Home » Warar »

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL oo soo bandhigay Miisaaniyadda 2010 ee sanadka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL oo soo bandhigay Miisaaniyadda 2010 ee sanadka.

Shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay Wasaaradda Maaliyadda Xafiiskiisa Magaalada Garoowe ayaa waxa uu warbaahinta ugu soo bandhigay Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda sanadka 2010 isagoona uga warbixiyey warbaahinta hawlaha lagu qaban doono.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Faarax Cali Shire ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyey sababta keentay in miisaaniyadda sanadka cusub ay soo bandhigto wasaaradda Maaliyadda isagoona sheegay in sababta keentay ay tahay in miisaaniyadda wasaaradda la soo bandhigo taasi oo uu ku sheegay in lagu adkayn doono amniga deegaanadda puntland.

Dr Faarax Cali Shire Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa uu sheegay in lacagta miisaaniyadda loogu talogalay in lagu sugo amniga deegaanadda Puntland kaasi oo u muuqday indhawaalaba mid faraha ka sii baxayey isagoona Wasiirka carabka ku dhuftay in marka la sugo amnigana lagu horumarin doono miisaaniyaddani dhinaca arimaha bulshadda.

Wasiirka marka ay waxka weeydiiyeen warbaahinta wax haatan ku soo beegmay in ay Wasaaradda soo bandhigto miisaaniyadda 2010 ayaa waxa uu xusey in miisaaniyadda ay tahay wax ay marka hore ansixiyeen Golaha baarlamaanka Dawladda Puntland isagoona sheegay in aysan ahayn wax ay iyaga iskawataan oo uu yahay wax sharci soo maray islamarkaasna ay golaha wakiiladda ogaadeen in ay lagamamaarmaan tahay in miisaaniyadda sanadka 2010 lagu daro dhinaca arimaha amniga sidii loo adkeyn lahaa.

m1

Sidoo kale marka ay warfidiyeenada wax ka weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dhinaca canshuuraha oo ay dad badani ka cabanayaan ayaa waxa uu tibaaxay in aysan jirin wasaaradda Maaliyadda wax canshuur ah oo la kordhiyey keliya waxani ay yihiin wax loogu talogalay in lagu adkeeyo amniga Puntland.

Shirkani jaraaid oo uu maanta ku soo bandhigay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Miisaaniyadda sanadka cusub ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili maalin qura laga joogo ka gadaal markii ay baarlamaanka ansixiyeen miisaaniyadda cusub ee sanadka 2010.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL oo soo bandhigay Miisaaniyadda 2010 ee sanadka. "

  1. xaaji maxamad says:

    Jisaakalaahu baanu leenahay wasiirka maaliada sida wanaagsan ee uu shaqadiisa uga soo baxay uguna hawlanyahay horumarka puntland

  2. Abdi Jama says:

    Maashaa’allaah

    Runtii waa wax lagu farxo bandhiggan ay soo bandhigtay wasaaradda maaliyadd ee Puntland, runtii taasi waxay ka tarjumaysaa nidaamka cusub ee Faroole wax qabadkooda, gaar ahaan aqoonta, ammaanada iyo kartida Wasiirka Maaliyadda Dr. faarax Cali Shire

    Sidaa ku wad inshaa’allaah runtii waxqabadkaaga taariikhda ayaa xusi doonta.

    Mahadsanid