Home » Warar »

Stockholm: Mutamarkii Islaamiga ee wakhtiga qaboobaha – Maxay Ku badbaadi karaan Ubadkeenu?

Stockholm: Mutamarkii Islaamiga ee wakhtiga qaboobaha
Maxay Ku badbaadi karaan Ubadkeenu?

Waxaa 25-27-kii bisha december 2009 , ka bilaamay magaalada Stockholm kulankii islaamka ee wakhtiga qaboobaha la qaban jirey. Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey Masjidka Al-Nur ee xaafada Rinkeby ee Stockholm.Masjidkaas oo ay soomaalidu maamusho.Kulankaas oo ciwaan looga dhigay- maxay ku badbaadi karaan ubadkeeenu?ayaa waxaa uu si toos ah u furmay maalintii jimcaha ee bishu ahayd 25-ka december. Kulankaan ayaa run ahaantii ahaa mid ka duwan kuwii hore loo qaban jirey, maadaama dadka shirka khudbadaha kasoo jeedinaayey aaney ahayn culimada diinta oo keliya balse ay halkaas ka hadleen aqoonyahano leh cilmi kala duwan. Aqoonyahanadaas waxaa ka mid ahaa macalimiin, dhaqaaleyahano, dad cilmi u leh komputerada iyo siyaabaha loo isticmaalo.Waxaa kale oo shirka ka hadlay masuuliyiin ka socotey qaybaha kala duwan ee bulshada sida waalidiinta iyo dhalinyarada. Kulanku waxaa uu ahaa mid si heer sare ah loo soo qabanqaabiyey. Dadweyne soomaaliyeed oo isugu jira rag,dumar iyo dhalinyaro ayaa soo buuxiyey hoolka muxaadarada. Dadkaasi waxaa ay ka yimaadeen magaalada stockholm iyo magaalooyinka kale ee Iswiidhan. Albaab walba ee qaacada muxaadarooyinku ka socdeena waxaa taagnaa dhalinyaro loogu talo galay iney si habsami ah u socodsiiyaan howlaha kulanka.
Culimada shirka kasoo qaybgalay waxaa ay ahaayeen:

DR Sheekh Cali Maxamed Saalax- Norway
Sheekh C/raxman Abyad – Danmark
Sheekh Cismaan Faarax cali, Birmingham, Uk

Maalintii Kowaad ee mutamarka stockholm

Maalintii jimcaha ee 25-ka december ayaa ahayd maalintii kowaad ee kulanka islaamka ee qaboobaha. Waxaa kudbadii salaada jimcaha iyo muxaadaradii ka dameyseyba soo jeediyey DR sheekh cali M Saalax.

mu25
(Sawirka Dr Cali Maxamed saalax)

Muxaadarada oo ciwaankeedu ahaa: Maxay ku hagaagi karaan ubadkeenu? Ayaa ahayd mid aad loo sugaayey maadaama ay xambaarsanayd ciwaanka shirka oo dhan. Dr, sheekh Cali maxamed saalax ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada uu waalidku u leeyahay koritaanka iyo barbaarinta ubadka soo koraaya. Waxaa uu sheekhu sheegay iney muhiim tahay in waalidku ilmaha kula dadaalo tarbiyad islaami ah isla markaasna uu u huro wakhti badan.
Waxaa kaloo iyana muhiim ah ayuu yiri sheekhu wada shaqeynta waalidka iyo qaybaha kale ee bulshada ee ilmuhu xiriirka la leeyahay si isla markiiba loo toosiyo haddii wax qalad ah lagu arko ilmaha. Muxaadaraas ka dib waxaa bilaamay falanqeyn ama nadwo ay ka wada qayb qaateen culimada, macalin wax ka dhiga dugsiyada sare ee Stockholm, dhalinyarada, iyo masuul ku hadlaayey magaca waalidiinta iyo waxgaradka magaalada Stockholm.

Magacyada dadka ka qaybqaatay nadwada waxaa ay kala ahaayeen:

mu07(Sawirka dhamaan ka qaybqaatayaasha nadwada)

DR Sheekh Cali Maxamed Saalax- Norway
Sheekh C/raxman Abyad – Danmark
Sheekh Cismaan Faarax cali, Birmingham, Uk
Suldaan Maxamed Siraaji. Masuul xagga waalidiinta iyo odayaasha
C/llahi Maxamed Asad – Macalin dugsi sare iyo cilmi baare
Sayidiin A Dahir – Gudoomiyaha ururka midnimadoonka dhalinyarada soomaaliyeed

Soo bandhigista iyo xal u helida dhibaatada dhalinyarada hortaagan

Nadwada oo ciwaankeedu ahaa midkan kor ku xusan ayaa waxaa lagu lafaguray dhibaatooyinka horyaal dhalinyarada soomaaliyeed ee Sweden iyo weliba sida ugu wanaagsan ee xal buuxa loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas. Masuuliyiinta nadwada ka qayb qaatay waxaa mid walba la siiyey wakhti cayiman oo uu kusoo bandhigo waxyaalaha uu u arko dhibaatada dhalinta hortaagan. Intaas ka dib waxaa kusii xigey ka dooditaan sidii xal loo heli lahaa dhibaatadaas.
Waxaa ugu horyn hadalka lagu soo dhoweeyey Suldaan Maxamed Siraaji oo khibrad dheer u leh Arimaha tarbiyada caruurta iyo dhibaatooyinka soo foodsaara.Suldaan Siraaji ayuu usoo badndhigay doodiisa ku wajahan arinkan dhalinyarada.

– Xalka kowaad waa in ilaahay subxaanu watacaalaa laga baqaa, qofkuna uu ahaadaa mid ku xiran rabigii abuuray. Waxaa iyana muhiim ah in guryaheenu ay ahaadaan kuwo hagaagsan oo ay ku badan tahay cabsida rabi. Maxaa yeelay gurigii isagu hagaagsan ayaa soo saara ubad hagaagsan.
– Khilaafka dhexmara aabaha iyo hooyada ayaa isna saameyn weyn ku yeesha qaab dhaqanka caruurta. Waxaa muhiim ah in ay waalidku ku dadaalo in ay khilaafkooda ku xaliyaan hab xikmadi ku dheehan tahay. Waxaa la doonayaa iney waalidku helaan wakhti kale oo ay khilaafkooda xaliyaan. Ilmaha waalidkiis muranka iyo khilaafka had iyo goor ku jiro waxaa ay keentaa in ilmuhu guriga ka warwareego isagoo ka cabsi qaba in labadiisa waalid ay isku dhacaan.
– Ilmaha waa in la maalgeliyaa si ay u helaan kalsooni buuxda. Maalgelintaas waxaa ka mid ah ilmaha oo fasaxyada meelo kale hawagedis loo geeyo. Waxaa maalgelinta ka mid ah, ilmaha oo la siiyo waxuun lacag ah oo la ogyahay halka uu ku isticmaalaayo.Waxyaalaha aan goobjoog u ahayn waxaa ka mid ah ilmo gurigii uu ku dhashay aan 15 sano dhinacna u dhaafin oo xitaa aan magaalo kale oo sweden ah arag. Lacagaha badan ee aan guryaha soomaaliya kaga dhisno, guryahaas oo aynaan xitaa badankeen degeynin, waxaa ka haboon ineynu lacagtaas qayb ka mid ah gelino ilmaheena.
– Guryaha iyo balwada: waalidku waa midka ugu horeeya ee uu ku daydo ilmuhu, waa midka uu jecelyahay inuu u dhaqmo sidiisa. Haddaba haddii waalidku balwad leeyahay waxaa ay saameyn buuxda ku yeelaneysaa dhaqanka iyo tarbiyada ilmaha.
– Geediga badan ayaa isna ah mid waxyeelo u geysta ubadka soomaaliyeed. Geedigu waxaa u waxyeelaa deganaanshaha ilamaha, kasoonida ilamaha iyo weliba tacliinta ilmaha.

Hadaba waxaa aad u wanaagsan in waalidku ku dadaalo in laga gudbo geediga aan macnaha lahayn ee hadba meel la isaga guuraayo. Walaal waa in aad eegtaa mustaqbalka ilmahaaga.
– Jadwal laàan ka jirta guryo badan oo soomaaliyeed ayaa ah mid sii xumeysey xaalada waxbarasho iyo dhaqan ee ilmaha soo koraaya. Waxaa la doonayaa in ilmuhu leeyihiin wakhti ay seexdaan, nastaan, wax cunaan, ciyaaraan iyo wakhti ay wax bartaan.
Wakhtiga tv-ga iyo komputerka waa iney yihiin kuwo waalidku si fiican uga warqabo.

– Canaanta faraha badan oo lagula kaco ilmaha waxaa ay keentaa in ilmuhu noqdo mid aan is-hubin, mid argagax iyo cabsi badan iyo weliba ilmihii oo ay deganaanshuhu ka dhumo.
– Waalidnimada maanta iyo tii shalay: Waalid badan waxaaney garowsanayn in wakhtigii isbedeley. Taas oo keentay in ay aad ukala duwan yihiin waxyaalaha horyaal waalidka maanta jooga iyo waalidiintii hore. Waxaa dhalinyarada maanta koreysa horyaal dhibaatooyin iyo weliba fursado ka duwan kuwii hore. Waxaa nasiibdaro ah in waalid badani aaney arinkaas ku baraarugsaneyn. Tv-ga , taleefoonada casriga ah, internetka iyo qaabka casriga ah (fashion) ayaa kuwo aan jirin ama aad uga duwanaa kuwa maanta jira.

Haddii aynu ka fekero waxna ka bedelo arimaha aan kor ku soo sheegnay, ilaahayna aan ku xiraano oon talo saarano waxaa ay u badan tahay in aynu tarbiyada ilmaheena guul ka gaaro. Halkaas ayuu Suldaan Siraaji kaga baxay qaybtiisii dood cilmiyeedka.

War aynu sidaan isu dhaano, una istaagno ubadkeena!

C/laahi Maxamed Asad oo ah macalin wax ka dhiga dugsiyada sare ee Stockholm isla markaasna ah cilmi baare ka tirsan jaamacadaha Sweden ayaa waxaa uu nadwada kasoo jeediyey warbixin iyo cilmibaaris ku saabsan qoyska soomaaliyeed , waxyaalaha dhaliyey hoos udhaca tacliinta ardayda soomaaliyeed iyo weliba siyaabaha xal loogu heli karo arinkaas. Macalin Asad waxaa doodiisii ka mid ahaa:

– Soomaalida degan wadankaan Iswiidhan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 40 kun oo qof. Dadkaas oo badankood ay yimaadeen wadanka waxii ka dameeyey saqaashameedyadii. Sababo kala duwan ayaa dadkaas ku kalifay iney Sweden yimaadaan haba ugu badnaato dhibaatada ka taagan wadankii Soomaaliya. Bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Iswiidhan waxaa haysta dhinaatooyin kala duwan. Waxaa jira kala daadsanaan aad u baahsan taas oo ku saleysan waxyaalo kala duwan. Qoysaska soomaaliyeed ayaa ah kuwo badankood lahayn wax qorshe ah oo laga baaraan degey. Kolkii la eego dhinaca nolosha waxaa wadankaan Iswiidhan ka jira fursado badan oo dhinaca shaqada iyo xagga waxbarashada ah.
– Kolkii la eego dhinaca waxbarashada ayaa waxaa ardayda soomaaliyeed haysta dhibaatooyin kala duwan kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwii horey loo soo sheegay.
Natiijada ardayda soomaaliyeed ee sweden ayaa ah mid aad u hooseysa. Arinkaasna waxaa sababay waxyaalo badan oo aan lagu soo koobi karin wakhti gaaban balse u maahan in maalmo iyo usbuucyo la geliyo si loo falanqeeyo.

– Qodobka oo aan ugu magac daray 2G ( guur badan iyo geedi badan) ayaa ah mid qayb weyn ka ah guuldarada soo foodsaarta ardayda soomaaliyeed.

– Ardayda soomaaliyeed waxaa ay u baahan yihiin in la dhiiri geliyo, hamigoodana aad iyo aad loo dhiso. Taasi waxaa ay ardayga ku dhalineysaa inuu helo wado waxbarsho oo uu maro.
– Guriga iyo Iskuulka. Xiriirka ka dhexeeya guriga iyo iskuulka ayaa ah mid uu aad uga hadlay sharciga waxbarashada ee iswiidhan. Qeyb weyn oo ka mid ah tacliinta waxaa la doonayaa in ay fuliyaan waalidka ilmaha dhalay. Haddii aan ardaygu kaalmadaas guriga ka helin waa ay adag tahay inuu gaaro heerkii laga filaayey. Dhaqankeenii tacliinta ee wadankii soomaaliya waxaa uu ahaa mid ka duwan kan Iswiidhan. Iyadoo waalidku ilmaha u diri jirey iskuulka ka dibna iskuulka ayaa laga filaayey inuu howsha waxbarasho guto.

– Wadahadalka ilmaha iyo waalidka ee laga wada hadlo waxyaabo badan oo tacliintu ka mid tahay ayaa waxaa ay keentaa in ilmaha iyo waalidkiis ay yeeshaan xiriir buuxa oo tixgelini ku dheehan tahay.

– Kala duwanaanshaha qoyska soomaalida iyo kan Iswiidhishka ah: Waxaa aad u kala duwan doorka labada waalid ee reerka. Waagii la joogey xagaas iyo soomaaliya waxaa jirey qaab ay howsha reerku u kala qaybsanayd. Waxaa la yaqaaney doorka qof kasta oo reerka ka mid ah, sida aabaha, hooyada, caruurta iwm. Doorarkaas ayaa noqday kuwo isku dhexyaacay kolkii Iswiidhan la yimid.

– Jahwareer soo wajahay ardayga: Ilmaha soomaaliyeed waxaa uu fiiso laàan maalin walba ku maraa saddex dal oo kala duwan. Kuwaas oo kala ah:
Guriga: oo ah dalkii soomaaliya, waxaana ka shaqeeya qawaaniintii soomaaliya
Iskuulka: oo ah dal sweden ah, waxaana ka sahqeeya qawaaniinta dalkan sweden
Dimoqraadiyad: Halkaas oo ah meel xor ah oo laga barto shuruuc kala duwan oo aan ahayn kuwa soomaaliya iyo kuwa sweden midkoodna. Halkaas waxaa jooga macalimiin badan oo ay ka mid yihiin saaxiibada iyo waxyaalo kale oo kala duwan.

– Waalidka, gaar ahaan hooyada ayaa loo baahan yahay iney aqoontooda kordhiyaan si ay ilmahooda uga kaalmeeyaan dhinacyo badan oo ay tacliintu ka mid tahay.
Macalin Asad waxaa uu aad iyo aad ugu celceliyey muhiimada ay tacliintu leedahay iyo weliba in arintaan ah falanqeynta iyo wax ka qabashada dhibta dhalinta haysata la siiyo wakhti balaaran. Wakhtigaan gaaban laguma lafaguri karo mawduucaan balaadhan ayuu Asad hadalkiisa kusoo koobay.

Midnimo! Midnimo!

Sidaas waxaa ku celceliyey Sayidiin A Dahir oo ah gudoomiyaha uururka midnimadoonka soomaaliyeed . Ummadda soomaaliyeed oo dhalinyardu qayb ka tahay waxaa loo baahan yahay iney midoobaan oo hal mid ah noqdaan, iskaashadaan, cududoodana isu geeyaan.
Haddii aan midnimo buuxda la helin waa adag tahay in waxqabad waxku ool ah la gaaro.
Sayid waa nin dhalinyaro ah oo weliba gabyaa ah, waxaana uu dareenkiisa ku cabiray gabaygaan.

mu27

(Sawirka dadweynaha,)

Kala daadsanaantani dadyahow wayna dilataye,dib xaalku see noqon dalkii waan kanimidoo dibunoqod ma,muuqdee see dibadkujoognaaa, dayar see uhananaa, daruustiyo tacliintiyo danta see ugusheenaa, diinteena malabka ah see ugudadaalnaa
dagaankaan kunoolnahay see door unoqonaa
wax inaan iskudiidnaa dabcan waa macquulee, danta guud ahaaneed see udaadahaynaa waa su,aal daweynee aaway dariswanaagii dhaqankii duxda lahaa

Doodii dhalinyarada iyo kaalintii culimada

Culimadii ka qaybqaatay dood cilmiyeedka ayaa iyaguna aragtidooda ka dhiibtey dhibaatooyinka horyaala dhalinyarada iyo weliba sidii loo xalin lahaa. Culimadu waxaa ay arinkan wajaheen iyagoo weliba kaashanaaya manhijka quraanka iyo sunnada.
DR.Sheekh Cali Maxamed Saalax ayaa sidii uu horeyba ugu sheegay muxaadaradiisii kowaaad ku celceliyeyd doorka waalidka iyo tarbiyada islaamiga ah.

Dr Cali waxaa uu sheegay iney adag tahay in qof geedi ah wax wanaagsan qorsheeyo, maadaama uu yahay qof sal kacsan oo sii guuraaya. Labaatan sano ayaan ku hayney waa guureynaa, mana guureyno ee intaan isdejiyo aan qorshe buuxa la nimaadno kol hadaan meeshii joogno. Ilmaha waa in la dhageystaa oo la wareystaa si loo ogaado waxyaalihi lagu soo shubay intii ay maqnaayeen. Waalidkana waxaa saaran waajibaad weyn oo ah in laga shubo ilmaha waxyaalihii horey loogu soo shubay ee aan loo baahneyn inuu maskaxda kusii hayo. Waxaa kaloo muhiim ah in ilmaha wakhti fiican la geliyaa ayuu yiri Dr sheekh Cali.
Waalidku si uu u fahmo waxyaalaha qaladka ama saxa ku ah diinta waa iney kordhiyaan aqoontooda aasaasiga ah ee xagga tarbiyada caruurta. Waxaa ceeb ah in ay maanta jiraan dad muslimiin ah oo aan xitaa aqoonin shuruudii salaada. Waalidku waa inuu bartaa mabaadi`da aasaasiga ah ee islaamka. Ilmahaaga oo aad jidka saxa ah ku hogaamisaa waxaa ay dhalineysaa haddii rabi kugu gacan qabto inaad ka digtoonaato dhibaatooyin badan, ayuu DR cali hadalkiisa kusoo xiray.

Sheekh C/raxmaan Abyad ayaa isagu mowduuca ka eegay dhinac kale. Shiikhu waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay suàal ku wajahneyd dadweynaha taas oo ahayd: Maxaa marka hore ilmaha loo dhalaa? Arinkaas waa muhiim in la isweydiiyaa.

Waxaa muhiim ah in lasoo saaro Ilmo saalix ah, waxii kale oo dhan waa iska dheeraad. Aasaaska ilmuhu waa diinta islaamka. Qof leh cilmi maadi ah oo ka fog diinta ma jiro wax uu ku taraayo. Marar badan waxaa dhacda in waalidku ilmaha saaro waajibaad dheeraad ah oo aad u culus oo aanu kasoo bixi karin. Waxaa ilmaha la faraa inuu kasoo baxo wax aan awoodiisa ahayn, taas oo dhalisa marar badan in ilmuhu naco tacliintii kana saaqido.
Awooda ilamaha oo kala duwan awgeed, suurta gal maaha in kuligood dhaqtar iyo injineer noqdaan. Ilmo kasta waa in si gaar ah loo eegaa lana qiyaasaa waxa uu ka bixi karo.
Tarbiyad islaami ah oo wanaagsan, waalid diinta waxka yaqaan, saaxiib wanaagsan ayaa ka mid ah waxyaalaha caawin kara in caruurtu hagaagaan. Ayuu yiri sheekh Abyad.

Halkaas waxaa inoogu dhamaaday maalintii kowaad ee Kulankii islaamka ee wakhtiga qaboobaha. Kulankaas oo sanad walba lagu qabto magaalada Stockholm.

mu1

La soco qaybta labaad, oo aan kusoo qaadan doono labadii maalmood ee kale iyo waxyaalihii la falanqeeyey iyo muxaadarooyinkii dhacay.

Mahadsanidin
C/risaq Maxamed Xuseen
Stockholm, Sweden
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Stockholm: Mutamarkii Islaamiga ee wakhtiga qaboobaha – Maxay Ku badbaadi karaan Ubadkeenu? "

  1. saalax cabdi says:

    Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Wa bacda, aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin bahda somalitalk,iney noo soo bandhigeen mutamarkii islaamiga ee Stockholm, waxaa kaloo mahadsan walaalaha masjidka Stockholm ee kasoo shaqeeyey, waxaa kaloo mahadsan walaalka wakhtiga geliyey ee qoraalka diyaariyey. Intaas ka dib, waxaan ka mid ahaa dadkii fursada u waayey iney goobjoog ahaadaan shirkaas inkastoo aan sidaas jeclaa.aad ayaan ugu farxay markii aan arkay warbixintii shirka oo lasoo daabacay, waxaa ay iila mid noqotay inaan shirkii tegey oo kale. waalayaal markale waad mahadsan tihiin. waxaan hubaa in dad badan ka faaiideysan doono kolka ay akhriyaan. walaalaha howshaan kasoo shaqeeyey ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo ee halkaas inooga wada.
    saalax cabdi
    Sweden