Home » Warar »

Calanka iyo Astaanta DGPL ee ay gudbiyeen qaar kamida shacabku

Calanka iyo Astaanta Dawlad Goboleedka Puntland ee ay soo gudbisay
Murwo: asli ahmed mohamoud (asli qodax) oo ah u qareeme bulshada rayidka ah dhinacyada nabada iyo xuquuqda aadanaha. ( date: 15/12/2009)
tell: 794007
Email:
qodax38@yahoo.com or qodax38@gmail.com

Faah-faahinta midabyada calanka iyo sababtaan u doortay

asli

1.       Qaybta buluuga ha waxay muujinaysaa ka mid ahaanshaha somali weyn iyo in aanan ka go’in kana go’i doonin.

2.       Qaybta cadaanka ah iyo dhiisha dhextaal waxay u tagaagantahay ama aan tilmaan uga dhigay ( nabad iyo caano) oo aan ku qeexayo in ay puntland ay caan ku tahay xoolaha nool iyo nabad waayo in aan soo qaato xoolaha noocyadooda ka la duwan waxaan ka doorbiday dhiilsha oo cadaynaysa productionkooda.

3.       Midabka cagaarka ah waxaan ku cadaynayaa in puntland horumar tiigsanayso ayna doonayso isbedel uu hormuud u yahay hogaanka dalku ayna u horseedi doonto dhamaan soomaliya inteeda kale barwaaqo lugu naaloodo waa sidii horay looga bartaye.

Astaanta

calan2

Ø       Taajku waa muujin midnimada shanta soomaaliyeed

Ø       Farduhu waa astaanta puntlaand ee gamaanka

Ø       Calanka waxaa hoos yaalah caleenta cawda oo ataan u ah dhaqanka puntland.

Mahadsanidiin

 Calanka iyo astaanta puntland oo uu soo gudbiyey
Ismaaciil mahamed abdi (haraash) oo ah filim qaade
Tell: 721700, eamail dhoolbari@hotmail.com

calan3

Ø       Buuluuga; midnimada soomaliyeed oo muqadaska ah iyo u qeexid dadka in puntland dhawrayso midnimada soomaaliyeed.

Ø       Cadaanka uu taagane  nabada, geedka waa geedka maydiga oo uu ka soo jeedo magaca puntland oo macnaheedu yahay dhulkii ugudga sida la ogyahayna ay bixiyeen masaaridii xiriirka ganacsi la lahayd degaamada puntland.

Ø       Cagaarkuna waa barwaaqada ilaah ku manaystay degaamada puntland waa u ga mahad celinaynaa alihii waafajiyey  hogaamiye yaasha in la dhiso puntland xili ku haboon.

Astaanta

calan4

Ø       Taajku waa shanta soomaliya

Ø       Calanku waa kii aan kor ku soo xusnay midabadiisa

Ø       Aragoostada waa astaan ka mid ha khayraadka bada ee ilaah inaku manaystay

Heestii waa soo wadanaa
wabilaahi tawfiiq 

Calanka iyo astaanta puntland oo uu soo gudbiyey
Asad Cbdi Mahamed
tell: 728388 , email
amiin666@hotmail.com

asad1

Ø       Buluuga waa ku waarida midnima somaaliyeed oo ay asaaskiidii xubno ka ahaayeen dad ka soo jeeday degaamada puntland. welina ay reer puntland u taagan yihiin sii jirida soomali wayn ayna ka go’in dooni hadii rabi idmo .

Ø       Cadaanku waa nabad buurtuna waa silsilada golis ranges oo degaamada puntland qayb ka yihiin meelaha ay ku dhereran tahay.

Ø       Cagaarku waa barwaaqada reer puntlan ilaah uu ku basharay 

 Astaanta

calan5

Ø       Dabqaadku wuxuu huwanyahay midabada calanka oo ah buluug,cadaan iyo cagaar waxaana uu u taaganyahay muujinta geedka uduga ee maydiga isticmaalkiisa.

Ø       Labada libaax badeed waxay muujinayaan khayraadka bada puntland ee aadka u dheer. 

mahadsanidiin

 calan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

27 Jawaabood " Calanka iyo Astaanta DGPL ee ay gudbiyeen qaar kamida shacabku "

  1. waa salaman tihiin dhamaan meel walba oo aad joogtaa
    waa taas manta dhalaay
    hadee haloo duceeyo
    maxamud saciid cisman

  2. Faisal says:

    Wallahay waxaan u arka wax lagu qoslo!!!

  3. aaad ayaan ugu hambalynaya waana mid la rabey in la helo waxa aynu muda badan bahi uqabney waa calankaa

  4. ubax cadood says:

    fikirkaygu waxa uu yahaay in aan la badalin calanka cawaale soomaali ayuu ka dhaxeeyay,iyagaana ka tagtay, oo uu ka waayay daganaansho marka reer puntlad xaq ayuu kulee yahay calanku madaama ay figradu ka timid markii horeba, calanka soomaalidu sharfi weyday ee ay dullaysay puntland ha qaadato intii ay midkale oo cusub samaysan lahayd.

  5. Cabdi says:

    Miro gunta ku jira kuwo geed saaran looma daadiyo.
    Haddii somaliland ay horkacday siibista calanka soomaaliyeed iyo beddelkiisiiba,shabaabka iyo xisbul islaamna ay diyaar u yihiin in ay beddelaan nashiidana diyaar u tahay, Puntlanda ay hadda bedelayso heesina diyaar u tahay, waa yaabe ma dawladda shariif ee ugaandhaysku villa somaliya ku ilaalinayso, ayuu maanta calankii ku soo haray, waa yaabe maxaa miro gunta inoogu jira kuwa geed saaran ugu beddelaynaa? yaanu hadhoow ku eedeyn doonaa qaranimada la waayey?. Qarannimo la aqoonsanyahay maanta haddii aynu gacmaheena ku dumino, yeeynu berito ka sugaynaa baryada midcusub in ay nagu kaalmeeyaan? ugu yaraan maynu iska sugno inta somaali land la aqoon sanyo, ayagaan kolay xididnimo noqoto iyo si kaleba wax uga helihayn oo aan passaborkooda xajka iyo cumraba ku aadi lahayne, halka badiilku inoo noqon lahaa itiopia iyo kenya, amaba tan hadda ugaandhaysku ilaalinayaan iska jaf jafano. iyadana waxaaba aan ka baqayaa marka inta kale la suuxiyo iyo shir danbe la isugu yeeri waayo marka waqtigu ka dhamaado, ileen beryahanba inagu madaxweynaha waa la inoo sameeynayey, sida shinada boqoradda loogu sameeyo, marka haddii la inoo aamuso waxaan si outomatic ah u noqonaynaa kililka 6xaad iyada oo cid nakhasabtay aanay jirin. Gebo-gebo shabaaboow joojiya calanka madoow inta muslim xoogan oo uu ka dulbado la helayo, puntlanad joojiya calanka cusub inta kan hadda jira meel lahubo lagu hubsanayo, Somali land eey dib uu fiiriya xaalkiina.

    wsc wr wb Puntlad.

  6. Sheikh Zubeer says:

    ASC Walaalayaal Runta in la-ogaado waaye. Koonfuta Somalia waxay qaadanaysaa inta Afganistaan dagaal kasocday 50 sano. Aniga reer puntland ma-ihi. Laakiin walaa laheen 20 sano ayey nasugaayeen marka ma-doonaayaan 30sano ookale Hatashteen markii koonfurta dawlad kala dambeenleh dhalato. puntland dadkeeda marwalba waxay kataliyaan somali-nimo marka siyaasada laga reebo waxaan kawadaa qofka mar mar waa inaad u ogolaataa waxay ku fiican yihiin. Horumarka Puntland waa horumarka Somaliyoo dhan. Iska iloow puntand dantaada iyo gobolkaaga mashquul kunoqo fiiri caruurta dumarka waxbarasho laanta caafimaad la-aanta. Maxaad ugu mashquulsantahay Puntland oo aad ayagoo kale unoqon wayday. Kuwa reer puntland ah oo diidan horumarka puntland oo maalinkasata taageera cadawga inay puntland noqoto meel-bahal galeen ah sida koonfurta oo kale. waxaan idin leeyahay. Iskool aada oo waxbarta intaasoo sano baad wax horumar ah naftiina usameenin familigiinana iyo caruurtiina iidin usameenin. Naceeb iyo maseer niga buuxa iyo cadawga oo idinku shaqeeysta. Gadaal fiiriya dhibtaad soo marteen dadkii kudhintay dagaalada sokeeye aaway hebel iyo hebel. Taageer Horumarkasta oo somalia kadhaca Puntland Somali land. iy meelkasta. Hal-qof oo somali haduu guuleesta kun ayaa guleeysanaysa Somalidu waa wada dhalatay way isku xirxiran yihiin. Forget the past at the end we are all Somali (Iska iloow waxii dhacay ugu dambeenta kuligeen somali ayaan nahay) Calankaan waa calan gobol ama kumeel gaar inta ay somali isku imaanayso. LOVE YOU ALL.

  7. seynab says:

    asc wr wb
    Soomaaliland maxaa loola yaabay,ileen gobolo badan baaray wax wadada ufura

  8. Abdurahman says:

    Waxaan soojeedinaaya in la qaato Asli calaanka ay soo gudbiisi (heestana Mohamud Ahmed Abdulle Shiino ama heesta Puntland ku dayo. Waad mahadsantihiin.

  9. Bulxan says:

    a.c. salaan ka bacdi waxaan jeclaan lahaa inaan fikirkayga ka dhiibto calamada puntland loo samaynayo.

    Marka ugu horraysa waxaan jeclaan lahaa inaan xasuusiyo ummadda soomaaliyeed in lagu soo qaaday duullaan dhinac kasta ah, kaas oo uu gumaysigu doonayo inuu ugu hiilliyo dawladaha kiristanka ah ee aan oodwadaagta nahay, maxaa yeelay soomaaliya waxaa isha la geliyay sannadihii 77kii ee ay dagaalka adag kula jirtay dawladda Ethiopia, waxaa duullaan lagu qaaday dawladdii u dhisnayd, waxaa la baabi’iyay dhammaan wixii ay lahayd sharaf iyo astaan ummadnimo, halka dawladda Ethiopia markii mingiste ka baxay gacanta ay ku qabteen dawladihii ay dhinaca diinta walaalaha ka ahaayeen, taasoo loo diiday in la bililiqaysto hantida qaranka, halka dadkayaga lagu dhiirrigelinayay inay lasoo baxaan fiilooyinka dhulka hoostiisa ku aasan oo lacag laga siinayay iyagoon rabin si ay ubur-burto muuqaalka bilicdaleh ee caasimaddu.

    Sidaa naloogama harine, waxaa la qorsheeyay in lakala ilaaliyo soomaalida dhexdeeda iyadoo la adeegsanayo cudurka ugu weyn ee aan leenahay haddaan soomaali nahay kaasoo ah Qabiilka, waqti markii qabiilkii socday wixii ku bixi lahaana ay ku bexeen, ayaa laqorsheeyay wax la yiraahdo Federal, gobollo kala madax bannaan oo dawlad dhexe isugu yimaada, kadibna qoloba gaar ayaa dhegta loogu sheegay haddaad ku dhawaaqdaan gooni isutaag waanu ku aqoonsanaynaa, soomaaliland markii ay waddadaas mareenna waa looga baxay, maxaa yeelay markii horaba lama rabin in waxa aad rabto laguu qabto balse waxaa la rabay in la ogaado isteerinkaagu inta uu go’ayo inta ay le’eg tahay.

    Soomaali weyn waxay ahayd arrinta aan maanta ku gaarnay sharafta iyo karaamada intaas le’eg, haddaan noqonno dawlado yar-yar oo middeedba gaar ugo’do waxaan farax gelinaynaa dawladaha deriskeenna ah ee weli haysta gobollo soomaaliyeed oo u baahnaa in aan dib usoo ceshanno.

    Waxaa dhici doona dadka maanta ku farxaya calamada goonida ka ah kii soomaaliyeed in calanba calan kale ku duulo isagoo leh waxaan difaacayaa sharafta calankayga, marka waxaan ku talin lahaa aan ka shaqayno sidii calankii soomaaliyeed dadkii ku midaysnaa ee afka soomaaliga ah ku hadli jiray la isugu keeni lahaa, laakiin aqoon yahamiineey ha dhiirrigelinina hana soo dhoweynina kala qoqobidda ummadda soomaaliyeed ee halka calan wadaagta.

  10. axmed cumar putlander rer bosaso says:

    waxaan ka xumahay dadka dhaliishan ama ka soo hor jeeda calanka puntland hadaan nahay reer puntland muda badan ayaa waxaan sugaynay walaalahayaga reer koonfur in ay dhibaatada da reemaan oo sidaan urabo somaliweyn ay iila rabaan wali waan ka lahay waxana ka dhamaan wayeen dil dhac iyo matada oo labarakiciyo ayaan waxaan go aan saday inaan anigoo somali ah yeesho astaan ii gaar ah si laygu aqoonsado inaanan ahayn gobalkii nabada adna tahay ka dhibaatada somalida wada

  11. cali caynte geedi says:

    waan ku faraxsanahay in ay puntland gaartay maamul iyo kala dambeyn iyo sharciga oo ka sarreeya wax kasta soona saarato khayraadka dhulka hoostiisa ah waayo shacbiga Somaaliyeed waxaa cimrigoodi la degey tiradoodina yareeyey, dadkoodi cilmiga lahaana gumaaday dhallinyaradiina wax barasho ka horistaagay, wax soo saarkii dalka iyo horumarkii nololeedna ka istaagay, diintiina ka been sheegay qabaayilka ku abtirsada USC. marka looma baahna in la sugo ee gobolkii horumar gaari karaa horay ha u socdo somalida kalana oo ka soo baxsata USC ha soo dhaweeyo, Puntland iyo Somaliland waxay gaareen horumar ilaahey ha u siyaadiyo shisheeyana uma taliyo ee waa koofur gaar ahaan USC meesha shisheeyuhu u taliyaa oo hub iyo rassaas loo qaybiyaa laaluushna loogu daraa si ay isku dilaan qarannimada Somaaliyeedna ay hortaagnaadaan marka ha laga tashado ayagaa qiima tiray calankii Somaaliyeede ilaahey somaalida ha ka saaro tiiha USC-na ha soo hanuuniyo wabillaahi al-towfiiq

  12. garyaqaan says:

    Asc
    Aniga magaranayo baahida maanta nagu kalifaysa inaan yeelano calan gooni ah.waan haysanaa calan.
    Waakan baluuga ah ee xidigta dhexda kaga taalo muujinaya somaliweyn.
    Nin fikradiis khaldan yaan nagula sacodsiin.

  13. mareero says:

    ASCWW, marka hore waxaan rabaa inaan tusaaleeyo walaakey cabdulqaadir oo meeshuu ka hadli lahaa calanka keebaa qurxoon ama calan in laga dhigto u haboon u booday dhinac kale, waxaa iga weydiin ah dadka reer puntland ma diintii bey ku caasiyeen? Ma awaamiirtii ILAAHAY bey diideen oo xaqii ILAAHAY la soo diray nabigeena scw bey ka horyimaadeen? Mise wax kale oo aanaan ogeyn baa jira?
    Haddaba walaal horta dadku wa dad islaam ah diintana ku dhaqma ee kow dheh, hadii ay calan sameystaana diintu oran ay meyso calan baad sameysateen oo diintii waad ka baxdeen. Diintana waxaa looga baxaa adigoo ILAAHAY ku kufriya wixii nabigeen scw lala soo dirayna baal mara.
    Marka si fiican ugu fiirso qoomkaad sheegtay waxa ILAAHAY uu ugu carooday ma calan bey sameysteen miyaa mise awaamiirtii ILAAHAY bey khilaafeen.

    Mida kale aniga waxaa ila haboon in la qaato mid ILAAHAY magiciisa ku qoran yahay, quruxna waxaa iila qurxoon kan Asad ee waxaan oran lahaa ha lagu daro ILAAHAY ISIMKIISA.

  14. Yaabane!! says:

    Salaam, idinkoo aad ugu mahadsan fursadda aad na siiseen. Inta aana ka hadlin astaamaha la soo bandhigay, Anigu waxaan qabaa su’aal; horta ma u baahanahay inaan calan gooni ah yeelano? maxaan ugu baahanahay? maxaa laga helayaa hadi la sameeyo, ama lagu waayayaa hadii aan la sameeyn?.

  15. maxamed shiikh cabdidahir(shiinadheere) says:

    asw
    war waxba ha qaadanine e soomali ka mid ahaada

  16. Axmed Xaaji says:

    aniga waxaan ka soo horjeedaa kala goynta aad kala goyneysaan Soomali wayn.. taasna waa khalad ee maamulka puntland waxaan uga baaqayaa in ay ka noqdaan go’aankan lagu smaynayo calanka gaarka ah.. waa fikrad ay ku taamayanaa dadka jecel kala go’go’a soomaaliwayn,,,, somaaliya ha noolaato

  17. Puntlander says:

    soomalida waxaa ku kala jira cuqdad, puntland waa wadan ka horumarsan somalida kale, dadka koonfur dagan oo aan jid iyo jaho midna lahayn aad ayay noo dayaceen, fursado badan ayayna naga dhumiyeen, tankale Puntland waa state waa in ay yeelataa calan iyo astaan u gaar ah,

    Puntland ku dayo, Puntland ku dayo

  18. Cali says:

    Dhamaantiin waxaad ilowdeen inaad calanka meel uga yeeshaan inaan mustaqbalka dooneyno inaan ithiopia xubin ka noqono.

    dadbaa laga yaabaa ineey hadalkeyga la yaabaan lakin waa iga dhab inagu waxaan ogahay inaan hadaba nahay dad ka tirsan deegaanka somaaliida ee Ithiopia.

  19. Run-sheeg says:

    CALAN WAXAA IDINKU FILAN KII SOOMALIYA EE BULUUGA XIDIGTANA AY DHEX TAALO, WAXAANA U ARKAA IN HADII AAD CALAN SAMEYSATAAN AAD GO’I DOONTAAN SIDA UU KA DHAWAAJIYEY FAROOLE EE UU YIRI HA DHIHINA DOWLAD GOBOLEED EE WAXAAD TIRAAHDAAN DOWLADA PUNTLAND, ODAYAASHIINA SIYAASADEED MUNAAFIQNIMADA WAA LAGU OGAA WAANA KUWII WADANKA SOO GELIYEY GUMEYSI KII UGU HOREEYEY, OO CAADADIINA EE MA AHA CEEBTIINA.

  20. amin says:

    hadan rayigayga ka hadlo aniga calaamadasi waxay katahay agtayda xusuus aad iyo aad uwayn wayo calamadan aniga oo 6 jira ayaan abayashay ka maqli jiray markaa waxaan ka codsanayaa dhamaan aqonyahanada inay sidii losi tageeri lahaa calamadaa falawgeeda ay qabtaan wabilaahi tawfiiq.

  21. amin says:

    aniga waxaa iga rayi ah in ay doorato dawlada buntiland noca dhexe wayo si aad uqurux san aya lo diyariyay markaa noca dhexe.

  22. Cabdiqaadir says:

    Waxay ilatahay calanka asad inshaaray inuu yahay midka ugu fiican waayo wuxuu muujinayaa midnimo,cir,Dhul iyo Badba marka kaasaa iigula haboon in loo doorto.

  23. ILKACASE says:

    WAA MUWAADINIIN DHAB AH WAAYO WAXAY QAATEEN DHAMAAN ASTAAMIHII LAGU YIQIIN PUNTLAND SIDA ( FARDAHA,MAYDIGA,DHIISHA,ARAGOOSTADA,LIBAAX BADEEDKA IYO MIDABADABA

    WAXAAN IDIIN RAJAYNAYAA GUUL. TEEDA KALE WALAAL IGALA SOO XIRIIRA TEL +1556789 MUGDISHO

  24. Dalshis says:

    MAANSHA ALLAH HADII AAN LAYS XASTAYN WAA CALMO AAD U QURUX BADAN KANA TURJUMAAYA SOOMALINIMO,HORUMAR IYO WELIBA KHAYRAADKA PUNTAND ALLE KU MANAYSTAY.

    HADII ANIGA AAN KA MID AHAY GUDIGA DOORASHADA WAXAAN DOORAN LAHAA NABAD IYO CAANO AMA KAN XAMBAARSAN GEEDKA MAYDIGA AH OO KA TURJUMAYA MAGACA PUNTLAND

  25. amina says:

    inkasta ey calaka somaliyeed an ka xumahay in la badalo lakin hada wa qasab danta keentay

  26. cabdulqadir says:

    waa arin iska dabiici ah mar hadii qoom ay ku dhacdo masiibada rabaaniga ah in ay talo iyo tabarba waayaan, miisaankuna ka dhumo wax lagu kala sooco.waxay u eg tahay xaalada soomaliya middii ku dhacaday reer banii israaiil berigii ay diideen hadalkii nabiyullaahi muusaa cs.taasoo cirbteedi noqotay tiiiih. bal u fiirso waxa ay ku hadlayaan dadkan iyagoo aan ogaynba waxa ay sheegayaan ciribtooda iyo waxa ay dhaxal ahaan uga tegayaan ubadkooda.waa yaabe goormay kala qaybini midnimo noqotay?.calan ayaan gaar ah ayaan leeyahay hadana idnimo ayaan u taaganahay waa howlaha soo baxay qarniga cusub ee dadka la barayo
    hadii arinku uusan ahayn ruwaayad loo dhigayo ubadka danbe isla markaana aysan ka danbaynin gacan cadow shisheeya ah maxaa looga baahday oo kenay calanyeelasha goonida ah iyo midaba doorsiga cajiibka ka ah mise waxay dadka arinkaan wada a tahay in soomalidu joogto berigi dadka aqoontoodu yarayd oo wax kasta loo sheegi jiray
    hadii aad maanta calan samaysataan waxaan jeclaha inaad samaysataane, ogaada jinabaas waxaan ubadkiina ahayn inaysan ku dhici doonin mustaqbalka dhow iyo kan dheerba. maxaa yeelay soomalidu waxay ku maahmaahdaa deb ninkii shidaa ku gubta.

  27. amina says:

    wwwww calanka dhaxda ayaa qurux badane reer puntlanad qata kan dhaxda