Home » Warar »

Maareeyaha Guud ee Hay’adda HADMA oo ka warbixiyey hawlaha Hay,adda

Maareeyaha Guud ee Hay,adda Biniaadamnimadda & Maareynta Waxyeeladda Masiibooyinka ayaa waxa uu maanta ka warbixiyey hawlaha hay,adda iyo qaabka ay iminka u shaqeyso isagoona xusey in hay,adda haatan ay shaqadeedu tahay mid si wanaagsan u shaqeysa wallow uu sheegay in ay hay,addu tahay hay,ad u shaqeysa sida wasaaradda Dawladda oo kale taasi oo uu ku sheegay in hay,addani tahay mid Dawladda hoostagta oo aysan ahayn mid ka madax banaan.

Maareeyaha Guud ee Hay,adda HADMA Mudane C\laahi C\raxmaan Axmed (Ceyrow) ayaa waxa uu sheegay in Hay,addani la aasaasay 1 March 2005 iyadoona haatan u shaqeynaysa muddo 5 sano ah isagoona xusey in hay,addani ahmiyada loo aasaasay ahayd ka gadaal markii ay masiibooyin isdabajoog ah oo 3b jeer ah ay ka dhaceen gudaha deegaanadda Puntland islamarkaasna lagu dhawaaqay .

C\laahi C\raxmaan Axmed (Ceyrow) Maareeyaha Hay,adda HADMA waxaa kaloo uu xusey in hay,addani tahay hay,adda ay dhistay dawladda islamarkaasna u shaqeysa umadda reer Puntland isagoona tibaaxay in hay,adda wax badan wax ka qabato sida abaaraha marka ay ka dhacaan deegaanadda puntland isagoona carabka ku dhuftay in ay bishiiba kormeer hay,addu ku sameyso meelaha loo maleynayo in ay ka dhici karaan masiibooyinka.

y1

Ugu danbeyntii C\laahi C\raxmaan Axmed (Ceyrow) Maareeyaha Hay,adda HADMA waxaa kaloo uu ka tibaaxay in hay,adda haatan tahay mid si wanaagsan wax ugaba qabata deegaanada Puntland wallow uu xusey Maareeyaha in aysan waxyaabo badan u hagaagin taasi oo uu ku sifeeyey gaadiid la’aan baahsan oo haysata mar aanu wax ka weeydiinay Maareeyaha sababta keentay in hay’addu gaadiid laaan noqoto ayaa waxa uu xusey in dawladda aysan dabooli Karin baahi kasta isagoona carabka ku dhuftay in dawladda iminka ay awoodeeda isagu geysay wax ka qabashadda dhinaca amniga.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.