysay talada shacabka Ogaadeeniya ama soomaalida Ethiopia ay intoodii badnayd haddayna kulligoodba ahayn ay u wada qaxeen waddankii soomaaliya halkaasoo loo raray shacabku wuxuu muruq, maan iyo maalba lahaa, sida haddaba loogu raray ama loogu daadsan yahay qurbaha.
  • Iyadoo ay xukuumadda Mingistu ay ku furnaayeen dagaallo kale oo ay ku hayeen jabhado kale oo xoog leh oo Tigrey iyo Orommoba leh. Sidaa darteed maadaama uu dagaal ku socday wuxuu noqday nin godkiisii biyo ugusoo galeen illeen tiisaba daryeelaa tu kale ku daree.
  • Mingistu wuxuu dhaxlay dhaqankii boqorradii ka horreeyey ee ahaa axmaarada ayaa ka korraysa inta kale.
  • Mingistu lama uusan imaanin nidaam caqliga geli kara oo caddaalada ugu yeedhaya dhammaan qowmiyadaha 80-ka ah ee ku wada nool dhulka Ethiopia, markaa lama odhan karo muxuu ogaadeeniya uga dhigi waayey dhul barwaaqo ah.

 

Waxa markaa xusid mudan isbeddelkii isaga ka danbeeyey iyo muddadii ay xukuumaddani joogtay iyo waxyaabihii soo kordhay muddadaas.

Iyadoo aanan saxaynnin inkirayninna khaladaadka badan ee ay gashay xukuumadda Ethiopia ama ciidamadeeda ama maamul goboleedka is-maamulka soomaalida kuwaasoo ay ka galayaan shacabka mandiqadda ayaa haddana waxaa lagama maarmaan ah inta aynaan dhinaca kale ku bilaabin eedayn bal inaan innaguna dib isu fiirinno oo si wada jir ah uga tashanno maxaa nala gudboon dabcan innagoo is ixtiraamayna oon qolona hoggaanka dhinaca fog usii jiidanaynin.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa maroodigu takarta saran ma arkee midda ka kale saaran ayuu arkaa. Ma suurta gelayso inaan aamminno qalad ayaa qalad lagu saxaa. Mana suurta gelayso dirqi ku islaam. Ninna laga yeeli mahayo aniga uunbaa ku wadi ee tayda maqal. Maya.

LOOXII MADOOBAA

Muddadii uu Ogaden ama dhulka soomaaliyeed ee Ethiopia uu hoos imaanayey maamulkaas waxaa markii hore waddanka Ethiopia xakumayey boqortooyo, taasoo dadka mandiqadda deggeni ay lacnad dusha ugaga tuurayeen. Kadibna waxaa yimid keligii taliye shuuci ah oo isagana lacnaddii mid kasii daran dusha looga tuuray iyadoo la leeyahay waxaa noo dhaamay boqortooyadii innagoo Mingistow war li’idaa, waa laysku haystaa wixii madaxda kaa dhigay. Markii ay dhacday xakuumaddii keligii taliye Mingistuna waxaa meesha yimid xukuumad la timid arrimo badan oo aad uga fog siyaasadihii labada qolo een soo sheegnay kuwaasoo wata gorgorton. Laakiin waxay kuwii hore kala mid tahay inayna oggolayn in Ogaden ka go’do Ethiopiayada kale.

Waxaad mooddaa dadka qaarkii inay la mid yihiin sida qof mar la tusay loox madow oo muddo kadib haddana la tusay loox cas oo yidhi aniga looxa aan arkaa waa madow, markii loox  cad la tusayna yidhi anigu weli madow ayaan arkaa.

Waxa keliya ee meesha yaallaa wuxuu yahay inaan si fiican u daraasaynno gorgortankaa ay xukuumaddu usoo bandhigtay dhammaan qowmiyadaha waddanka deggen ee gaadhaya 80 (siddeetanka ) qowmiyadood.

Gorgortankani wuxuu leeyahay markaan aad usoo gaabinno:

  • Qowmiyad waliba waxay iskeeda u samaysanaysaa maamul hoosaad ay ugu madax bannaan tahay arrimaheeda gudaha, kuwaasoo leh madax wayne , ku xigeen iyo waziirro.
  • Qowmiyad waliba waxay yeelanaysaa baarlamaan iyada u gooni ah.
  • Qowmiyad waliba waxay xukuumadda federaalka ah ku leedahay Miizaaniyad ay danaheeda kala geddisan ku maamulanayso
  • Qowmiyad waliba waxay yeelanaysaa iskuullo hoose iyo sare kuwaasoo ay carruurtu ku baranayaan afkooda hooyo.
  • Qowmiyad waliba waxay yeelanaysaa booliis iyada u gaar ah.
  • Qowmiyad waliba waxay yeelanaysaa maxkamad iyada u gaar ah.
  • Soo gaabiyoo qowmiyad waliba waxay leedahay maamul la mid ah midka dawladi leedahay oo kale…iwm.

Hadaba su’aasha meesha taallaa waxay tahay gor-gortankani ma yahay mid shacabka dan u ah. Ma yahay mid caqliga geli kara. Ma yahay mid dani ugu jirto shacabka. Su’aasha kale ee meesha taallaa waxay tahay ma yahay mid jiri jirey xilliyadii ay jireen dawladihii ka horreeyey.

Qaar badan durba waan iska garanayaa jawaabtooda waxayna leeyihiin ninkani waa daba-qoodhi iyo magacyo la mid ah! Oday soomaaliyeed oo necbaa ugaadhsiga ayaa wuxuu arkay sagaaro ka cararaysa markasta oo ay aragto, maalintii danbe ayey sideedii ka carartay, markaasuu yidhi “illeen sagaaro ima barato”. Hadaba akhristow adiguba la kaasho garaadkaaga gartana adigaan kuu daayey sidaad u naqdid hana eexannin ee shacabka dantiisa ku wad gartaada.

Waxaan shaki ku jirin inay qowmiyadi yoolkeeda gaadhayso haddii uu dhexdeeda yaallo wada tashi joogto ah oo uu ka dhexeeyo is-ixtiraam dhammays tiran, isla markaana aanay talada mandiqadda qolo gooni ahi jujuubanaynin, wixii tuhumo ahna la iska ilaalinayo oo nabaddana laga dhigto qodob aasaasi ah. Maxaa yeelay inta badan wixii nabad lagu waayo colaad laguma helo. Wallee inan ragow talo adduun taada uun maaha.

    Haddaba akhristow waxaan kusoo gunaanadayaa Rabbi Ha inagu toosiyo hadba talada tii roone inay taladu inaga wada dhaxayso oo qofna aan la af jugin mid kalena uusan inta kale ugu qasbin dadka tiisa, loona baahan yahay inaan aad u gorfayno talada si aan u gaadhno ujeeddooyinkeenna illeen waatii hore loo yidhi taladaan la ruugin waa lagu rafaadaaye.
    Abdirahman Sheikh Bihi
    Lausanne, Switzerland 

    Waxaa soo tebiyey
     Mohamed Abdulahi
    suxufi@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Taladaan Lagu Ruugin Waa lagu Rafaadaa | Abdirahman Sheikh Bihi "

  1. Axmed says:

    Wallaahi siyaasaddu dagaal keliya ma ah, bal dhinaca nabaddana halla wado, waxaa dhici karta in wax ku yimaadaan, Sida gobolka Koonfurta Sudan

  2. waxaan ku bilaabilahaa hadalkayga Mahad alaa leh.
    intaas kadib Ma’aananmoodaynin in qof afka iyo farta somaliga sidaas u bartay oo Tigre ah uu soo dhex fadhiisankaro web kamid ah web-ka somalida maanta ugu wayn way, nasiib wanaag waxaan ugu jawaabayaa Maqaal hada kahor loogu jawaabay shaqsi isaga oo kale ah; qofka aan ka hadlayaa waa ruuxa qoray maqaalka ciwaankiisu yahay (TALADAAN LAGU RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA)waxaanamarka hore qurux badan in uu qofku aqoon ku filan u leeyayhay waxa uu ka hadlayo, sidoo kalena uu aqoon fiican u leeyahay taariikha dunida ka dhacaya, waxaa kale oo mid munaasaba ah in uu qofku kalsooni leeyahay, isaga oo aaminsan waxa uu yahay, waxa uu u taaganayhay.
    mid kale waxaan aad ugu takiidinayaa ummada somaliyed in ay ogaadaan in aysan jirin wax layidhaahdo (somalida ethiopia)dadka somaliyed ee ay ethiopia gumaysato waa dad somaliyeed oo leh cid walba dhulka ay daganyihiina waxaa la yidhaahdaa Ogadenia waxaana bixiyay magacan UK.
    waxba yaanan hadak idinku daalinin ee waxaad dhugataan doodan hoose.
    Dood – Ma Haboontahay inaan dagaalano maanta Waxaan maanta idiin haynaa maqaal dood cimiyeed lagu xusay sanadguuradii 20aad ee asaaskii jabhadda. Doodaa waxaa ka soo qayb galay jaaliyadda ka mid ah jaaliyadaha S. Ogadenya. Barnaamijka dooda waxaa la dhex dhigay laba ka mid ah xubnaha jaaliyadda oo kala aaminsanaa laba fikrad oo iska soo horjeeda iyo jamhuurka ka soo qayb galay oo xaq loo siiyey inay su’aasha ay doonaan ku wajahaan 2da doode kolba midka ay rabaan.
    Dooda waxaa furay isuduwaha oo sharxay nidaamka ay dooda ku socon doonto oo ah in 2da doode mid waliba waqti la siinayo uu ku sharxo fikirkiisa. Ka dibna midkii doona inuu kan kale hadalkiisii cidhbiyo loo ogolaanayo muddo kooban. Ka dibna loo gubayo su’aalaha jamhuurka. Dooda waxaa cinwaan looga dhigay:

    Ma Haboontahay inaan dagaalano maanta.

    Jawaabta labada doode waxay kala ahayd;
    ma haboona iyo haa way haboontahay.

    Doodaha koobaad oo furay hadalka ayaa ku bilaabay sidan;

    Waxaan u mahadnaqayaa marka ugu horeysa nimankii soo abaabulay doodan ee fursadda ii siiyay inaan ka hadlo oo aan muujiyo afkaaraha ay qabaan dad farabadan oo muwaadiniinta dalka ka mid ah. Waxaanan ku amaanayaa unugga jabhaddan dagaalamaysa in ay fursad ii siiyeen aan ku muujiyo figradaha aan kaga soo horjeedo iyadoo aan la’iga dhigin khaa’inul wadan. Intaa waxaan uga gudbayaa nuxurka dooda.
    Aniga iyo jaalahan i horfadhiya waxyaaba badan ayaan ka midaysanahay oo aan loo baahnayn inaan waqti badan isaga lumino. Waxaa ka mid ah taariikhda dalkeena oo aan wada ognahay islana qirasnahay inuu ku jiray xaalad gumaysi inuu halgan dheer u soo maray siduu u soo dhacsan lahaa xuquuqdii ka maqnayd.

    Sidaa darteed doodeena caawa arimahaas inaan dib ugu noqono looma baahna. Waxay ku salaysan tahay doodeena caawa sidaan u arko aniga in aan isweydiino un ma dagaalami karnaa maanta oo ma jabin karnaa ciidanka Itoobiya oo dhamaanteen aan ogsoonyahay inay noqotay quwada ugu xooga badan gobolka Geeska Afrika? Arintaa inay jirto, oo xoogaa ay leedahay Itobiyana waxaa ka marag kacaya dharbaaxadii ku dhacday dhaban dhurwaa. Hadaba in aynu dadkeena been u sheegno ma’aha? Dawladii Somaaliyeed oo na garab taagan oo dagaalka nugula jirta ayaan Itobiya waxba ka qaadi waynay maanta oo Somali oo idil ay iyada u shaqeeyaan miyaan wax ka qaadi karaynaa.

    Hadaan caalamka u noqono, waqtigii jabhadaynta dunida waa laga soo gudbay. Maanta waxaa socda wax lagu magacaabo cawlama (Golobal), oon afkeena ku odhan karno caalamiyeyn, lamana maqli karo jabhad dagaalamaysa. Sidaa darteed waxaa ila quman inaan hubka dhigno oo aan Itobiya ka mid noqono. Waa iga dhan yahay hadalka.

    Ka dib waxaa loo jeedsaday oo hadalkii la siiyey doodihii labaad oo isna hadalkiisii sidan ku bilaabay;

    Waxaan ugu horeyn mahadnaq u gudbinayaa unugga jabhadda, kuwaasoo noo suurta galiyey caawa inaan ka doodno mawduucan muhiimka ah anagoo xusayna munaasabadda asaaska jabhadda. Waxaan sidoo kale u gudbinyaa hambalyada munaasabadan taariikhiga ah gudoomiyaha jabhadda, ciidankan naftood-hurayaasha, iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha jabhadda meel ay dunida ka joogaanba.

    Waxaan ku bilaabayaa hadalkayga, su’aasha dooda habka ay hadda u qorantahay waxaan u arkaa in aanay sax ahayn. Sababtoo ah maadaama aan wada qirsanahy, oo xataa jaalaha iga soo horjeeda aanu dood ka qabin in aan Gumaysi ku jirno, waxay ahayd in laga dhigo cinwaanka dooda miyaanay haboonayn in aan halganka u midowno? Haduu qof xoog kaaga qaato gurigaad lahayd, dadka arintaada ogsoon waxa ay kaa filayaan waa inaad xaqaaga soo dhacsato? Sidaa darteed, hadaan qirsanahay inaan gumaysi ku jirno, su’aasha sharciga ah in qof kastoo inaga tirsan la weydiiyo waa maxaad u halagami la’dahay? Tabari meel ay ku dhigtaba. Mar haddii uu saaxiibkay qiray inaan gumaysi ku jirno, siduu sheegtayna uu matalayo koox farabadan oo la fakir ah, waxaa Ilaahay mahadii ah inaan ka gudubnay marxalad muhiim ah oo waqti dheer naga qaadan lahayd oo ah inaan dadka ka dhaadhicino inay gumaysi ku jiraan.

    Walaalayaal, xayawaanka iyo aadamaha faraqa u dhexeeya waa xoriyadda. Qofka aadamaha ah marka laga xayoobiyo xoriyadiisa, hadduu ogolaado wuxuu hoos ugu dhacayaa inuu la mid yahay xayawaan la leeyahay. Sidaa darteed, insaanku marka uu ka dhiidhiyo adoonsiga, wuxuu doortay inuu ama u noolaado sida qof baniaadam ah ama uu shihiido isagoo baniaadam ah. Umase cuntanto qofka aadanaha ah in sida xoolaha loo daajiyo oo mid qayrkii ah uu dhangad la dul taagnaado. 70% shucuubta caalamka ku nool waxay soo mareen gumaysi. Halgan dheer oo malaayiin qof ay ku nafweyday ayay gumaysigii kaga hoos bexeen. Umad walbana waqtigay halgamayeen sida ku xusan taariikhdooda, waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo dadka yaan la haligine joojiya dagaalka ku lahayd gobanimadoonka.

    Hadaan waqti fiican haysano waxaan sheegi lahaa taariikhda shucuubtii soo halgantay ee gobanimada hanatay iyo inta ka soo horjeeday halgankooda. Waxaase tusaale inoogu filan dalka Algeriya oo Faransiiska uu yidhi waa gobol ka mid ah Faransa oo aan sinaba uga go’i karin. Waxaa lagu magacaabaa tawradii malyanka shahiid. Markay jabahddii gobanimadoonka ee FLN adkaatay oo Farnsiiska ka baxayey dalka Algeria waxaa sii raacay hal milyan iyo afar boqoloo kun oo isugu jira dabadhilfkii raacsanaa gumeystaha iyo Yuhuudii daganayd iyo farad la daaqii aaminay inay yihiin Faransiis. Shacab walba oo gobanima doon ahna waa sidoo kale oo marnaba lama waayo kuwa leh aan ogolaano adoonsiga intii nala layn lahaa oo beenta ay naftooda ku maaweeliyaan ay ka mid tahay waxaan nahay Itobiyaan. Waxayna taariikhda sugtay in inta dhimanaysa iyagoo geerida ka cararaya oo gumaysiga hoos jooga ay ka badan yihiin inta ka shahiida gobanimadoonka. Sababtoo ah, mar kastoo dharbaaxo lagu dhufto gumaysiga wuxuu ka aargoostaa kuwii hoos joogay, ilaa ugu dambaynta uu is raaciyo inta soo hadhay ee agjoogta markuu sii cararyo.

    Walaalayaal, waan jeclaan lahaa inaan hadalka sii wato, waxaase ii baaqaya isuduwihii dooda oo i leh waqtigaagii waad dhamaysatay. Waxaan jeclaa inaan ka hadlo arinta xoog badnida gumaystaha iyo tabardarida gobanimadoonka oo ah xujada ay ka siman yihiin oo asaaska u ah dooda ay la yimaadaan shirarka kooxdan ka soo horjeeda gobanimadoonka. Dib ayaanse u dhigan maadaama waqtigii iga dhamaaday, waxaan ku soo gunaanadayaa taariikhda waxay sugtay inaan qof leh gobanimaan rabaa aan laga adkaan karin.
    Sacab dheer ayaa u dhacay. Ka dibna isuduwihii ayaa ku soo dhaweeyey doodihii koobaad haduu rabo inuu cidhbiyo.
    Xoogaa intuu aamusay oo uu dhoola cadeeyey ayuu intuu u soo jeestay jamhuurkii isagoo gacmaha kor u qaadaya ku yidhi;
    Sida ii muuqata, dadka meeja fadhiya waxay u badan yihiin, hadaanay wada ahaynba JWXO.
    (waanu nahay iyo haa iyo ra’yigaaga dhiibo ayaa muddo socotay). Isagoo ka dhigaya kaftan ayuu yidhi;
    “Aniguba waan ahay laakiin marxaladda hadda la joogo umbaan leeyahay ma dagaalami karno.
    Waxaanan leeyahay waxaa igala haboon in aan joojino dagaalka aan wadno oon dalka dhismihiisa u soo jeedsano oo aan shacabkeena dayacan wax u qabano. Waa middaa arinta aan isku hayno aniga iyo jaalahan iga soo horjeeda. Igama aha diidmada dagaalka gumaysi jacayl. Waanan ka baxay. “
    Hadalkii waxaa lagu soo wareejiyey mar kale doodihii 2aad oo mar kale sacab lagu soo dhaweeyay.
    Waad mahadsantihiin. Saaxiibkay wuxuu doonayaa inuu iga dalfiyo doodiisii hore ee ku dhisnayd waynu tabar-yarnahaye aynu is-dhiibno maadaama Itoobiya noqotay super power-ka geeska afrika, Dhawr eray ayaa igaga filan arintan.
    Taariikhda laguma hayo gobanimadoon ku xisaabtama cadad ciidan iyo hub badnaan, Arintaa gumaysiga ayaa ku xisaabtama oo goobta dagaalka soo dhooba kumanaan maxaysato ah iyo hub fara badan, Awoodda gobanimdoonka waxay marwalba ku xidhan tahay cadaaladda qadiyadiisa iyo taageerada dadweynihiisa. Gobanimadoonka 2daa arimood ayuu ku jabiyaa ciidanka gumaysiga oo ka tira badan kana hub badan Waqtiga ayaana wuxuu marwalba taageera gobanimadoonka Gumaysiga waa uu ogyahay in arintu ay sidaa tahay, Marka wuxuu ku dadaalaa inuu weerar balaadhan intuu ku soo qaado uu mar un ka nasto qandhuufada joogtada ah ee jiif iyo joogba u diiday.
    Hadduu jiro qof shaki ka qaba in arintu ay sidaa tahay waan sii faafaahin, Waxaan uga gudbayaa arinta uu saaxiibkay ka dhawaajiyey ee ah Itoobiyaa aan isu dhiibno saan dalka iyo dadka wax ugu qabano, Ereyadan waa ereyo dadkeena ooman ee gaajaysan lugu beer laxawsado Waxaana ka qasan qofka arintaa aamnisan in Itobiya ay u timid dalkeena inay boobto ee aanay u iman inay dhisto, Tan kale laguma hayo dunida gumaysi dadkii iyo dalkii uu gumaysanayey dhisa, Wuxuuna ku dadaalaa siduu u badan yahay gumaysiga inuu dadka ka madhiyo dalka suu u soo dajiyo dadkiisa.
    Dal ma dhiso gumaysi, haddii uu wax ka dhis-dhisona wuxuu dhisaa meelaha ilaha dhaqaale ee uu rabo inuu dadkiisa uga faa’ideeyo. Waxaase la yaab leh kuwa Itobiya oo ka mid ah 10ka dal ee dunida ugu faqrisan ka sugaya inay horumar ka samayso dalkeena.
    Markii 2dii doode uu mid waliba bogtay badheedhe-hii uu jeedsan lahaa ayaa waxaa loo gudbay waqtigii dadweynaha ay su’aalaha weydiin lahaayeen kolba midka ay doonaan. Gacmaha ayaa la wada fiiqay.
    Odaygii ugu da’da weynaa intii goobta fadhiday ayaa hadalkii la siiyey sidan ayuuna u ritay su’aashiisii;
    Waan idin salaamay. Marka ugu horeysa waxaan u mahadnaqayaa dhalinyarada inoo soo qabanqaabisay barnaamijkan xiisa leh caawa. Sidoo kale ayaan hambalyo ugu dirayaa halgame Maxamed Cumar iyo jabhadda uu gudoomiyaha ka yahay. Su’aashayda waxay ku wajahan tahay doodaha jabhadda matalaya. Waxaan dabasocdaa ereyadii uu doodaha kale ku furfurtay hadalkiisa. Hana u malaynina inaan raacsanahay ee waa arin u baahan in naloo waadixiyo. WSLF ayaa ka xoogbadnayd ONLF, sidoo kalena dawlad Somaliyeed ayaa daba joogtay. Waana ay guulaysan weyday. Hadaba ONLF masuuliyadan weynee ay dhabarka u ridatay sidee bay uga soo bixi kartaa?
    Aragii iyo maqalkiiba waxaa loola jeestay dhankii jawaabta laga sugayey. Waa su’aal dadweynaha ay aad u jecelyihiin in laga dharjiyo jawaabteeda. Markii shanqadhoo dhan ay dagtay ayuu ku bilaabay doodihii jawaabta laga sugayey hadalkiisii sidan;
    Waxaan codsanayaa hadii la’iga doonayo jawaab waafi ah in xoogaa la’ii dulqaato oo la’ii ogolaado inaan taariikhda dib ugu noqdo sababtoo ah furaha jawaabtayda waa inaan taariikhda ka baadhaa. Ugu horeyn waxaan idiin sheegayaa in su’aashan aanay ahayn mid ku gaar ah JWXO oo qudh ah. Su’aashan waa mid dhamaan halgannada gobanimadoon ay weydiin jireen inta neceb dhibka ka sokeeya xoriyadda marka uu gumaystaha soo dhoobo dalkooda ciidan iyo hub culus oo aragagixiya isagoo doonaya inuu dadweynaha niyadda kaga dilo. Cinwaan waxaan uga dhigayaa jawaabtayda; aan kala soocno faraqiga u dhexeeya ciidan u dagaalamaya wadan ka maqan inuu soo ceshado iyo naftiihure matalaya shacab u dagaalamaya inuu gumaysiga ka hoos boxo. Intaa ka dib, taariikhda dalkeena hadaan dib u yarehe jaleecno, waagii umadda Somaliyeed uu gumaysiga duulaanka ku wada ahaa waxaa la ogsoon yahay in wadankeena Ogadenya uu ahaa meeja uu ka unkamo dhaqdhaqaaq-yada gobanimadoon. Dagaalkii 2aad ee aduunka markii laga soo noqday ayay shucuubtii Afrika dalbadeen xoriyadooda. Waxaa ka unkamay Somaliya urur u halgama xoriyadda umadda Somaliyeed saldhigiisuna yahay Xamar oo ahayd caasimada gumaystihii Talyaaniga. Waxaa sidoo kale ka unkamay waqooyiga xisbi gobanimadoon ah oo la magac baxay SNL saldhigna ka dhigtay Hargaysa. Dhamaan umadda Somaliyeed waxaa saameeyey 2daa urur gaar ahaan xisbigii SYL oo dalkeena aad looga taageeray. Waxaana taariikhda lagu hayaa in dhigaalka ugu badan ee ururka SYL soo gala laga keeni jiray dalkeena. Barnaamijka xisbiga SYL wuxuu ku salaysnaa xoraynta umadda Somaliyeed ee la kala qaybiyay in hal wadan oo xor ah uu noqdo. Hasa ahaatee Ingriiska, oo doonaya inuu daciifiyo umadda Somaliyeed oo aad uga duwan shucuubta Afrika marka la eego midnimada dhaqan, diin iyo afba, ayaa maleegay khiyaano wuxuuna si qasab ah uga jaray umadii Somaliyeed dal ka balaadhan goboladii xoriyadda qaadanayay ee Koonfurta iyo Waqooyiga, oo markay xoriyada midoobay. Isla waqtigiiba waxaa kacay shucuubtii Somaliyeed ee ku hadhay gumaysiga iyagoo doonaya inay ka daba tagaan walaaladooda xoriyadda qaatay. Dawladii Somaliyeed ee dhalatay waxaa qasab ku noqotay inay fuliso balantii ay umadda Somaliyeed wada galeen ee ahayd dalalka maqan la xoreeyo ka dibna la midoobo. Waxaa bilowday dagaaladii xisbigii NasrUllahi. Waa tii dagaalada xisbiga NasruLaahi oo socda ay 1963kii madaxdii Afrika ku shireen Addis-ababa halkaana ku dhiseen urukii la odhan jiray OAU. Boqor Xayle Salaase wuxuu ka dhaadhiciyey madaxdii xukunka ku cusbayd ee martida u ahayd in xuduudaha Afrika loo daayo sidii uu kaga tagay gumaysiga oo aan la fara galin. Jamhuuriyadii Somaliyeed oo kali ah iyo Marooko ayaa arintaa diiday inay saxiixaan inkastoo ay ka mid noqdeen ururkan cusub. Xayle Selaasi wuxuu ku guulaystay inay Afrikadii ku shiraysay caasimadiisa ay dhan ka wada noqdaan Somaliya oo lagu qasbo inay joojiso taageeradii ay siinaysay xisbigii NasruLaahi ee la dagaalamayay Itobiya. Sidaa ayuuna ku burburay halgankii NasruLaahi ka dib markii ay Somaliya kala noqotay taageeradii.
    1969kii ayay ciidamada qalabka sida ee Somaliya xukunka la wareegeen waxayna soo nooleeyeen balantii ahayd in dalalka maqan gaar ahaan Ogadenya loo dagaalamo. Waxaa la asaasay jabhadii WSLF. Inta aanan sii fogaanin, sow ma ahboona in aan isla meel dhigno marka ugu horeysa qaabka laga doonayo urur gobanimadoon ah. Kaasoo ah inuu yeesho 1- Hogaan siyaasi ah oo madax banaan. 2- Ciidan naftood hurayaal ah. 3-Dhaqaale iyo abaabul ka madax banaan faragalin shisheeye. Saddexdaa mid waliba waa inuu ka madax banaan yahay faragalin dawlad leh masaalixdeeda u gaarka ah oo saxiixday qawaaniin dawli ah oo xakamaynaya.
    WSLF markii la asaasayba waxay ka doonatay dhaqaalihii ay ku maamuli lahayd ciidankeeda iyo hogaankeeda siyaasi iyo abaabulkeeda, dawladii Somaliyeed ee kacaanka. Sidaa darteed, ciidankii jabhadda wuxuu la mid noqday hay’ad ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Somaliya, oo laga hubeeyo lagana maamulo wasaaradda gaashaandhiga ee Somaliya. Intaa miyaan isku diidanahay. Jawaabtu waa maya. WSLF waxaa u soo baxay ciidan xoog leh, hasa ahaatee hoos yimaada gaashaan dhiga Somaliya. Hadaan soo koobno taxanaha taariikhda, dagaalkii markii uu bilowday, durbadiiba Itobiya waxay ku dhawaaqday in Somaliya ay ku soo duushay. Somaliya oo aan siyaasadda waxba ka aqoonna waxay u rumaysay inay arintaa dhab tahay markii ay cadeysay in cutubya ka mid ah ciidankeeda qalabka sida ay ku taageertay jabhadda WSLF. Dagaalkii gobanimadoonka ahaa wuxuu isu badalay inuu caalamka ka hortago gardarada Somaliya oo jabisay xeerarkii caalamiga ahaa. Siyaabihii aad ogaydeen ayayna arintii u dhacday. Dawladii Somaliyeed ee WSLF gacanta ku haysay waa la soo jabiyay, waxayna bilowday inay kula gorgortanto Itobiya si ay u ilaaliso jiritaanka jamhuuriyada inay kala dirayaan jabhadda hadii la badbaadinayo xadka u dhexeeya Somaliya iyo Ogadenya. Halkaa waxaa idiinkaga muuqda in xoogii ciidan ee WSLF uu ku milmay danahii dawladdii Somaliyeed maadaama ay siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba u maamulaysay. Wax su’aal ah hadaan arintaa la’iga weydiinaynin waxaan uga gudbayaa marxaladda hadda aynu marayno iyo sidaan uga fai’daysanay khaladaadkii aan horay u galnay.

    Markuu cadeeyay doodihii 2aad in urur gobanimadoon ah oo halgamaya u baahanyahay
    1- Hogaan siyaasi ah oo madax banaan.
    2- Ciidan naftood hurayaal ah.
    3- Dhaqaale iyo abaabul ka madax banaan faragalin shisheeye.

    ayuu hadalkiisii isagoo sii wata yidhi;

    Hadaan soo koobno, dagaalkii markii uu bilowday 1977dii, durbadiiba Itobiya waxay ku dhawaaqday in Somaliya ay ku soo duushay. Somaliya oo aan siyaasadda waxba ka aqoonna waxay u rumaysay inay arintaa dhab tahay markii ay cadeysay in cutubya ka mid ah ciidankii Xooga Dalka Somaliyeed ay ku taageertay jabhaddii WSLF. Siyaasadii caalamka waxay isu badashay in laga hortago gardarada Somaliya maadaama ay jabisay xeerarkii Qaramada Midoobay. Sidaad ogaydeen ayayna arintii ku dambaysay. Dawladii Somaliyeed ee jabhadda gacanta ku haysay markii lagu soo jabiyay bankii Jigjiga, waxay doorbiday inay kula gorgortanto Itobiya kala dirka jabhadda WSLF say u ilaaliso jiritaanka jamhuuriyadda. Halkaa waxaa idiinkaga muuqda in xoogii ciidan ee WSLF uu ku milmay danaha dawladdii Somaliyeed maadaama ay siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba u maamulaysay. Wax su’aal ah hadaan arintaa la’iga weydiinayn waxaan uga gudbayaa marxaladda hadda aynu marayno iyo sidaan uga fai’daysanay khaladaadkii aan horay u galnay.

    ONLF waxaa asaasay xubnihii siyaasadda WSLF qaar ka mid ah oo xogogaal u ahaa arimaha jabhadda. Durbadiiba waxay hal-ku-dhig ka dhigteen; Midnimo iyo isku-tashi iyo mintidnimo in guusha lagu gaari karo. Sababtoo ah waxay ogaadeen in ciidan xoog leh oo si dhaqsa leh lagu unko iyadoo taageera laga dalbanayo dalalka aan walaalaha nahay, natiijada laga filan karo inay tahay kala taga markasta oo dawaladaasi ay u aragto in maslaxadeeda uu dhib ku yahay tagaaerada halganka. Waxaana tusaale ahaan aan u soo qaadanay xisbigii NasruLlahi iyo WSLF.

    Sidaa darteed, jabhadda ONLF waxay ku tashatay inay marto wadooyinkii ay mareen ururada gobanimadoon ee caalamka. In dadweynaha Ogadenya eek u kala nool dunida dacaladeeda laga dhex unko ururka, in dadweynaha Ogadenya ay tabartooda ku dhisaan ciidankooda, in dadweynaha Ogadenya ay rabitaankooda ku dhistaan hogaankooda siyaasiga ah, in iyagoo isku kalsoon iskuna tashanaya ay caalamka kuwooda xoriyadda jecel ee ka soo horjeeda in la’is gumaysto ay ka dalbadaan taageero. Su’aasha kali ah ee la weydiin karo maanta ONLF waxay tahay maxaa ka hirgalay qorshahii ahaa in isku-tashi lagu meelmaro oo aan mar dambe masiirka halganka iyo umada gacanta loo galin dawlad aan ehel u ahayn? Jawaabta waxaan filayaa inaad wada ogtihiin. Meesha uu halgankeena marayo iyo heerka ay ku suganyihiin kaadirka gobanimadoonka labadiisa qaybood ee gudaha iyo dibadda wad la wada socotaan.
    Iga raali ahaada waxaa laga yaabaa inaan ku dheeraaday taariikhda aan dabagalay sababtuna waxaan u arkaa inay taariikhdaa tahay furaha su’aasha uu adeerkey na su’aalay ee ahayd; ONLF masuuliyadan weynee ay dhabarka u ridatay sidee bay uga soo bixi kartaa? Itobiya inay tahay dawlad guun ah oo naga saaxiiba badan, nagana dhaqaale iyo ciidanba badan ma moogin. Laakiin sidaan horeyba idiinku sheegay awooda gumaysiga iyo gobanimadoonka laguma qiimeeyo cadad. Xaqnimada iyo cadaaladda qadiyadda waa raasimaalka gobanimadoonka, waana midda siinaysa gobanimadoonka awooda uu kaga hortagayo ciidan ka badan cadad ahaan iyo hubba. Qofka xaqdarada ku socda wuxuu marwalba ku dadaalaa inuu si dhaqsa leh u soo gabagabeeyo qadiyadda ay isku hayaan isaga iyo xaqlaha. Sababtoo ah marwalba oo arinta ay ku sii daba dheeraato, waxaa dagaalaya damiirkiisa oo wuxuu xaqiiqsanayaa inuusan xaq u lahayn dalkan uu ku dhimanayo. Ka dib wuxuu gaarayaa go’aan ah inuu naftiisa ka badbaadiyo labada koox ee meesha isku haysata oo kala ah gumaysigii u soo diray goobta iyo midka ay xabadda iksu ridayaan ee ka soo horjeeda oo ah gobanimadoonka. Gumaysiga marka hore isagaa isku kalsoon oo wuxuu u arkaa in ciidankiisa libaaxyada ah uu ku edbin karo kooxda yaree diiday xukunkiisa. Hasa ahatee muda yar ka dibba marka ay ciidankuu libaaxyada u haystay ay ku riiqdaan goobaha dagaalka ayuu ku soo noqdaa dadweynahii uu gumaysnayay inuu ka dhex abuurto qaar dhuuni raac ahoo uu ka horgeeyo gobanimadoonka. Lafa maroodi iyagaa la’isku jabiyaa. Wuxuu kaloo ku dhaqaaqaa inuu bulshada iska horkeeno oo kolba madaxa iksu galiyo isagoo ujeedadiisa ay tahay inuu ku wiiqo dhalinyaradii raaci lahayd halganka dagaaladaa sokeeye. Arintan ayuu xoogaa ku caana maalaa hasa ahaatee sida ku xusan taariikhada shucuubtii soo halgantay oo intaaba soo martay guul uma soo hoyiso sababtoo ah ugu dambaynta shacabkan la gumaysto markuu wada ogaado shirqooladiisa iyo waxa uu ka damacsan yahay ayay arintii dib ugu soo noqon ciidankiisa oo mooraal u haynin dagaalka.

    Xaalada isku dayga dabadhilfyada iyo iska horkeenka bulshada ayaan anaga hadda mareynaa, waxaana hubaal ah inaan ka guulaysan doono siday uga guulaysteen shucuubtii naga horeysay. Waad mahadsantihiin .. igana raali ahaada.

    Sacab ayaa u dhacay, waxayna dadkii goobta fadhiyay wada eegeen doodihii ka soo horjeeday oo labada gacmood baabacadooda kor u taagay .. taasoo ka dhigan intaasay iiga egtahay. Sacab kale ayaa loo qaraacay doodihii difaacayay in aan halganka wadno markuu gacan qaaday.

    Dhamaad.