Home » AmiinYuusuf »

Puntland: Dulmi Diidow Dulmi Doon ha noqon | Amiin Yuusuf

Your browser may not support display of this image.  

Markii la riday Dowladdii Max’ed Siyaad Barre, waxaa Jabhaddii xukunka ka riday Max’ed Siyaad Bilaabeen xiligaasi in ay qabiil qabiil u dagaalamaan taasina waxay keentay in dad aan waxba galabsan la laayo, “Waxaan arkay isaga oo taar ku hadlaya ee waa in la dilaa”, “Waxaan arkay isaga oo madfac hogaaminaya ee ha la dilo”, “Waxaan arkay isaga oo la shiraya kooxo faqash ah sidaasna ha lagu dilo”, waxaa oo dhan waxaa loo sameynayaa sidii loo baneysan lahaa dhiigiisa iyo hantidiisa, cid yac ka tiri ma jirto, dad yar mooyee.

      Dulmigaas ayaa waxa uu sababay in ay degi weyso xaaladdii koonfurta Soomaaliya, waxaa laysku qabsaday beelo beelo, waxaa iigu yaab badnaa guri ay degaanaayeen dad rayid ah oo ay isku hayb ahaayeen Max’ed Siyaad in ay u soo dhaceen kooxo dabley ah kadibna ay halkaasi ku dileen Odeygii iyo Labo carruur ah oo uu dhalay, isla markaana gurigiina markiiba la fiiqday iyadoo loogu soo  Gambanaya arrimo qabiil, hase yeeshee dadkii ku soo baxay arrintaasi ayaa u qaybsamay labo qaybood, kuwo yiri “Arrintaani waa dulmi, dib ayuuna xaqiisu ka dilaaci doonaa”, iyo kuwo yiri “Raggu way saxsanaayeen”, Runtii aad ayaan uga murugooday, hase yeeshee in yar kadib Gurigii aan dageneyn ayaa nalagu soo weeraray, waxaana naloogu Marmarsiyoonayey arrimo Qabiil, wax yar kadib waxaa gurigii aan deganeyn loogu dhaqaaqay fiiqasho, waana ka cararnay, waxaana noo sii muuqaneysay Gurigii horey loo fiiqday ee Deriskeena ahaa iyo Gurigeenii oo isku ekaaday. Nin odey ah ayaa nagu yiri “Wallee Nabsigu soo deg degi ogaa”, waxaana iri “Adeer waxaan inooga darneyd in naloo keydiyo dulmiga aan horey u fiirsanay”, Odeygii ayaa ii daba dhigay “Haddii aan lays dabaqan oo aan Alle loo laaban xaalku waa sii xumaan doonaa”. 

      Dulmigii barigaa bilowday weli Muqdisho waa uu ka jiraa, waxay arrintu noqotay ka Daroo Dibi Dhal, waxaa la baneeyey xaafado badan, dadkii xaafaddahaasi ka qaxay una qaxay goobo kale si wanaagsan looma soo dhaweeyn oo waxaa lagu qaaliyeeyey wax kasta, iyadoo Alle (SW) yiri “Haddii aad isku Naxariisataan anna waan idiin Naxariisanayaa”, balse dadku ma qaadan hadalka Alle, waxaana dhacday in maanta dadka qaarkii ku baryootamayaan in ay lacag bixinayaan si loogu waardiyeeyo guryahooda oo ay ka carrareen iyadoo ay soo martay xili dad badan oo ku soo qaxay lagu qaaliyeeyey guryaha maanta lagu baryootamayo ilaalintooda, bal u fiirsato awoodda alle iyo sida uu caadil u yahay, meelihii 90-meeyaddii laga qaxay ayaa hadda dib loogu barakacay oo waxaa dayactir lagu sameeyey guryihii horey loo fiiqday, waxaa xusid mudan oo meesha ku jirta in dadkaan barakacay ee dib u dayactirtay guriyihii horey loo fiiqday ay mar kale la kulmi karaan dhibaato tii hore ka xanuun badan haddii aysan waayo aragnimo ka dhaxlin wixii horey u dhacay ee ka dhashay dulmigii ay horey u faleen ama ay isaga raali noqdeen. 

      Akhriste, Soomaalidu waxay tiraahdaa  “Mayd maxaa u dambeeyey?”, waxayna ku jawaabaan “Midkaa la sii sido”, anaga oo aan waqti isaga lumen in aan ka sheekeynayo wax mar horey dhacay, waxaa tusaale kuugu filan markii ciidamada Itoobiya Muqdisho soo galeen waxaa dagaaladdii ugu ba’naa ka dhaceen dhulka ku teedsan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha, waxaana dadkii halkaasi deganaa loo gaysatay xasuuq aad u daran taas oo sababtay in intii hartay isaga barakacayaan dhulkaasi oo noqday mid faaruq ah, iyadoo taasi jirto waxaa isha ka daawanaayeey dhibka dadkaasi ku dhacay Magaalada dhinaceeda kale. Nin odey ah oo qaxaya ayaa waxa uu yiri “20 sano ayaan deganaa xaafadda maanta aan ka barakacayo, waana garanayaa in maanta layga jaasinayo dulmi aan horey wax uga fiirsaday, marka waxaan kula dardaarmayaa dadka Soomaaliyeed ee maanta fiirsanaya dhibka lagu hayo qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho in ay u kacaan sidii loo suulin lahaa dulmigaas oo haddaad maanta ka aamusto beri adiga ku dul taalaa, arrintuna yeysan noqon, ninba tookadii”. Sidii uu odeygu ka dhawaajiyey waxaa soo baxday in markay Muqdisho isaga baxeen Ciidamadii Itoobiya uu dagaalkii Muqdisho ka socday u wareegay dhan kale isla markaana ay barakaceen qaybtii kale ee Magaalada Muqdisho, waxaana la isku arkay goobihii horey loogu barakacay, balse dad badan ayaa wax fahmay oo hadda hoosta ka wada xariiqday in dulmigii la isku eegtay ay dhibaatadaani ka dhalatay. 

     amiin Dulucda Maqaalka haddii aan u soo laabto, bar fiiriya waxa ka dhacaya Maamulka Puntland, waxay sheegtaan in ay ka banaanbaxeen dulmi lagu sameeyey, hase yeeshee waxay sameenayaan dulmi kale, waayo dad aan waxba galabsan oo mudo ku noolaa Gobolada Puntland ayaa Maydadkooda la soo dhigay banaanada, waxaana la baneystay dhiigooda iyo hantidooda, waayaabee sow arrintu uma eka (Dulmi Diidow Dulmi Doon ha noqon), xaqiiqda marka laga hadlo dad aan u dhalan deegaan way adag tahay in ay halkaasi ka sameeyaan falal noocaa oo kale ah, Maamulka Puntland waxa uu wax ka qaban waayey dadka tahriibka ah ee maalin walba lagu laynayo Badaha dhexdooda, waxaadna arkeysaa rag Boqolaal qofood Badda ku daadiyey oo iska dhex Mushaaxaya deegaanada Puntland, sidoo kale waxay wax ka qaban waayeen falalka Burcad Badeeda, waxaana deegaanadooda maalin walba lala soo hoos galaa Markiib la soo qafaashay, waxa uuna maamulka Puntland sheegaa in aysan waxba ka qaban Karin falalkaasi, sidaasi darteed haddii Puntland indhaha ka daawatay falalka ay Burcadda badda gaystaan iyo waliba xasuuqa loo gaysto dadka tahriibka ah ee Badda lagu daadiyo, waxay dadka badankiisu qabaan in falalka cusub ee la xiriira Qaraxyada iyo Dilalka ay ku lug leeyihiin isla dadka ka soo jeeda deegaanada Puntland,Waayo maalin cadd ayey  sameeyeen  falal aan qarsoodi lahayn Maalmulkana tabar u waayey,  Balse la inkirayo middaa oo afka lagu godayo Masaakiinta qaxa ah ee ka soo hayaamay Gobolada Bay iyo Bakool, waxaa middaan sii xoojinaya oo daliil looga dhigi karaa in mas’uuliyiinta magaca leh ee Puntland aysan raaligelin rasmi ah ka bixin falkaasi lagula kacay dadka Bay iyo Bakool balse taa bedelkeeda yiraahdeen “Waxaa falkaasi ka dambeeyey dad wax ma garato ah” Qaarkood afka ayey ku balaariyeen in falalka ka socda Puntland ay  ka dambeeyaan  dad ka yimid Bay iyo Bakool .

      Isku soo wada duuboo dulmiga cusub ee Puntland ka unkamaya haddii aysan waxgaradka Puntland ka  hortagin waxay keeni kartaa natiijo aan la mahdin, Nabiga (SWC) ayaa yiri “Walaalkaa labo jeer u hiili, marka laga gardaran yahay iyo marka uu gardaran yahay”, Asxaabta ayaa weydiiyey Nabiga (SWC)“Nabi Allow marka laga gardaran yahay waa la gartay, balse sidee marka uu gardaran yahay loogu hiiliyaa?”, Nabiga (SWC) ayaa yiri “Marka uu gardaran yahay u hiili oo qabo si uusan dhib u gaysan  una nasteexay oo waani waxna u sheeg”, sidaasi darteed iyada oo laga faa’iideysanayo xadiiska Nabiga ka sugnaaday waxaa Puntland la gudboon in ay gacanta qabtaan kuwa wax ma garadka ay ku tilmaameen ee dulmiga gaysanaya, maadaama Puntland had iyo jeer tilmaanto inaysan dooneyn in ay dulmi gaysato sidaasi darteed Puntland waxaan leeyahay (Dulmi Diidow Dulmi Doon Ha noqon)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Puntland: Dulmi Diidow Dulmi Doon ha noqon | Amiin Yuusuf "

  1. Gacal says:

    Ku runsheeg ==>Walaal nin buka tahay oo dilootay Caadifad jufo aflagadada waa dhaqan xumo maahmaahdii dhabta ah waa run sheeg waa Howgsheeg marka runta waa mid kulul dhibaatada dalka ka jirto uga wacan.Walaal amiin xaqiiqada ka hadlee wax xumaan ma oran ee adiga ku dilootay dhaqanka xun caayda bal naftaada hagaaji oo wax wanaag sheeg ama iska aamus Nabigeena csw ayaa xadiis ku yiri caayda waa dambi weyn ee Itiqilaaah aqi

  2. Gacal says:

    Salaan sare Amiin Yusuf Qasaro aad baa uga helaa Qoraalada aad qorto runti waxaa tahay Nin aad u xikmad badan oo arimaha soomaliya aad u gorfeeyo, Runtii Qoraalada ma sugi karto inta badan dib ayaa u aqristaa kuwii hore waxaa bilaabay qoraalada aad qorto somalitalk 5 sano ka hore. Amiin waxaa ku leeyahay arimaha ka hadasho waa mid u baahan shacabka soomaaliyeed Dadaalkaaaga hore u sii wad bro
    thanks all

  3. runti amiinow waxaad sheegtay hadii la qaadanayo wax badan ayaa hagaagayo sidaan aaminsanahay, hase ahaatee waxaa daran in qoraalkaaga si kale loo fasirto, koley hadii ay Puntalnd raali ka noqoto Dulmigaas, maka soo rayn doonto meesh ay hadda Muqdisho taagan tahay, Koley ilaah qeyr hakaa siiyo qoraalkaaga,, runtii micno wayn ayuu ku fadhiyaa maqaalkan, ilaah ha u kaso reer Puntalnd inay qaataan Fikradaad

  4. Ganeey says:

    Amiin, waa mahadsantahay, balse dulmi xagee buu ka bilowday, xageesu ku korey ? dabcan waa dhinac martay ayaa fillayaa dulmi & ducufo , waxuu ka bilaawday puntland marka aan ka hadalno waxii aan sow arragnay,
    bal xasuuso markii maamulka puntland yiraahdeed dadka tahriibayaasha ah, waa in badda lugu daadiyaa,sidaasna ay sameeyaan, iyagoo oranaya waa in la yaree dadka reer koofurta soomaaliya dega imisa qof oo soomaaliyeed ayaa baddaas boosaaso ku dhumatay , ? yaasa loo heystaa dadkaasi barri kama maalin, dulmiga ka weynse xagee buu ka dhacay , taariikhda soomaaliya inta aad ogsoontahay, waxa sheegtay qof qabiil loo dillay, oo aad reer muqdisho ayaa sameeya kumanaankun ee reer muqdisho ee badda lugu daadiyay maxaad wax ugu qori waysay ?????????
    ka gudub, tigreegii marka uu ku sow duulay koofurta soomaaliya, gaar ahaan magaaladda muqdisho dadka horkacaya ee u jaajusaya ama basaasayay waxa ay ahaayeen dad reer puntland ah, iyogow waliba laaluush ku siinayay saraakiisha itoobiyaanka in degmooyin ka mid ah magaaladda muqdisho madfac lugu laaya dadka degan , dulmigaas , maxaad wax ugu qori waysay amiin ? waad xasuusataa ayaa filayaa, kaba qaadyadii tigreega dalka ku sow hogaamiya in ay ahaayeen reer punland isla markaana ku xasuuqay shacab badan, taasi dulmi kuma ahayn miyaa ? cid sidaas u dhaqanta miyaa lugu arkay soomaaliye cadow – dalka u sow horkacday shiikh & caama & siyaasi waa maya, teeda kale dadka hadda puntland laga sow barakicinaya aniga uma arka wax sidaa u sii weyn sababtoow ah dad koofurta soomaaliya ka yimid halkaasi ku nool oo badan ayaawa jirin,

  5. Runsheeg says:

    Amiin walaal Dulmigii aad qoriga iyo masaarta aad ku sameysay ayaad hada qalin u badalatey. Dadka rer Puntland cidna wax mayeelin, aargosina ma sameen, Galkacyo ayaa meed Konfur Galkacyo lagu diley la soo dhigay. Bosaso mudaharadkii ka dhacay, waxaa bilaabey rer Baydhabo rer Bosaso na waa ku darsameen, wax dhacay waxaa si kale u fasirey noocaga afka dayniile ku hadlaya. Ogoow dicaayadu waa ka xun tahay dilka.

  6. Degan says:

    Asc. Wa sax aad ayana kugu racsanahay walaalken Aamin. Qoralkaga murtida iyo xikmada leh. Puntland hadeysan iska qaban dulmiga raalina ka noqoto xaqdarrada jirta kama sokeyneyso meesha ay Muqdisho taalo, waa ninkii khayrkiis loo xiireyoow adna soo qoyso. Waxan kaso qaxey Muqdisho bishi ugu horeysey e dagallada sokeye ka bilowden, waxana imid magalda barawe o an kuso qaxney, anago ku fekereyney maalmo kadib inaan laabandoono, lakinse tasi waliged ma dhicin. Bal Barawihi baban ku baxsanweyney ilaa ay noqoto inaan isagaba so tagno dalki oon dhul shisheye imaano. Muqdsho waxey la ololeyso qofkasto caqli leh wa fahmi kara, Puntlanda hadeysan dulmiga qaban maalinteeda la gaari doona. Soomali waxa ku wajib ah iney tobad kenaan dhamantod rabina unoqdan Allah dhibkan hanaga dulqado madax daacad ahna hano soo saaro oo dhigena baadbadisa Aamiin. Markale ayan umahad celina walalken A Yusuf waxana leyahay inta dadnimada, damiirka, daacadnimada iyo caqliga u saaxiibka ah yesan ka daalin waanadooda.