Home » Gabay, Maqaallo »

SOOMAALIYEY KACA: Maansadii – Abdullahi Spanish

SOOMAALIYEY KACA
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Ubdkaa koraayiyo
U halgama karaamada
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Waa kuurgal nacabkiye
Yuu mudan kabaalada
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Kebeddiyo karbaashkiyo
Kooraha ka dhiidhiya
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Ciyi kolay ku soo dhaxay   
Kawlkiina yuu noqon
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Keenada cadaawaha
Kurka yeelmo haw ridan
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Kuukiyaan dhalaaliyo
Yaan kimis laguu qubin
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Waxa gacal kadeed qaba
Kuligiin ka dhiidhiya
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Karintii cidhiidhyoon
Kaynaan ku wada mara
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Rabbibaa kariimee
Kaalmaysta abidkiin
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Nin la soo kiraystiyo
Cadow ruux kal kaaliyo
Keligii danaystuhu
Kafantiina yuu tolin
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Kabaqaad shisheeyiyo
Kuman lagu shaqaystiyo
Karinliyo afmiinshaar
Kadinkiina yuu iman
 
Soomaaliyey kaca
Kaca oo iskaashada
Carra-edeg korkeediyo
Kooskiyo aduunyada
Keli inaad ku joogtaan
Kasha geliya weligiin
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Sida geel kareeboo
Kaabiga dhasha u yimi
Kaymaha libaaxa leh
Kalgacayl israadsada
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Cudur lala kadeedmiyo
Kubka iyo laf dheeroo
Kabay lagala quustiyo
Qolo qolo kud weeyee
Dhasha yay u kayd noqon
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Wixii geesi kaamila
Karmihii taleex iyo
Ceel buur korkiisiyo
Kismaayiyo afmadow iyo
Kayntii shabeeliyo
Kobta sarinley iyo luuq
Butiyaalo lagu kaday
Kurtin duugmey yay noqon
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Gurey kaalintiisyo
Sayid kooruhuu raray
Kumanki darwiish iyo
Kiilkii barsame iyo
Kufri caabigiisii
Keli baan ku gudanee
Iminkana kar weeyee
Kartidiina aamina
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Kaska iyo aqoontii
Wax kawaank loo sudhay
Ama loo kambalayaa 
Kuman loo carbinayaa
Ardaydii koraysiyo
Nin karmeedka loo dili
Konton Shaamow loo dhigay
Abid yaanay soo kaban
 
Soomaaliyey kaca 
Kaca oo iskaashada
Dad qabyaalad kaaba
Korka qoys ka haystaa
Reer hebel kaskood yahay
Keligood is-cunayaa
Kaar iyo xanuun iyo
Kaddar kama dhamaadee
Mar uun kab iyo xaabkeed
Korka geeya oo dhiga
 
 Dr. Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
indhagube@yahoo.es

YAA GABLAMI, YAASE GOOD DILI?

Raabeh

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SOOMAALIYEY KACA: Maansadii – Abdullahi Spanish "

  1. AbuGalo-Eri says:

    Asc.
    Abwaan C/hi aad ayaan ugu bogay maansadaada qiimahaiyo aragti dheerida xambaarsan. haka daalin mar uunbaa cid wax ku qaadata la arki doonaaye.