Home » Warar, Waraysi »

Cali Maxamed Geeddi Wasiiradiisii mid kamida oo ugu baaqay in Hantidii ummmadda Soomaaliyeed uu ka dhacay uu u soo celiyo ee uusan kursi uga raadsan: Dr C/casiis

Dr. Cabdicasiis Sheikh Yuusuf oo ahaa wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumaddii Cali Geeddi oo u soo jeediyey Ra’iisul wasaarahiisii xilligaas iyo kuxigeenkiisii in ay dib u soo celiyaan lacagtii qaranka ee ay qaateen…
 
 Dr. Cabdicasiis oo Cambaarayn ugu soo jeediyey dawladda Shariif in ay weli ku dhegan yihiin heshiiskii is afgarad kaddib markii barlamaanku diidey….

Halkan ka dhegeyso/Akhri

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Cali Maxamed Geeddi Wasiiradiisii mid kamida oo ugu baaqay in Hantidii ummmadda Soomaaliyeed uu ka dhacay uu u soo celiyo ee uusan kursi uga raadsan: Dr C/casiis "

  1. Cali Maxamed Gedi waa dambiile weyn, waxaana ku maqan umadda Soomaaliyeed lacagteedii, maalin uun waa lala xisaabtami doonaa, Soomaaliduna way ka bixi doontaa balaayadaan mar uun. Waxaa taas kasii daran nimanka VOA jooga oo maalin kasta noo wareysanaaya Cali Maxamed Geedi iyo gaangiistarada Soomaaliya kuwaasoo aan laheyn qiime idaacad looga wareysto, kaaga darantee han siyaasadeed ayey ka leeyihin dalkii ay hantidiisii boobee, waa arin ku ah weji gabax bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto.

    Soomaaliyey kala barta Halyeyga iyo Tuuga, kala barta Wadaninga iyo Qayaanoolaha, Kala barta heshiis beenaad galayaasha danaha gaarka ah wata sida Sh. Sharif, Ibi, Sharmarke, Sakin, Nur Cadde, kalabarta xildhibaanada aan shaqsiyada leheyn sida Cato, Qanyare, Jiniboqor, Soomaaliyey baro oo ku baro 20 sano oo lagugu barbarty, ay balaayadaasi kugu barbaratay.
    Mahadsanidiin

  2. Aweis yare says:

    Dr.Abadiaziz,wasiir ayuu ahaa, waa sax lkn waxaa ayaan darro ah in uu maanta lacagtii uu qeybtiisa ka qaatay qalinkiisana ku saxiixay ku dacaayadeeyo Cali Max’ed Gedi,asagoo kaga faa’iideysanayo kuna soo beegayo dacwadaan dowladda ka gudbisay ee la sheegayo.

    Abdiaziiz,wadani ku noqon maayo 3-sano kadib markii ay ka dhamaatay kistii uu ka qaatay lacagtaas in uu dacaayad la soo fadhiisto asagoo waliba saxiixiisi ku tilmaamay forgery.

    Soomaaliyeey, golihiii wasiirada ee xilligaas inta badan waxay ahaayeen rag maafiyo ah Cali geedi rag dhanka tuuganimada kaga khabiirsan ayaa ku jiray Golaha wasiirada ee xiligaas, marka sidee bey suurta gal ku noqonaysaa Wasiiradii Maafiyada ahaa, ayaa GEEDI dushooda ku qaatay 32 million, aseey ka aamuseen dhamaantood oo waliba dhaheen allaha kuu daweeyo.

    Abdiaziz, umadda somaaliyeed been ha u sheegin, iscasilaadaadii aad ku weysay wasiirnimadaadina wali haka xanaaqsanaan ee ilaahay ka cabso ee runta sheeg, lacagtiina wixii Abdiaziiz ahaan aad ka qaadatay iska soo celi,ileen adigaba xalaal kuuma ahane.

  3. ahmed Hagi says:

    Bismilaahi, wasalaatu calaa nabiyilaahi Muxamed. wa bacdu.
    Walaalayaal waa mahadsanyahay cabdicasiis.
    Balse maxuu waaguu qaladkaas dhacaayay uu ogyahay u aamusnaa oo maanta ka hadalsiiyay>>
    Maxaa cali Geedi maaanta Ay dawladdu ula shiraysaa oo laga baryayaa?
    Maxaa dawladdda inta la yiraahdo khilaaf u dhexeeya shaqsi iyo dawlad hadana Beeshiisa Abgaal kaliya u dhexdhexaadinaysaaa???WAAn garan karaa labada lagu barxay sheekada ee khaadumiinta ah.

    waxaa ceeb ah in aan Shariifyada ku tilmaano dawlad. Waayo hadayba awood u yeeshen in ay cali Geedi dacwad ku furaan saw ugama haboonayn inay dacwad la xisaabtan oo hantidaas ummadda laga soo celiyo lagu furo intii sheekada warsangeli iyo agoonyar iska soo horjeedo oo xoolihii umaddan siduu loo dhici lahaa ku heshiin la ay ugu muuqanlahayd?
    Mase labada shariif ayaa ka baqaaayo hadday taabtaan arrintaas inay ayagan ku xigsanayaaa ilayn cali waa 32 Malyan balse labada shariif Cimaaradaha Qaahira, Nairobi, malysia , iyo shirkad saqaajanka xawaaldaha BAKAAL in looga daba tagay ka baqayaan.

    cabdulaahi Yusuf Maxkamd buu u diyaarshay in lasoo taago Cali Geedi oo xitaa Documetigii lagusoo dacwayn lahaa baa Xeerilaalinta ku diyaarsanaa laakiin nmasiib daro ma noqon oo waa is casilay markuu baryootamay in laga qabto.

    shacabkaan yaan la wareerin oo marba meel loo jeedine u caddeya inaysan dawlad meesha jirin hadda oo salaamulaahi cal Xujaaj aan joogno.

  4. garka says:

    Cali Maxamed geedi waxaan hubaa in uu ka daacadsanyahay xaga wadaniyada Nuur cade waxaana laga garan karaa xiligii uu mid walba uu ahaa RW Somaliya Taariikhda ayaana qori doonta wax yaabaha qarsoon ee soo bixi doona mudo aan fogayn insha alah

  5. C/ladiif Hadhiye says:

    Waa arin laga yaxyaxo Geedi hadii falkaasi ku cadaado, ilaa inta la kala cadaynaayona waa in aan loo dhiibin jaga dawladeed oo danbe.

    Cala Kuli xaal Suuqa madaxda Africa noociisa ayuu u badan yahay Somaaliyaana kama marna. Hadaba ha lagu dedaalo sidii loo dooran lahaa madax diintooda iyo magacooda ilaashanaya ilaah iyo maalinta akhirona suaasheeda ka cabsanaaya.

  6. Maxamad Bashiir Jaamac says:

    Badda iyo beriga soomaaliya waa hanti qaran oo ummad dhan ka dhexeeysa, cid walba oo ku tarkifashaana waxay xalaalaysatay xoolo shacab masaakiin ah. Haddii ay qaar moodayaan in ay maanta iyo adduunyada ku raaxaysanayaan shilin yar awgiis ka ogaadaan inuu jiro alle aan agtiisa laga dhuuman karin oo qof waliba soo hor istaagaayo lana weydiiinaayo , waxa uu soo qabtay ,camalkiisii iyo cimrigiisii waxa uu ku falay . waana xisaab adag oo aan nin waliba ka bixi karin. Ee waxaan leeyahay ilaahay halaga cabsoodo.

  7. Eng Cali says:

    Dr C/casiis waa halyay geesi ah, waa yar yahay qof sidaad u fayow dadka. Waxaana loo baahan yahay in Cali maxamed geedi iyo dadka kalaba laga soo celiyo waxay qaateen oo wali muuqda sida Qalcadda uu nayrobi kaga gatay xoolihii ummada. waana in aan mansab kale oo dad-wayne lagu aaminin nin dhibaatadaas o kale ummada u gaystay.

  8. aniga fikradeya waxaa ay tahay inta hanida muda somaliyed ay dhaceyn cabdulahi yusuf iyo maxamed geedi inta waxan jecelahay labada nin in lakeena maxkamada hagai